Saturday, October 24, 2020

Maxay ka wada-hadleen Khayre iyo Qoor Qoor?

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Linkedin

Email

Print

Viber

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo haatan kulamo siyaasadeed ka wada magaalada Muqdisho ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha maamulka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ayaa waxaa looga hadlay qodobo dhowr ah oo la xiriira xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Ugu horreyn labada mas’uul ayaa isla soo hadal qaaday arrimaha doorashooyinka 2020/2021 iyo kaalinta ay ku leedahay dowlad goboleedka Galmudug.

Sidoo kale Qoor Qoor iyo Khayre ayaa diirada saaray xaaladda maamulka Galmudug iyo howlaha horyaalla.

“Waxaan xalay kulan miro dhal ah la qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka # Galmudug mudane Ahmed Abdi Kaarie Waxaan ka wada hadalnay arrimaha doorashada & kaalinta Galmudug, sidoo kale waxaan isla eegnay howlaha u qabsoomay Galmudugta loo dhan yahay iyo waxyaabaha horyaalla maamulkiisa.” ayuu yiri Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa horey ula kulmay xildhibaan Jawaari iyo sidoo kale guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Khayre ayaa dhowaan ku dhawaaqay inuu yahay musharrax Madaxweyne oo u taagan doorashada soo socota ee 2020 illaa 2021-ka.

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Linkedin

Email

Print

Viber

This post first appeared on Caasimada Online. Read the https://www.caasimada.net/aqriso-maxay-ka-wada-hadleen-khayre-iyo-qoor-qoor/original article

Related Articles

Immisa Saacadood ayaa Maalintii Kaaga Luma Internetka?

October 24, 2020 | Published by: yaska Dadka ilaa hadda ka qayb qaatay codbixinta ku saabsan waqtiga ku luma internetka ayaa tibaaxay in ay maalin waqti badan kaga lumo dhex-mushaaxa internetka. Codbixintan  waxay muujineysaa in dadka badankoodu ay internetka ku lumiyaan celeclis ahaan 7 saac, 4 saac, iyo 2 saac. Codbixiyaasha badankooda da’doodu waxay u dhexaysaa 18-jir ilaa 58-jir, waxaase ugu badan da’da ka yar 35-jirka. Waxaana badankoodu joogaan Muqdisho, Hargeysa, Kismaayo, Gaalkacyo, Garoowe, Buurtinle, Baydhabo, Godey, Jigjiga, Turkiga, Dubai, Qadar, Kenya, iyo Yurub magaalooyin badan oo kamida. Waxayna sheegeen websiteyada ay waqtiga ugu badan ku bixiyaan inay yihiin Facebook, Youtube, iyo WattsApp. Shaxda hoose waxay muujineysaa boqolkiiba inta saacadood ee ku luma Internetka. 9.8% — 1 saac ama ka yar 24.4% — 2 saac 9.8% — 3 saac 19.5% — 4 saac 7.3% — 5 saac 29.3% — 7 saac ama ka badan Mohamed Ali

