Sunday, November 29, 2020

Manifesto 2: War Saxaafadeed

In muddo ah ayaa bulshada Soomaaliyeed ay ka dhur-sugaysay in heshiis laga gaadho khilaafka soo jiitamayay ee u dhexeeya hoggaamiyayaasha dalka. Shaki kuma jiro in fursado badan oo Soomaalidu ay wax ku qabsan lahayd uu ku lumay khilaafkaasi. Haddaba waxa rajo iyo farax geliyay umadda Soomaaliyeed in 17-kii sebtember 2020, Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobolleedyadu ay gaadheen is afgarad ku aaddan doorashada 2020/21.

Manifestio– 2, waxay la wadaageysaa bulshada Soomaaliyeed soo dhoweynta war-murtiyeedkii ka soo baxay is-afgaradka Muqdisho. Waxaa hubaal ah in is-afgaradkaasi uu yimid goor ay howl-gab noqdeen hay‘addihii dowladda ee laga sugayay taaba-gelinta hannaanka dimoqraadiyadeed, xasilinta amniga iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.

Haddaba kadib mudda afar sano ku dhow, waxa la isla gartay in laga badin-waayo in la qabto doorasho la muuqaal ah doorashadii afar sano ka hor la galay (doorasho dadban), oo ay ku timid dowladda hadda hoggaanka dalka haysa. Sidaa darteed wixii daddaal ahaa ee baxay, ee isugu jiray wakhti iyo kharaj, waxaa lagu tilmaami karaa hanti ka luntay faca Soomaaliyeed ee maanta nool. Waxaa kale oo muuqata haddii aanan si taxadar leh oo is-oggolaansho iyo wada-oggolid la waayo, in afarta sano ee xigta ay la soo daristo dalka dib u dhac kaleeto oo aan la qaadi karin.

Doorashada dadban ee uu heshiisku ka soo dejiyay meeshii ay dowladda ku laashay in la qabto doorasho wada ogol ah, waxa dalka laga badbaadiyay burbur iyo xasillooni daro mar kale la soo darista. Haddaba in is- faham iyo wadajir dib loogu soo celiyay taladii dad-waynaha iyo maamul-gobolleedyada matalayay, waa guul lagu saxay baal-markii Dastuurka, nidaamka Federaalka iyo wada-tashi la’aantii uu hoggaanka dalku ku socdey muddadaas afarta sano ku dhow. Taasi oo gaabis ku keentay higsigii iyo himiladii ay ummadda Soomaaliyeed ka lahayd in ay ku gaaraan doorasho qof iyo cod ah, doorasho xor ah oo xalaal ah oo dad-waynuhu ay ka wada-qaybgalaan.

Waxaanu hambalyo iyo bogaadin u direynaa Ra‘iisul-Wasaaraha cusub
Md. Maxamed Xuseen Rooble. Waxaanu kula talineynaa in uu soo dhiso dowlad tayo leh ah oo dalka u diyaarisa doorasho xaq ah oo si xalaal ah ugu dhacda wakktigeedii. Si taas loo helona uu ka fogeeyo siyaasiyiinta lagu tuhmayo musuqa iyo iyo danaha gaarka ah.

Annaga oo u mahadcelineyna dhamaan madaxdii saxiixey heshiiskan iyo dowladaha caalamka oo ku gacan-siiyay, misana waxaa jira arimo mudan in la qeexo si dad-waynuhu ay ugu dhiiradaan taageerada meel-marinta qodobada heshiiska.  Arimahaas oo ah kuwo ay dad-waynuhu ka wal-wal qabaan in ay dib u dhac u keenaan sii socodsiinta heshiiskan,  islamarkaana aanan si dhab ah ugu caddayn qoraalka ku soo baxay war -murtiyeedkii shirka.

Qodobada uu caadku saaran yahay waa kuwan hoos ku xusan: 

  • In dib loogu celiyo Baarlamaanka guddoominta go‘aamadii war-murtiyeedka ku soo baxay
  • In guddiga doorashada uu noqdo mid ka madax-bannaan fara-gelinta xukuumadda
  • Haddii qorshaha doorashooyinka ay bilaabanaysaa 1-da Nofember, in la caddeeyo goorta ay doorashadu dhacayso

Manifesto II

Halkan ka akhri- Bayaankii Manifesti 2

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2020 WardheerNews, All rights reserved

This post first appeared on WardheerNews. Read the https://wardheernews.com/manifesto-2-war-saxafadeed/original article

Related Articles

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia oo ku dhawaaqay inuu dhamaaday Dagaalka Tigrayga.

