Wednesday, November 25, 2020

Maxaa dhici kara haddii Trump uu diido inuu xilka wareejiyo?

25 Daqiiqadood ka hor

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa diiday inuu xaqiijiyo inuu si nabad uu xilka ku wareejin doono haddii laga guuleysto doorashada bisha Nofembar ka dhaceysa dalka Mareykanka.

“Hagaag, waa in dhammaanteen aan ka dhuursugnaa waxa dhici doonaa” ayuu yiri madaxweyne Donald Trump oo shir jaraa’id ku qabtay Aqalka Cad.

Wuxuu rumeysan yahay in natiijada doorashada ay ku dambeyn doonto gacanta maxkamada ugu sarreyso dalkaas xilli uu shaki ka muujinayo codeynta dhanka boostada.

Wuxuu ku jawaabay “Waxaan si weyn cabasho uga qabaa qaabka codeynta”

“Meesha halaga saaro qaabkan codeynta ah- marka waxay u dhaceysa si nabad ah- mana jiri doonto xil wareejin, waxaa jiri doonaa is qabqabsi”

Madaxweyne Trump ayaa ku andacoonayaa in codeynta qaabka boostada uu halis u yahay in wax lais daba mariyo.

Dhanka kale Joe Biden oo ah ninka la tartamaya Trump oo weriyeyaasha kula hadlayay magaalada Delaware wuxuu ku tilmaamay hadalka kasoo baxay Trump “Mid aan macquul aheyn”.

Koox ka tirsan Dimuqraadiga waxay sheegeen in Mareykanka ay ka jirto dowlad Aqalka Cad ka saari karto kuwo ku hamiya inay si sharci darro ku sii joogaan.

Haddaba haddii Trump uu diido in uu xilka wareejiyo maxaa dhici kara?

Ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Mareykanka

Barbara McQuade oo horay usoo noqday xeer ilaaliyaha Michigan, haddana ah macallin culluunta sharciga ka bara jaamacadda Michigan ayaa wargeyska The Atlantic ee kasoo baxa dalka Mareykanka u sheegay in haddii madaxweyne Trump uu ku adkeysto in uu xafiiska sii joogo marka uu dhammaado muddo xileedkiisa, laamaha ammaanka ay ka shaqeyn doonaan sidii xafiiska looga saari lahaa.

“Madaxweyne Trump waxaa uu markiiba luminayaa awoodda uu siinayo dastuurka dalka Mareykanka maadaam uu dhammaaday muddo xileedkiisa”, ayuu yiri Barbara.

Qaar kamid ah warbaahinta maxalliga ee Mareykanka ayaa kusoo warramay in haddii madaxweynaha uu dhamaado muddo xileedkiisa ama xilka laga qaado balse uu ku adkeysto in uu xafiiska sii joogo uu weynaya awoodda uu ku amro ilaalada madaxweynaha ama dhammaan ciidamada Mareykanka ee ka amar qaata.

Maadaama madaxweyne Trump uu yahay taliyaha guud ee ciidamada Mareykanka, waxaa sidoo kale meesha ka baxaya awoodda amar-siinta ciidamada Mareykanka.

Madaxweyne Trump oo markaas noqon doono muwaadin caadi ah ah ayaa waxaa meesha ka baxaya xasaanadii uu lahaa ee ahayd in aanan wax dacwad ah lagu soo oogi karin inta uu xilka hayo, waxaana dhici karta in la xiro, laguna soo oogo dacwad ah in uu si sharci darro ah ku joogay xafiiska.

Inkastoo madaxweyne walba oo Mareykan ah marka uu xilka ka dego xaq u leeyahay in la siiyo ilaalada madaxweynaha ee loo yaqaano Secret Service, haddana taas kama hor-istaageyso in xafiiska laga saaro.

Halkee loo laaban haddii natiijada doorashada lagu murmo?

Maxkamadda ugu sareysa Mareykanka

Marka la eego sooyaalka taariikheed ee Mareykanka, natiijada doorashada madaxtinimada Mareykanka ma noqon karta mid dhibaato u horseedo Mareykanka, waana arrin naadir ah in lagu murmo.

Dastuurka Mareykanka waxaa uu dhigayaa in marka hore madaxweyne xil haya uusan awood u lahayn in doorasho uu ku tilmaamo mid aan waxba ka jirin, sidoo kalena walaac walba oo laga muujiyo doorashada, maamulada gobollada Mareyanka ee maamula guddiga doorashada ay awood u leeyihiin inay baaritana ku sameyaan haddiiba ay jirto eedeyn ah wax isdaba marin dhanka doorashada ah.

