Monday, November 23, 2020

Madaxweyne Farmaajo oo la sheegay in uusan fulin doonin Heshiis kasto oo lagu gaaro Shirka Muqdisho

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah Xildhibaanada golaha shacabka ayaa sheegay in shirka hada uga socda Muqdisho Dowlada Federaalka iyo Dowlad goboleedyada qodobada ay ku heshiiyaan uusan ka hirgali doonin dhinaca Madaxweyne Farmaajo.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in Heshiis kastoo Farmaajo iyo Madaxda DG Xamar ku shirsan maanta gaaraan dhanka Farmaajo uusan ka fulidoonin, waxa uuna xusay in Madaxweyne Farmaajo ilaa hada uusan qaadan go’aan uu doorasho ku aadayo.

“Heshiis kastoo Farmaajo iyo Madaxda DG Xamar ku shirsan maanta gaaraan dhanka Farmaajo kama fuli doono. Sababtoo ah Farmaajo ilaa hada ma qaadan go’aan uu doorasho ku aadayo!” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad.

Xildhibaanka ayaa ugu baaqay Madaxda Dowlad goboleedyada dalka ka jira ee ka qeyb galaya shirka in ay ku daraan qodobada heshiiska in la cadeeyo mudada rasmiga ah ee doorashada dhaceyso kuna dhamaaneyso.

“Waxaan kula talinayaa Madaxda DG in qodobada heshiiska lagu daro muddo cayiman oo doorashadu ku bilaabanayso kuna dhamaanayso si looga badbaado iska-daba-wareegga Farmaajo u qorsheysan” ayuu yiri Xildhibaan Mahad.

Hadalkan kasoo yeeray Xildhibaan Mahad Salaad ayaa imaanaya xili magaalada Muqdisho shir uga socdo madaxda Dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada, waxaana shirkan gabo gabadiisa la filayaa in la isku raaco nooc doorasho oo dalka ka dhacda.

– Advertisement –

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

[email protected]

– Advertisement –

Related Articles

Muuse Suudi ” Mahdi Guuleed iyo Fahad Yaasiin Beelahooda waa naga ceshan Waayeen” !!

Senator Muuse Suudi Yalaxow oo katirsan Xildhibaanada aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa eedeymo kulul u jeediyay Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed iyo taliyaha NISA Fahad Yaasiin. Muuse Suudi ayaa sheegay in mudo dheer uu dhoorayay kana xishoonayay Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahadi Guuleed iyo Taliyaha Hay’adda Nabad sugida Soomaaliya Fahad Yaasiin. Waxa uu sheegay Senator Muuse Suudi in Mahdi Guuleed iyo Fahad Yaasiin ceshan waayeen beelaha ay kasoo jeedaan, waxa uuna tilmaamay in dalka ku ciyaarayaan iyaga oo u shaqeenaya Farmaajo oo masuul ka ah ciyaarta. “Mahdi Guuleed reer waqooyi waa naga celi waayeen, hadii Amxaaro leedahana waa naga celi weysay, anagu inaan sii dhowranana af-maaha,Fahad Yaasiin reer Ow-Xasan waa naga cesha waayeen, waxa dalkeenna ku cayaarayana waa isagaa la leeyahay, anigoo og in labaduba aysan eeda laheyn ee uu Farmaajo yahay ninka dalka ku cayaaraya, balse jecel in eeda hoostiisa laga qaado,” ayuu yiri Muuse Suudi. Muuse Suudi ayaana sheegay in colaadin iyo dhibaato badan lagu hayo dadka degan caasimada Muqdisho, waxa uuna sheegay in dhaqaalahooda la cunayo sidoo kale ciidankooda lagu dhameeyay dagaalo iyo qaraxyo si loo dhimo tiradooda. Muuse Suudi ayaa sidoo kale sheegay in Musharaxiinta ku shiraya magaalada Muqdisho uga xanuun badan yihiin waxa dhacaya, waxa uuna xusay in ay matalaan kana dhasheen dadka ugu badan ee degan Muqdisho uu sheegay in dhaqaalahooda la cunayo. Hadalkan kasoo yeeray Muuse Suudi Yalaxow ayaa kusoo aadaya xili magaalada Muqdisho ka socdaan shirar xasaasi ah oo looga soo horjeedo sida dowlada Madaxweyne Farmaajo u maareeneyso dooarshada Soomaaliya. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.comMuqdisho [email protected] - Advertisement -

Imaaraadka oo dhaqaalaha ka jaraya Mucaaradka iyo Shirka Musharaxiinta oo Waji cusub yeeshay !!

https://www.youtube.com/watch?v=iAc6imLEVVI&feature=youtu.be&fbclid=IwAR0qwroL9HKgQ1OxtB-x_Am-TI1yN-HmWz6KWhTLDU4kvMFMjQkevSy2h90

Stay Connected

21,076FansLike
2,449FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles