Tuesday, November 24, 2020

Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Qeybgalay Meertada 75-Aad Ee Golaha Guud Ee Qaramada Midoobay+Sawirro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Khudbad ka jeediyey Meertada 75-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ka warbixiyey horumarrada dowladdu ay ka xaqiijisay amniga iyo siyaasadda, saameynta cudurka safmarka ah ee Karoona iyo caqabadaha dhaqaale ee uu sababay.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay qorshaha Dowladda ee hirgelinta doorasho hufan  oo sii xoojinaysa dimuqraadiyadda iyo daahfurnaanta siyaasadeed ee dalka, waxa uuna tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay ku tilmaaman yihiin isu tanaasul iyo is-qancin oo fure u ah xasilloonida siyaasadeed, midnimada iyo wadajirka.

“Inkastoo cudurka safmarka ee Karoonaha uu caqabad ahaa, haddana waxaan ku howlannahay ka shaqaynta hannaan doorasho loo dhanyahay, taas oo dadka Soomaaliyeed ay kaga go’aan gaari karaan mustaqbalkooda. Waxaa naga go’an in aan meelmarinno oo aan xoojino dhaqanka dimuqraadiga ah.”

Madaxweynaha ayaa la wadaagay hoggaamiyeyaasha Caalamka in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay xoogga saareen xakameynta Cudurka safmarka ah ee COVID-19 iyo saameynta dhaqaale ee uu reebay, isaga oo bogaadiyey dadaalkii naf hurnimada lahaa ee Shaqaalaha Caafimaadku ay ku badbaadiyeen shacabkeenna.

“Waxaan bogaadinayaa dhammaan shaqaalaheenna caafimaadka ee geesiyaasha ah kuwaas oo naftooda halis u galiyay si ay shacabkeenna u badbaadiyaan. Waxaan aqoonsannahay samirka iyo garab istaagga ganacsata Soomaaliyeed oo si dhow ula shaqeeyay dowladda.”

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in guulo la taaban karo laga gaaray la dagaallanka argagixisada Alshabaab, iyada oo ay iskaashanayaan ciidamadeenna geesiyaasha ah iyo saaxiibbada caalamiga ah, si loo ciribtiro arxan laaweyaashan, loogana hortago in Soomaaliya ay gabbaad ka dhigtaan.

Ugu danbeyntii, Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Hoggaamiyeyaasha dalalka caalamka kula dardaarmay in mudnaanta la siiyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee ku aaddan caqabadaha iyo dhibaato wadareedka ka taagan dunida, si looga faa’iideysto fursad kasta oo lagu gaari karo duni nabdoon, horumarsan oo barwaaqana ah.

This post first appeared on Radio Moqdisho. Read the https://www.radiomuqdisho.net/madaxweyne-farmaajo-oo-ka-qeybgalay-meertada-75-aad-ee-golaha-guud-ee-qaramada-midoobaysawirro/original article

Related Articles

Maxaa ka jira in Madaxweyne Guudlaawe loo diiday inuu tago Magaalada Belad-weyne?

Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa sheegay ineysan jirin cid ka soo horjeeda booqasho la sheegay in Madaxweynaha maamulkaas Cali Guudlaawe uu ku tagayo Magaalada Baledweyne. “Ma jiro hal qof oo diidan in Madaxweyne Cali Guudlaawe uu yimaado Baledweyne wixii ka dambeeya maalinta Khamiista” ayuu yiri Yuusuf Dabageed oo warbaahinta kula hadlaayey magaalada Beladweyne. Dabageed ayaa sheegay inuu dhameeyay tabashooyinkii jiray uuna diyaar u yahay inuu qanciyo cid kasta oo tabasho qabta. Hadalka madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Yuusuf Dabageed ayaa imaanaya xili maalintii shalay aheyd uu ka baaqday madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe safar uu ku tagi lahaa magalada Baledweyne kadib markii ay soo baxeen hanjabaado kasoo yeeray ciidamo ku sugan duleedka magaalada Baledweyne, kuwaasoo sheegay inuusan imaan karin Baledweyne madaxweynaha Hirshabeelle hadii uu yimaadana ay weerari doonaan. Kulamo dhexmaray saraakiisha hogaamineysa ciidamada diidan Cali Guudlaawe iyo maamulka gobolka Hiiraan oo la doonayey in arintaas xal looga gaaro ayaa fashil ku soo dhamaaday sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku sugan magaalada Beladweyne. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.comMuqdisho [email protected] - Advertisement - Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Previous articlePolitical consensus in Somalia must be “preserved and indeed deepened,” says UN envoy Xinhua

