Wednesday, November 25, 2020

Mashruuc lagu ballaarinayo garoonka Aadan Cadde oo la billaabay + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Sii -hayaha Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta kormeer howleed ku tagay garoonka diyaaraha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Kormeerkaasi ayaa u daarna u kuur galida howlaha baaxadda leh ee ballaarinta iyo horumarinta ee ka socda garoonkaasi, waxaana ku wehlinayey sii-hayaha wasiirka gaadiidka cirka Maxamed Cabdullaahi Oomaar.

Mahdi oo booqday qeybaha kala duwan ee garoonka ayaa ugu horeyntii warbixin ku saabsan mashaariicda horumarinta garoonka ka dhageystay saraakiisha garoonka iyo mas’uuliyiinta shirkadda Favori ee garoonka maamusha.

Maxamed Cabdullaahi Oomaar oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in shirkada Favori ee gacanta ku haysa maamulka Garoonka ay la galeen heshiis lagu ballaarinayo garoonkaasi, xili ay socdaan billowga mashaariicdaasi.

“Waxaan la saxiixannay shirkadda Favori ee garoonka maamusha heshiis lagu ballaarinayo garoonka oo ay ku jiraan Duugista badda, dhismaha derbi ilaa 500 oo mitir ah” ayuu yiri Wasiir Oomaar.

Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaana dib loo cusbooneysiinaya dhabbaha diyaaradaha iyo weliba shaqooyin kale oo muhiim ah oo qaarkood meel dhexe marayaan”.

Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay sii-hayaha Ra’iisal wasaaraha oo bogaadiyey shaqada ka socota garoonka, isagoona ku ammaanay mas’uuliyiinta iyo howl-wadeennada garoonka shaqada wanaagsan ee ay hayaan.

Ugu dambeyntiina waxa uu ku boorriyay inay dar-dar xoogan galiyaan howlahaasi, oo qaarkood ay xiligan marayaan meelo dhexe, halka kuwo kalen ay bilow yihiin.

The post Mashruuc lagu ballaarinayo garoonka Aadan Cadde oo la billaabay + Video first appeared on Caasimada Online.

This post first appeared on Caasimada Online. Read the https://www.caasimada.net/mashruuc-lagu-ballaarinayo-garoonka-aadan-cadde-oo-la-billaabay-video/original article

Related Articles

CiyaaryahankiibReer Argentina Maradona oo geeriyooday

Sida ay baahiyeen Saxaafada Argentina waxaa maanta geeriyooday Diego Armando Maradona oo ahaa Ciyaaryahankii Caanka ahaa ee Kubada Cagta.Maradona oo 60 jir ku geeriyooday lama shaacin waxa uu sababsadey, wuxuu caanka ahaa kooxda Napoli ee Dalka Talyaaniga, aad ayaana ilaa hada looga dambeeya Napoli Ciyaaryahankaan. Puntlandi.com

Abwaan Laasalaxa maanta oo 5 sano ka hor qoray : – Cawke ayaa ii sheegay in Genaral Khalif Ciise yahay hogaamiyaha mustaqbalka.

