Thursday, October 22, 2020

Madaxwayne Farmaajo”Calanka Somaaliyeed wuxuu ka tarjumayaa Qarannimada, Gobannimada iyo wadajirka Shacbiga”

Muqdisho, Oktoobar 12, 2020:(SONNA)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Maalinta Calanka ee 12-ka Oktoobar wuxuuna Alle naxariis uga baryay dhammaan halyeeyadii naftooda u hurey jiritaanka dowladnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha wuxuu dhanka kale tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay naf iyo maalba u hureen sidii ay u gaari lahaayeen himiladooda Qarannimo, safka horana uga gali lahaayeen shucuubta iyo dalalka xorta ah ee leh calan iyo carro gobanimo ay dadkoodu ugu nool yihiin.

“Maanta waa maalin wayn,Waxa ay ku beegan tahay markii 66 sanno ka hor la yagleelay calanka Soomaaliyeed oo ka turjumaya Qarannimada, Gobonnimada, Midnimada iyo Wadajirka Shacabka Soomaaliyeed oo halgan dheer u soo galay sidii ay u hanan lahaayeen xornimadooda iyo talada dalkooda, iyaga oo ku tilmaaman calan iyo carro xor ah.”sidaana waxaa yiri madaxwayne Farmaajo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u midoobaan xoojinta dowladnimadooda, iyaga oo meel uga soo wadajeesanaya argagixisada Alshabaab ee caadaysatay daadinta dhiigga Shacabkeenna Soomaaliyeed iyo burburinta dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu carabka ku adkeeyay guulihii taariikhiga ahaa ee sanadihii la soo dhaafay ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku xaqiijisay madaxbannaanida dalka, midnimada iyo soocelinta kumanaankii dhallinyarada ahaa ee ku dhibaataysnaa xabsiyada shisheeye, tallaabooyinkaas oo kor u qaaday qabka iyo qarannimada dadka Soomaaliyeed.

Related Articles

Dagaal qaraar oo ka dhacay degaanka Cabdalla Biroole ee duleedka magaalada Kismaayo.

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Dagaalka oo u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa dowlad goboleedka Jubbaland iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa ka dhacay degaan ku yaalla duleedka Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose. Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii Al-Shabaab ay wadada u galeen Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland oo ka tegay Kismaayo, xilli ay marayeen meel u dhow degaanka Cabdalla Biroole , waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday in ku dhow saacad. Goobjoogayaal ayaa waxay sheegeen in ka hor dagaalka ay maqlayeen jug culus oo wararka qaar ay shegayaan in uu qaraxa ahaa, waxaana la sheegay in dagaalka uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Ciidamada la weeraray oo watay Gaadiidka nooca dagaalka ayaa socdaalkoodii sii watay, iyaga tegay Saldhiga Ciidamada Jubbaland ay ku leeyihiin degaanka Cabdalla Biroole. Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaasi ay ku dileen laba kamid ah Ciidamada ay weerareen oo ka tirsan kuwa Jubbaland, wallow saraakiisha Ciidamada Jubbaland aysan weli ka hadlin. Dhanka kale wadada xiriirisa Magaalada kismaayo & degaanka Cabdalla Biroole ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay dagaal u dhaxeeyay CiidamadaJubbaland iyo Al-Shabaab iyo qaraxyo miinada nooca dhulka la gelyo ah, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan oo askarta gaaray. Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Previous articleImaamka Cusub oo u Amba-baxayo Xalinta Deegaanka Burdheere!!!

Imaamka Cusub oo u Amba-baxayo Xalinta Deegaanka Burdheere!!!

Imaam Daahir Imaam Maxamuud oo dhawaan loo duubay saldanada Imaamnimo ayaa ku fool leh Degmada Cadale, si uu halkaasi uga bilaabo Dib u heshiisiin ku aadan xal u helida dhibaatada Burdheere oo dhawr sanno jirsatey!!! Abaabul ku saabsan arintaas ayaa laga dareemayaa hoyga uu Magaalada Muqdisho ka degan yahay Imaam Daahir. Booqasho la xiriirta arinta Dib u heshiisiinta Burdheere waxaa maanta hoyga Imaamka ku tagay Madax uu hogaaminayay Madaxweyne Cali Mahdi, kuwaasi oo Imaamka la wadaagay tallooyin ku aadan dhamaynta arinta Burdheere!!! Lama iga inuu Imaamka cusub ku guuleysan doono nabadayntan iyo in kale, guul dhaqan ayay Imaamka cusub u noqon doontaa haddii uu ku najaxo xalinta dhibaatada Burdheere!!!

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka XFS iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo Xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyey Kampala

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka magacaaban ee Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar)  iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray dalka Yugandha ayaa xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyey Magaalada Kampala ee Dalkaasi. Munaasabadda soo dhaweynta ayaa waxaa ka qeyb galay Siyaasiyiin, Ganacsato, masuuliyiin ka tirsan Dowladda Dalkaasi iyo xubno ka socday Jaaliyadda Soomaaliyeed . Ra’iisul Wasaare ku xigeenka magacaaban ayaa ku boggaadiyey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool, doorka muuqda ee ay kaga jiraan horumarka iyo is-dhexgalka bulshada geeska afrika.

Stay Connected

20,891FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Xubaha Cusub ee  Golaha Deegaanka Galkacyo Oo la Dhaariyay+Sawirro

27 xubnood ee golaha deegaanka dagmada galkacyo ayaa maanta loo dhaariyay xilka loo doortay iyadoo ay goob joog ka ahaayeen wasiiru dowlaha wasaarada arrimaha gudaha Galmudug Axmed Xasan Cali iyo wasiirka wasaaradaasi Cabdi Maxamed Jaamac oo iyagu la dar daarmay xubnaha la dhaarshay . Wasiiru dowlaha wasaarada Axmed Xasan Cali iyo wasiirka wasaarada arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Jaamac ayaa la dar daarmay inay si daacad ah u gutaan waajibaadka loo ekmaday “Waxaa la idinka baahanyahay inaay ka dhabeysaan dhaartiina isla markaan aad sidii loogu talagalay aad ugu adeegtaan bulshadiina.ayuu yiri Mudane Axmed Xasan Cali Dhinaca kale isla maanta waxaa xubnaha cusub ee golaha deegaanka maanta magaalada galkacyo uga furmay tababar aqoon kordhin ah oo  la xariira qaabka doorashada taas oo ay fulinayaan Masuuliyiin ka socatay hay’adda Eisa oo ka mid ah hay’addihii doorka ku lahaa dhismaha golaha deegaanka dagmada Galkacyo ee Galmudug isla markaana ah hay’adda ka shaqeysa arrimaha dimuquraadiyada iyo doorashooyinka Qaarada afrika. Cabdullaahi Cabdoow oo ka socday hay’adda Eisa ayaana ugu horeyn ka warbixiyay tababarka iyo waxa uu ku saabsan yahay isagoona xusay in lagu baranayo qaabka doorashada labada maalmood ee uu socdo.

Bangiga Dhexe oo beeniyay warar lagu faafiyay Baraha Bulshada

Qoraal ka soo baxay Bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa lagu beeniyay warar dhowaan lagu baahiyay baraha bulshada kuwaasoo la xiriiray bangiyada dalka qaarkood. Warkan ka soo baxay bangiga dhexe ayaa lagu sheegay in aysan jirin wax dacwad ama eedayn ah oo laga soo gudbiyay bangi ka mid ah Bankiyada dalka. Waxana uu Bangiga dhexe ugu baaqay warbaahinta dalka iyo kuwa dibeddaba (gaar ahaan Baraha Bulshada), in ay ka fogaadaan faafinta xog aan xaqiiqaada ku salaysnayn. Halkan hoose ka aqriso qoraalka ka soo baxay Bangiga Dhexe; Wargelin (Press statement) Bankiga Dhexe ee Soomaaliya isaga oo ka duulaya warar been-abuur ah oo maalmihii u dambeeyay lagu baahiyay Baraha Bushada ee Soomaalida (social media), kuwaas oo looga beensheegayo Bankiyada dalka qaarkood, haddaba Bankiga Dhexe wuxuu guud ahaan dadweynaha iyo gaar ahaan macaamiisha bankiyada Soomaaliyeed u caddeynayaa: 1. In Bankiga Dhexe yahay hay’adda u xilsaaran shati-siinta iyo korjoogteynta bankiyada dalka ka shaqeeya oo dhan. 2. In aysan jirin wax dacwad ama eedayn ah oo laga soo gudbiyay bangi ka mid ah Bankiyada dalka. 3. Bankiga Dhexe ee Soomaaliya wuxuu ku boorrinayaa warbaahinta dalka iyo kuwa dibeddaba (gaar ahaan Baraha Bulshada), in ay ka fogaadaan faafinta xog aan xaqiiqaada ku salaysnayn. Wararka ku saabsan bankiyada iyo shirkadaha maaliyadda ee dalka waxaa laga soo xigan karaa ilaha rasmiga ah, sida Bankiga Dhexe.