Thursday, October 22, 2020

Madaxweynaha Eriteria oo Safar Ujeedo gaar ah laga leeyahay ku tegay Itoobiya

Facebook

Twitter

Google+

Pinterest

WhatsApp

Madaxweynaha dalka Eriteriya Isaias Afwerki ayaa saaka booqasho ku tagay dalka Itoobiya halkaas oo uu ku joogi doonto booqasho shaqo oo qaadan doonta muddo Saddex maalmood ah.

Markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha Jimma Aba Jifar, waxaa ksoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed, iyada oo la geeyay Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Addis Ababa.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa kamid ah Wasiirka Arimaha Dibada Cusmaan Saalax iyo La Taliyaha Madaxweynaha Yemane Ghebreab, sida uu sheegay Yemene Gebremeskel, Wasiirka Warfaafinta Eritrea.

Madaxweynaha dalka Eriteriya Isaias Afwerki & Ra’iisul Wasaaraha itoobiya ayaa waxaa ay ka wada hadli doonaan sii xoojinta xiriirka labada dhinac iyo sidoo kale xoojinta iskaashiga gobolka.

Ra’iisul Wasaare Dr Abiy Axmed ayaa  wuxuu booqasho tan la mid ah ku tagay Eritrea bishii August ee la soo dhaafay, iyada oo labada dal oo noqdeen kuwo xiriir dhow yeeshay.

Facebook

Twitter

Google+

Pinterest

WhatsApp

Related Articles

Mareykanka Oo Taiwan ka iibinaya Hub Qiimihiisu Yahay $1.8bn

October 22, 2020 | Published by: yaska Mareykanka ayaa ansixiyay in hub laga iibiyo Taiwan, kaas oo uu ku kacayo qiyaastii $1.8bn (£1.4bn), tallaabadan oo laga yaabo inay sii xumeyso xiisadda Mareykanka iyo Shiinaha. Aqalka Pentagon-ka ayaa sheegay in heshiiskan uu dhigayo iibka hub ay ka mid yihiin gantaallo iyo madaafiic. Taiwan, oo isu aragta inay tahay dal goonni u taagan, waxaa loo yaqaannaa gobol ka tirsan Shiinaha. Xiisadda Taiwan iyo Shiinaha ayaa isa soo tareysay sanadihii ugu dambeeyay, iyadoo Beijing aysan weli amrin in si xoog ah ay u soo ceshato jasiiraddaas. Toddobaadkii la soo dhaafay la taliye dhanka ammaanka oo Mareykanka ah, Robert O’Brien ayaa sheegay in inkastoo aanuu aaminsaneyn in Shiinuhu uu diyaar u yahay inuu qabsado Taiwan, haddana jasiiraddaas ay u baahan tahay inay is difaacdo mustaqbalka. Wasaaradda gaashaandhigga Taiwan ayaa sheegtay in hubka uu ka caawin doono xoojinta ciidamadeeda ammaanka. Bilihii la soo dhaafay, Mareykanka ayaa xoojinayay xidhiidhka uu la leeyahay Taiwan. Bishii August, tobnaan sano kaddib, siyaasi heerkiisu sarreeyo oo Mareykanka ka socda ayaa booqday Taiwan isagoo la kulmay madaxweynaha jasiiraddaas Tsai Ing-wen. Beijing ayaa si xooggan u cambaareysay kulanka, waxayna Mareykanka uga digtay inaanuu  sii xumeyn xidhiidhka Shiinaha iyo Mareykanka. Shiinaha iyo Taiwan ayaa kala go`an intii uu socday dagaalkii sokeeye sanadihii 1940-meeyadii, balse Beijing ayaa ku adkeysaneysa in jasiiradda ay dib u soo ceshan doonto, haddii loo baahdana ay awood isticmaali doonto. [embedded content]

