Thursday, October 29, 2020

Maxaa kiciyey ololaha qaadacaadda badeecadaha Turkiga ee Sucuudiga ka socda?

23 Daqiiqadood ka hor

Marar badan ayaa baraha bulshadu ku xidhiidho ee internet-ka ee wadanka Sucuudiga waxa ka bilaaabma olole lagu doonayo in lagu qaadaco badeecadaha Turkiga ee dalkaas loo dhoofiyo.

Arintaas ayaa aad u sii xoogaysatay labadii sannadood ee u dambeeyey markii xiisaddii ka dhalatay dilkii weriyihii Sucuudiga ahaa ee Jamaal Khaashoqji lagu khaarajiyey qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul ku taal dhexdeeda bishii Oktoobar ee 2018.

Iyadoo hadaba ay haatan ku beegan tahay sannad guuradii labaad ee dilkii Khaashoqji, ayaa waxa dardar hor leh yeeshay ololaha ka socda shabakadda Twitter ee dalkaas. Waxaana muwaadintiintu ku ladhayaan fariimahooda hal ku dhegyo ay ku doonayaan in la qaadaco wax kasta oo Turkiga lagu sameeyey.

Ololahan ayaa hadaba waxa uu sidoo kale dhaliyey dood dhex maraysa dadka Carabta ah ee adeegsada Twitter-ka qudhooda oo iyagu arinta ku eegaya aragtidooda gaarka ah iyo hadba dhanka ay la jiraan marka la eego xiisadda ka taagan gobolka Gacanka iyo siyaasadaha Erdogan ee gobolkaa ku aaddan.

Hase yeeshee dadka arintan aadka ula socda ayaa su’aalo ka qaba in ololahani yahay mid ay xukuumaddu dabada ka wado oo aanay is muujinyeyn oo uu yahay wax shakhsiyaad si iskood ah u bilaabeen.

Ma shakhsiyaad baa bilaabay mise dawladda?

Ololuhu wuxuu sannadkan ku bilaabmay fariin uu Twitter-ka ku qoray gudoomiyaha rugta ganacsiga Sucuudiga, Cajlaan Al-Cajlaan, oo uu shacabka ugu baaqay in ay qaadacaan badeecadaha Turkigu sameeyo oo aan dalka loo soo dhoofin iyo sidoo kale in aanay shacabka Sucuudigu u dalxiis tagin oo aanay maal gashan Turkiga.

Maalmo yar uun ka dib ayaa waxa soo baxay hal-qabsiyo (Hashtags) lagu taageerayo soo jeedinta Cajlaan, waana markiigu ugu hadal hayn batay labada hal-qabsi oo kala haa ololaha_qaadacaadda_ badeecadaha_ Turkiga iyo ololaha shacabka _ee_ qaadacaadda_ Turkiga oo labaduba aad ugu faafay dalka Sucuudiga iyo Imaaraadka.

Shakhsiyaadka arintaa taageeraya waxa ka mid ah Amiir-ka reer Sucuudi ee Cabdiraxmaan Bin Misaacid oo aan xil rasmi ah ka haynin dawladda.

Dadka Sucuudiga ah ee ololahaa wada ayaa waxay leeyihiin ololahani wuxuu falcelin u yahay “falalka cadowtinada ah ee Turkigu kala hor yimid shacabka iyo dawladda dalkooda” haatanna waxay hal-qabsiga ololaha ay Twitter-ka ka wadaan u bixiyeen kacdoonka_ shacabka oo ay ku sheegeen in ay “dad ka tiro badan kuwii ololeyaashii hore ka qayb galay ay haatan ka qayb qaadanayaan”.

Waxa se jira qaar kale oo dalbanayaba in ololahan ka socda Twitter-ka laga dhigo xaqiiqo oo dalku dhaqan geliyo waxay dalbanayaan.

Hase yeeshee kuwo kale ayaa qaba in ololahani waxba soo kordhinayn oo u arka uun in uu yahay “olole iska kooban oo ka dhex socda internet-ka ujeedadiisuna tahay in shacabka Sucuudiga laga indho saabo arimaha tooska u taabanaya ee u muhiimka ah”.