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa ku dhowaaqay inuu dhammaaday dagaalka gobolka Tigray kadib markii ciidamada dowladda ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta magaalada Mekelle ee caasimadda gobolka Tigray. War qoraal ah oo ra’iisal wasaaraha Ethiopia Aby Ahmed uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay ayuu ku sheegay, inay gudaha u galeen magaalada Makelle, iyadoo aan la bar tilmaameedsanin dadka rayidka ah ee aan dambiga laheyn. Sidoo kale madaxa milatariga Ethiopia Birhanu Jula ayaa isagana bartiisa Facebook ku sheegay inay magaalada gacanta ku hayaan. Hogaamiyaha ururka TPLF ee dagaalka kula jira dowladda Ethiopia Debretsion Gebremichael ayaa wakaaladda wararka ee Reutres u sheegay inaysan quusananin. Mar la weydiiyay hadii ay dagaalka sii wadayaan ayuu ku jawaabay in tani ay tahay difaacidda xuquuqdooda iyo aaya ka tashigooda. Debretsion Gebremichael ayaa sidoo kale Reuters u sheegay in Mekelle oo nus million dad ah ay ku nool yihiin duqeymo xooggan ay ku socdeen afartii todobaad lasoo dhaafay. Aby Ahmed ayaa sheegay in qabsashada Mekelle kadib ay hor yaallaan howlo muhiim ah oo ay ka mid yihiin dib dhiska iyo dayactirka waxii ku burburay dagaalka iyo soo celinta dadkii ka qaxay iyadoo muhiimad la siinayo in sidii caadiga aheyd lagu soo celiyo xaaladda dadka gobolka Tigray. Waqtigii kama dambeysta ahaa ay dowladda Ethiopia u qabatay ururka TPL inay ay hubka isaga dhigaan ama ay wajahaan dagaal adag ayaa ku ekaa Arbacadii lasoo dhaafay. Kumanaan dad ah ayaa la rumeysan yahay in dagaalka ay ku dhinteen in ka badan 40 kun oo qaxooti ahna ay u carareen dalka ay dariska la yihiin ee Sudan iyagoo colaadda ka baxsanaya, sidoo kale goblka Tigray ayaa xuduud la leh dalka Eriterea.

Midowga Musharixiinta oo Muqdisho Shir degdeg yeelanaya iyo Xaalado soo kordhay oo looga hadlayo..

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Musharaxiinta xilka Madaxweynaha uu goor dhow shir degdeg uga furmi doono caasimadda. Shirkan oo qabanqaabadiisa ay ka socoto Hotelka Jazeera ayaa la sheegay in looga hadlayo xaaladihii ugu danbeeyay ee dalka, siiba doorashada, kadib go’aanadii kasoo baxay shirkoodii oo xisiad ka abuuray dowladda dalka markii uu jawaab ka bixiyey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Ad Musharixiinta ayaa la heegay inay shirkooda maanta kasoo sari doonaan go’aano cusub oo ay ku wajahayaan xaaladda dalka, iyadoo xalay uu shir gaara ka dhacay Madaxtooyada, kasoo ay ka qeyb galeen Madaxweynaha, Taliyaha NISA, Ra’iisal wasaaraha iyo Madaxeyne Qoorqoor. Madaxweynaha Galmudug ayaa la sheeay inuu waanwaan ka dhex wado madaxweyne Farmaajo iyo Musharixiinta mucaaradka ee ka horjeeda. Warar Xul ah

Midowga Musharaxiinta oo goordhaw Shir Xasaasi ah ku yeelanaya Muqdisho

Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Waxaa goordhaw la filayaa in magaalada Muqdisho shir xasaasi ah ku yeeshaan Midowga Musharaxiinta u taagan xilka Soomaaliya, shirkan ayaana ka duwanaan doonaa shirweynihii dhawaan ku yeesheen Hotelka Jaziira. Sida aan xogta ku helnay Musharaxiinta Madaxweyne ayaa shirkooda uga hadli doona dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee siyaasada Soomaaliya gaar ahaan hanjabaadyo dhawaan uga yimid masuuliyiin katirsan dowlada Soomaaliya. Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale iska wareesan doona talaabooyinka lama huraanka ah ee qaadi karaan hadii dowlada Soomaaliya dhagaha ka fureesato baaqii ay dhawaan u direen. Shirkan goordhaw yeelanayaan midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa noqonaya shirkii ugu horeeyay ay isugu yimaadaan tan iyo markii uu khamiistii usoo dhamaaday shir u socday mudo lix cisho ah kana soo saareen War Murtiyeed. Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaana si weyn uga carooday hanjabaadii dilka ahaa uu dhawaan u jeediyay Musharaxiinta shirtay gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Finish . Waxii warar ah ee kusoo kordha shirkan kala soco wararkayaga dambe Insha Allah Xafiiska Shabakada Allbanaadir.comMuqdisho [email protected] - Advertisement - Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Previous articleMid kamid ah Madaxda Maamul goboleedyada oo ogolaaday in uu bedelo Xubnaha Guddiga…

Stay Connected

21,117FansLike
2,458FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Mid kamid ah Madaxda Maamul goboleedyada oo ogolaaday in uu bedelo Xubnaha Guddiga…

Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ogolaaday codsi uga yimid Midowga musharaxiinta oo ku aadanaa in uu bedelo xubnaha guddiga doorashada ku matalaya Jubbaland. Midowga Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saareen ugu baaqay Madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland in ay soo bedelaan xubnaha ku matalaya guddiga doorashada. Axmed Madoobe oo shalay markii uu kusoo laabtay magaalada Kismaayo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu aqbalayo dalabkii musharixiinta Madaweynaha ee ahaa in la bedelayo Afarta xubnood ee Guddiga doorashooyinka dhankiisa ka yimid. Madaxweynaha Jubbaland ayaana si cad uga soo horjeestay sida ay hada u wado dowlada qaban qaabada doorashada, waxa uuna uga baaqay dowlada federaalka in faraha kala baxdo arimaha doorashada. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.comMuqdisho [email protected] - Advertisement - Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Previous articleAbiy Axmed oo War cusub kasoo saaray Dagaalka Tigrey iyo Qabsashada Makelle