Saturday, October 24, 2020

Maxaa ka cusub dagaalka Azerbaijan iyo Armenia?

Rajadii laga qabay xabad joojin ay Ruushku dhexdhexadiyeen oo ay gaareen Azerbaijan iyo Armenia ayaa maanta oo Axad ah sii xumaatay, iyadoo labada dhinac uu midba kan kale ku eedeeyay duqeyn ba’an oo lala beegsaday goobaha rayidka ayna sii kordheyso laba toddobaad oo iska horimaadyo aad u daran ay ka dhex socdaan labada dal.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Azerbaijan ayaa sheegtay in madaafiic habeenimadii xalay ciidamada Armenia ay ku garaaceen magaalada labaad ee ugu weyn dalkaasi ee Ganja ay ku dhinteen 7 qof, halka 33 kalena ay ku dhaawacmeen oo ay ku jiraan caruur, tani oo imanaysa wax ka yar 24 saac ka dib goortii lagu waday inay bilaabato dhaqangalka xabbad joojinta.

Kooxaha badbaadada ee koofiyadaha cas ayaa galay howlo ay ku raadinayaan calaamadaha dad ka badbaaday gantaallaha sida uu wariye ka tirsan AFP oo ku sugan magaalada soo wariyay. Hal qof ayay ka soo badbaadiyeen goobta burburka oo loola cararay isbitaalka.

Dhinaca kale, wasaaradda gaashaandhigga ee gobolka gooni u goosadka ah ayaa Axadda maanta ah sheegay in ciidamada Armenia ay ixtiraamayaan xabad joojinta bani’aadamnimo iyadoo uu dhinaca kale ku eedeysay Azerbaijan in ay duqeysay aagag ay deggan yihiin dad rayidka ah.

Sheegashooyinka ah in ciidamada Armenia ay mas’uul ka ahaayeen duqeynta Ganja ayay wasaaraddu ku sheegtay kuwa been abuur ah.
Heshiiska ah in la joojiyo colaadda si la isu weydaarsado maxaabiista iyo meydadka dadka lagu dilay labo toddobaad oo uu dagaal ka socday gobolka lagu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh ayaa waxaa isku raacay wasiirrada arimaha dibada ee Armenia iyo Azerbaijani oo ku wadahadlay Sabtidii magaalada Moscow.

Xabbad joojinta ayaa si rasmi ah u dhaqan gashay duhurnimadii Sabtida laakiin labada dhinac ayaa durba bilaabay in uu midba kan kale ku eedeeyo inuu ku xadgudbay xabbad joojinta.

Related Articles

Ethiopia: Prime Minister’s Office Full Statement About GERD

The Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) is an affirmation of Ethiopia’s commitment for equitable and reasonable utilization of the Abbay River. Ethiopia’s aspiration and commitment...

Ethiopia Summons U.S. Ambassador, Comments On GERD

Addis Ababa, October 24, 2020 –Ethiopia’s Foreign Minister Gedu Andargachew summoned today the U.S. Ambassador Mike Raynor to seek clarifications on President Donald Trump’s...

Ra’iisul Wasaare Rooble “Waa In Xilalka Aad La Wareegtaan Si Looga Faa’iideysto Waqtiga Haray”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir guddoomiyay kulankii ugu horeeyey ee ay yeeshaan xubnaha golaha Wasiirada ee maanta la dhaariyay. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa shaqooyinka horyaala Golaha Wasiirrada iyo xoojinta wada shaqaynta dhexdooda ah, si loogu guuleysto ka miro dhalinta qorshaha xukumadda ee ku salaysan ku u adeeggidda bulshadda iyo sareysta sharciga . Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay Golaha Xukuumadda in si dhaqso ah ay shaqooyinkooda u guda galaan, xilalkana ula wareegaan, si looga faa’iideysto waqtiga haray, loona fuliyo qodobadii ku jiray barnaamijka Xukuumadda ee baarlamaanku ansixiyey. “Waxaa Alle mahadii ah inaan yeelanay kulankii ugu horeeyey kadib markii maanta la dhaariyay golaha cusub, waxaana idinka rajeynayaa inaad xilalka si deg deg ah ula wareegtaan, si looga faa’iideysto waqtiga haray”.ayuu yiri Raysal Wasare Maxamed Xuseen. Daawo Wasiirka Ku Xigeenka Warfaafinta Soomaaliya oo faah faahiyay kulankii Golaha Goobjoog News

Stay Connected

20,901FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Ethiopia blasts Trump remark that Egypt will 'blow up' dam

Ethiopia on Saturday denounced “belligerent threats” over the huge dam it has nearly completed on the Blue Nile River, a day after U.S. President Donald Trump said downstream Egypt will “blow up” the project it has called an existential threat.