Tuesday, November 24, 2020

Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya oo Eedeyn Kulul Dusha Uga Tuuray Taliyaha Nabad-sugidda

MUQDISHO(HALBEEG)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay Madasha Talo Wadaag ayaa eed kulul dusha uga tuuray Taliyaha Ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Mudane Xasan Sheekh ayaa taliyaha ku eedeeyay in uu dumiyay hay’adaha Nabad Sugidda iyo tan booliska haatanna uu doonayo in uu dumiyo hannaanka siyaasadda ee dalka

“Fahad madaxtooyada ayuu agaasime ka noqday, waa la ogyahay wixii madaxtooyada ka dhacay markii uu agaasimaha ka ahaa, hey’adda nabadsugidda ayuu tagay, waa la ogyahay wixii nabadsugidda ka dhacay, waa uu kala diray nabad sugidda, waa uu dumiyey, duminta uu dumiyey iyada keligeed ma dumine ciidamada booliiska, nabad sugidda ayuu ku kor dumiyey” ayuu yiri mudane Xasan.

Waxaa kale oo uu mudane xasan Sheekh u uku eedeeyay Fahad in uu maleegayo mashaqo majaxaabin ku ah arrimaha doorashooyinka ee haatan dalka ka socda isaga oo sheegay in uu doonayo in awood ciidan oo u gaar ah u uku maamulo doorashada dalka taasina aan la aqbali Karin isaga oo ugu yeeray taliyaha in uu yahay “Milkiilaha Dowladda”.

“Waxaa la rabaa Soomaalida iney fahmaan, saxiibkey, wiilkeya disaster (musiibo) ayuu ka shaqeynayaa, hoos waan ugu sheegnay, caawana public Ayaan ugu sheegayaa, siyaasadda uu ciidamo xafiiskiisa ah doorashada ayey maamulayaan uu leeyahay, dumin siyaasadeed waaye, middan innaga ayaa diideyno” ayuu yiri mudane Xasan.

Xusul-duubka loogu jiro hanashada kursiga ugu sarreeya dalka oo afartii sanaba mar ka dhaca dalka ayaa kala fogeeya saaxiibbo xagal qura dhufeyska uga wada jiray, waxaana xusid mudan in mudane Xasan Sheekh iyo Taliye Fahad ay 2012-kii ay lahaayeen xariir dhow iyo olole mideysan oo lagu soo saarayay mudane Xasan Sheekh xilligaas.

Eedeymahan uu mudane Xasan Sheekh u diray Taliye Fahad ayaa qeyb ka ah xumadda doorashada iyo isbeddelka siyaasadeed ee la filayo in uu dalka ka dhaco 2021-ka.

Post Views:
16

Let’s block ads! (Why?)

Related Articles

Miyuu Mohamed Salah Ku Bilaaban Doonaa Kulanka Atalanta? Jurgen Klopp Ayaa Ka Jawaabay.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay diyaar ahaanshaha xiddiga Mohamed Salah kadib markii uu ka soo kabsaday xanuunka Korona. Xiddiga Mohamed Salah ayaa...

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kormeeray qeybta lixdamaad iyo Dugsiga tababarka Ciidanka ee Baydhabo

Facebook Twitter WhatsApp Linkedin LINE  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray qeybta lixdamaad ee Ciidanka Xoogga dalka iyo Dugsiga tababarka Ciidanka Xoogga Dalka ee ay maamusho dowladda Ingiriiska. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa warbixinno ku saabsan qaabka iyo noocyada tababarrada ay bixiyaan ka dhageystay saraakiisha maamusha xerada. waxuuna uga mahadceliyey taageerada ay la garab taagan yihiin dowladda, gaar ahaan dhismaha ciidamadda qaranka. Mudane Rooble ayaa kormeeray xarunta qeybta lixdamaad ee Ciidanka Xoogga dalka, isagoo warbixin ka dhageystay Taliyaha qeybta. “Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed waa naftood hurayaal u taagan difaaca dalkooda, qof walba oo Soomaaliyeed waxuu ku jiifo waa dhiigiina aad huraysaan, waaan idin leeyahay hambalyo, anaguna waan idinku garab taagannahay mar walba sidii aad dalkaan uga saari lahaydeen argagixisada”. Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee xarunta Ciidanka Xoogga dalka ee qeybta lixdanaad oo dhowaan dib-u-dhis iyo qalabayn lagu sameeyey, waxuna ku boggaadiyey saraakiishii uu kula kulmay howlaha muhiimka ah ee ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday dhaawacyada ciidanka ee ku wax yeeloobay dagaallada ay kula jiraan kooxaha argagixisada ah, isagoo Alle uga baryey inuu siiyo caafimaad. raiisul wasaraha oo kormeeray saldhig ciidan Facebook Twitter WhatsApp Linkedin LINE Previous articleShariif Xasan;”Doorasho Hal Wareeg waa diidanahay xalna kuma imanayo.”