Waxa iyaguna ololahaa ka falceliyey shacabka dalalka Carbeed ee kale qaarkood oo iyaguna Twitter-ka ka bilaabay hal-qabsiyo ay ku taageereyaan Turkiga oo uu ka mid yahay ololaha_shacab_ee taageerada _Turkiga.

Waxaanay dadkaasi canbaareeyeen aragtidaa Turkiga lagaga soo horjeedo oo ay ku sheegeen “dagaal dhaqaale oo ay dawlado Carbeed ku qaadeen dal Muslin ah oo difaaca qaddiyadaha ummadda Muslimka.”

Waxaanay sheegeen in ay filayaan in waxa lagu doorsanayo badeecadaha Turkigu noqon doonto badeecadaha Israel oo loo furo suuqa Khaliijka. Waxaanay arintaa marag uga dhigeen sida ay isugu soo dhawaanayaan Israel iyo dalalka Carbeed ee ay xulafada yihiin Sucuudigu.

Ololahani saamayn ma yeeshay?

Waxa jira qayb saddexaad oo su’aalo iska weydiinaysa “sababta dawladda Sucuudigu uga gaabsanayso in ay go’aan rasmi ah qaadato oo ay xidhiidhka ugu jarto Ankara oo ay si badheedha u joojiso badeecadaha uga yimaad?”

Su’aashaas waxay dadka lafa gura siyaasaddu kaga jawaabeen in sababtu tahay “Suudiga oo ka baqaya in cunaqabatayn uu saaro ururka ganacsiga aduunku, hadii uu si rasmi ah go’aan qaadacaad ganacsi ah ugu soo rogo Turkiga. Sidaa awgeed ayuu cadaadis ugu saarayaa muwaadiniintiisa in ay si toos ah iyo si dadban ba uga hor yimaadaan Turkiga”.

Waraysi ay la yeelatay wakaaladda wararka Anadool ee Turkigu horaantii bishan, ayaa wasiirka arimaha dibadda dalkaas, Mevlut Cavusoglu, ku tilmaamay “wax aan jirin” wararka tibaaxaya in ganacsiga Turkiga ee Sucuudiga halisi soo food saartay.

Waxaanu intaa ku daray “masuuliyiinta Sucuudigu arintaa ganafka ayay ku dhufteen, anaguna aad baanu isha ugu haynaa hadii ba ay dhacdo in badeecadaha Turkiga la qaadaco bishan aynu ku jirno”.

Muddoba labada dal khilaaf siyaasadeed baa dhex yaal

Sidoo kale waxa arimahaa beeniyey xafiiska warfaafinta ee xukuumadda Sucuudiga oo sheegay in aan wax xayiraad ah lagu soo rogin badeecadaha Turkiga uga taga.

Dhanka kale se waxa jira warar la sheegay in ay hadal hayeen khubarada dhaqaalaha iyo muwaadiin Sucuudiyiin ah iyo sidoo kale siyaasiyiin iyo ganacsato Turki ah oo ka hadlaya saamaynta taban ee ololahaa qaadacaaddu ku yeeshay ganacsigooda.

Wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay in todobaad ka hor ay warbxin si wada jir u soo saareen madaxda sideed shirkadood oo ugu wayn kuwa ganacsiga Turkigu ay ku sheegeen in ay soo gaadhay cabasho uga timi shirkado Sucuudi ah oo tilmaamaysa in dawladda dalkaasi ku soo rogtay amarro hor leh oo ay ka mid yihiin in ay saxeexaan dokumentiyo gaar ah marka ay soo waaridaan badeecadaha Turkiga ay ka keenaan.

Qaadacaaddu ma sii socon doontaa?

Dadka odorosa siyaasadda ayaa qaba in dagaalka warbaahinta ee u dhexeeya Sucuudiga iyo Turkigu uu sii kululaan doono dhawrka bilood ee soo socda. Waxaanay khubaradu intaa ku darayaan in qaadacaadani ay Turkiga ku qasbi doonto in uu xulufo cusub oo dhaqaale ka samaysto gobolka, isaga oo wax ka bartay sidii Qatar loo go’doomiyey.

Waxa kale oo ay ka digayaan cawaaqibka xun ee ololahan qaadacaadda ahi ku yeelan doono dhaqaalaha Turkiga iyo Sucuudiga labadaba.

Sucuudigu wuxuu kaga jiraa suuqyada uu Turkigu wax u dhoofsho kaalinta 15, waxaana lagu qiyaasay qiimaha badeecadaha dharka, roogagga iyo agabka kiimikaad ee Turkigu u dhoofshaa in uu gaadhay 1.91 bilyan oo doolar sideedii bilood ee ugu dambeeyey sannadkan 2020.

Waxay se xogta laga helayo Sucuudigu muujinaysaa in qiimaha badeecadaha Turkigu u dhoofiyo dalkaasi uu hoos u sii dhacayey tan iyo sannadkii 2015. Hase yeeshee waxa qiimaha ganacsi ee labada dal is weydaarsadaan lagu tilmaamayaa inuu yahay qiyaastii 5 bilyan oo doolar sannadkii.

This post first appeared on BBC Somali - Somali. Read the http://www.bbc.com/somali/war-54592031original article

Related Articles

Qarixii ka dhacay Degmada Kaxda iyo Casharrada ay tahay in laga barto (Akhriso Qormo muhiim ah)

Habeen hore, gaari qaraxyo ka buuxaan ayaa ku baryay waaxda 5-aad ee degmada Kaxda, waxaa la ii sheegay iney la socdeen 5 qof oo hubeysan kuwaasoo watay dharka ciidanka dowladda. Waxey joojiyeen dhismo jiingad ah oo halkaasi ka socday, waxaa loo sheegay in dhismahan ay ka warqabaan maamulka, si gaar ah gudoomiyaha waaxda 5-aad. Ad Raggii hubeysnaa ayaa amray iney u yeeraan guddoomiyaha u amray in dhismaha la fuliyo, dadkii guriga dhisanayay ayaa durba u yeeray gudoomiyaha, daqiiqado yar gudaheedna waaba uu u yimid. Guddoomiye waaxeedka oo lagu magacaabo Ibraahim Coloow oo wata gaari Surf ah ayaa durba goobta yimid, waxaa la socotay Faaduma Mattaan oo ololaha talaalka caafimaadka waday.Raggii hubeysnaa iyo gudoomiyaha Waaxda ayaa is helay, gudoomiyaha waxa uu ku yiri ” Maxaad dhismaha u joojineysaan maadaama aan amray anigan gudoomiyaha waaxda ka ah?” Wuxuu islahaa waa askar dowladeed. Waxey u sheegeen inuu soo dagto oo ay dhulka ku wada hadlaan. Sidaasuu u soo dagayna, iyagoo magaciisa sheegaya oo leh waxaa tahay qofkii aynu dooneynay ayey rasaas la dhaceen, halkaas ayuuna ku dhintay wll Ibraahim Coloow. Faaduma Mataan oo la socotay gudoomiyaha la dilay ayaa iyadoo argagaxsan goobta ka carartay, iyadoo qeybaha danbe ee jirkeeda rasaasta ay kala dhaceen, taasoo keentay iney iyana walaasheen goobta ku naf baxday. Raggii hubeysnaa waxey hore u sii qaateen gaarigii gudoomiyaha ay dileen oo ay ku baxsadeen, iyagoo isaga tagay gaarigii qaraxyada ay ka buuxeen. Dadkii xaafada oo durba helay xogta labada qof ee la dilay ayaa degdeg u gaaray goobta, qiyaastii waxaa loo soconayaa mudo saacad ah, waxeyna shacabka birmaday