Jacaylkii Xilligii Karoonaha

October 24, 2020 | Published by: yaska Dabaqa uu ka deggenaa magaalada ayuu soo galay isaga oo lugahiisa la waawaayaya dhulka oo hadba tiirka ay jaranjarta qolkiisa geynaysa cuksanaya. Kolba wuu kufayaa oo haddana kicis u hollanayaa, in la qaado oo la gaadhsiiyo qolkiisa iyo sariirtiisa wax kasta wuu dhaafsiisan lahaa caawa. Quraaradda madaxa u dhuuban ee uu gacanta bidix ku hayay ayaa ka siibatay, kaabadihii iyada oo ka sii walfanaysa ayuu indho kabbo dhiig ah ku daymooday, dabadeed dhulka inta ay ku dhacday daqiiqaha noqotay. Wuu niyad xumaaday oo lacag intii jeebkiisa ku hadhsanaydba iyada ayuu ku soo gatay. “Fuck off!” inta uu dibnaha soo mariyay ayuu socodkiisa in uu sii wato isku dayay. Ilaa hadda ma dhowa qolkii uu ka deggenaa dabaqan dheeri, islaan caddaan ah, oo ay wada deggen yihiin gurigan, ayaa dareentay in uu qof neeftuurayo albaabkeeda hortiisa, ka dibna soo baxday. “Hey, Raage, is that you?” “Yeah come on help me am fucking high!” Inta ay gacanta uu ku haysto birta kaabaddu leedahay ma aha ee ta kale qabatay ayay tunkeeda saartay, dabadeed hinjisay. Qolkii ayay soo gaadheen. Furihii qolka inta ay jeebadkiisa kasoo saartay ayay furtay albaabkii. Urta ku soo dhowaysay ee sankeeda daf tidhi ayay dhibsatay. Qol khamiiray oo sigaar ka kamkamayo oo in la hagaajiyana muddo ugu danbaysay, sida muuqata ay mafiiqda kala xanaqeen, ayay aragtay. Quraaradaha wada madhan ee dhulka daadsan badhkoodna jabeen iyo cuntooyinka “Take away-ga” ah ee afka kala wada haya ee dhanaanay, dharka wada tuulan meesha ee uskagga ah iyo waxoogaa buugaag ah oo kabadh ku jira, ayna ka dhex aragtay buug ay wadday hadda—“The holy ignorance”— ayay indhaha wada marisay. “Oh jesus” inta ay tidhi ayay soo jiidday isagii, sidii neef uu waraabe qaarka danbe qabtay oo dhaawac ah dhaqaaqna ku jirin itaalna hayn, dabadeed musqishii gaysay. “Take a shower” inta ay ku tidhi ayay bilowday qolka in ay ka nadiifiso. Muddo markii ay shaqada wadday ayay maqashay cod aan si fiican loo maqlayn oo dhegaheeda soo gaadhaya, kana imanaya xagga xamaamka, inta ay usoo kacday dhankaa iyada oo “Raage, Raage, whats wrong?” leh ayay u soo dhowaatay. Waxay aragtay in uu isaga yahay qofkan hadalku ku dheggen yahay. “Call me ambulance” inta uu yidhi ayuu horteeda kusoo dhacay…. Dam! dabada madowna islaanta indhaha u saaray oo koomo galay. Waa xilli qaboobihii, oo darajada heerkulku eber hoos martay, waddankan uu ku noolyahay waa ka sii daran yahay Yurubta kale, magaaladan uu deggen yahay ee Sent Betersburg waa magaalo qadiimi ah, oo dhaqankii hore kusii baaqi yahay, waa magaalada labaad ee Ruushka ugu weyn, waana meel loo soo dalxiis tago, Xarunta Museum-ka ugu da’da weyn Yurubta Bari ayaa ku taalla. Waxbarasho ayuu u yimi oo meesha ka wadaa gelin, gelinka danbena wuu xoogsi tagaa, oo warshad weelka soo saarta ka shaqeeya, habeenkiina filim ayuu ka soo daawadaa sinimaha, marka uu ka yimaadana dhalo Vodka ah soo qaata, oo qolkiisa u soo hoydaa. Inta uu cashada diyaarsanayo heeso ayuu shitaa oo isku maaweeliyaa, badi fannaanada  Skylar Grey ayuu dhegaha ay ku sii negi yihiin guuxii mishiinnada warshaddu ku dejiyaa. Cuntadu marka ay bislaato ayuu miiska la tagaa iyada iyo koombiyiitarka oo wararka daalacdaa, siiba wararka dalkiisa, si uu ula socdo xaalku halka uu marayo, se badi warar isku mid ah ayuu wareegtada ku arkaa; wasiir hebel oo booqday magaalo hebla isaga iyo agaasimihiisiiba, maayir hebel oo laami ay shacabku dhisanayaan soo taltallaabsaday, madaxweynihii oo xaflad xadhigga lagaga jarayo hudheel galleyda sameyn doona ka qaybgalay, culimada dalka oo soo saartay baaq ay ku amrayaan dameerahan magaalada dhexdeeda susumaya ee laamida isku wada saaranaya in wax laga qabto edeb darradaa ay wadaan iyaga oo ku sababeeyey in ay dhaqammo xunxun carruurta u hor seedi karaan, jufo heblaayo oo cuqaasheedu shir ay isugu yimaaddeen si ay uga hadlaan inankoodii oo xilka uu ka qaaday madaxweynuhu, iyaga oo baaq u diraya madaxtooyada hanjabaad kululna