Wednesday, October 28, 2020

Muxuu Cawad kursigiisa ugala soo cararay Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo ka hadlayey munaasabad loo qabtay Madaxweynaha Puntland ayaa soo hadal qaaday arrimo ku aadan doorashada xildhibaada ee socota, siiba kuraasta xildhibaanada ee taalla dowlad goboleedyada.

Cawad ayaa sheegay in madax goboleedyada ay culeys saarayaan kuraasta xildhibaanada, gaar ahaan kuwa aan xiriirka wanaagsan la laheyn.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in kursigiisii uu ka soo wareejistay Puntland, islamarkaana uu keensaday Galmudug, sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiye xigeenka labaad ee baarlamaanka oo sii hadlayey ayaa ku goodiyey, haddii xildhibaanada laga joojin waayo cadaadiskaas inay aysan ansixin doonin heshiiska ay Muqdisho ku gaareen dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka.

“Haddii aad heshiiseen, annaga qayb ayaan ka nahay, kursigeyga waxa aan u wareejistay Galmudug ee Saaxiibada kale hakaa nabad galaan, Doorasho ayaan usoo soconaa ee ammaan hala idinka helo, haddii kale Sooma ahan, Wallaahi ma ansixineyso heshiiskaas.” ayuu yiri ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka.

Cawad ayaa deegaan doorashadiisu ay tahay degmada Towfiiq ee gobolka Mudug, gaar ahaan dhinaca Puntland, ayaa cabsi uu qabo darteed kursigaas u wareejistay Galmudug.

Dhankiisa oo Deni oo hadalka qaatay ayaa u jawaabay Cawad, wuxuuna yiri “Xildhibaan Mahad Cabdalla Cawad waxa aan leeyahay kursiga aad ka raratay Puntland waad kusoo ceshan kartaa, waxaana kuu damaanad qaadayaa haddii uu dib usoo ceshado in aan ku qabi doonin walwal, in aad garab naga heshaan mooyee, walwal kale hanaga rajeynina.”

Arrimahan oo horey looga digay ayaa ku soo aadaya, xilli aad loogu sii dhawaanayo doorashada xildhibaanada iyo tan Madaxweynaha ee 2020/2021-ka.

This post first appeared on Caasimada Online. Read the https://www.caasimada.net/muxuu-cawad-kursigiisa-ugala-soo-cararay-puntland/original article

Related Articles

Shaxda Rasmiga Ah Ee Juventus Vs Barcelona & Man United Vs RB Leipzig: Xiddigaha Ku Bilowday Kulamada Champions League Caawa.

Waxa la ciyaari doonaa caawa kulamo xiiso leh oo tartanka champions Leageu ah iyada oo ay isaga hor iman doonaan kooxo isha ku haya guulo. Barcelona ayaa marti u noqon doonta kooxda Juventus iyada oo uu tababare Ronald Koeman sameeyay go’aan la yaab leh isaga oo kaydka dhigay xiddiga wacdaraha dhigaya ee Ansu Fati kuna bilaabay xiddiga Pedri halka uu garabka ku bilaabay xiddiga Dembelé. Dhanka kale Ole Gunnar Solskjaer ayaa si lama filaan ah kaydka u dhigay xiddiga ugu fiican ee Kooxda Marcus Rashford. Sidoo kale Solskjaer ayaa kaydka dhigay xiddigaha Fernandes Iyo McTominay kuwaas oo ku bilowday kulamadii ugu dambeeyay. Shaxda Rasmiga Ah Ee Juventus Vs Barcelona: Juventus: Szczesny; Cuadrado, Demiral, Bonucci, Danilo; Kulusevski, Bentancur, Rabiot, Chiesa; Dybala, Morata Barcelona: Neto; Sergi Roberto, Araujo, Lenglet, Jordi Alba; Pjanic, De Jong; Pedri, Messi, Dembelé; Griezmann SHaxda Rasmiga Ah Ee Man United Vs RB Leipzig: Man United: De Gea, Wan-Bissaka, Lindelof, Maguire, Shaw, Fred, Matic, Pogba, Van De Beek, Greenwood, Martial. Kaydka: Henderson, Fosu-Mensah, Mengi, Tuanzebe, Williams, Fernandes, James, Mata, McTominay, Cavani, Ighalo, Rashford. RB Leipzig: Sii Akhriso: Aflagaadeynta Nabiga waa aflagaadeynta Muslimiinta oo dhan

