Thursday, October 22, 2020

Muxuu Muuse Biixi ku soo arkay xarumaha Maamulka ee Magaalada Boorame? (Sawirro)

– Advertisement –

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo maalintii labaad ku sugan magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay xarumaha dawladdu ku leedahay magaalada Boorama, isagoo xadhigga ka jaray Buundo cusub oo laga hirgeliyey gudaha magaalada gaar ahaan dooxa haye-yaabe, waxaanu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, habeenimadii xalay kulamo la qaatay madax-dhaqameedka gobolka Awdal.

Madaxweynaha oo ay wehlinayaan xubno kamid ah weftiga uu hoggaaminayo ee safarka shaqo ku jooga magaalada Boorama, ayaa kormeeray xafiiska badhasaabka gobolka Awdal, xafiiska wasaaradda Horumarinta maaliyadda iyo xarunta dawladda Hoose ee Boorama, waxaana uu halkaas ku soo dhaweeyey oo uu warbiximo kaga dhegaystay masuuliyiinta qaabilsan xafiisyadaas, kuwaasoo ka warramay halka ay shaqadu u marayso iyo qorsheyaashooda mustaqbalka, isagoo dhinaciisana madaxweynuhu ku adkeeyey inay sii laban-laabaan dedaalkooda, xil weynna iska saaraan gudashada waajibaadka saaran.

Kormeerka shaqo kaddib, waxa uu madaxweynuhu xadhigga ka jaray Buundo cusub oo isku xidhaysa magaalada Boorama iyo xaafadda Haye-yaabe oo dhawaan la dhammaystiray, waxana madaxweynaha iyo weftigiisa goobta xadhig-ka-jarista kusoo dhaweeyey bulshada ku dhaqan xaafadda Haye-yaabe.

Maayarka magaalada Boorama, Mudane Saleebaan Xasan Xaddi oo hadallo kooban ka jeediyey madasha xadhig-ka-jarista Buundada cusub, ayaa hoosta ka xarriiqay inay cashuurtii ay ummadda ka qaadeen ku dhiseen buundada, islamarkaana ay muhiimad gaar ah siiyeen sidii ay bulshadu uga bixi lahayd caqabadda dhinaca isu socodka ka haysatay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo si kooban uga hadlay xadhig-ka-jarista, ayaa bogaadiyey cid kasta oo gacan ka geysatay dhismaha Buundada, isaga oo caddeeyey inay ka go’an tahay in meesha laga saaro caqabad kasta oo ku gedaaman bulshada deegaanka Haye-yaabe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –

This post first appeared on Allbanaadir.com. Read the https://www.allbanaadir.org/?p=167417original article

Related Articles

SAWIRRO: Ujeedka Safarka Mahdi Guuleed ku tegay Uganda oo la Ogaaday

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Wafdi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare ku xigeenka magacaaban ee dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo gaaray dalka Uganda ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha dalkaasi, Mudane Yuweri Museveni. Mahdi Guuleed ayaa waxaa socdaalkan ku wehlinayo Marwada koowaad ee dalka Seynab Cabdi Macalin, iyada oo soo soo dhoweeyn loogu sameeyey madaxtooyada Uganda. Ujeedka wafdigan ay u tageen dalka Uganda ayaa ah ka qeyb-galka munaasabad lagu furay shirkad ballaaran oo soo saarta Sokorta, taas oo ay leedahay haweeney Soomaaliyeed oo ganacsi ballaaran ku leh, qaar ka mid ah dalalka Barigga Afrika. Sidoo kale wafdigan ayaa qeyb ka ah wafuud ka kala timid caalamka oo furaya warshadda Sokorta. Marwo Aamina Xirsi Mooge oo ah haweeney leh shirkadaasi ayaa ka mid ah haweenka Soomaaliyeed oo horumarada ganacsi ka sameeyey guud ahaan Qaaradda Afrika Soomaaliya ayey tani u tahay fursad aad u weyn, iyada oo u suurta-gelineyso inay ka soo muuqato dalalka ay haweenkooda sameeyeen horumarada ganacsi, siiba warshadaha. Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp

Dagaal qaraar oo ka dhacay degaanka Cabdalla Biroole ee duleedka magaalada Kismaayo.