Dhageyso : – Cabdi Farax Juxa oo ka waramaaya Taariikh nololeedkii General Khaliif Ciise Mudan

Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha Dawlada Fedearaalka Somaaliyeed Halgame Cabdi Farax Juxa ayaa warbaahinta uga waramay maanta Taariikh nololeedkii Allaah ha u naxariistee Generaal Khaliif Ciise Mudan oo maanta ku geeriyooday Dalka Turkey.Halkan ka dhageyso Juxa iyo Taariikh nololeedka marxuumka :

Xog: Qoor Qoor oo aqbalay dalabkii musharaxiinta balse ku xiray hal shardi

Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, ayaa kulan uu habeen hore la qaatay qaar ka mid ah musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya, ku ballan qaaday fulinta qodob ay cabasho ka qabeen oo ku aadan guddiyada doorashada. Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweyne Qoor Qoor ayaa musharaxiinta ka aqbalay inuu badalo guddiga doorashada xubnaha ku jira qaarkood, balse waxa uu sharuud kaga dhigay in marka hore ay beddalaan maamullada kale ee dalka. “Waa naga aqbalay inuu beddalo dadka qaar ee guddiga ku jira balse waxa uu diiday inuu bilaabo isagoo naga codsaday in marka aan ka keeno maamulada kale,” ayuu yiri mid kamid ah musharaxiintii la kulmay Madaxweyne Qoor Qoor, oo la hadlay Caasimada Online. Kulankaan ayaa daba socday kulan kale oo laba habeen ka hor ka dhacay guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaana la aaminsan yahay in Qoor Qoor dhab ka aheyn balanqaadkii uu xalay sameeyay. Shuruuddan ayaa xubnaha qaar ay ku macneeyeen mid adag, oo Qoor Qoor uga gol leeyahay inuu isaga aamuso, oo aysan daacad ka ahayn. Qoor Qoor ayaa markii la doortay, inkasta la xajinayey Villa Somalia, la rumeysnaa inuu mararka qaar yeelan doono dhiiranaan uu kaligiis go’aan ku qaato, hase yeeshee taas waxay noqotay mid lagu hungoobay. Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber

Stay Connected

21,080FansLike
2,452FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Miyuu Mohamed Salah Ku Bilaaban Doonaa Kulanka Atalanta? Jurgen Klopp Ayaa Ka Jawaabay.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay diyaar ahaanshaha xiddiga Mohamed Salah kadib markii uu ka soo kabsaday xanuunka Korona. Xiddiga Mohamed Salah ayaa...

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kormeeray qeybta lixdamaad iyo Dugsiga tababarka Ciidanka ee Baydhabo

Facebook Twitter WhatsApp Linkedin LINE  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray qeybta lixdamaad ee Ciidanka Xoogga dalka iyo Dugsiga tababarka Ciidanka Xoogga Dalka ee ay maamusho dowladda Ingiriiska. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa warbixinno ku saabsan qaabka iyo noocyada tababarrada ay bixiyaan ka dhageystay saraakiisha maamusha xerada. waxuuna uga mahadceliyey taageerada ay la garab taagan yihiin dowladda, gaar ahaan dhismaha ciidamadda qaranka. Mudane Rooble ayaa kormeeray xarunta qeybta lixdamaad ee Ciidanka Xoogga dalka, isagoo warbixin ka dhageystay Taliyaha qeybta. “Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed waa naftood hurayaal u taagan difaaca dalkooda, qof walba oo Soomaaliyeed waxuu ku jiifo waa dhiigiina aad huraysaan, waaan idin leeyahay hambalyo, anaguna waan idinku garab taagannahay mar walba sidii aad dalkaan uga saari lahaydeen argagixisada”. Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee xarunta Ciidanka Xoogga dalka ee qeybta lixdanaad oo dhowaan dib-u-dhis iyo qalabayn lagu sameeyey, waxuna ku boggaadiyey saraakiishii uu kula kulmay howlaha muhiimka ah ee ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday dhaawacyada ciidanka ee ku wax yeeloobay dagaallada ay kula jiraan kooxaha argagixisada ah, isagoo Alle uga baryey inuu siiyo caafimaad. raiisul wasaraha oo kormeeray saldhig ciidan Facebook Twitter WhatsApp Linkedin LINE Previous articleShariif Xasan;”Doorasho Hal Wareeg waa diidanahay xalna kuma imanayo.”