ay wateen ku dhawaaad 7 gaari, lama socon marka hore wax askar ah, walow meeshaas khatarteeda laga warqabay. Marka ay meesha tageen waxaa uga daba tagay Gudoomiyaha degmada oo ay la socdaan Taliyayaasha Nabad Sugida iyo Booliska degmada, iyo howlwadeeno badan oo maamulka kamida. Dadkii goobta buux dhaafiyay waxaa si kore iyo hoosaba loogu sheegay ineysan u dhawaan gaariga oo qaraxyo looga shakisanyahay, balse dadka weyba ka maahsanaayeen fariimahaa digniinta ahaa. In ka badan 40 daqiiiqo ayaa la iska dul taagnaa gaariga qaraxyada ay ka buuxeen, maamulka, Saraakiil iyo Shacabba cid aagiisa ka maqneyd ma aaney jirin. Waxaa la ii sheegay in laba kamida dhalinyaradii goobta tagtay uu mid kamida gaariga hoostiisa galay, halka kan kalena uu gargaraacay turuska hore ee gaariga, labadooduba wey ka badbaadeen xasuuqa dhacay. Qof kamida asxaabta ayaa u tagay dhalinyaradii gaariga ka agdhaweyd oo qaarna soo jiiday kuwana ugu qeyliyay in gaariga qaraxyo ka buuxaan ee laga soo cararro, balse wali dadka wey dhooban yihiin halkii gaariga. Waxaa la isku raacay in meydadka labada qof ee hore ee la dilay la saaro gaari Ambalaas ahaa oo loo qaaday dhanka C.I.D. afar dhalinyarro ah ayaa la raaciyay, sidaaduu gaarigaa u baxay ayaa mar kaliya la maqlay qarax aad u xooggan oo mar kaliya bedelay jawigii goobta. Meeshii camirneyd waxa ay isu bedeshay lama degaan, dadkii waxaa kala qariyay qiiq iyo Uuro, waxaa la maqlayay oo kaliya dhalinyaradii qaar oo leh war i qaada dhaawac baan ahayee.Dadkii qaraxa ka badbaaday ayaa wada argagaxay, mid kasta oo gaari watay ayaa marba gaariga dhinac ula cararra, haddana wuxuu ku soo laaban isla goobtii uu ka tagay, gawaaridii waxey noqdeen kuwo muraayadihii ah ka wada daataan. Gaarigii Ambalaaska ayaa labadii meyd ee hore laga dajiyay oo lagu daad gureeyay dhaawacyadii qaraxa ee naftu ku jirtay. Waxaa meesha ku geeriyooday gudoomiyihii waaxda LiiqLiiqato ee degmada Kaxda Nuur Geedoow, xiliga qaraxa uu qabsanayay waxa uu ku hadlayay telefoon Gaarigana waxa uu kamid ahaa dadkii ugu dhawaa. Waxaa meesha dhaawac ahaan looga soo qaaday dad 10 ruux ah oo wada Ilma Adeera ah, taasoo keentay iney nagu adkaato cida aan Isbitaalka ku heyneyno, maadaama ehel la wada yahay. Ma Koot Libaax baan heynaa, mise Xuseen Daahir oo ka daran, mayee Armuu labadoodaba Bashiir Garab ka sii daran yahay, Axmed Bashiir horta hala aado isagaa dhiig u baahanee, Maxamed Cabdi Cali hadda ma hadli karaa, Cabdi Khadar iyo Yaasiin Yuusuf horta qeybta ICU-da malaga soo saaray. W/Q: Abdulshakur Mohamed Warar Xul ah