jeediyey… Intaa marka uu dhammeeyana qolka fadhigga ayuu galaa si uu u akhriyo buugga uu kolba markaa wado, quraaraddiisana waa iska dhamaa. Dhakhtarkii ayuu yaallaa isaga oo miyir la’, ogsajiintii ayaa ku xidhan, waxay dhakhaatiirtu sheegen in uu Corona Virus hayo oo xaalkiisu halis yahay, se ay ku dadaalayaan in ay badbaadiyaan. Afar cisho markii uu koomada ku jiray ayuu indhaha kala qaaday, waxa uu arkay gabadh dul taagan. “Maxa dhacay? Maxaa halkan i keenay? “ ayuu yidhi. “Isdeji. Hadda xaalkaagu wuu fiican yahay, mudane” ayay kalkaalisadii ku tidhi. “Haaye maxaa igu dhacay ee halkan i keenay?” ayuu ku ceshay. “Corona virus ayaa kugu dhacay dabadeedna naqaska ayaa kugu dhegay, sidaas ayaa dhakhtarka laguu keenay, se hadda waad ladan tahay ee isdeji” ayay ku celisay. Waxa ay su’aashay in magaalada cidi u deggen tahay. “Waayo?” ayuu ku yidhi. “Sababta oo ah cidi kuma ay soo booqan ama cid warkaaga raadinaysa ma aannu arag.” Sow ma aragtid ajnabi ayaan ahay oo cid lama joogo” ayuu ku yidhi. “Magacaa?” ayay ku tidhi. “Raage” ayuu ku jawaabay. “Haa, sax. Waa magac adag. Muxuu la micno yahay?” “Waxa loo bixiyaa qofka uurka hooyadii ku muddo-dhaafa. Waa magac Soomaali.” “Waa magac adage, ‘Raaj’ aan kuugu yeedho?” “Haye, waad iigu yeedhi kartaa. Adigana magacaa? “Taatiyaana, mudane.” “U ma eka magacyada ay dadkani la baxaan e, miyaanad u dhalan dalka?” “Maya, mudane. Yurubta Galbeed ayaan kasoo jeedaa; Talyaaniga.” Maalinkaa ka dib isbarashadoodii way xoogaysatay, kaftanka ayaa u furmay oo waa ay kaftami jireen, subax kasta iyada ayaa eegi jirtay hadba halka uu xaalkiisu marayo, laabqaboojin ayay u samayn jirtey, oo in uu ka kacayo xanuunkan dunida sadheeyey u sheegi jirtey, in aanu is dhiibin oo welwelinna kula talin jirtey. Waatan maanta usoo gashay iyada oo ubaxyo guduudan oo qoyan sidda. Maanta sidii uu hore uga bartay ma ahayn, waayo dharkii shaqada ma xidhna ee waxa ay ku lebbisan tahay koodh madow iyo shaati cad iyo haaf bawdyaha u jooga oo isaguna cad, timaheedu way sii daysan yihiin oo qadaadka xoogaa hoos uga dhaceen, timo ashqar ah ayay leedahay oo halka hoosena madow ka ah, kabo cidhbo dhaadheer oo dherer fiican u sameeyay ayay lugaha ku sidataa, muraayad madowna indhaha ayay ku xidhan tahay. Labadeedan naas, ee aad mooddo in ay sidii askar difaac ku soo jirta usoo fadhiya, wax uu eegmada ku hayaba, wuxuu ku war helay iyada oo leh: “Raaj, subax wanaagsan.” “Subax la mid ah, Taatiyaana. Oo maanta miyaanad shaqaynayn?” “Maya, fasax ayaan ahaa, dabadeed in aan sidii asxaabta kuu soo booqdo, awal halkii aan sidii shaqaale kuugu iman jirey, ayaan doorbidey.” “Mahadsanid.” “Raaj, maalin dhow ayaad ka bixi doontaa dhakhtarka, oo xaaladada caafimaad way wanaagsanaataye, sidaa ku ogow” ayay ugu bishaaraysay. Intaa wuxuu daawanayaa waaxyaheedan la kala qoray, dhexdeedan taakada ah, kubabkeedan kor ilaa hoos is buuxiyey ee isku fadhiya iyo sankeedan sidii Jamaal Cabdinaasir u dheer. Bishaarayntan ay u bishaaranaysaaba u ma muuqdaan. Wuxuu arkay maanta in ay muraayad ku sidato indhaha oo ay soo qarisay indhaheedi bunniga ahaa ee uu aadka uga heli jirey, dabadeed kaftan ku tuurey: “Oo maanta indhahaagii quruxda badnaa waad igasoo qarisay, se mid aan kuu sheego, waxaan ku odhanayaa odhaahdii uu gabayaagii reer Suudaan ee Idiris Jamaac ku yidhi gabadhii neerasta u ahayd  ee aragtay in uu ku maqan yahay mar walba indhaheeda, dabadeed maalinkii danbe muraayadda soo gashatay: “Seeftu marka ay galka ku jirto kama baqaysid in ay ku jarto, laakiin seefta indhahaagu labada jeerba way ku jaraysaa.” Kolkii uu intaas ku yidhi ayuu soo xusuustay heestii odhan jirtey: “Daymada xishoodka, markaad luqunta dadabtaa, kolba laygu didayaa, oo layga darayaa, indho deeralaayeey.” “Ma ii soo araaratayba! Sidaa haddaan moodayaba maan soo gashadeen muraayadda, imikana waan iska saari” inta ay tidhi ayay dhoollacaddayn naxariis wadata ku gantay wadnihiisa. “Ma taqaan horta dalka Suudaan la yidhaahdo?” “Haa, side baanan u garanayn dalka labada Niil