Wednesday, October 28, 2020

Muxuu Axmed Madoobe ka yiri Magacaabida RW Max’ed Xuseen Rooble?

– Advertisement –

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa soo dhaweeyay magacaabida Wasiirka Koowaad ee Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Waxaa Madaxweynahu uu Alle uga baryay Ra’iisul Wasaaraha Cusub in uu la garab galo shaqada Culus ee hortaala xiligan kala guurka ah oo dalka ay tahay inay ka dhacdo Doorasho ku qabsoonta wakhtigeeda.

Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed ayuu Madaxweynahu ugu baaqay inay ku gacan siiyaan Ra’iisul Wasaaraha Cusub shaqada adag ee hortaala si looga dhabeeyo himilooyinka Shacabka Soomaaliyeed ee dhinacyada kala duwan isla marakan uu shaqadiisa uga soo dhalaalo sida ugu wanaagsan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu Maxamed Xuseen Rooble u magacaabay Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

[email protected]

– Advertisement –

Related Articles

Gudoomiyaha Gobolka Sool oo Fasilay Sidii Qaabkii Gobolka Looga Saaray Ninka.Lagu Magacaabo Qaad_diid

October 28, 2020 | Published by: yaska Gudoomiyaha Gobolka Sool Cabdiqani Jiidhe ayaa sheegay in Qaad-diid uu sifo qaldan ku soo galay magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Somaliland. Gudoomiyaha oo War saxaafadeed ku qabtay xafiiskiisa ayaa waxa uu si aad ah u dhaliilay Qaadiid isagoo sheegay in uu doonayey inuu shirar ku qabto magaalada isagoo aan ogolaansho u haysan. Wacaanuu ku Dooday Badhasaabku sidan “Waxaan ahay masuulka ugu sareeya gobolka wax xog ah oo aan ka hayey imaanshihiisa ma jirin, mida kale socodkiisu kama madhnayn siyaasad,ah inuu Dhowaan amaanayey Farmaajo, Shalayna Cabdiweliga Puntland, nimankaana kala mabda baan nahay” ayuu yidhi Jiidhe waxaanu meesha ka saaray in wax ogolaansho ah uu soo weydiistey maamul ahaan. Hadalka gudoomiyaha ayaa yimi markii ciidanka Boolisku ay magaalada Laascaanood ka masaafuriyeen Abuukar Qaad-diid taas oo baraha bulshada si aad ah loogu hadal hayo.

Munaasabad lagu soo dhaweynaayey dib u magacaabista wasiir Beyle oo lagu qabtay Muqdisho

Munaasabad lagu soo dhaweynayay dib u magacaabidda Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa lagu … Munaasabad lagu soo dhaweynaayey dib u magacaabista wasiir Beyle oo lagu qabtay Muqdisho Read More »

Stay Connected

20,933FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Murashixiinta Maraykanka oo Mid waliba la Dardaarmay Taageerayaasheeda

October 28, 2020 | Published by: yaska Iyadoo hal Todobaad oo kali ahi ay ka hadhay maalinta ay dhici doonto Doorashada Madaxtinimada Mareykanka, Madaxweyne Trump oo ka socda Xisbiga Jamhuuriga iyo Musharraxa xisbiga dimoqraadiga Joe Biden, Ayaa Talaadadi ka Ololeeyey Gobollo ka mid ah kuwa Go’aanka ka gaadha doorasho madaxtinimada. Ama Ugu Codka Badan. Joe Biden oo ahaa Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka, Ayaa ololihiisa Doorashada ee Shalay oo  Talaado ahayd xoogga ku saaray gobolka koofureed ee Georgia, oo tan iyo Sannadkii 1992-ki aanu madaxweyne ka socda xibiga dimoqraadiga ku guuleysan doorashada. Biden ayaa u ballan qaaday dadka reer Georgia inuu noqon doono madaxweynaha dhamaan dadka Mareykanku Ku Hirtaan isaga oo aan eegi doonin Siyaasadda xisbiyada. Madaxweyne Trump ayaa isna ka ololeeyay saddedx gobol oo laba ka mid ahi ku xoogganyihiin dimoqraadiyiinta kuwaasoo kala ah Michigan, Wisconsin iyo Nebraska. Gobolladaasi ayuu kaga guuleystay sannadki 2016-kii Hillary Clinton oo ka socotay Dimoqraadiyiinta. Khudbad uu ka jeediyay magaalada Lansing ee caasimadda gobolka Mishigan, ayuu Trump ku sheegay in Biden uu taageeray heshiiskii Ganasiga Xorta ah ee Waqooyiga America ee Nafta ee uu Trump ka saaray Mareykanka iyo soo galasti uu Shiinaha soo galay Ururka Ganacsiga Aduunka, Labadaasi qodob oo uu Trump sheegay in ay dhaawacday wax soo saarka baabuurta iyo sancooyinka kale ee gobolka Mishigan. Doorashada madaxtinimada Mareykanka ayaa lagu wadaa in ay dhacdo 3-da bisha foodda nagu soo heysa ee November