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Dagaalka oo u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa dowlad goboleedka Jubbaland iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa ka dhacay degaan ku yaalla duleedka Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose. Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii Al-Shabaab ay wadada u galeen Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland oo ka tegay Kismaayo, xilli ay marayeen meel u dhow degaanka Cabdalla Biroole , waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday in ku dhow saacad. Goobjoogayaal ayaa waxay sheegeen in ka hor dagaalka ay maqlayeen jug culus oo wararka qaar ay shegayaan in uu qaraxa ahaa, waxaana la sheegay in dagaalka uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Ciidamada la weeraray oo watay Gaadiidka nooca dagaalka ayaa socdaalkoodii sii watay, iyaga tegay Saldhiga Ciidamada Jubbaland ay ku leeyihiin degaanka Cabdalla Biroole. Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaasi ay ku dileen laba kamid ah Ciidamada ay weerareen oo ka tirsan kuwa Jubbaland, wallow saraakiisha Ciidamada Jubbaland aysan weli ka hadlin. Dhanka kale wadada xiriirisa Magaalada kismaayo & degaanka Cabdalla Biroole ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay dagaal u dhaxeeyay CiidamadaJubbaland iyo Al-Shabaab iyo qaraxyo miinada nooca dhulka la gelyo ah, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan oo askarta gaaray. Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Previous articleImaamka Cusub oo u Amba-baxayo Xalinta Deegaanka Burdheere!!!

Stay Connected

20,891FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

XOG: Farmaajo oo amar ku bixiyay in lala weeraro xarunta Ololaha Doorashada Kheyre ee Muqdisho

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Ilo xog ogaal ah inoo sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qorsheyneyso iney la wareegto xarunta Ololaha Ra’iisal wasaare Kheyre oo ah Hotelka Paradise oo dhowaan uu kireystay. Madaxwweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu amar ku siiyay Hay’adaha amniga iney baaritaan ku sameeyaan gudaha Hotelka & waxa ka socda inkastoo warkaas dibada u soo bixin. Sida aan xogta ku helnay, Ra’iisal wasaare Rooble oo saaxiib dhow la ah Xasan Cali Kheyre gaartayna fariinta madaxweynaha ayaa taageerin fikirkaas,isagoona wada qorshe xal loogu raadinayo arrintaas. Siyaasadda Xasan Cali Kheyre iyo madaxweyne Farmaajo ayaa wanaagsaneyn tan iyo markii Xildhibaanada golaha shacabka bishii July codka kalsoonida kala laabteen Ra’iisal wasaarihii ugu waqtiga dheeraa ee mudada bur burka ah dalka soo maray. Hotelka Paradise ayaa la xusuustaa in sanadkii 2016 ay Xarun Olole u aheyd Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke. Sidoo kale, Mr, Kheyre ayaa sameystay saaxiibo badan oo ka caawiya ololaha doorashada, kuwaas oo kala shaqeynaya dhinacyo badan sida Baraha Bulshada, soo xera gelinta dadweynaha kuwooda ugu saameynta badan iyo ganacsato xagga dhaqaalaha ka taageeri doona. Ilo xog ogaal ah oo ku dhow Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa inoo sheegay in mas’uulkan uu rajo badan ka leeyahay siyaasadda Soomaaliya gaar ahaan Kursiga ugu sareeya dalka oo musharaxiin badan u ordayaan. Dadka Siyaasadda falanqeeya ayaa ku waramaya in Xasan Cali Kheyre uusan dhigaal wanaagsan oo dhanka siyaasadda ah sameysan,islamarkaana uu mudadii xafiiska joogay si wanaagsan ula dhaqmay badi siyaasiyiinta miisaanka culus kuleh siyaasadda dalka gaar ahaan madaxweynayaashii hore ee dalka. Musharax madaxweyne Xasan Cali Kheyre ayaa hadda olole siyaasadeed oo aad u xooggan ka wada magaalada Nairobio oo ay ku sugan yihiin badi siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Dowladda. Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp

Imaamka Cusub oo u Amba-baxayo Xalinta Deegaanka Burdheere!!!

Imaam Daahir Imaam Maxamuud oo dhawaan loo duubay saldanada Imaamnimo ayaa ku fool leh Degmada Cadale, si uu halkaasi uga bilaabo Dib u heshiisiin ku aadan xal u helida dhibaatada Burdheere oo dhawr sanno jirsatey!!! Abaabul ku saabsan arintaas ayaa laga dareemayaa hoyga uu Magaalada Muqdisho ka degan yahay Imaam Daahir. Booqasho la xiriirta arinta Dib u heshiisiinta Burdheere waxaa maanta hoyga Imaamka ku tagay Madax uu hogaaminayay Madaxweyne Cali Mahdi, kuwaasi oo Imaamka la wadaagay tallooyin ku aadan dhamaynta arinta Burdheere!!! Lama iga inuu Imaamka cusub ku guuleysan doono nabadayntan iyo in kale, guul dhaqan ayay Imaamka cusub u noqon doontaa haddii uu ku najaxo xalinta dhibaatada Burdheere!!!

This post first appeared on Allbanaadir.com. Read the https://www.allbanaadir.org/?p=167417original article