ku kulmaan, dadka Carabta madowna ah , ninka kalligiitaliyaha ahina haystay sanaddada badan. Waase shacab iska qabow sidaan maqlay, fankooda waan dhegaystaa mararka qaar aniga oo fahamka meelaha qaar uu mugdi iga galo, sababta oo ah lahjadooda, waayo way lahjad adagyihiin. Sidaan maqaal laga qoray ka akhriyay  waa dad fanka aad u ciseeya, oo meel walba oo aad istaagto ay heesi ka baxayso, siiba heesaha jacaylka ah. Waxa kale oo aan maqlay in ay sifaynta dareenka jacaylka ku xeeldheer yihiin marka ay hees ama gabay tirinayaan; inkasta oo luqadda Carabigu si guud ay ugu fiican tahay suuraynta jacaylka iyada iyo luuqadda Isbaanishkuba…” Inta ay ubaxii ay sidday miis u dhowaa dul saartay, ayay kursi meesha yaallay soo jiidatay oo salka dhigtay, dabadeed hadalkeedii sii wadatay: “Gabayadii Nasaar Qabbaani ayaan dhegaystay qaar ka mid ah oo aan aad ula dhacay, qasiidadii uu gabadhiisa u tiriyey, “Balqiis”, ayaan ka sii xusuustaa. intii luuqadda Carabiga aan baranayay aad bay heesaha Suudaantu iisoo jiiteen. Maxamed Wardi baan ka dhegaystaa waqtiyada qaar, heestiisa “Sudfah” ayaan si gaar ah u xiiseeya.” “Oo Wardi na ma taqaan?” “Haa, waan bartay.” “Gabadh Fannaanad ah ayaan iyadana kuu sheegayaa maanta, waa Suudaaniyad iyaduna, Nancy Ajaj baa la yidhaahdaa, waxa jirta hees ay soo cusboonaysiisay oo Wardina laxanka lahaa, oo ay ii qaadi jirtay inan aannu mar meel ka wada shaqayn jirney oo Suudaaniyad ahi, waa se haddii aad wax ku beddelanaysid bilaash ma ahee…” Kolkaas buu u iljabiyey. Inta ay kursigii ay ku tiirsanayd kasoo toostay ayay dhexda qabsatay, ”really!” iyada oo leh oo fajac muujinaysa. “Taatiyaana, halkee baad saaxiib ku aragtay wax bilaash ah oo dunida la isa siiyo, wax igaga beddelo waa hees qaali ahe.” “Come on, Raaj! Ok, I will give you a surprise tommorow, so tell me.” “Al Cawda”ayaa heesta la yidhaahdaa, waan hubaa waad ka heli doontaa mana sii adka erayada heesta ku jiraa oo si fiican ayaad u fahmi doontaa. Haddiiba aad fanka Carabta xiiseysid, ma maqashay gabadh dhimatay wakhti hore oo Masriyad ah?” “ I sug aniga ayaa kuu sheegiye, I gues inaad Ummu Kaltuum ujeeddo?” “Haa, waa iyada. Oo show fanka caalamka ee kala duwan aqoon fiican baad u leedahay. ka warran codka Ummu Kaltuum iyo heesaheedaba?” “Macalimad ii dhigi jirtey maaddada fanka dugsigii sare ayaa xog badan i siin jirtey oo iyaduna wax ka diyaarisay fanka si guud, gaar ahaanna ka Afrika iyo Carabta, markii aan luuqadaha bartayna wax badan ayaa ii baxay, sidaas ayaan ku bartay Ummu Kaltuum iyo dadkaleba, Xiddigtii Bariga sow laguma naanaysi jirin fannaanaddan? Cod macaan oo hallaasi ah bay lahayd, heesaheeda oo dhammina waa wada xul.” “Haa, waa runtaa, ma kala dhacaan heesaheedu, se heesteeda “Adlaal” ayaan badi dhegaystaa, heestaasi in ay aniga iga hadlayso ayaan moodaa, kolleyba fannaaniintu innaga ayay inna metalaan oo xaalad aynnu erayo u waynno ama soo gudbinteeda awoodi kari waynno ayay si fudud ugu heli ogyihiin weedho qaab suugaaneed ah. Wali ma isku dayday in aad xaalad ku soo martay wax ka tidhaahdo, hab suugaaneed?” “Haa, dhowr jeer ayay dhacday se si sheeko ahaan ah ayaan u qoray.” “Ma ahee! Oo iimaad sheegin in aad qoraa tahay e, waad isu kay qarisay.” “Sheekooyinka gaagaaban ayaan qoraa, se qoraa weyn ma ihi oo hal buug ayaan leeyahay, imikana mid kale ay aan isleeyahay bilow oo la yidhaahdo “Ninkii uu cidlada ku helay Koroonuhu.” Qosol bay ku wada dhufteen. “Magacii buugga aad qortay?” “Maxaan u dhashay” ayaa la  la yidhaahdaa, Af Talyaani ayuu ku qoran yahay, se hadda ayaan isleeyahay dhowr luuqadood oo kalena u tarjun.” “Oo imisa luuqadood ayaad taqaan?” “ilaa lix marka lagu daro tayda hooyo.” “Wow! Waad iga yaabsatay maanta, oo ma jaamacadda ayaad luuqadaha ka diyaarisay?” “Haa, waxaan jeclaa yaraantaydii in aan dhaqammada dadka barto iyo suugaantoodaba, waxaan hubey in Umberto Eco miidhan ku wada jiro ummadaha kala afka ah, taasina waa in aad afkooda fahmi karto.” “Oo xillima ayaad haddaa kalkaalisannimadana baratay?” “Markii