Friday, October 23, 2020

Madaxweyne Farmaajo “ Waa la isugukay tagay, saas baan uga tanaasulay Doorashadii Qof iyo Cod

Madaxweyne Farmaajo oo caawa khudbad ka jeediyey Xafladii laguu gunaanadey Heshiiskii Doorashada 29/21 Ayaa ka sheekeeyey qaabkii looga adkaaday mowqifkiisii. Madaxweynuhu wuxuu sheegey in Maamul […]

The post Madaxweyne Farmaajo “ Waa la isugukay tagay, saas baan uga tanaasulay Doorashadii Qof iyo Cod appeared first on .

https://www.puntlandi.com/?p=23903

Related Articles

Galmudug oo magacawday Guddiyada Doorashooyinka iyo Hirshabeelle oo weli gudbin (Akhriso)

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa gudbiyay xubnaha Galmudug ku matalaya guddiga doorashooyinka iyo guddiga xallinta Khilaafaadka ee heer Federaal. C/casiis Cabdiraxmaan Yuusuf iyo Liibaan Axmed Xasan, ayuu madaxweyne Qoor Qoor u xushay labada xubnood ee guddiga doorashooyinka Soomaaliya ku matalaya Galmudug. Ad Dhinaca kale Garaad Yuusuf Maxamuud iyo Mustaf Macallin Cali Salaad, ayuu ku qoray xubnaha Galmudug ku matalaya  guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka ee heer Federaal. Galmudug, Koonfur Galbeed, Jubaland iyo Puntland, ayaa gudbiyay xubnaha ku matalaya guddiyada doorashooyinka iyo xallinta khilaafaadka heer Federaal, waxaana harsan Hirshabeelle oo keliya. Warar Xul ah

Xubnaha golaha deegaanka Galkacyo oo tababar ku saabsan doorashada loo soo xiray+Sawirro

Tababarkaan oo ay soo agaasintay hay’adda dimuquraadiyada iyo doorashooyinka Afrika ee Eisa ayaa maanta jimco waxa ay tababar ku saabsan qaabka doorashada usoo xirta xubnaha cusub ee golaha deegaanka dagmada galkacyo kuwaasi lagu barayay qaabka ay wax u dooranayaan. Tababarkaan ayaa inta uu socday qaab tijaaba ah loo sameynay qaabka wax loo doorato si kor loogu qaado nidaamka doorashada iyo sharuudaha looga baahanayahay. Xubahahaan ayaa markii ay soo gabagabowday ay la hadleen warbaahinta waxaana ay sheegeen inay waxbadan ka faa’ideen kana heleen qibrad ay wax ku dooran karaa. Xubnahaan oo ka koobnaa 27 ayaa shalay lagu dhaariyaya magaalada galkacyo kuwaasi oo ka kooban rag iyo haweenka waxaana wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug ay xoogga saareysaa si nidaam hufan oo cadaalad ah looga dhisi laha golaha deegaanka Galkacyo.

Golaha Wasiirada Cusub oo loo waysan yahay Kooramka Baarlamaanka si Cod ka kalsoonida loogu qaado, maxay tahay sababtu

Raysal wasaare Rooble wuxuu soo magacaabay Golihiisa Wasiirada oo ka kooban todobaataneeye Xubnood, kuwasoo haysta ilaa bisha Feberaayo 2021 inay adeegaan.Inay xafiisyadooda la wareegaan waxaa ka horeeya in ay helaan codka kalsoonida ee Xildhibaanada, Raysal wasaaruhu wuxuu maalmihii lasoo dhaafay ku mashquulsanaa inuu wakhti ka helo Baarlamaanka si uu u horkeeno Xukuumadiisa. Caqabadaha hortaagan in Wasiirada cusub la Ansixiyo ayaa sida ay Warbaahinta Puntlandi.con ay xogta ku hayso waxay tahay Xildhibaanadii oo ay adkaatay in la isu keeno. Maadaama ay soo dhowdahay Doorashadii Baarlamaanka isla markaasna kursi walba ay u tartamayaan Shaqsiyaad badan ayaa keeneentay in Xildhibaanadii ay u ordaan Deegaanadii lagasoo doortay si ay kursigooda u xagsadaan. Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal ayaa maalmahaan wuxuu waayay kooram u codeeya Wasiirada cusub( Tirada Xildhibaanada ee u codeyn karta). Sida aan xogta ku hayno ugu banaan 50 Xildhibaan ayaa hada Muqdisho ku sugan. Puntlandi.com Muqdisho

Stay Connected

20,896FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Trump iyo Biden oo yeeshay dood kulul oo aan waxba la iskula harin (Sawirro)

- Advertisement - Musharaxiinta ku tartami doonta doorashada madaxtinimada Mareykanka ee loo balansan yahay in ay dhacdo 3-da bisha November ee sannadkaan, ee kala ah madaxweynaha hadda talada haya Donald Trump iyo Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden, ayaa xalay dooddoodii ugu danbeysay ku yeeshay magaalada Nashville ee gobolka Tennessee. Dooddi xalay oo dhacday xilli ay doorashada madaxtinimada ka harsantahay 12 maalin oo kaliya, ayay Trump iyo Biden aad ugu doodeen mawaadiic ay ka mid ahaayeen dhaqaalaha, isirka, isbaddalka cimmillada, ceymiska caafimaadka iyo socdaalka, hase yeeshee waxaa aad doodda u hareeyay uguna weynaa, mowduuca Coronavirus. Xanuunkan oo Mareykanka ka dilay in ka badan 221 kun oo qof, ayuu madaxweyne Trump ku adkeystayin maamulkiisa uu si wanaagsan u maareynayo dagaalka ka dhanka ah cudurka Covid-19, muddo todobaadyo ah gudahoodna ay ku soo saari doonaan tallaalka xanuunkan. Laakiin Biden ayaa aad ugu weeraray Trump in maamulkiisa uu mas’uul ka yahay dhimashada tirada badan ee uu xanuunkani ku sababay Mareykanka. “Qof walba oo mas’uul ka ah dhimashadaas faraha badan, waa inuusan sii ahaan madaxweynaha waddanka Mareykanka,” ayuu yiri Biden. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.comMuqdisho [email protected] - Advertisement -

Afar Kulan Oo Bad-baadin Kara Shaqada Tababare Zidane Ee Real , El Clásico Ayaa Ugu Soo Horeeya

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zidane ayaa lagu waramayaa in uu haysto kaliya afar kulan oo uu ku bad baadin karo shaqadiisa . Zidane ayaa...

https://www.puntlandi.com/?p=23903