Thursday, October 22, 2020

Maamulka madaxweyne Trump oo cunaqabateyn hor-leh kusoo rogay Iran iyo madaxweynaha Venezuela

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay in Qaramada Midoobay aysan taageeri doonin cunaqabateyn lagu soo rogo Iran oo uu Mareykanku dalbanayo illaa buu yiri uu ogolaansho arrintaasi ah ka helo Golaha Ammaanka.

Mr. Gutteres ayaa ku sheegay warqad uu u diray madaxweynaha golaha oo Axadii ay heshay wakaaladda wararka ee AP in ay muuqato hubanti la’aan ku saabsan in Xoghayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka Mike Pompeo uu kiciyay hanaanka dib u soo celinta cunnaqabateynta ee ku saabsan qaraarka Golaha Amniga ee dhigaya heshiiskii Nukliyeerka ee 2015 dhexmaray Iran iyo lix quwadood oo waaweyn.

Wuxuu sheegay in xoghayaha guud uusan go’aan ka qaadan karin hubanti la’aanta jirta awgeed uuna u baahan yahay cadeyn ka timaadda golaha ammaanka.

Dhinaca kale, dowladda Mareyka ayaa shalay oo Isniin aheyd cunaqabateyn kusoo rogay in ka badan 27 ruux iyo hey’ado ku lug leh niyukleerka, gantaallada iyo barnaamijyada hubka caadiga ah ee dalka Iran.

Sidoo kale Mareykanka ayaa cunaqabateyn cusub isna saaray madaxweynaha Venezuelas Nicolás Maduro kaas oo ay ku eedeeyeen in uu sare u qaaday xiriirkiisa Iran.

Wasiirka arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in uu wali sii jiri doono cunaqabateynta hubka ee saaran Iran kaas oo xilligiisu dhacayay 20-ka mishan Sebtember, islamarkaana Qaramada Midoobay ka diiday in lasii wado.

Mareykanka ayaa u hanjabay waddamada jabiya cunaqabateyntaasi oo sharci ahaan ku ekeyd 20-ka bishan.

” – Haddii ay jabiyaan cunaqabateyntan saaran Iran waddamada Qaramada Midoobay ka tirsan, waxaa qaadeynaa talaabooyin falcelin ku ah”, ayuu yiri mr. Pompeo.

Waddamadan uu u hanjabayo ayaa ka mid ah Ingriiska, Fransiiska, Jarmalka, Ruushka iyo Shiinaha oo ay ku wada jireen heshiis sannadkii 2015 lala galay Iran oo ku aadanaa xakameynta hubka Nurkiyeerka balse uu heshiiskaasi markii dambe ka baxay maamulka Trump.

Waddamadan ayaa ku andocoonaya in Mareykanka uu sharci ahaan ku khaldan yahay arrintan islamarkaana uu qaado tallaabo kaligiis ah.

Mareykanka ayaa ugu hanjabay waddamada jabiya cunaqabateyntan in uu ka xiranayo suuqiisa ganacsiga.

Cunaqabateynta cusub ee la filayo in mamaulka Trump uu maanta saaro shakhsiyaad iyo hey’ado ku lug leh hubka Iran, ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan uu madaxweyne Trump dhex-dhexaadiyay heshiis ay xiriir diblamaasi ku sameysteen dowladaha Imaaraadka Carabta iyo Israel