aan dalkan imi, xirfad aan dadka ku caawiyo kuna shaqaysto ayaan doonay, sidaas ayaan u diyaariyey kalkaalisannimada.” “Adigu halkan maxaad ka diyaarisaa waa adigii ii sheegay in aad arday tahaye?” “Anigu shahaadadii heerka labaad ayaan wadaa oo Psychology ayaan diyaarinayaa, ilaa heerka shahaadada PHD wad ayaan isleeyahay, inkasta oo aan falsafadda ka diyaari isleeyahay shahaadada saddexaad.” “Aabbahay ayaa buugta falsafadda aad u akhrin jirey, buugtii Aristotel, Socrates, Nietzsche, iyo kuwo kale ayuu haysan jirey, wuxu noqday qof Nihilistic ah, diintana wuu iskaga tagey oo badi wuu cambaarayn jirey wadaaddada kiniisadda, hooyo oo iyadu ku xidhnayd kiniisadda Kaatoligga ayay isku qabsan jireen marka ay noo kaxaynayso halkaas, aniga ayuu xaafadda iigu jeclaa oo iiga sheekayn jirey diimaha, waayo wuu baadhi jirey diimaha oo dhan, aniguna markii aan labaatan noqday ayaan Borotastan isu beddelay, se aakhirkii waan iskaga wada tagey, walaalladay midka noogu weyn ayaa isagu hooyo la safan oo kiniisadda wax ka barta, wadaad in uu noqdana raba, se inanta noo dhexaysaa maba danayso waxaas ee sawir-gacmeedka ayay sawirtaa oo ku mashquulsan tahay.” “Annaga waqtigii madoowa ee Yurub soo martay qarniyadii dhexe ee wadaaddada iyo madaxdu wada socdeen ayaannu maraynnaa, saddex ayaa noloshayadii kufsaday: siyaasi, ganacsade iyo mid diin noogu soo gabbada – wadaadka. Sadexdaas oo marka aad dhinac ka eegtana midaysan  ayaa na xada, se haddana in aannu ka bixi doonno xaalkan, oo dadku ku baraarugi doonaan, Ayaan rejaynayaa. In kasta oo waxbarashadayadu tayo xun tahay oo ganacsi gashay – halkii dadka maankooda la kobcin lahaa ee dad aragti iyo curin leh la soo saari lahaa – haddana, dunidii waatan qolka yar noqotay, ee xaddaaradihii isa soo wada gaadheen, taa darteed maalin uun in lagu baraarugi doono raggaas noo tashaday ayaan qabaa, oo aannu dunida wax la qaybsan doonno.” “Haa, halkanba waa adigaa og xaalka ay soo martay, ha dhacaan dulmiwadayaashu meel kasta oo ay joogaan, oo caddaaladu ha sarrayso; waaba se hadday caddaaladi noloshan ka jirto e.” “Caddaaladi halkay ka jirtaa waa duni kii tun weyni talinayo, kii tamar yarna lagu tumanayo oo danaysi jiro, maslaxadana lagu wada socdo e!” “Sidaas iyada oo ay tahay haddana in aynnu ka dagaallanno wixii xun weeyi, intii itaalkeen ah, dadka masaakiinta ahna caawinno.” “Waxaaban cilmi-nafsigan u diyaarinayaa in aan bulshadayda khuraafaadku ragaadiyey ku saacido, waa bulsho aaminsan in wax la sixri karo, jin qofka gali karo, halkii ay ahayd dadka waxaas ka cabanaya in loo geeyo dhakhaatiirta ku shaqada leh ayaa wadaaddo loo geeyaa oo dhir inta ay u qoraan caafimaadkooda halis galiyaan. Dad u dulleysan rag ‘wadaaddo’ la yidhaahdo ayaanu nahay, dad caynkaas ah ayaanu nahay.” “Waan ka xumahay, waxaan idiin rajaynayaa inaad waxan ka baxdaan.” Maalintii xigtey ayay usoo gashay iyada oo sidata dhexyar (fiyooliin). “Raaj, sow kumaan odhan shalayto kediso ayaan kuula imanayaye heesta ii sheeg? Heestii waan soo dhegaystay, ashqaraar ayay ahayd, xalay ilaa aan ka gam’ayey iyada ayaa ii baxaysay, wax walba intaan dhinac iska dhigey ayaan iyada ku celceshanayey. Nancy sida ay u qurux badan tahay ayay luuqdeeduna u qurux badan tahay. Waad ku mahadsan tahay in aad i barto qof sidan u heesi kara, laxanka heesta ee isbedbedddelaya ayaaba I soo jiitey” inta ay tidhi ayay fiyooliintii kalxanta saartay, heestii Ummu Kaltuum ee Adlaal ee uu lahaa waan ka helaa oo way iga hadlaysaana tuntay. Uqaadanwaa kale ayay Raage ku noqotay iyo afkakalaqaad. Maalin kasta wuxuu bartaa Taatiyaana cusub; mid luuqadaha ku wacan oo dhowr luuqadood taqaan, mid muusiishan ah oo fiyooliinta tunta, mid qoraa ah, mid fanka iyo suugaanta ku xeeldheer, iyo middii ugu horreysey ee u bartay, mid kalkaaliso ah. Markii ay dhammaysay garaacistii ay dhexyarta garaacaysay ayay ku tidhi: “Wa taas Surprise (kedisadii) aan ku idhi waan kuula imanayaa, ka warran?” “Maxaan ka waramaa qof caynado badan ayaad tahaye! Ii kaadi aniguna marka aan ka