Sunday, October 25, 2020

Muqdisho: Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo Xukun Ku Riday Rag Lala Xiriiriyey Al-shabab

Xasan Cabdi Aadan Nuur & Cumar Xuseen Abshir Jaabir  ayaa loo haystaa ka mid ahaanshiyaha Alshabaab gaar ahaan in ay ahaayeen Hoggaamiye  iyo Darawalkiisa si gaar ah uga shaqeyn jiray deegnnada xiriirsan  degmada  Balcad & deegaanka Basro ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Weerar ay ku qaadeen fariisin ay ciidamada xoogga dalka ku lahaayeen cirifyka ay degmada Deyniile ee gobolka Banaadir kala wadaagto Basro ee gobolka Shabeellaha  dhexe ayaa labada Eedeysane lagu soo qabtay iyaga  oo dhawaac ah bishii November sanadkii tegay 2019-ka.

Hey’adaha Caafimaadka Dowladda ayaa isku howlay sidii ay u baxnaani lahaayeen Maadaama dhaawacyo ay gaareen, waxaana 11-kii March Sanadkan ay ku wareejiyeen xafiiska Xeer Ilaalinta oo xilligaas codsaday in xabsiga dhexe loo taxaabo Xasan iyo Cumar, si’ay u soo dhameystiraan eedaha labada eedeysane Baaristooda.

Xasan Cabdi Aadan Nuur ayaa ahaa madixii Maaliyadda degmada Balcad u qaabilsanaa  Alshaaab laakiin waxa uu ku qiray qiraalkiisa in ay caawinayeen koox iyaga ku tirsan oo uu weerarka ku qabsaday Doonka.

Cumar oo isaga wada Mooto u ahaa Xasan ayaa isna Maxkamadda ka hor sheegay in uu ahaa nin iskiis isaga xamaasho laakiin xafiiska Xeer Ilaalinta ciidamada qalabka sida ayaa labada shaqsi kuwada Eedeeyay in ay qayb ka ahaayeen weerar ay Alshabaab ku qaadeen fariisin ciidan bishii November ee Sanadkii tegay,

Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee ciidamada qalab sida ayaa Maxkamadda u sheegay in ay labada Eedeysane wada ahaayeen gurmad laakiin ciidamada ay u geysteen dhaawac naafeen ah.

Qareennada u dooday labada Eedeysane ayaa iyagana Maxkamadda ka codsaday in loo naxariisto maadaama labada eedeysane ay  u aheyd howlgalkii ugu horreeyay ee dagaal oo ay kawada qayb galeen isla markaan uu dhaawaca ka soo gaaray labadaba.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida oo soo xiray fadhiga Maxkamadda ayaa Xasan Cabdi Aadan Nuur iyo Cumar Xuseen Abshir Jaabir kuwada xukumay xabsi daa’in sida uu u sheegay dhinacyada Dacwadda ,Eedeysanayaasha ayaa heysta Fursad ay ku dalban karaa Rafcaan  muddo ku siman 30 cisho xukunka kadib.

Goobjoog News

Related Articles

Ka Dib Dhaawacii Gaaray , Imisa Ayuu Garoomada Ka Maqnaan Karaa David Luiz ?

 Daafaca Arsenal ee David Luiz ayaa ku dhaawacmay kulankii Leicester City ee wareegga 6-aad ee horyaalka Ingiriiska Leicester City ayaa guul qaali ah waxa ay Arsenal ka gaareen dhamaadkii ciyaarta waxaana goolka guusha daqiiqadii 80-aad waxaana ka dhaliyay laacibka shabaqa Gunners jecel ee Jamie Vardy. David Luiz ayaa dhaawacmay qeybta labaad ee ciyaarta gaar ahaan daqiiqadii 49-aad oo laag saaray ciyaarta ka dib markii ay ku adkaatay in uu dhameysto ciyaarta waxaana xilligaas lagu badalay Shkodran Mustafi Arinta haatan cabsida keeneysa in Luiz uu ka sheegtay dhaawac muruqa  waxa uuna garoonka ka baxay isaga oo lutinaya Xilli Arsenal la filayo in saacadaha soo socda war ka soo saraan xaaladiisa , hadana  waxaa  durba soo baxaya in laacibka uu dhaawacaas uu la maqnaanayo ku dhawaad sedex todobaad.

Ka Dib Ciyaar Xaraarad Laheyd: Leicester City Oo Waqtigii Geerida Ka SooTaqalustay Arsenal , Jamie Vardy Ayaa looga Mahad Celinayaa

Arsenal ayaa gurigeeda Emirates Stadium lagu garaacay ka dib kulan adag oo ay la ciyaareen kooxda Leicester City kuwaasoo markii ugu horeysay abid ku badiyay garoonka Emirates Stadium kulan horyaalka ah, waana markii ugu horeysay muddo 47 sannadood ah oo ay Leicester ku badiso garoonka Arsenal. Xaqii laga galay Mesut Ozil ayaa soo dilaacay iyadoo Arsenal uu ka maqnaa hal abuur dhanka weerarka ah taasoo keentay in Leicester City ay qeybtii labaad hesho goolka guusha iyadoo uu u saxiixay Jamie Vardy oo ciyaarta bedel ku soo galay. Tan iyo markii Mesut Ozil laga reebay liiska 25ka xiddig ee Premier League, Gunners waxay guuldarro isku xigta ka soo kala gaartay Man City iyo Leicester City. Natiijadaan ayaa ka dhigan inay Arsenal ka dhacday kaalinta 10aad iyagoo leh 9 dhibcood halka Leicester City ay soo gashay kaalinta 4aad iyagoo leh 12 dhibcood. Tababare Arteta ayaa ku soo bilaabay markii ugu horeysay horyaalka Premier League saxiixa cusub Thomas Partey halka Bellerin, Aubameyang iyo Xhaka ay shaxda ku soo noqdeen ka dib kulankii Europa League. Arsenal ayaa qaab ciyaareed fiican soo bandhigtay qeybtii hore ee ciyaarta iyagoo helay fursado dhowr ah oo ay ciyaarta hurdo ugu diri kareen laakiin kama aysan faa’ideysanin. Alexandre Lacazette ayaa bilowgii ciyaarta shabaqa soo taabtay laakiin goolkiisa waxaa loo diiday inuu offisde ahaa, halka daafacyada Leicester ay dhowr jeer ka hor istaageen fursado goolal loo fishay. Dhanka Leicester waxaa la aamusiyay weerarkooda Maddison iyo Barnes kuwaasoo tijaabin waayay goolhaye Leno iyadoo qeybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah. Qeybtii labaad Arsenal ayaa dantay iyagoo joojiyay weerarkooda taasoo farxad u aheyd Leicester City kuwaasoo cadaadis uu saarnaa qeybtii hore ee ciyaarta. Waxay Leicester City bilowday inay iyagana markooda weerar qaadaan bartamihii qeybta labaad iyadoo Rodgers uu ku faraxsanaa sida ay ciyaarta ku socoto. Ugu danbeyn Leicester ayaa heshay wixii ay raadineysay iyagoo shabaqa soo taabtay daqiiqadii 80aad ee ciyaarta, Tielemans ayaa kubad dheer u soo qaaday Under kaasoo durbadiiba u karoos yar u dhigay Jamie Vardy oo madax ku dhaliyay . Waxay aheyd gool si qurux badan la isagu dhiibay. Under iyo Jamie Vardy oo bedel ku soo galay ciyaarta ayaana goolkaas iska kaashaday iyadoo Rodgers uu ku guuleystay bedelkii uu sameeyay. Goolkaas uu dhaliyay Vardy ayaa lagu qaarjiyay Arsenal iyadoo Leicester ay guusheedii ugu horeysay ee Emirates Stadium ay gaartay

Leicester City oo saddexda dhibcood kaga soo qaadatay Arsenal garoonkeeda Emirates … +SAWIRRO

(London) 25 Okt 2020. Leicester City ayaa guul ka soo heshay kooxda Arsenal oo ay ku booqatay garoonkeeda Emirates, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-1, kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League ee dalka England. Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbardhac 0-0 ah ay isku mari waayeen labada kooxood Arsenal iyo Leicester City. Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay. Daqiiqadii 80-aad kooxda Leicester City ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Jamie Vardy, kaddib markii uu goolkan si qurux badan kaga caawiyay saaxiibkiis Cengiz Under. Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 0-1 ay kaga soo adkaatay Leicester City kooxda Arsenal oo ay ku booqatay garoonka Emirates, kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League ee dalka England. SAWIRRO: Gool FM.

Stay Connected

20,917FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Wariye ka tirsan warbaahinta Qaranka oo ku guuleystay abaalmarinta sanadlaha ah ee Muqdisho

Muqdisho (SONNA)- Wariye Cabdulqaadir Ciise Cali oo ka tirsan warbaahinta Qaranka ayaa ku guulaystay caawa abaalmarinta sida sanadlaha ah loo bixiyo ee lagu abaalmariyo shaqsiyaadka iyo hay'adaha kale ee bulshada wax u qabtay, waxaana isaga lagu xushay hawlkarnimadii uu shaqada warbaahinta ka sameeyey 12-dii bilood ee ugu dambaysay. Cabdulqaadir oo ah wariye si gaar ah uga soo warama arrimaha garsoorka ciidamada, islamarkaana tabiya warbixino maqal iyo muuqaal ah oo ah baaris uu ku sameeyey dhacdooyinka la dagaalanka Al-shabaab, hawlgallada ciidamada iyo ka digista dharaha xagjirka ayaa lagu bogaadiyey sida dhiirin ee arrimahaasi xasaasiga ah uu uga warramo. Wasiirka warfaafinta xukuumadda FS mudane Cismaan Abuukar Dubbe, wasiir ku xigeenka wasaaradda mudane Cabdiraxmaan Sh Yuusuf Al-cadaala, Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka iyo bahda saxaafadda ee kulanka ka soo qaybgalay ayaa u hambalyeeyey wariye Cabdulqaadir Ciise, waxaana ay ku booriyeen inuu sii wado shaqada adag ee uu dalka u hayo. Abaalmarintan waxaa hore ugu guulaysatay wariye Nasra Bashiir Cali oo warbaahinta Qaranka uga soo waranta xafiiska Ra'iisal wasaaraha dalka.