Saturday, October 24, 2020

Maalinta Calanka: Calamada kala duwan ee Soomaalida iyo xilliyada dabaaldegyada

  • Cabdishakuur Casoowe
  • Nairobi
2 Luulyo 2020

Waa la cusbooneysiiyay 14 Daqiiqadood ka hor

Sannadkasta, 12-ka October, waxaa la xusaa maalinta calanka Soomaaliya.

Sidoo kale, in ka badan 60 sano ayaa laga joogaa markii ay Soomaaliya gobannimadeeda ka qaadatay gumeystayaashii reer Yurub. Astaamihii ugu waaweynaa ee xorriyadda muujinayay waxaa ka mid ahaa calanka ay yeelatay dowladdii la baxday Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Muddo 30 sano ah xornimadii ka dib ayuu calankaas buluugga ah ee dhexda ku leh xiddigta cad ee shan geesoodka ah kaligiis astaan u ahaa Soomaalida ku midowday gobolladii Waqooyiga iyo Koonfurta.

Laakiin wixii xilligaas ka dambeeyay waxaa soo baxay calamo kale oo ka duwan kii ugu horreeyay. Maanta oo uu Soomaaliya ka jiro nidaam federaal ah waxaa shacabka indhahooda ku soo batay calamo ay sameysteen maamul goboleedyada kala duwan ee hoos taga dowladda dhexe.

Marka laga soo tago Jamhuuriyadda iskeed madax-bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, waxaa jira shan maamul oo ka jira Federaalka Soomaaliya – kuwaasoo mid walba uu leeyahay calan u gaar ah.

Dadka Soomaalida ah ee ka soo kala jeeda dowlad goboleedyada ayaa si weyn u daneeya calamada maamulladooda, qaarkoodna waxayba isbarbar dhig ku sameeyaan calamadaas kala duwan iyo midka Qaranka.

Muxuu ka dhigan yahay Calanka Soomaaliya?

Calanka Soomaaliya

Dad badan waxay aaminsan yihiin in midabka buluugga ah ee calanka uu micnihiisu yahay “cirka oo aan caad lahayn”.

Hase yeeshee sida saxda ah waa in “midabkaas uu ka dhigan yahay badweynta ku teedsan xeebta ugu dheer Afrika ee ay Soomaaliya leedahay,” sida uu BBC-da u sheegay Abwaan Cali Jaamac Cawaale (Cali Dhoof) oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee khibradda u leh taariikhda calanka – kaas oo adeer uu u yahay Maxamed Cawaale Liibaan oo ah ninkii hindisay naqshadda calanka. Xiddigta shan geesoodka lehna “waxay mataleysaa shanta Soomaaliyeed, halka midabkeeda cadna uu yahay nabad.”

Qalabkan kuma ciyaari kartid maqalka iyo muuqaalka

Markii ugu horreysay ee lagu fikiray in calan ay Soomaali leedahay la abuuro waxay ahayd dabayaaqadii 1940-meeyadii, markaas oo tallaabo loo qaadayay sidii ay Soomaaliya uga bixi lahayd gumeysiga, sida uu horay u sheegay Maxamed Cawaale Liibaan – oo ah maskaxdii ka dambeysay calanka naqshaddiisa.

Wareysi uu Cawaale bixiyay sannadkii 1983, ayuu ku yiri: “Markii xaaladda Soomaaliya go’aankeeda lagu wareejiyay Qaramada Midoobay, oo Taliyaanigana la yiri 10 sano haku gaarsiiyo hannaanka xorriyadda, qodobbadii lagu heshiiyay waxaa ka mid ahaa in la sameeyo calan summad u noqda Soomaaliya oo looga sooco ummadaha kale.”

Wuxuu sheegay in Talyaaniga uu damcay in uu ka soo hor jeesto calankaas, isagoo ku andocoonaya inuu u egyahay calamo kale oo markaas horay usii jiray.

Sidoo kale wuxuu maamulka Taliyaaniga daneynayay calamo lala tartansiinayay kii uu Cawaale la yimid, kuwaas oo qaarkood ay u ekaanayeen midka Taliyaaniga qudhiisa.