baxo dhakhtarka ayaan qori buug la yidhaahdo “Kalkaalisadii shanta qof ee kala duwan ahayd” e. Qosol xooggan ayay isugu jiibiyeen, dabadeed su’aalay halka ay bahashanna tumisteeda ku baratay. “Dugsiga ayaa xiisad na loogu dhigi jirey, waxaan rejaynayaa inaan si fiican u tumay oo aad ka heshay.” “Aad iyo aad. Sidee baanan uga helin, wadnahayga ayaad xadxantaynaysaa mar walba oo iga yaabsanaysaa. Waxaan u malaynayaa inaan kusoo jeclaan doono oo jacaylkaaga la waalan doono” ayuu kula kaftamay, kaftanse dhab u dhow. “Oo imika ima jeclid?” Suaashas inta ay kaga nixisay ayay sii raacisay, “Iska daa, waxaad i jeclaan doontaa maalinta aan hees Soomaali ah ku tumo kuuna qaado e. Horta fankiinna iigama aad warraminba e, bal xog iga sii oo waa side?” “Fankayagu markii hore wuxuu lahaa qiimo oo dadkana madadaalo, waxbarid, baraarujin iyo wacyigelin ayuu u ahaa, se hadda wax walba waa is beddeleen oo waxaannu noqonnay ummad fankeedii la nacsiiyey oo waxay quudhsadaan laga yeelay. Aabbayaashayo halkii ay abaal weyn uga hayn lahaayeen dadkii noloshoodii dhallinyarannimo soo qurxiyey ayay hadda dafiraan oo is diidsiiyaan, denbi inay ku dhex jireen ayay ku tilmaamaan. Waxa sabab u ah arrinkan in majwad diimaysan oo Carabi wadataa nagu soo faruurantay. Dabayshaasi waxay dhalatay markii dowladdii dhexe naga burburtay ilaa haatadanna way taagan tahay.” “Oh, oo umaddii waa tii fankeeda ku faanto ee miyayna taa ogsoonayn! Noole fannaan ah weeye dadku.” “Haa, noloshu waa fan.” “Bal qaar fannaantiina ah i bar oo ii sheeg magacyadooda.” “Hadda kuwan jooga ma ahe, kuwii hore ayaan dhegaystaa jecelahayna. Gabdhihii hore waxa jira kuwo marka aad aragto, maqashana codkooga, aad is waydiinayso qofka hibadan soo helay ee ku yidhi waad heesi kartaa duni caynkee ah ayuu ku noolaa oo halkuu ka yimi! Faadumo-Maandeeq ayaa ka mid ah gabdhahaas mucjisada ah ee marla’aragga ah. Sida dhibta yar ee ayna isu kallifayn ee ay heesta u qaadayso marka aad aragto, waad u khushuucaysaa. Xaliimo-Magool ayaa iyaduna ka mid ah oo joog iyo jamaalba loo dhammeeyey, cod jaadgooni ahna lagu mannaystay. Kinsi ayaa iyadana codkeeda gariirka lihi xaadda dul hurudda dhegaha kicinayaa. Saynab Cige ayaa iyaduna joogta oo jacayl ay fanka u qabto la ilmayn jirtey marka ay heesayso. Ragga Kuluc ayaa jirey oo ku laafyoon jirey heesta marka uu qaadayo. Tubeec, Maxamed Mooge… Dee way badan yihiin fannaaniintayadii qiimaha lahayd. Jiim baa isaguna kabankiisa aad mooddo faras buur fananaya, marna xadhkaha kabanka canaanayo mar kalena sasabayo, ayuu ku ladhi jirey luuqda fannaaniinta. Xusuus ayaannu ku noolnahay hadda ee fankayagii hore wax baa haleelay.” Markii ay sheeko dhammaysteen ayay u sheegtay in ay tahay xiiligii uu ka bixi lahaa dhakhtarka, walaac ayuu duunka ka dareemay, wehelkii ay u ahayd ee uu subax kasta ku waaberiisan jirey bariidinteeda iyo waji furnaanteeda in ay maanta ku ekaanayso, oo qolkiisii uu kelida ku ahaa ku laaban doono, iyo mishiinnadii guuxa badnaa, ayuu ka naxay. In uu iska sii joogo ayuu jeclaysanayaa. “Alla yaa xanunkii kugu rida mar kale!” ayuu tamanniyey, waxa jiidayey dareen jacayl oo uu u qaaday kalkaalisadiisan, si uu ugu sheegto ayuu garan waayay, in aan la qabin oo aanay fargal xidhnayn ayuu arkay oo hore u ogaaday, se in ay saaxiib leedahay iyo inkale ma oga. “Oo maxaa iga galay, haddaan la qabin uun waa khayr e” ayuu isku qaboojiyey. In uu ballan la yeesho oo markaas usoo bandhigo dareenkan kusoo booddada ah ayuu go’aan ku gaadhay. “Taatiyaana, waqtigeenni aynnu is waraysan jirney waa kan soo afjarmaye, ma kulmi karnaa ayaamo kale oo ma ku casuumi karaa?” “Haa, waa caadi, waynnu kulmi karnaa.” “Waa sax. Toddobaadka dhammaadkiisa ha inoo ahaato. Cunto Soomaali ayaan kugu casuumi doonaa. Bulsho hilibka geela jecel ayaannu nahay, halkan in aan laga helayn baan filayaa meherad Soomaali leedahay se makhaayad Carabi leedahay ayaan ku geyn oo kusoo dhadhansiin hilibkaa geela.” “Oh! Ma cuno hilibka! Khudaarta ayuun baan cunaa.” “Ma aha e!” “waa runtayda, yaraan