Wasiirka Magacaaban ee Maaliyadda XFS oo kormeeray Dekeda Muqdisho+Sawirro

Wasiirka magacaaban ee maaliyadda xukumadda federaalka Soomaaliya  Mudane Cabdirahmaan Ducaale Beyle ayaa maanta kormeer ku tagay Dekedda Magaalada muqdisho oo ah ISHA ugu weyn dhaqaalaha Soomaaliya. Wasiirka iyo masuuliyiinta maamulka Dekedda ayaa iska xog wareystay sida ay shaqada u socoto iyo dar-dar galinta u adeegidda ganacsatada Soomaaliyeed. Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdirahmaan Beyle ayaa sheegay in muhiimadda kormeerkiisa in uu yahay in la dar dar galiyo howlaha dowladdu u qabato ganacsatada iyo bulshada Soomaaliyeed. Wasiir Cabdiramaan Ducaale Beyle ayaa hadalkiisa sii raaciyay in ay dowladdu ay ka go’antahay sare u qaadidda dakhliga dalka, iyada oo loo adeegayo Ummadda Soomaaliyeed har iyo habeen.

Stay Connected

20,891FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Axmed Madoobe Oo Ka maqan Kismaayo & Shirkii Wasiirada yeesheen

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ahna Madaxweyne ku xigeenka labaad Cabdqaadir Xaaji Maxamuud ayaa shir gudoomiyey kulanka todobaadlaha ah ee golaha wasiirada Jubbaland. Madaxweyne ku xigeenka ayaa ugu horeyn golaha warbixin ka siiyey xaaladda Siyaasada iyo Amniga guud ee deegaanada Jubbaland. Shirka golaha wasiirada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa sidoo kale looga hadlay fulinta heshiisyadii doorashooyinka ee ay madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah ku gaareen shirkii Muqdisho. Sidoo kale waxaa shirka golaha wasiiradda looga hadlay dhismaha golaha deegaanka ee degmada Afmadow, waxaana goluhu ay ku bogaadiyeen Wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland oo ku guuleysatay dhismaha Golaha deegaanka ee degmada Afmadoow ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana la isla gartay in golayaasha deegaanka ee degmooyinka kalena sidaa loo dhiso si shacabka loogu daadajiyo awoodda maamulka. Sidoo kale waxaa shirka golaha wasiirada looga hadlay hadlay arrimaha doorashooyinka dalka iyo maxalada kala guurka ah ee uu dalku ku jiro. Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp

Degdeg: Sacad Al Xariri oo mar kale loo magacaabay Rai’sul wasaaraha Lubnaan

BEIRUT (HALBEEG) –  Siyaasiga reer Lubnaan Sacad al-Xariiri wuxuu helay taageero ku filan oo dhanka baarlamaanka , wuxuuna isku dayi doonaa inuu soo dhiso dowlad wax ka qabata dhibaatada ugu xun tan iyo dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay 1975-1990. magacaabista ayaa soo baxday ka dib wadatashiyo uu sameeyey madaxweynaha dalka Lubnaan Michel Aoun markii ay muujisay in Xariri uu ku guuleysanayo taageerada 47 xildhibaan, taas oo ka badan tirada xildhibaanada ee aan wali si rasmi ah u shaacin mowqifkooda, sida ay ku warrantahay wakaalada wararka ee Reuters maanta oo khamiis ah. Xariri weli wuxuu wajihi doonaa caqabado waawayn oo ay ugu horreyso awood qeybsiga dowladeed ee siyaasiyiinta Lubnaan, iyo soo dhisidda xukuumad loo dhanyahay taas oo wax ka qabato Mushkiladaha uu wajahayo dalkiisa. Dhibaatooyin la degay Lubnaan waxaa kamid ah qiimaha Lacagta oo meel hoose tagay, nidaamka bankiyada, saboolnimada sii kordheysa iyo deymaha curyaamiyay Lubnaan. Sidoo kale Xukumadda Xariiri ayaa looga fadhiyaa maareynta musiibada COVID-19 iyo qaraxii Agoosto gilgilay dekadda Lubnaan oo ay ku naf waayeen 200 oo qof iyo burburka balaayiin hanti ah. Post Views:27 Related Let’s block ads! (Why?)