Waxaa adag ama naadir ah in marka baaritaan la sameeyo wax laga badelo natiijada doorashada, maadaam marka horeba ay adag tahay in la sameeyo wax isadab marin dhanka doorashada Mareykanka ah.

Tallaabada kale ee u bannaan musharixiinta doorashada haddii lagu murmo doorashada ayaa waxay tahay in dacwadooda ay u gudbiyaan maxkamadda ugu sareysa Mareykanka, maxkamadaas oo in ay waxba kama jiraan kasoo qaado doorashada u baahnaan doonta caddeymo adag.

This post first appeared on BBC Somali - Somali. Read the http://www.bbc.com/somali/war-54283735original article

Related Articles

Qaar Ka Mid Ah Kooxaha & Xiddigaha Kubada Cagta Oo Ka Fal Celiyay Dhimashada Diego Maradona.

Kooxaha waaweyn ee kubada cagta yurub iyo kuwa kale ayaa ka fal celiyay dhimashada Halyeeyga kubada cagta ee Diego Maradona kaas oo dhintay kadib markii uu wadnuhu Istaagay. Halyeeyga ayaa si weyn magac ugu lahaa kubada cagta isaga oo u soo ciyaaray kooxo badan wacdarana ka so dhigay intii uu ciyaarayay kubada cagta. Inkasta oo uuna u soo ciyaarin dhamaan kooxaha yurub hadana Diego Maradona ayaa ahaa xiddig laga jecelyahay adduunka oo dhan marka laga hadlayo kubada cagta. Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigaynaa kooxaha ilaa haatan ka fal celiyay dhimashada Diego Maradona. Kooxda Man United ayaa bogeeda Twitter-ka ku soo qortay” Kubada cagtu waxa ay wayday mid ka mid ah Halyeeyadeeda, Nabad ku naso Diego Maradona”. Xulka qaranka Belguim ayaa dhankiisa ku soo qoray Bogiisa Twitter-ka” Waxa sharaf noo ahayd in aan ka hor tagnay Dieogo”. Kooxda Burnley ee ka ciyaarta Premier League ayaa dhankeeda Twitter-ka ku soo qortay”Hurdo Wacan, Wiilka Dahabiga Ah”. Xiddiga kooxda Arsenal ee Mohamed ElNeny ayaa dhankiisa Twitter-kiisa ku soo qoray”Nabad ku seexo Halyeey”. Halyeeyga kooxda Liverpool ee Jamie Carragher ayaa dhankiisa ku soo qoray Twitter-kiisa”Waligay ma iloobi doono daawasahada Diego Maraadona, aniga oo 8 jir ah koobkii adduunka ee Mexico, am arkin qof isaga oo kale ah tan ilaa wakhtigaas, war murugo leh”. Kooxda Barcelona oo uu Diego u soo ciyaaray ayaa dhankeeda qortay”Waad ku mahadsantahay wax walba Diego”. Kooxda chelsea ayaa iyaduna qortay”Mid maskax badan, midka ugu fiican ciyaarteena, midka ugu fiican kubada cagta, Nabad ku Naso Diego Maradona”. Man City ayaa dhankeeda qortay”Waxa aan ku biiraynaa adduunak kubada cagta waxan aan macasalaamaynanaa midkii ugu fiicnaa, Nabad ku Naso Diego Maradona”. Kooxda Liverpool ayaa dhankeeda qortay”Midka dhabta ah ee ugu fiican kubada cagta ah, Nabad ku Naso Diego Maradona”. Real Madrid ayaa dhankeeda qortay”Real Madrid waxa ay u tacsiyaynaysaa Qoyska, Asxaabta iyo kooxaha kubada cagta gaar ahaan Argentine dhimashada Diego Maradona”

Vietnam, Indonesia condemn violence in Somalia.