Dalka Faransiiska oo bandaw degdeg ah galay

17 Daqiiqadood ka horXigashada Sawirka, ReutersMadaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku dhawaaqay bandaw labaad kaas oo soconaya ilaa iyo ugu yaraan dhammaadka bisha Nofeembar.Mr Macron wuxuu sheegay in talaabooyinka cusub, laga bilaabo jimcaha, dadka kaliya loo ogolaan doono inay guryahooda uga baxaan sababo shaqo ama caafimaad dartiis uun.Ganacsiyada aan muhiimka ahayn, sida makhaayadaha iyo baararka, way xidhmi doonaan, laakiin iskuulada iyo warshaduhu way sii furnaan doonaan.Dhimashada maalinlaha ah ee faransiiska waxay mareysaa heerkii ugu sarreeyey tan iyo bishii Abriil. Talaadadii, 33,000 kiis oo cusub ayaa la xaqiijiyay in laga helay dalkaas.Mr Macron wuxuu sheegay in wadanku uu qatar u galay in "saamaynta darab ee mowjad labaad oo aan shaki ku jirin inay ka darnaan doonto tii hore".Dhanka kale, Jarmalka wuxuu soo rogi doonaa bandaw deg deg ah oo aan sidaa u sii cuslayn laakiin ay ka mid tahay xidhitaanka makhaayadaha, goobaha jimicsiga iyo tiyaatarada, ayay tidhi haweeneyda hogaamiyaha ka ah dalkaasi Angela Merkel Arbacadii.Fiditaanka ayaa si aad ah ugu sii kordhaya Yurub oo dhan, oo ay ku jiraan Boqortooyada Ingiriiska oo Arbacadii shaacisay 310 dhimasho cusub iyo 24,701 xaaladood oo cusub.Bandow habeenkii ah ayaa ka dhaqan gala dalal dhowr ah, oo ay ku jiraan 46 milyan oo qof oo ku nool Faransiiska.Warka ku saabsan xayiraadaha cusub ee lagu soo rogay waddamada ugu dhaqaalaha badan Yurub ayaa horseeday hoos u dhac weyn suuqyada maaliyadeed Arbacadii. Khudbad uu ka jeediyay telefishanka Arbacadii, Mr Macron wuxuu ku sheegay in Faransiisku ay tahay inay hada "si adag u dhaqan geliyaan amarradda dawladda" si looga fogaado in "dib uu u saameeyo cudurka"."Feyrasku wuxuu ku wareegayaa xawaare aan xitaa saadaasha ugu xun ee saadaashu aysan fileynin," ayuu yiri, isagoo intaa ku daray in kalabar dhamaan sariiraha daryeelka degdega ah ee isbitaalada Faransiiska ay degan yihiin bukaanada Covid.Madaxweynaha ayaa sheegay in sharciyada cusub, dadku ay u baahan doonaan inay soo buuxiyaan foom si ay ugu sababeeyaan ka bixitaanka guryahooda, sidii looga baahnaa bandawgii ugu horeysay ee bishii Maarso. Kulamada bulshada ayaa iyana la mamnuucay."Sida guga oo kale, waxaad awoodi doontaa inaad ka tagto gurigaaga kaliya marka aad shaqeynayso, iyo ballamaha caafimaadka, iyo inaad gargaar siiso qof ehelkaaga ah, inaad wax ka soo iibsato alaabada daruuriga ah ama aad socod ku tagto gurigaaga agtiisa," ayuu yidhi Mr Macron.Laakiin wuxuu caddeeyay in adeegyada bulshada iyo warshadaha ay sii furnaan doonaan, isagoo intaas ku daray in dhaqaaluhu "uusan ahayn inuu istaago ama burburo".

Nidaamka yaabka leh ee Al-Shabaab ay canshuuraha uga ururiso MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan canshuuro iyo lacago baad ah ka qaada ganacsatada Soomaaliyeed ee Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka, iyo weliba shaqsiyaad ka tirsan dowladda, sida ay dhawaan daboolka ka qaaday warbixin cusub oo la shaaciyey. Warbixintaasi oo dhawaan uu daabacay Machadka Daraasaadka Amniga ee HIRAAL ee fadhiggiisu yahay magaalada Muqdisho, ayaa lagaga hadlay qaabka ay Al-Shabaab usoo ururiso canshuuraha ay qaado, iyada oo adeegsaneysa Bankiyo kala duwan, ganacsato iyo shaqsiyaad kale. Waxa ugu horeyntii warbixintaasi lagu sheegay in Al-Shabaab ay hal lambar oo isku mid ah u isticmaasho la xiriirka ganacstada iyo shaqsiyaadka ay canshuurta ka rabto ee isku deegaanka ah, taasi oo fududeynaysa cabsi gelinta dadkaasi oo ka xaqiijin kara shaqsiyaadka ay qaraabada yihiin ee kooxdaasi ku jira. Canshuuraha ay kooxda Al-Shabaab ka qaado Muqdisho iyo gobollada dalka ayaa waxa loo soo aruuriyaa qaabab kala duwan, kuwaasi oo mararka qaar ku xiran xaddiga lacageed ee la uruuriyay, goobta ganacsigu ku yaal iyo meelaha ay gacanta ku hayaan dagaalyahanadaasi, sida lagu xusay warbixinta. Arrinta yaabka leh ee lagu sheegay warbixinta HIRAAL ayaa ah in saraakiisha u qaabilsan Shabaabka soo ururinta lacagahaasi ay mararka qaar si toos ah ugu tagaan meelaha iyo ganacstada laga rabo lacagta, isla markaana kasoo qaada lacag kaash ah, kuwaasi oo ka baxsan meelaha ay gacanta ku hayaan. Shabaabka ayaa badanaa waxa lacagaha canshuurta ku ridaan ama ku aruriyaan xisaabaad (akoono) bangi oo ku diiwaan-gashan shaqsiyaad ganacsi leh iyo kuwa aan laheyn balse damaanad buuxda ka haysta saraakiisha sare ee kooxdaasi. “Waxa jira xubno Al-Shabaab ah kuwaas oo iska dhiga in ay ganacsato yihiin isla markaana shaqadoodu tahay in ay fududeeyaan uruurinta iyo dhaqdhaqaaqa lacagta. Tusaale ahaan, qof ganacsade ah oo raba in uu lacago ka xawilo meelo ay Shabaab ka taliso ayaa lacagta u dhiiba xafiiska maaliyadda ee Shabaab, kaas oo isna u tilmaama ganacsade kale oo AS xiriir laleh kuna sugan dhulka dawladdu ka taliso, kaas oo ganacsadihii hore siiya lacagtiisii isaga oo kubixinaya lacag cashuur ah oo uu kasoo qaaday ganacsade kale” ayaa lagu yiri warbixinta HIRAAL Canshuurta ay kooxdu bishii aruuriso ayaa lagu sheegay marka la isku wada daro inay tahay ugu yaraan 15-milyan oo doollar, taasi oo ka dhigeysa in maleeshiyadaasi ay ganacsatada iyo dadka kaleba ka qaado canshuuro ka badan midda dowladda.

Stay Connected

20,936FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

US Says 'Very Real' Risk Of Turkey Sanctions Over Russian Arms

Thursday October 29, 2020Turkish President Recep Tayyip Erdogan, seen here in August 2020, has drawn threats of US sanctions after tests of the Russian S-400 air system. Adem ALTAN A US official warned Wednesday that NATO ally Turkey faced a risk of sanctions after it defiantly tested Russia's S-400 air defense system. "That risk is very real because they... continue to pursue the S-400," said R. Clarke Cooper, the top State Department official in charge of arms sales. "And, of course, with the testing of it, sanctions is very much something that is on the table," he told a small group of reporters. Ads By Google Turkey has confirmed the first test of the S-400 despite months of warnings from the United States that the system was incompatible with membership in NATO and could help Russia hone skills in shooting down Western fighter jets. A law passed overwhelmingly by Congress in 2017 lays out sanctions against nations that buy significant quantities of arms from US adversaries including Russia. The US had already kicked out Turkey from its elite F-35 fighter-jet program after it bought the S-400 system in 2017. Cooper said the US had set a red line of Turkey not activating the S-400. Even after the test, he hoped that Turkey would "walk back from operationalizing" the system. "Put it away, decommission it, just do not integrate it and make it operable," he said. "We certainly are working to make sure that Turkey remains in the West. This is something that's important not only to the United States, but to the overall alliance." Turkish President Recep Tayyip Erdogan in a speech Sunday hit back at the threat of sanctions, accusing the US of treating his country like a "tribal state." The S-400 purchase had been seen as part of Erdogan's effort to rebalance Turkey's relationship closer to Russia amid tensions with Western powers on multiple fronts. But relations between Turkey and Russia are hardly smooth, with Erdogan condemning Moscow over an air strike Monday that killed dozens of pro-Ankara rebels in Syria. US President Donald Trump had earlier appeared to show sympathy for Erdogan, who blamed his decision to turn to Russia on Trump's predecessor Barack Obama. advertisements   Are Somali Americans the Swing Vote of the Future? - Ozy Chair of Security Council’s Somalia Sanctions Committee Details Expert Group’s Findings on How Extremist Group Al-Shabaab Funds Activities - UN News