Wasiirka Waxbarashada Koonfur Galbeed oo ka hadlay qorshaha uga degsan waxbarashada carruurta aan waxba heysan “SAWIRRO”

Share on Facebook Tweet on Twitter Wasiirka Waxbarshada Koonfur Galbeed Soomaaliya mudane Maxamed Yuusuf Xasan Waliid ayaa sheegay in mashaariic horumarineed laga hirgeliyay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay. Mudane Maxamed Yuusuf Xasan oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in mashaariicda uu shalay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble xariga ka jaray ay qeyb ka ahayd iskuul loogu talagalay inay wax ku bartaan carruurta agoonta ah iyo kuwa waalidiintooda aysan awoodin inay geeyaan iskulaadka sida gaarka ah loo leeyahay. “Koonfur Galbeed waxa ay ka koobantahay 18 degmo, saddex ka mid ah Nabadiidka Al-Shabaab ayaa heysta, laakiin dadkii deganaa ayaa u soo guuray degmooyinka dowladdu gacanta ku heyso, waxaana noo qorsheysan in dadka soo barakacay aan u diryaarino xarumo waxbarasho oo u gaar ah”.ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada Koonfur Galbeed. Wasiirka Waxbarashada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waalidiinta ku boooriyay inya dhiiri geliyaan waxbarashada carruurtooda oo ay siiyaan fursado ay wax ku bartaan. SHARE Facebook Twitter Previous articleMadaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka warbixiyay socdaalka Madxaweynaha Hirshabeelle

Stay Connected

21,080FansLike
2,452FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Xulka kubada cagta Puntland oo lasoo bandhigay

Xiriirka Kubada Cagta Puntland ayaa soo dhajiyey liiska Coyaartooyda Xulka Kubada cagta Puntland.waakan hoose Liiski

Xarunta Bangiga Salaam Somali Bank ee magaalada cadaado oo laga bixiyay lacago maalgalin ah.

Facebook Twitter WhatsApp Linkedin LINE Xarunta Salaam Somali Bank ee magaalada Cadaado ayaa maanta laga bixiyay barnaamij Qardul Xasan (free micro finance) oo ah lacago la siinayo ganacsatada yar yare ee ku dhaqan magaalada Cadaado. Munaasabad ka dhacday xarunta bangiga ee magaalada cadaado ayaa lagu gudoonsiiyay ganacsatada deegaanka lacagtaas maalgelinta ah. Dadkii ka faa’iidaystay barnaamijkaan qardul xasan (free micro finance ) ayaa uga mahad celiyay maamulka iyo shaqaalaha bangiga salaam Somali bank waxayna sheegeen in ay tahay talaabo wanaagsan oo ku dayasho mudan waxayna sidoo kale sheegeen iney aad ugu farxeen fursadan maalgelineed ee uu bangiga siiyey. Qardul xasan waa barnaamij dhowrkii bilood mar uu bangiga bixin doono waana mid loogu tala galay in laga bixiyo dhamaan xarumaha bangiga ee gobolada iyo magaalooyinka dalka waxaana loogu tala galay in lagu kobciyo laguna dhiiri geliyo ganacsatada soo koreysa. Hore ayuu bangiga sidan oo kale ugu bixiyey xarumo dhowr ah ,waxana Maamulka Bangiga Salaam Somali bank uu sheegay in ay sii wadi doonaan barnaamijkaan waxaana dhawaan laga bixin doonaa dhamaan xarumaha harsan ee bangiga . Ujeedada ugu muhiimsan uu banigiga u bixinaayo lacagahan ayaa ah in kor loo qaado wax soo saarka ganacsatada soo koreysa laguna dhiiri geliyo ganacsigooda. Facebook Twitter WhatsApp Linkedin LINE Previous articleJoe Biden oo magacaabay xilal muhiim ah Next articleShariif Xasan;”Doorasho Hal Wareeg waa diidanahay xalna kuma imanayo.”