New York (VNA) – Vietnam and Indonesia condemn violence, attacks using improvised explosive devices and suicide attacks at troops and peace-keeping forces in Somalia. The statement was made by Ambassador Dian Triansyah Djani, Permanent Representative of Indonesia to the United Nations (UN), who addressed an online working session of the UN Security Council on November 23 on behalf of the two ASEAN nations. The two countries shared difficulties facing Somalia, and called on international partners to help the Somalia government ease the adverse impact on socio-economic development, and deal with humanitarian demand. They vowed to continue working together with the UN, and regional and international organisations to support Somalia, for peace, stability and development. The nations acknowledged positive developments in Somalia, especially political dialogues between the federal government and member states, aimed at handling their political deadlock since 2018. They spoke highly of the appointment of Prime Minister Mohamed Hussein Roble and the establishment of a new cabinet, as well as the agreement reached by the federal government and member states on the general election, slated for late 2020 or early 2021, with 30 percent of parliamentary seats reserved for women. At the session, UNSC member countries called on the Somalia government to actively make preparations to ensure a free and fair election. They committed to further cooperation with the Somalia government, and support for the role and operation of the UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM). The UNSOM was established on June 3, 2013 by UN Security Council Resolution 2102, following a comprehensive assessment of the UN in support of the establishment of the Federal Government of Somalia. Source: Vietnam Plus

Taliyaha qeybta booliska Gobolka Bari oo dhiiri geliyay arday ka qalin badalaneysay Jaamacadda bariga Afrika+Sawirro

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Muqdisho:-Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud “Anagu waxaan u baahanahy dhallinyaro aqooon leh oo u adeega dalka iyo dadka Soomaaliyeed, kuna biira ciidamada Dowladda” Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari ayaa hadalkaani ka yiri mar uu maanta ka qeybgalay xaflad ay ku qalin badalanayeen arday dhammaysatay heerka koowaad ee Jaamacadda Bariga Afrika, laanteeda Boosaso, kuwaas oo bartay kuliyado kala duwan. Taliyaha qeybta booliska gobalka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa ardayda uga mahadceliyay dadaalka ay soo muujiyeen, waxana uu ugu baaqay in aqoonta ay uga sii faa’iideeyaan shacabka, waxa kaloo uu ku dhiirigeliyay in ay dalkooda aaminaan oo aqoonta ay sii wataan, kana shaqeeyaan horumarinta guud ee dalka iyo ka shaqaynta hal abuuro cusub oo wax tari kara bulshada Soomaaliyeed Maamulka Jaamacadda bariga Afrika ayuu Taliye Xuseen uga mahadceliyay bilad sharaf iyo shahaado sharaf wada socda oo ay guddoonsiyeen, iyagoo u arkay shaqsi dadaal badan oo wax wayn ka badalay xaaladda amni ee Gobalka Bar Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Previous articleVietnam, Indonesia condemn violence in Somalia.

Stay Connected

21,097FansLike
2,452FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Degmadii Ay Gumeystayaasha Talyaaniga Kasoo Galeen Soomaaliya (SAWIRRO)

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Sawirro lasoo helay ayaa muujinaya in Degmada Cadale Ee Gobolka Shabellaha Dhexe ay aheyd meel qadiimi ah,waana goobtii Gumeystihii Talyaaniga kasoo galeen Soomaalia. Sawirrada ayaa muujiyey in ay aheyd Magaalo Xeebeed Xadaari ah,islamarkaana ay dad tiro yar ku noolaan jireen. Cadale oo katirsan Gobolka Shabellaha Dhexe Maamul Gobolleedka HirShabelle ayaa looga faa’iideysan kheyraadka Deegaanka Ee dhinaca Xeebta. Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp

Burcad South African ah Oo La Qabtay, Xilli ay Dhac u Gaysanayeen Ganacsato Soomaaliyeed

Waxaa gabi ahaanba gacanta lagu dhigay Burcad South African ah oo ku guda jiray dhac ay u gaysanayeen Dukaamo ay Soomaali iyo Itoobiyaan leeyihiin oo ku yaalla Magaalada Swellendam oo (220 km) u jirta Magaalada Cape Town ee Koonfur Afrika. Kooxdan oo ka tagay Cape Town sida la xaqiijiyey, islamarkaana watay Gaariga (Bakkie) idiin muuqda, ayaa ka hor inta aan gacanta lagu dhigin waxaa la sheegay inay dhaceen Afar Dukaan oo ay lahaayeen Ganacsato Soomaali iyo Ethiopian ah. Zakariye Seylax Cabdulle (Tooxoow), oo dhacdadan inooga waramay, ayaa sheegay inay Burcaddu dhaawaceen Muwaadin Ethiopian ah intii ay falka dhaca ah ku guda jireen, waxaana iminka lagu qabtay Caledon oo (113 km) u jirta Magaalo-xeebeedka Cape Town. Waxaa la leeyahay Magaalooyinka ka baxsan Cape Town oo ay Soomaali badan mehrado kala duwan ku leeyihiin, ayaa ammaan ahaan aad uga wanaagsan meelaha qaar. Abdulrazak IndhaJaceyl South AfricaGoobjoog News Goobjoog News