Wasiir ku-xiggeenka cusub ee Wasaaradda caafimaadka oo xilka la wareegay “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Wasiirka Caafimaadka, Xildhibaanno tirsan Baarlamaanka, xubno ka socday xafiisyada Madaxweynah iyo Ra’iisul wasaaraha, Dhakhaatiir, aqoonyahanno iyo marti sharaf kale ayaa ka qeyb galay munaasbad ay xilalka kula kala  wareegayeyn Wasiir ku-xigeenkii hore iyo Wasiir ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya. Wasiirkii ku xigeenka hore ee Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya Maxamed Saciid Cabdullahi ayaa sheegay in dowladnimo xoogan lagu gaari karo iskaashi iyo in wadajir lagu wadasheeyo. Wasiirkii ku xigeenka cusub ee Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya  Axmed Xuseen Macalin (Gurey) ayaa sheegay in Wasaaraddu ay ka mid tahay laf dhabarka howlaha dowlanimo, isla markaana uu ka shaqeynayo sidii loo balaarin lahaa adeegyada caafimaadka dalka. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in la soo qabtay shaqo adag saddexdii sano ee lasoo dhaafay, waxaana ay uga mahadcelisay Wasiir ku-xigeenka qeybti cusleyd uu ka soo qaatay.

Yaa Al-Shabaab u gudbiya xogta dekedda Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) –  Kooxda Al-Shabaab ayaa badanaa ka war haysa dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee dekedda Muqdisho, iyada oo xogtaasi u gudbiyaan shaqsiyaad ka tirsan dowladda, sida ay shaacisay warbixin uu baahiyey machadka Hiraal. Warbixintaasi ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay awood u leedahay inay garato cashuurta ay ka qaadayso ganacsiyadaasi, maadama ay manifeestada wax soo dejinta ka hesho shaqaalaha dawladda, gaar ahaan kuwa ka shaqeeya dekedda oo la leh wada-shaqeyn. Al-Shabaab ayaa xogtaasi u adeegsata xadiga canshuurta, iyada oo dalbata canshuurta kastamka ee dhammaan wixii la soom dejiyay, midaasi oo ka dhigan in kooxdu wax u canshuurto qaab lamid ah dowladda, balse ka dhaqaale badan. Intaas kadib kooxda ayaa xadiga canshuur ee ay go’aamisay u gudbisa ganacstada wax kala soo dega dekadda, taasi oo aan la hayn wax gor-gortan ah, sida lagu sheegay warbixinta. Ganacsatada ayaa badanaa bixiya lacagaha ay kusoo dalacdo kooxdaasi, iyaga oo u arka inaysan jirin cid sugi karta amnigooda, haddii ay u hogaansami waayan lacag bixintoodaasi, midaasi oo aysan dowladdu awood u laheyn maadama ay maamulkeeda ka dhex shaqeeynayso kooxdani. “Arrin aad u muhiim ah oo usuuro gelisa in Shabaab cashuur uruursato ayaa ah awoodda ay u leedahay helidda waraaqaha dekedda alaabta lagaga soo caddeeyo (manifest) marka ay doonaan, iyaga oo ka helaya dadka dawladda ugu jira ee lashaqeeya” ayaa lagu yiri warbixinta. Waxa kale oo lagu yiri “Sidaa daraadeed, ganacsatada way ku adag tahay in ay ka qariyaan hawlahooda kooxda, marka taa lagu daro awoodda kooxdu u leehay inay hawlo ka fuliso meelaha magaalooyinka ah, way ku adagtahay in ganacsatadu diiddo in ay bixiyaan lacagta kooxdu rabto”. Kooxda ayaa inta badan xoriyad buuxda gaancsigooga u siisa ganacstada siiya canshuuraha ay dalbadaan, halka kuwa diidana mutaan ciqaab adag, isla markaana noloshooduna halis gasho. Canshuurta ay kooxdu bishii aruuriso ayaa lagu sheegay marka la isku wada daro inay tahay ugu yaraan 15-milyan oo doollar, taasi oo ka dhigeysa in maleeshiyadaasi ay qaado canshuuro ka badan midda dowladda, iyada oo kala bar lacagahaasi ay kasoo xaroodaan magaalada Muqdisho.

Stay Connected

20,934FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Taliyayaasha Ciidamada Milatariga iyo Booliska oo ku sugan Galmudug

Facebook Twitter WhatsApp Linkedin LINE Taliyaha Ciidanka Xooga Soomaaliya Somalia Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage iyo wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayay ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug. Booqashada General Odowaa ee magaalada Dhuusamareeb ayaa la xiriirta sidii dib u habayn loogu sameyn lahaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo weliba sidii looga bilaabi lahaa howlgalo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-shabaab deegaanada Galmudug. Sidoo kale Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed General Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sugan Galmudug waxana uu maanta gaaray magaalada Cadaado. Taliye Xijaar ayaa shalay safar dhanka dhulka ku gaaray Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud, isagoo safarkiisa yahay mid la xiriira amniga deegaanada Maamulka Galmudug iyo sahan ku aadan amniga Doorashada 202/2021. Facebook Twitter WhatsApp Linkedin LINE Previous articleDiiq diley askari ka tirsan ciidamada Booliska dalka Filibiin