 admin 5 years agoWww.saxafimedia.com Laab Saalax : Talooyin Uu I Siiyay Cawke ! Abwaan Xassan Dhuxul Laabsaalax Bishii April 2015 maalin ka mid ahayd ayaa waxaan Marxuum Axmed Xasan Cawke Allaha u Naxariistee, ku kulanay Radio Hargeisa Goor Barqo ah. Iska raacnay, waxaan tagnay Guriga XIDIGAHA GEESKU Hargaysa ay Ka Daganyihiin, Halkaasi oo aan wakhti ku wadda Qaadanay. Marxuum Cawke Wuxuu Maalintaa iiga Sheekeeyay. Abwaan Maxamed Cali Kaariye oo saaxiibo Dhaw ay ahaayeen,. Iyo Madaxwaynihii Hore ee Somalia Marxuum Maxamed Siyaad Bare oo uu la soo Shaqeeyay. https://saxafimedia.com/laab-saalax-talooyin-uu-i-siiyay-cawke/?amp=1 Marxuum Cawke waxa uu Dadnimo, Karti, Dulqaad iyo Wanaag badan uu iga Sheegay nin la yidhaa Khaliif Ciise Mudan oo uu yidhi Waa Hogaamiye Wakhtigiisii Aanu Wali Iman. Waxa Kale oo uu wax iiga Taabtay, Siduu Shaqada Saxaafada ku Bilaabay iyo Siduu ku Noqday Afhayeenka Madaxwaynihii Somalia Marxuum Siyaad Bare. Marxuun Cawke Waxuu ii Cadeeyay intii uu La Shaqaynaayay Siyaad Bare inuu Ka Bartay wax badan, Islamarkaana La Kulmay Madax badan oo dunidan ka soo Talisay, kuwaasi oo kala dhar iyo dhaqanba Duwan. Marxuum Cawke wuxuu si mugle iigu iftiimiyay in SIRTU Tahay wax Masuuliyad u Baahan. Axmed Xasan Cawke Talooyin Nolosha ku Saabsan ayuu I siiyay, Waxaanan Hubaa Daqiiqada aad la kulanto Cawke inaad ka faa’iidaysay Cashar nolosha kaa An Faca, WUXU IGU YIDHI MARXUUM CAWKE. :: Waligay Qof Nalama Kala Jiidin oo is maanu Feedhin intii Aan Caqliyaystay :: Waxa Kale oo igu yidhi Qofna kama Caban, Qofna Uma Caban, Ee kolba Xaalada Shaqo, Dhaqaale iyo Ta Nololeed ee markaa Taagan ayuun baan la Noolahay. :: Waxa uu Igu Yidhi oo Kale Qof aanan Aqoon oo aflagaado Ii Gastay Kama Cadhoon, mana su’aalin Sababta uu iigu Xanaaqay, Balse aniguun baa Dib u Raali galiyay intaana wuxuu I Raaciyay ‪#‎ Magac hadaad Yeelato Ilaalin ayuu kaaga Baahanyahay! :: Waxa Kale oo uu ii Sheegay In uu Tagay Caasimadaha Aduunka Dhamaantood Marka Laga Reebo Laba Caasimadood, intaa markuu igu Yidhi intuu Marxuumku waxoogaa Madaxa Ruxay, Ayuu ii Raaciyay. Xamar Caasimad Duntay iga Dheh Marxuumku Wuxuu Ahaa. Nin Niyad Wanaagsan. Qalbigana Qani ka ah. Islamarkaana aad u naxariis badan. Marxuum Cawke Wuxuu Lahaa Curin Fog, iyo Hibo Tabineed oo Dhagaha Dadka inta uu hadlaayo keenaysay inuu Hanto. Wuxuu Lahaa Magac Wayn oo Dadka Afsoomaaliga ku hadlaa ay aad u Yaqaaneen. Iyo Sumcad dhisan oo laga Dheehan karo Shakhsiyadiisa Wanaagsan. Wuxuu ku Fiicnaa War Akhrinta, iyo Gudbinta barnaamijyada Madadaalada ah. Wuxuu Af-Soomaaliga warbaahinta ku soo kordhiyay eray bixino badan, Sida Naf La Caari, Gagidda Diyaaraduhu Ka Haadaan, Maamulka Ulaha Boocda ah ku Tukubaya, iyo Qaar kale oo Fara Badan. Axmed Xasan Cawke Markuu barnaamij Diyaarinaayo intaanu Bilaabin Xog Badan ayuu isku Dayi Jiray inuu ka ogaado barnaamijka u Diyaarinayo, Marxuumku Xidigaha Geeska barnaamij Uu ka Diyaariyay Intuu ku Sifeeyay ma Qabo in Qof wariye ihi hore ugu Sifeeyay Dibna ugu Sifayn Doono. Marxuum Cawke Wuxuu Ahaa Nin.Xarago.Badan, dhawrsoon,..Xan Neceb, Gacan Furan Waaya arag ah. Wuxuu ahaa nin Afka, Dhaqanka, iyo Dhulka Somaliyeed aad u Kala.Yaqaana, Allaha u Naxariisto Marxuum Axmed Xasan Cawke oo Xaqii u yimid ilaahii abuuray oofsaday Aamiim .

William Gallas Oo Saadaaliyay Labada Kooxood Ee Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Premier League Xilli Ciyaareedkan.

Halyeeyga reer France ee William Gallas ayaa saadaliyay kooxda ku guulaysan doonta horyaalka premier League xilli ciyaareedkan. William Gallas ayaa aaminsan in ay kooxaha Tottenham iyo Chelsea ugu cad-cadyihiin ku guulaysiga horyaalka Premier League. Tottenham ayaa hogaaminaysa horyaalka premier League iyaga leh 20 dhibcood laakiin goolal kaga horaysa kooxda Liverpool ee difaacanaysa horyaalka. Dhanka kale kooxda Chelsea ayaa ku jirta kaalinta 3-aad iyaga oo 2 dhibcood ka dambeeya kooxaha Tottenham iyo Liverpool. William Gallas oo la hadlaya wargayska Mirror ayaa yidhi”Guushii Tottenham ka gaadhay Man City ayaa xaqiijinaysa waxa aan sheegayo, labada kooxood ee reer London Tottenham iyo Chelsea ayaa ugu cad-cad ku guulaysiga horyaalka xilli ciyaareedkan”. “Waxa xiiso gaar ah leh kulanka Chelsea iyo Tottenham ee Axada waxana aan eegi doonaa sida ay u ciyaaraan”.

