Wednesday, October 28, 2020

Madaxweyne Laftagareen oo Taliyaha ciidanka XDS ka dhegeystay Warbixin xasaasi ah

– Advertisement –

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa hoyga uu ka degan yahay Muqdisho kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaliyeed Generaal Odowaa Yuusuf Raage.

Lafta-gareen ayaa Taliyaha ka dhegeystay Warbixin ku saabsan Amniga iyo guulaha laga gaaray la dagaalanka Al-Shabaab. Generaal Odowaa ayaa sheegay in Alshabaab khasaaro iyo jab xoogan loogu geystay howlgaladii ka socday qeybo kamid ah Gobolada Koonfur Galbeed Ciidanka Xoogana ay wadaan sidii guud ahaan dalka looga saari lahaa Alshabaab.

Waxaa uu intaas ku daray in dhowaan ay bilaabi doonaan furida wadooyinka iyo Xoreynta goobaha ay kaga harsan yihiin Al-Shabaab Degaanada Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Taliyaha uga mahadceliyey Booqashada uu ugu yimid waxaana uu bogaadiyey Howlgalada ay wadaan Ciidanka Xooga Dalka ee Al-Shabaab looga saarayo Guud ahaan Dalka.

Kulankan ayaa yimid saacado la dib markii ciidamada xoogga dalka ay ku dileen gobolka Baay sarkaal caan ahaa oo ka tirsanaa Al-shabaab ka dib howlgal qorsheysan oo ciidamadu qaadeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –

Related Articles

Chelsea Oo Guul Weyn Ka Gaadhay Krasnodar Sidaasna Ku Gaadhay Guusheedii 1-aad ee Champions League.

Kooxda cheslea ayaa guusheedii ugu horaysay ee champions League ka gaadhay kooxda Krasnodar kulan ka tirsanaa todobaadkii 2-aad ee wareega Group-yada tartanka. Kooxda Chelsea ayaa kulanka soo gashay iyaga oo ay ka go’antahay in ay gaadhaan guul kadib markii ay bar-baro ku bilowdeen tartanka champions League. Laakiin kooxda Krasnodar ayaa iska caabin xoogan kala hor timid Blues iyaga oo ku qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn waliba sameeyeen fursado ay goolal ka dhalin kareen. Si kasta ha ahaatee kooxda Krasnodar waxa ka maqnaa dhamaystirka fursadaha iyada oo uu sidoo kale Goolhaye Mendy sameeyay badbaadino cajiib ah. Chelsea ayaa daqiiqadii 14-aad ayaa heshay rikoodhe kadib khalad lagu galay xiddiga Timo Wener waxana u Istaagay xiddiga khadka dhexe ee Jorginho. Laakiin Jorginho ayaa birta ku dhuftay kubadii uu laaday waxana uu sidaas kaga khasaariyay rikoodhada kooxdiisa ciyaarta ayaana 0/0 sii ahayd. Laakiin daqiqadii 37-aad ayay Chelsea dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyada oo uu u dhaliyay xiddiga garabka ka ciyaara ee Callum Hudson-Odoi kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0. Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Chelsea hogaaminayso natiijo ahaan laakiin dhanka qaab ciyaareedka iska caabin kala kulantay kooxda Krasnodar. Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay Kooxda Krasnodar samaysay fursado waali ah oo ay ku dhawaatay in ay goolal kaga dhaliso kooxda Chelsea. Laakiin daqiiqadii 76-aad ayaa Chelsea loo dhigay rikoodhe waxana u Istaagay xiddiga Timo Werner kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0. Isla daqiqiadii 80-aad ayay chelsea heshay goolka 3-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Hakim Ziyech kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0. Daqiiqadii 90-aad ayuu xiddiga Christian Pulisic dilay ciyaarta iyada oo uu u dhaliyay goolka 4-aad ee ciyaarta isaga oo ka dhigay 4/0 ay ku hogaaminayso ciyaarta.

