Thursday, October 29, 2020

Madaxweyne Maxamed Farmaajo oo Baaq u diray shacabka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Maalinta Calanka ee 12-ka Oktoobar ayaa Alle naxariis u weydiiyey dhammaan halyeeyadii naftooda u hurey jiritaanka dowladnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay naf iyo maalba u hureen sidii ay u gaari lahaayeen himiladooda Qarannimo, safka horena uga gali lahaayeen shucuubta iyo dalalka xorta ah ee leh calan iyo carro gobanimo ay dadkeedu ugu nool yihiin.

“Maanta waa maalin weyn. Waxa ay ku beegan tahay markii 66 sanno ka hor la yagleelay calanka Soomaaliyeed oo ka turjumaya Qarannimada, Gobonnimada, Midnimada iyo Wadajirka Shacabka Soomaaliyeed oo halgan dheer u soo galay sidii ay u hanan lahaayeen xornimadooda iyo talada dalkooda, iyaga oo ku tilmaaman calan iyo carro xor ah.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u midoobaan xoojinta dowladnimadooda, iyaga oo meel uga soo wada-jeesanaya argagixisada Alshabaab ee caadeysatay daadinta dhiigga Shacabkeenna Soomaaliyeed iyo burburinta dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyay guulihii taariikhiga ahaa ee sanadihii la soo dhaafay ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku xaqiijisay madaxbannaanida dalka, midnimada iyo soocelinta kumanaankii dhallinyarada ahaa ee ku dhibaataysnaa xabsiyada shisheeye, tallaabooyinkaas oo kor u qaaday qabka iyo qarannimada dadka Soomaaliyeed.

– Advertisement –

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –

This post first appeared on Allbanaadir.com. Read the https://www.allbanaadir.org/?p=167473original article

Related Articles

Frank Lampard Oo Go’aan Ka Gaadhaya Masuuliyada Rikoodhada Kooxdiisa Kadib Markii Jorginho Laga Qabtay Kulamadii Ugu Dambeeyay.

Tababaraha Kooxda cheslea ee Frank Lampard ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo in uu xiddiga Jorgino ka qaado masuuliyada rikoodhada kooxdiisa kadib markii xiddiga rikoodhe laga qabtay kulankii Champions League. Xiddiga reer Italy ayaa rikoodhadii 2-aad laga qabtay xilli ciyaareedkan kulankii champions league ee Arbacadii kadib markii uu iska khasaariyay rikoodhe kulankii Liverpool ee Premier League. Wargayska Metro ayaa sheegaya in uu Lampard doonayo in uu ka wareejiyo xiddiga masuuliyada rikoodhada inta ka dhiman xilli ciyaareedkan. Xiddigaha Timo Werner, Kai Havertz iyo xiddigo kale oo kooxdiisa ah ayaa la sheegayaa in ay u tartamayaan in ay qaataan masuuliyada rikoodhada kooxda chelsea.

Turkiga oo War ka soo saaray weerarkii maanta ka dhacay dalka Faransiiska

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp - Advertisement - Turkiga ayaa cambaareeyay weerarkii maanta ka dhacay magaalada Nice ee dalka Faransiiska xili xiriirka labada dal uusan fiicneyn dhowaanahan. Qoraal ka soo baxay Wasaarada arrimaha dibeda ee Turkiga ayaa weerarkaas ku tilmaamay mid wuxuushnimo ah. Dowladda uu hoggaaminayo madaxweyne Erdogan ayaa dhowaan ka carootay hadallo ka soo yeeray Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, kaasoo ka dhan ahaa diinta islaamka iyo Nebi Maxamed NNKH. Saddex qof ayaa ku dhintay weerar toorrey loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Nice, ee dalka Faransiiska. Duqa magaalada Nice Christian Estrosi ayaa sheegay in hal qof loo xiray weerarkan. Weerarkan ayaa daba socda mid kale oo horraantii bishan ka dhacay meel u dhow iskuul ku yaalla waqooyi galbeed magaalada Paris. Samuel Paty, oo macallin ka ahaa iskuulka Conflans-Sainte-Honorine, ayaa la gowracay maalin kaddib markii uu qaar ka mid ah ardaydiisa tusay sawir-gacmeedyo la sheegay in laga sameeyay Nabi Muxamad NNKH. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.comMuqdisho [email protected] - Advertisement - Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Previous articleDEG DEG: Weerar lagu qaaday qunsuliyada Faransiiska ee Magaalada Jeddah (Sawirro)

Ma xog muhiim ah ayaa laga jabsaday ololaha doorashada Trump?

25 Daqiiqadood ka horXigashada Sawirka, ReutersBogga rasmiga ah ee madaxweyanaha Mareykanka, Donald Trump, ku leeyahay internet-ka ayaa la jabsaday, waxaana lagu soo daabacay farriin u muuqatay mid aflagaaddo ku ah Mr Trump.Kooxda u qaabilsan ololaha lagu doonayo dib usoo doorashadiisa ayaa sheegay inay hadda baarayaan sababta keentay in lala wareego website-ka muhiimka ah."Adduunku wuu ka daalay wararka been-abuurka ah ee uu maalin kasta soo gudbiyo madaxweynaha Mareykanka", ayaa lagu soo qoray website-ka oo in muddo ah gacanta ugu jiray kooxo burcadda internet-ka ah.Wax yar kaddib ayaa qoraalkaas laga saaray meesha.Mas'uuliyiinta maamuleysa ololaha Trump ayaa sheegay "inaysan jirin xog xasaasi ah oo halkaas lagala baxay, maadaama aan waxba lagu keydinin boggaas".Sawirro laga soo qaaday fadeexadda ku dhacday ololaha Trump ayaa lagu faafiyay baraha bulshada. Hay;adda Dambi Baarista Federaalka Mareykanka ee loo yaqaanno FBI-da iyo Waaxda Caddaaladda ayaa sheegay in farriinta lagu soo bandhigay boggaas ay tahay war been abuur ah, boggana ay la wareegeen qolyo burcad ah."Waxaa la joogaa waqtigii dunida loo fasixi lahaa inay runta ogaato," ayaa lagu yiri farriinta ay daabaceen qolyaha la wareegay bogga Trump. Waxay sidoo kale sheegeen inay caddeymo u hayaan in maamulka Trump "uu wax ka ogaa abuurista fayraska corona" uuna faragalin ku hayo doorashada madaxweynaha ee la filayo inay dhacdo 3-da bisha November.Farriintaas ayaa markaas kaddib lagu sheegay in xogtaas si loo bixiyo ay doonayaan lacag looga baddasho.Ma jiraan wax caddeymo ah oo taageeraya hadallada lagu sheegay farriintaas, maamulka madaxweyne Trump-na waxay beeniyeen in xog muhiim ah halkaas laga qaatay."Website-ka ololaha Trump waa la jabsaday, laamaha amniga ayaana kala shaqeyneynaa sidii baaritaan loogu sameyn lahaa arrintaas ku saabsan weerarka. Ma jirto xog muhiim ah oo laga jabsatay bogga sababtoo ah wax macluumaad ah laguma keydiyo website-kan," ayuu yiri agaasimaha waaxda warbaahinta ee Trump, oo lagu magacaabo Tim Murtaugh, oo la hadlay telefishinka CNN.

Stay Connected

20,939FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Paul Scholes Oo Qiimeeyay Fursadaha Man United Ee Ku Guulaysiga Champions League.

Halyeeyga Manchester United Paul Scholes ayaa ku adkeysanaya inay Man United awood u leeyihiin inay ku guuleystaan ​​Champions League xilli ciyaareedkan. Xiddigii hore ee khadka dhexe ee Scholes ayaa faallaynayay kadib kulankii ay Man United 5-0 ku garaaceen kooxda RB Leipzig. Scholes ayaa ka sheegay BT Sport: “Marwalba waxaan dhihi doonaa haa dabcan. “Uma maleynayo inay jiraan kooxo badan oo fiican oo ka jira haatan Yurub oo dhan”. “Waxan u malaynayaa in ay kaliya Jirto koox fiican kuwaas oo ah Bayern Munich laakiin kooxaha kale ma arko wax United ka hor istaagaya Ku Guulaysiga”.

Ogaysiis ku socda Dadka u tartamaya kamid noqoshada Gudiga Doorashooyinka Degmooyinka Eyl, Qardho iyo Ufeyn

Gudiga Doorashooyinka Puntland waxay ku wargalinayaan Dadka doonaya inay ka mid noqdaan Gudiyada Doorashooyinka Heer Degmo in Imtaxaankii la xulayay Xubnaha la qaadi doono Bisha Novembar ee sanadkaan.Degmada Ugeyn waxaa imtaxaanka la qaadayaa 8 Novembar saacada 8:00 Subaxnimo, goobtuna waa Xafiiska Gudiga Degmada Eyl waxaa imtaxaanka la qaadayaa 3 Novembar Saacada 8 Subaxnimo, goobtuna waa Xarunta Gudiga ee Degmada Eyl Degmada Qardho waa 5 Novembar saacada 8:00 Subaxnimo goobtuna waa Xarunta Gobolka ee Gudiga Doorashooyinka FIIRO GAARA Qofwalbaa waa inuu soo qaataa 1- Shahaadada Heer Jaamacadeed oo orjinaal ah 2- Warqada Dambi la’aanta Criminal rekord Liiska Dadka loo yeeraya sadexdaan Degmo hoos ka Akhriso Ugeyn Eyl Qardho