Chair of Security Council’s Somalia Sanctions Committee Details Expert Group’s Findings on How Extremist Group Al-Shabaab Funds Activities

Thursday October 29, 2020 A group of United Nations-appointed experts detailed in its recent report how the Al-Shabaab extremist group raises funds for its activities, the Chair of the Security Council Committee pursuant to resolution 751 (1992) concerning Somalia said today, during a 28 October videoconference meeting. Updating the Council on the Committee’s work from 10 June to 28 October, Belgium’s representative, speaking in his capacity as Chair, said members met twice by closed informal videoconference.  They heard a presentation by the Panel of Experts on 14 September as well as briefings from the United Nations Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) and the United Nations Office on Drugs and Crime (UNODC) on 9 October. Ads By Google He reported that the Panel’s coordinator highlighted several issues, including the Panel’s relations with the Federal Government of Somalia, Al-Shabaab financing, sanctions listings, the arms embargo and the improvised explosive devices components ban, the charcoal ban, and the humanitarian situation in Somalia.  Committee members welcomed the continued development in the Panel’s relations with the Government and praised the high quality of the Panel’s report, in particular the section analysing Al-Shabaab’s revenue sources, storage and transfer methods, and illegal taxation systems. OCHA’s Deputy Director, Operations and Advocacy Division, pointed out that humanitarian needs in Somalia remained high due to protracted conflict, political and economic instability, and recurrent climatic shocks, he reported.  The triple threat of floods, COVID-19 and the worst desert locust upsurge in decades had aggravated the humanitarian situation, exacerbating pre-existing vulnerabilities, disrupting positive socioeconomic gains, destroying livelihoods and straining the health-care system.  She asked for renewal of the humanitarian exemption from the existing sanctions to facilitate aid delivery. The UNODC briefing, he continued, provided insight into the trafficking of components for improvised explosive devices, the maritime trade and Al-Shabaab’s revenue system, and the charcoal trade.  The Head of the Global Maritime Crime Programme highlighted key efforts to disrupt the group’s activities, among them liaising with key Member States to enhance their awareness and engagement in those efforts; strengthening the regional maritime law-enforcement capacity; and improving maritime domain awareness through the use of technology such as satellite imagery. Following the briefing, the United Kingdom’s delegate applauded Somalia’s recent progress while noting that the Panel’s report also cites significant remaining challenges.  “We need to support Somalia and work together […] to combat Al-Shabaab,” including by tackling the group’s ability to raise funds, he said, adding that the humanitarian exemption from the sanctions regime remains critical. The representative of the United States echoed some of those points, while underlining the need to apply the 751 sanctions regime “to its fullest extent”.  While welcoming the increased cooperation between the Panel and the Federal Government of Somalia, she emphasized that addressing the many challenges posed by Al-Shabaab also requires strong cooperation with the private sector and external partners.  Meanwhile, resolution 2498 (2019) — which added a ban on components for improvised explosive devices to the sanctions regime — must be implemented in full, she reiterated. China’s representative emphasized that sanctions “must be a means, not an end”, saying that Somalia’s legitimate requests in that regard should be given due attention.  Taking note of the improving relationship between the Government and the Panel, he called upon both sides to enhance mutual trust and build stronger cooperation.  However, the Panel should strive to improve the quality of its reports and verify all its information, he stressed, expressing concern about repeated leaks.  Pointing out that the Council is set to renew the sanctions in November, he called for updating those measures in a manner that effectively combats terrorism and reduces violence.  Language that is not relevant to those goals should be avoided, he stressed. Germany’s representative underscored the Council’s support for the Panel’s work, while pledging to fully implement the 751 sanctions regime. The representative of the Russian Federation, Council President for October, spoke in her national capacity, emphasizing the importance of the sanctions in helping the Government to establish peace and security in Somalia.  However, the sanctions should not impede the Somali National Army’s efforts in fighting Al-Shabaab.  She went on to urge the Panel of Experts to continue to carry out its mandate in all areas of investigation.  advertisements  

This post first appeared on BBC Somali - Somali. Read the http://www.bbc.com/somali/war-54592031original article