Cali Cosoble oo qoraal lama filaan ah soo saaray – Ma isbedelay mowqifkiisii dhismaha HirShabeelle?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabeelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa si ka duwan sidii laga filayey uga fal-celiyey shaacinta liiska xildhibaanada baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka HirShabeelle. Madaxweyne Cosoble, oo in badan mucaaradsanaa hab dhismeedka maamulka cusub ee HirShabeelle, ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga waxa uu hambalyo ugu […] The post Cali Cosoble oo qoraal lama filaan ah soo saaray - Ma isbedelay mowqifkiisii dhismaha HirShabeelle? first appeared on Caasimada Online.

Cali Cosoble oo qoraal lama filaan ah soo dhigay facebook – Ma isbedelay mowqifkiisii dhismaha HirShabeelle?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabeelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa si ka duwan sidii laga filayey uga fal-celiyey shaacinta liiska xildhibaanada baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka HirShabeelle. Madaxweyne Cosoble, oo in badan mucaaradsanaa hab dhismeedka maamulka cusub ee HirShabeelle, ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga waxa uu hambalyo ugu diray xildhibaanada cusub ee maamulkaas. Sidoo kale qoraalkiisa waxuu ku sheegay in sida u muuqata xubnahan cusub ee baarlamaanka HirShabeelle ay ka tayo roon yihiin kuwii hore ee asaga doortay, kadibna riday, sida uu hadalka u dhigay. “Waxaa ii muuqata Baarlamaanka labaad ee Hirshabeelle inuu ka taya sarreeyo Baarlamaankii ka horreeyay. Waxaan u rajeynayaa guul, waxaana leeyahay HAMBALYO,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle Cali Cosoble. Qoraalka Cosoble ayaa waxaa aamini waayey dadka ku xiran boggiisa ee u muuqda inay kasoo jeedaan beeshiisa, kuwaas oo qoraalka uga jawaabay inay weydiiyaan in akoonka laga jabsaday iyo in kale. Isaga oo taas ka jawaabaya ayaa qoraal kale oo uu soo dhigay facebook waxa uu ku yiri “Kama aanan hadal qaddiyad iyo heshiis laakin waxaan isu eegay baarlamaankii hore iyo midka hadda lagu dhawaaqay, waxaana taya sarreeya midka cusub.” Madaxweyne Cosoble ayaa ka soo jeeda beesha Xawaadle oo degta gobolka Hiiraan, islamarkaana aad u saluugsan sida haatan loo wajahayo dhismaha maamulka HirShabeelle. Odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo inta badan siyaasiyiinta beeshaas ayaa ku doodaya in markii la yagleelayey maamulkan afar sano ka hor lagu heshiiyey inaan Xawaadle lagula tartami karin kursiga madaxweynaha HirShabeelle. Haatan waxaa muuqata in dowladda dhexe ay qorsheyneyso in kursiga madaxweynaha HirShabeelle uu noqdo mid loo geli karo tartan furan, in kastoo wax walba ay isbedeli karaan. Siyaasiyiin ay ka mid yihiin guddoomiyeyaashii hore ee gobolka Hiiraan, sida Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo Cabdifitaax Xasan Afrax oo ka soo jeeda beesha Xawaadle ayaa kol hore gaaray Jowhar, iyagoo eedeyn u jeediyey xubnaha beeshooda ee saluugsan sida wax u socdaan. Haatan waxaa muuqata in siyaasiyiinta Xawaadle ee gaartay Jowhar, isla markaanawax ka dhisaya maamulka uu ku mowqif noqday Cali Cosoble oo markii hore aad u diidanaa sida wax u socdaan, sidoo kalena dowladda federaalka ku eedeynayey inay dhismaha HirShabeelle ku heyso faragelin qayaxan.