baan ku joojiyey cunista hilibka.” “Fikirkaas waan garanayaa, dhaqankan reer Galbeedka ayaa u badan, waana dhaqan isa soo taraya, se in aad khudaar cunto iyo in aad hilib cuntaba midkoodna dabeecadda mid loogu tudhayo ma aha oo khudaartuba sow noole ma aha iyaduba?” “Haa, way tahay se noole dhawaaqaya marka la gawracayo iyo noole aamusan miyaanay si u kala duwanayn?! Aad baan uga naxaa marka xoolaha la biraynayo.” “Ok, haddaba khudaartaas ayaan kugu casuumi iyo Shaambaaniyaha faranjiga ah oo aynnu wada cabbi, qolkayga ayaanan kugu martiqaadi, iyada oo heesihii John Lennon, Johnny Cash, ama codkii Françoise Hardy innoo baxayaan.” “Waa wanaag. Aniguna habeen ayaan webiga agtiisa ku geyn, xilliga gudcurka, aamusnaan ayaynu isla garab fadhiyaynnaa, in aynnu ka nasanno rafaadka noloshan iyo buuqeeda ayaan doonayaa, daawananna xidigaha ku sharraxan cirka, oo ku raaxaysanno codadka isbarkan ee biyaha webiga ee kolba gebiga kusoo dhacaya, dhirta is dugsanaysa ee laamahaheedu laydha la ciyaarayaan, doogga meesha jiifa sida quruxda baddana loo simay marka ay dabayli ku dhacdana sara joogsanaya dabadeedna foodhyaya, iyo shimbiraha dul sabbaynaya biyaha webiga ee innagu martiyi doona goobtaas. “Waa hagaag. Waa ballan ee waynnu tagi halkaas.” Webiga iyaga oo ag fadhiya, laydha iyo saxansaxada ka imanaysa dhankiisuna ay sanbabbadooda amar li’i u galayso, dabaysha soo dhabanaysa ee aad mooddo in ay xagaa soo galbinayso ayay ku raaxaysanayaan. Meel ka durugsan ayay fadhiisteen dadkan laba labada u wada socda ee usoo nasasho tagay goobta, inkasta oo ay madow tahay haddana hummaagooda ayaa laga garanayaa in aanay dad waaweyn ahayn. Dhulka ayuu ku fooraraa Raage oo magaceeda ku qorayaa ciida qoyan ee hortiisa wadhan, saa kolba biyo ka soo fakaday wabigu ay tirtirayaan magaceeda, kama daalayo ee haddana wuu ku xarriiqayaa dhulka, qosol dhoosha ay cadaynayso ayay kaga jawaabaysa dhacdadan iyada oo hawsheeda iska wadata. Haa, shimbirta biyaha dul sabbaynaysa ayay kolba baradho yar iyo salool u tuuraysaa, shimbirtuna hees ayay ugu abaalgudaysaa, ma wada hadlayaan ee garabka ayuun bay isku hayaan. Wuu fekerayaa, sidii uu ugu sheegi lahaa jacaylkan uu u qaaday ayuu ka fekerayaa, iyo dhankii uu ka bilaabi lahaa hadalka, wuu se baqayaa. ” Talow maxay iigu jawaabi haddaan usoo bandhigo? Kolley waa qof ilbax ah oo ila yaabi mayso. Oo hadday ku tidhaahdo saaxiib baan leeyahay maxaad ugu jawaabi? Dee waxan u sheegi, ragannimadaydu halka ay i dhigtaba, in aan la tartami karo ninkaas, bal se jaanis ay i siiso! Waar maya, maya! Dadkani dhaqankaa inantu labada nin la wada socon karto ma leh, ma inan Soomaaliyeed baa? Talow qof madow ma aqbali lahayd baa ba ka horreysa? Kolley haa baan filayaa oo cunsurnimo kuma tuhmayo!” Isaga ayaa isu jawaabaya, hoos buu isula hadlayaa se eray afka kamasoo saarayo. Roob ayaa onkoday oo ku hooray, inta ay sarakaceen ayay geed weyn oo u dhowaa ku carareen oo laamihiisa magangalyo bideen, se ma aha mid dhibicda roobka ka wada celin kara, koodh uu xidhnaa ayuu garbaha u saaray, dabadeed inta ay soo jeedsatay ayay dibnaheeda qoyay kuwiisa iyaguna biyaha leh kula boodday, woxoogaa kadiso ayay ku noqotay se markii uu arkay in ay wadato hawsheeda iyada oo labada indhoodna galkooga ku dedday oo isku haysa, ayuu la qabtay hawsha dhinaciisa oo qoorta soo qabtay. Ma ahayn mid joojin lahaa waqtigaas shuminta qori haddii la gu qaban lahaana, biyahan dusha kaga imanaya ee kolba dhex galaya labadooda dibnood ayaaba xallad u sii yeelayay dhunkashada. Roobkii markii uu qaaday ayay isu raaceen dhankaa iyo qolkiisii, markii ay soo gaadheen aqalkii ayay maryihii raday iska siibeen oo sariirtiisi iskula dul dhaceen. Taaha ka soo baxaya qolka, deriska ayaa maqlayay. Oday Ruush ah oo la jaar ah, Raagena is yaqaaneen, ayaa qolkiisa kaga soo dhex qayliyay isaga oo tumaya gidaarka u dhexeeya labadooda qol: F**k you and F**k your b**ch Nigga, have a fun Raage, have a fun.” Cabdifataax Carab Maxamuud [email protected] Hargaysa, Somaliland

Villa Soomaaliya Oo Tallaabo kale qaaday Galabta guulna ku heli karto

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Wadada udhaxeysa lambar afar ilaa Tarabuunka ayaa galabta laga qaaday dhagaxda shubka ahaa. Muddo sanado ah ayey xirneyd wadadaas oo la sheegay in ay uxirneyd xarunta safaarada Qatar ee Muqdisho. Dhagaxdii ayaa galabta baabuur lagu daabulay  taas oo dad badan ay ku farxeen dib ufuristaasi. Maalmo ka hor ayaa daabacnay warbixin ah in dib loo furayo wadadaasi. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa doonaysa in taageero uga hesho dib ufurista waddooyinkii xirnaa Shacabka Soomaaliyeed. Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp

Stay Connected

20,904FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Jordan Henderson Oo U Cabsaday Mustaqbalkiisa Liverpool Kadib Imaatinkii Fabinho Ee Liverpool, Muxuu Sameeyay?

Kabtanka Liverpool Jordan Henderson ayaa lagu soo waramayaa inuu la xiriiray Jurgen Klopp Si uu tababaraha wax uga waydiiyo doorkiisa kooxda kadib wal-wal ka...

R/W Rooble oo magaca ka beddelay xukuumaddiisa una bixiyey mid cusub

Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacii badalay magacii xukuumaddiisa oo ahaa “Xukuumadda Kala-Guurka,” maadaama ay kusoo aaday xilli kala guur ah. Golaha Shacabka ayaa maanta ansixiyay xukuumadda cusub ee ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, wuxuuna hadal jeedintiisii barnaamijka xukuumadiisa isticmaalay magac cusub oo uu u bixiyey xukuumadda oo ah “Xukuumadda Isla-Guur”. “Waxaan idiin soo gudbinayaa Barnaamijka xukuumadda oo aan aaminsanahay iney ka turjumeyso marxaladda dalka marayo ee waqtiga isla-guurka,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Lama oga ujeedada ka dambeysa isticmaalka eraygaas, walow ay dadka siyaasadda ka faallooda ku fasireen in ra’iisul wasaaraha ula jeedo inuu ku muujiyo midnimo oo ah in dalku isku meel u socdo. Xukuumadda ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxaa looga fadhiyaa muddada yar ee u hartay iney ku qabtaan hawlaha horyaalla oo ay ugu weyn tahay arrimaha doorashada. Xukuumaddan ayaa wax go’aano ah ku lahayn doorashada dalka ka dhaceysa iyo habka loo fulinayo, maadaama ay taas heshiis ka gaareen madaxweynaha iyo madax goboleedyada, waxaana laga doonayaa kaliya inay dhaqan-geliso heshiiskaas. Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber