Sunday, October 25, 2020

Muxuu guddoomiye Cawad kursigiisa ugala soo cararay PUNTLAND?

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Linkedin

Email

Print

Viber

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo ka hadlayey munaasabad loo qabtay Madaxweynaha Puntland ayaa soo hadal qaaday arrimo ku aadan doorashada xildhibaada ee socota, siiba kuraasta xildhibaanada ee taalla dowlad goboleedyada.

Cawad ayaa sheegay in madax goboleedyada ay culeys saarayaan kuraasta xildhibaanada, gaar ahaan kuwa aan xiriirka wanaagsan la laheyn.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in kursigiisii uu ka soo wareejistay Puntland, islamarkaana uu keensaday Galmudug, sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiye xigeenka labaad ee baarlamaanka oo sii hadlayey ayaa ku goodiyey, haddii xildhibaanada laga joojin waayo cadaadiskaas inay aysan ansixin doonin heshiiska ay Muqdisho ku gaareen dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka.

“Haddii aad heshiiseen, annaga qayb ayaan ka nahay, kursigeyga waxa aan u wareejistay Galmudug ee Saaxiibada kale hakaa nabad galaan, Doorasho ayaan usoo soconaa ee ammaan hala idinka helo, haddii kale Sooma ahan, Wallaahi ma ansixineyso heshiiskaas” ayuu yiri ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka.

Cawad ayaa deegaan doorashadiisu ay tahay degmada Towfiiq ee gobolka Mudug, gaar ahaan dhinaca Puntland, ayaa cabsi uu qabo darteed kursigaas u wareejistay Galmudug.

Arrimahan oo horey looga digay ayaa ku soo aadaya, xilli aad loogu sii dhawaanayo doorashada xildhibaanada iyo tan Madaxweynaha ee 2020/2021-ka.

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Linkedin

Email

Print

Viber

This post first appeared on Caasimada Online. Read the https://www.caasimada.net/muxuu-guddoomiye-cawad-kursigiisa-ugala-soo-cararay-puntland/original article

Related Articles

Liverpool Oo Loo Sheegay In Ay Haatanba Haysato Badalka Sadio Mane Hadii Uu Ka Tago Kooxda

Xiddigii hore ee kooxda Liverpool ee Stephen Warnock ayaa Liverpool u sheegay in ay haatanba haystaan badalka tooska ah ee Sadio Mane hadii ay...

Wareegto uu soo saaray Muuse Biixi oo lagu sheegay in Saamaxaad loo fidiyay Maxamed Cumar Carte

Hargeysa (WDN)- Wareegto ka soo baxday Xaifiiska Madaxweynaha Soomaaliland Md. Muuse Biixi, ayaa lagu sheegay in loo fidiyay saamaxaad Xildh. Maxamed Cumar Carte, kadib markii uu ka noqday fikirkiisii hore. Wareegtada laguma qeexin waxa ay tahay fikirkiisii hore, iyada oo … Continued The post Wareegto uu soo saaray Muuse Biixi oo lagu sheegay in Saamaxaad loo fidiyay Maxamed Cumar Carte appeared first on WardheerNews .

Waa Maxay Ujeeddada Faransiisku uu xiligan Ka Leeyahay Kenya ?(Wax badan ka Ogow)

Arbacadii September 30, 2020 ayaa Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta kula kulmay dhiggiisa Faransiiska Emmanuel Macron magaalada Paris. Safarka oo ku soo beegmay xilli Covid-19 uu dunida aafeyey ayaa  ahaa mid ujeeddo badan leh oo ay Faransiiska iyo Kenya ku kala saxiixdeen heshiisyo maalgelin gaarayay 1.6 bilyan yuro si loo xoojiyo xiriirka labada dal. Bishii March […] The post Waa Maxay Ujeeddada Faransiisku uu xiligan Ka Leeyahay Kenya ?(Wax badan ka Ogow) appeared first on Allbanaadir.com.

Stay Connected

20,915FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Kooxda Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Champions League Xilli Ciyaareedkan Oo La Saadaaliyay

Tababaraha Kooxda Shakhtar Donetsk ee Luis Castro ayaa kooxda Real Madrid u saadaaliyay ku guulaysiga champions League xilli ciyaareedkan inkasta oo ay Los Blancos guuldro ku bilaabatay tartanka. Kooxda Real Madrid ayaa guuldaro 3/2 ah kala kulantay kooxda Shakhtar Donetsk kulankoodii ugu horeeyay ee wareega Group-yada tartanka. Luis Castro oo arintaas ka hadlaya ayaa wargayska AS u sheegay”Real Madrid waa Real Madrid wax walba oo dhaca, waa mid ka mid ah kooxaha ugu fiican adduunka, hadii ayna ahaynba kuwa ugu fiican”. “Anigu waxa aan arkaa in ay Real Madrid ugu cad-cadahay ku guulaysiga champions League, bal eega waxa ay ku dhigeen Barcelona”.

Dr A. Osman Caseyr ”Aqoonyahanadda Beeraha waxaa saaran waajib ah in ay la yimaadaan horumarinta Beeraha…”

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Barnaamijka Arimaha Degaanka oo aan ku wareysano aqoonyahanadda beeraha si loo horumariyo ayaa manta wax mart noon ah Cabdullahi Cosmaan Caseyn oo sanadkii 1988 ka qalinjabiyey kulliyadii jaamacadda Beeraha oo hadda ku sugar magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu yiri ”Aqoonyahanadda Beeraha waxaa saaran waajib ah in ay la yimaadaan horumarinta Beeraha…”. Wasa inom soo wareysatay oo marwalkbo wareysato aqoonyahada beerha Ikram Cali Kaar. [embedded content] Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Previous articleMadaxweyne Deni oo furay Kal-fadhiga 47-aad ee Golaha Wakiillada Puntland+Sawirro

This post first appeared on Caasimada Online. Read the https://www.caasimada.net/muxuu-guddoomiye-cawad-kursigiisa-ugala-soo-cararay-puntland/original article