Stay Connected

20,934FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Diiq Dilay Sargaal booliis oo lala wareegay iyo hadal heyn ka dhalatay !!(Sawirro)

- Advertisement - Sargaal katirsanaa ciidamada booliiska dalka Filibiin ayaa u geeriyooday dhaawac halis ah uu gaarsiiyay diiq ka qeyb qaadanayay tartanka dagaalka diiqa oo lagu qabtay gobolka Samar oo kuyaala dalka Filibiin. Sida ay baahisay BBC-da sargaalkan ayaa waxaa dhaawacay mid kamid ah diiqyadii dagaalka ka qeyb qaadanayay, waxa uuna diiqan mindi afbadan oo lugta uga xirneed cajarka kaga dhaawacay sargaalka booliiska. Christine Bolok, oo katirsanaa saraakiisha booliiska Filibiin ayaa dhaawaca cajirka kasoo gaaray sababay in uu go’o halboolaha, waxa uuna geeriyooday sargaalkan intii isbitaalka loo sii waday. Taliyaha booliska gobolka korneel Arnel Apud ayaa wakaaladda warbaahinta u sheegay in ay aad uga naxeen dhacdadan Diiqa ku dilay sargaalka booliiska, waxa uuna dhacdadan ku tilmaamay mid naxtin iyo murugo ku beertay. “Ma rumeysan karin markii hore ee la ii soo sheegay. Waa markii ugu horreysay 25-ka sano ee aan boolis ahay oo aan sarkaal boolis ku waayo tartanka dagaalka diiqa .” Ayuu yiri.  korneel Arnel Apud. Ciidamada booliiska dalka Falibiin ayaa la wareegay diiqii dilka u geestay sargaalka booliiska iyo lix diiq oo kale, waxa ay sidoo kale booliiska xireen sadex qof oo ku lug lahaa qabashada tartankan dhibaatada ka dhalatay. Baraha bulshada dalka Filibiin ayeyna dhacdadan ka abuurtay hadal heyn badan, waxa ayna dadka qaar ku baaqayeen in la joojiyo tartankan ay sheegeen in dhibaatooyin badan ka dhalan karaan. Tartanka dagaalka diiqa ayaa lagu qabtaa qeybo badan oo kamid ah dalka Filibiin, waxaana tartankan oo ah mid caan ah usoo daawasho taga dad badan oo qaarkood sharad ku gala natiijada dagaalkaasi kasoo baxeysa. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.comMuqdisho [email protected] - Advertisement -

Shaxda Rasmiga Ah Ee Juventus Vs Barcelona & Man United Vs RB Leipzig: Xiddigaha Ku Bilowday Kulamada Champions League Caawa.

Waxa la ciyaari doonaa caawa kulamo xiiso leh oo tartanka champions Leageu ah iyada oo ay isaga hor iman doonaan kooxo isha ku haya guulo. Barcelona ayaa marti u noqon doonta kooxda Juventus iyada oo uu tababare Ronald Koeman sameeyay go’aan la yaab leh isaga oo kaydka dhigay xiddiga wacdaraha dhigaya ee Ansu Fati kuna bilaabay xiddiga Pedri halka uu garabka ku bilaabay xiddiga Dembelé. Dhanka kale Ole Gunnar Solskjaer ayaa si lama filaan ah kaydka u dhigay xiddiga ugu fiican ee Kooxda Marcus Rashford. Sidoo kale Solskjaer ayaa kaydka dhigay xiddigaha Fernandes Iyo McTominay kuwaas oo ku bilowday kulamadii ugu dambeeyay. Shaxda Rasmiga Ah Ee Juventus Vs Barcelona: Juventus: Szczesny; Cuadrado, Demiral, Bonucci, Danilo; Kulusevski, Bentancur, Rabiot, Chiesa; Dybala, Morata Barcelona: Neto; Sergi Roberto, Araujo, Lenglet, Jordi Alba; Pjanic, De Jong; Pedri, Messi, Dembelé; Griezmann SHaxda Rasmiga Ah Ee Man United Vs RB Leipzig: Man United: De Gea, Wan-Bissaka, Lindelof, Maguire, Shaw, Fred, Matic, Pogba, Van De Beek, Greenwood, Martial. Kaydka: Henderson, Fosu-Mensah, Mengi, Tuanzebe, Williams, Fernandes, James, Mata, McTominay, Cavani, Ighalo, Rashford. RB Leipzig: Sii Akhriso: Aflagaadeynta Nabiga waa aflagaadeynta Muslimiinta oo dhan