Related Articles

Bangiga Dhexe oo beeniyay warar lagu faafiyay Baraha Bulshada

Qoraal ka soo baxay Bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa lagu beeniyay warar dhowaan lagu baahiyay baraha bulshada kuwaasoo la xiriiray bangiyada dalka qaarkood. Warkan ka soo baxay bangiga dhexe ayaa lagu sheegay in aysan jirin wax dacwad ama eedayn ah oo laga soo gudbiyay bangi ka mid ah Bankiyada dalka. Waxana uu Bangiga dhexe ugu baaqay warbaahinta dalka iyo kuwa dibeddaba (gaar ahaan Baraha Bulshada), in ay ka fogaadaan faafinta xog aan xaqiiqaada ku salaysnayn. Halkan hoose ka aqriso qoraalka ka soo baxay Bangiga Dhexe; Wargelin (Press statement) Bankiga Dhexe ee Soomaaliya isaga oo ka duulaya warar been-abuur ah oo maalmihii u dambeeyay lagu baahiyay Baraha Bushada ee Soomaalida (social media), kuwaas oo looga beensheegayo Bankiyada dalka qaarkood, haddaba Bankiga Dhexe wuxuu guud ahaan dadweynaha iyo gaar ahaan macaamiisha bankiyada Soomaaliyeed u caddeynayaa: 1. In Bankiga Dhexe yahay hay’adda u xilsaaran shati-siinta iyo korjoogteynta bankiyada dalka ka shaqeeya oo dhan. 2. In aysan jirin wax dacwad ama eedayn ah oo laga soo gudbiyay bangi ka mid ah Bankiyada dalka. 3. Bankiga Dhexe ee Soomaaliya wuxuu ku boorrinayaa warbaahinta dalka iyo kuwa dibeddaba (gaar ahaan Baraha Bulshada), in ay ka fogaadaan faafinta xog aan xaqiiqaada ku salaysnayn. Wararka ku saabsan bankiyada iyo shirkadaha maaliyadda ee dalka waxaa laga soo xigan karaa ilaha rasmiga ah, sida Bankiga Dhexe.

Maamulka Puntland oo gudbiyay Xubnaha Guddiyada Doorashada iyo Xalinta Khilaafaadka

Facebook Twitter WhatsApp Linkedin LINE Maamulka Puntland ayaa soo gudbiyay xubnaha Puntland ku metelaya guddiyada doorashooyinka iyo kan Xalinta khilafaadka doorashada ee heer federal. Xubnaha la gudbiyay ayaa mid ka mid ah waxa ay tahay dumar iyagoo magacyadoda lagu kala sheegay Cabdiweli Tima-Cadde, Muuse Geelle Faroole, Burhaan Cilmi Filig iyo gabar magaceeda lagu sheegay Yaasmiin. Xubnaha Puntland ku metelaya guddiyada doorashooyinka iyo kan xalinta khilafaadka doorashada ee heer federal ayaa waxaa Dowladda dhexe usoo Gudbiyay Madaxweynaha Puntland Siiciid Cabdulalahi deni. Maamulada Hirshabbeelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Galmudug ayaa horay u gudbiyay xubnaha ku metelaya guddiyada doorashooyinka iyo kan xalinta khilafaadka doorashada ee heer federal. Facebook Twitter WhatsApp Linkedin LINE Previous articleBangiga Dhexe oo beeniyay warar lagu faafiyay Baraha Bulshada

R/Wasaare ku xigeenka XFS iyo Marwada 1-aad oo la kulmay Madaxweynaha Uganda.

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Muqdisho:-Ra’iisul Wasaare ku xigeenka magacaaban, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo Marwada kowaad ee Dalka Marwo Seynab Cabdi Macalin ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Dalka Yuganda Yuweri Museveni, kulankaas oo ka dhacay Madaxtooyada Qaranka Uganda ayaa ahaa mid soo dhaweyn ah oo lagu soo dhaweynayay wafdigan ka socoda Dowladda federaalka Soomaaliya, kaas oo lagu wado inuu ka qeyb galo Munaasabada lagu fura shirkad balaaran oo soo saarta sokorta. Shirkadan oo ay leedahay Marwo Aamina Xirsi Mooge oo ah Haweeney Soomaliyeed oo ganacsi balaaran ku leh dalalka Barigga Afrika ayaa lagu wadaa in Maalmaha soo aadan laga furo dalkan Uganda. Wafdigan uu horkacaya Ra’iisul Wasaare ku xigeenka jamhuuriyada Faderalka Soomaliya Mahad Maxamed Guuleed (Khadar) iyo Marwada kowaad ee dalka Marwo Seynab ayaa qeyb ka ah wafuud ka kala timid caalamka oo lagu martiqaaday munaasabadda furitaanka Warshadda sokorta ee Dalkaasi. Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Previous articleQarax khasaaro geystay oo xalay ka dhacay Magaalada Baydhabo Next articleBangiga Dhexe ee Soomaaliya oo beeniyay warar been abuur ah oo laga faafiyay Bankiyada dalka.

Stay Connected

20,891FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Salaad Cali Jeelle oo loo magacaabay Safiirka Cusub ee Soomaaliya uga wakiilka ah Dalka Jabuuti.

Siyaasiga Salaad Cali Jeelle, oo ka mid ah shaqs iyaadka aadka u taageera Madaxweynaha Soomaal iya Maxamed C/hi Farmaajo, ayaa si hoose loogu magacaabay safiirka DFSu fadhin doona dalka Jab uuti. Siyaasiga Salaad Cali Jeelle, ayaa rajo weyn ka qabay inuu kamid noqdo G/Wasii rada Soomaaliya ee uu dhawaan soo magacaabay R/Wasaare Ro oble, balse waxaa loo sheegay in la siin doono Safiir taas oo markii dambe looga dhabeeyay. “Madaxweynaha ayaa ii gartay inaa noqdo Saf iirka Soomaaliya u fadhin doono dalka aan walaala ha nahay ee Jabuuti, waxaana ku muteystay dowlad jaceelkayga iyo shaqadii aan dalka usoo qabtay 4tii sano ee Madaxweyne Farmaajo,” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle. “Intii aan ahaa la-taliyaha Madaxweynaha iyo ka horba, si hagar la’aan ah ayaa ula shaqeeyay waxa ana laygu abaal guday in dalka ugu dhow Soomaal iya oo waligiis na garab taagnaa aan u matalo dowla dda,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Ambassador Sala ad Cali Jeelle. Md.Salaad,waxa uu si indho la’aan ah u taage eray Madaxweynaha Soomaaliya Md. Farmaajo mudda uu xafiiska joogo, waxa uuna dagaalka ugu badan ku qaaday siyaasiinta ka soo jeeda beeshiisa iyo sidoo kale danaha beesha uu ka dhashay. Dad badan ayaa taageerada Salaad ee Farmaajo iyo inuu kasoo horjeestay madaxweynayaashii hore oo ku qabiil ah ku macneeyey in Soomaaliya ay ka gudbeyso qabyaaladda, una gud beyso siyaasad ku dhisan dan iyo is xulufeysi. Balse dadka qaar ayaa u arka in Salaad Cali Jeelle taageerada Madaxweynaha Soomaaliya ku waayay sumacadiisa, dadkiisa iyo in badan oo k amid ah dadkii taagee rsanaa kadib markii si indho la’aan ah Farmaajo ugu taageeray qaladaad badan.

Ciidamada amniga oo joojiyey dibad-bax ka socday Beledweyne + sababta

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee magaalada Beledweyne ayaa lagu soo warramayaa inay saaka joojiyeen dibad-bax ballaaran oo ka socday gudaha magaaladaasi, kaas oo ay dhigayeen boqolaal dadweyne ah oo isku soo baxay. Dibad-baxayaasha oo watay boorar ay ku muujinayaan dareenkooda ayaa waxa ay banaan-baxan uga soo horjeedeen, sida loo wahayo dhismaha maamulka HirShabelle. Wararka ayaa sheegaya in saraakiisha laamaha amniga, gaar ahaan kuwa Booliiska ay kala dareeriyeen dadkii shacabka ahaa ee isugu soo baxay halkaasi. Labo Xidigle Maxamed Qorsheel taliyaha ciidanka Booliiska magaalada Beledweyne ayaa warbaahinta u sheegay inuu dibad-baxaasi ahaa mid sharci darro ah, kana hortageen. Taliyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in ka hor dibad-baxaasi aan lagu soo war-gelin, islmarkaana uu qatar ku ahaa maniga magaalada, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in aysan aqbali doonin in Beledweyne lagu qabto banaan-bax aysan ogeyn hay’adaha ammaanka ee degmadaasi. Si kastaba dhismaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle ayaa waxaa ka taagan is jiid-jiid siyaasadeed iyo khilaafaad u dhexeeya madaxda sare ee  maamulkaasi, taas oo caqabad ku ah qabsoomida doorashooyinka maamulkaasi. Let’s block ads! (Why?)