Stay Connected

21,096FansLike
2,453FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Shirkii Murashaxiinta Uga Socday Muqdisho Oo Soo Dhamaaday Laakiin Wel…

Shirkii Murashaxiinta Madaxweyne uga socday Muqdisho ayaa waxa uu galabta soo gaba gaboobay shan maalin uu socday. Berri gelinka hore ayaa la sheegay in lasoo gudbin doono War murtiyeed lagu soo koobayo go’aanada Mucaaradka. Afhayeenka Murashaxiinta ku shiray Muqdisho Ridwaan Xersi Maxamed ayaa sheegay in caawa la qori doono War murtiyeedkaasi. Waxaa filayaa in qodobada […] The post Shirkii Murashaxiinta Uga Socday Muqdisho Oo Soo Dhamaaday Laakiin Wel… appeared first on Somali News Leader.

Tahriibayaal Doon ay la degtay oo faraantigooda arooska badda laga helay

7 Daqiiqadood ka horXigashada Sawirka, Open ArmsMarkii kooxaha gurmadka iyo samatabixinta ay badda Mediterranean-ka ka heleen labo faraanti oo ah kuwa arooska, waxay u maleynayeen in dadkii lahaa ay badda ku dhinteen.Shaqaalahani gurmadka ayaa faraantiyadani oo boorso yar ku jiray islamarkana aan wali degin oo dhinac ka quusay ka helay meel ay dooni ku degtay halkaasi oo ay 5 qof ku dhinteen.Balse waxay sawiradan la wadaageen shaqaalaha gargaarka ee ku sugan Taliyaaniga, kuwaasi oo muhaajriintii badda ka soo gudbay waydiiyay.Waxaa la yaab noqotay, in la helo dadkii iska lahaa labadan Faraanti.Waxay noqdeen lamaane dhalinyaro ah oo u dhashay dalka Algeria.Lamaanahaasi oo lagu kala magacaabo Axmed iyo Doudou oo aad ugu farxay arrintan ayaa imika lagu wadaa in loo geeyo faraantiyadooda oo ay markii hore ka samreen islamarkana u haysteen inay lumeen."Markii aan sawirka baahiyay uma maleynayn in la helayo ciddii boorsadani iska lahayd," waxaa sidaasi u sheegay BBC Axmad Al Rousan, oo dhanka dhaqanka kala shaqeeya hay'adda MSF ee ka howlgasha Taliyaaniga. "Waxaan sidoo kale ku fikirayay in qofkii lahaa uu ku dhintay badda Mediterranean-ka."Mr Al Rousan ayaa waxaa uu qeyb ka ahaa koox dhanka maskaxda ka taageeyreysay Axmed, xaaskiisa Doudou iyo 13 qof oo kale, ka dib markii doonidii ay la socdeen ay ku degtay jasiiradda Lampedusa 21 October.Lamaanahani oo la sheegay inay ku jiraan da'da labaatameeyada ayaa ku noolaa dalka Liibiya, balse duruufaha ayaa waxay ku qasbeen inay safar halis ah u soo galaan dalalka Yurub, maadaama Liibiya ay halis ka jirtay.Markii ay badda ku jireen 48 saacadood ayaa waxaa degtay doontii ay la socdeen.Shilkaasi ayaa waxaa ku dhintay 5 qof oo uu ka mid ahaa gabadh jirtay 18 bilood.Axmed iyo xaaskiisa Doudou, oo magacyadooda oo saddaxan aan wali la shaacin ayaa waxaa soo badbaadiyay rag kaluumeysato ahaa."Waxaan si toos ah ula hadlay Axmed, waxaa uu bilaabay in uu ii sharxo faraantiyada iyo sababata ay boorsada ugu rideen," ayuu yiri Mr Al Rousan. Faraantiyadan ayaa la sheegay inay jabeen, balse lamaanahani ayaa doonaya inay Yurub ku hagaajiyaan, ayuu intaa ku daray."Axmed aad ayuu u qiirooday, aad ayuuna ugu farxay in faraantiyadiisa la helo , waxayna u ahaayeen wax gaar ah.Xigashada Sawirka, Open ArmsMr Al Rousan oo ka mid ah shaqaalaha hay'adda MSF ayaa sheegay in markii ay dadka tuseen sawirka Faraantiyada in uu aamini waayay "suurtagalnimada in la helay"Lamaanahani iska lahaa Faraantiyadani ayaa la sheegay in wali ay ka muuqato cabsidii ay ka qaadeen doontii la degtay ee ay asxaabtooda ku dhinteen.