Alle ha u naxariisteen Cawaale wuxuu magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday 5-tii bishii June ee sannadkii 2001-dii, xilligaas oo ay da’diisu ahayd 92 sano.

Marxaladihii uu soo maray calanka

Abwaan Cali Jaamac Cawaale (Cali Dhoof) oo ka mid ah abwaanada Soomaaliyeed – oo sheegay inuu soo korsaday Maxamed Cawaale Liibaan – ayaa tilmaamay in calanka uu soo maray marxalado kala duwan.

Abwaan Cali Jaamac Cawaale (Cali Dhoof) waxaa adeer u ah oo soo korsaday Maxamed Cawaale Liibaan oo ah ninkii hindisay calanka Soomaaliya

“12-kii Oktoobar, sannadkii 1952, ayaa la hindisay calanka, labadii sanno ee xigtay dood ku saabsan baa ka jirtay Qaramada Midoobay, balse 1954-tii markii Cabdullaahi Ciise uu tagay xarunta Qaramada Midoobay ayaa la oggolaaday.

Bishii Oktoobar ee isla sannadkaas ayaa la arkay isaga oo suran Fiisho Gufeerno (Dhismaha xarunta dowladda hoose ee Xamar). Wuxuu markaas u dhaxeeyay calankii Qaramada Midoobay iyo kii Taliyaaniga, balse wuu ka gaabaa,” ayuu yiri Abwaanka.

“Qof gumeysi arkay baa qarannimo garan kara”

Abwaan Cali Jaamac Cawaale wuxuu dhaliilay dadka isku barbar wada calanka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada.

“Maxamed Cawaale wuxuu yiri: “Qof gumeysi dhibkiisa arkay, oo xorriyad ka raadsaday baa garan kara waxay tahay gobannimada iyo dal jacaylka. Marka dadka qaarkood hadda waxay calamada cusub u arkaan reer hebel iyo qabiillo. Haddii xitaa ay ismaamul goboleed u arki lahaayeen way fiicnaan lahayd,” ayuu yiri.

Calamada dib ka soo baxay

Shan maamul goboleed oo ka tirsan dowladda federaalka ayaa leh calamo u gaar ah, waxayna kala yihiin Jubbaland, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Punland.

Jubbaland waxay ka mid tahay maamul goboleedyada Soomaaliya ee calanka gaarka ah sameystay

Munaasabadaha ka dhaca deegaannada ay ka jiraan maamul goboleedyadaas ayaa lagu arkaa dadweynaha oo ku labisan calamada dowlad goboleedyadooda, iyagoo ku lammaaniyay calanka Soomaaliya.

Sidoo kale muddooyinkii dambe waxaa soo kordhay naqshadaha laga sameeyo calamada gaarka ah iyo qalab lagu xardho.

Waxaa ka mid ah kuulaha qoorta lagu xirta, jijimaha gacanta, sallado, qalimaan iyo waxyaabo kale.

Khilaafka u dhaxeeya qaar ka mid ah maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ayaa la aaminsan yahay inuu saameyn ku leeyahay isbarbar dhigga calamada.

Calanka Hirshabeelle

Dhanka kale calamada deegaannada ayaa loo sameeyay heeso, kuwaas oo looga dayanayo heesaha waddaniga ah ee lagu maamuuso calamka Soomaaliyeed.

Dhammaan calamada gaarka ah ee dowlad goboleedyada ayaa qeyb ka mid ah lagu muujiyay calanka qaranka.

Waxaa kale oo xusid mudan in ay jiraan “dad waddaniyiin ah oo uu ku weyn yahay calanka, taariikhdiisana jecel inay wax ka ogaadaan.”

Meelaha “sida weyn looga xiiseeyo” calanka Soomaaliya waxaa ka mid ah dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Calanka maamulka Koonfur Galbeed oo ka barbar suran calanka Soomaaliya

Magaalada Jigjiga ayey muddooyinkii ugu dambeeyay ku soo badanayeen dadka daneeya calanka Soomaaliya.

Dharka lagu xardhay calanka Soomaaliya gaar ahaan diracyada ay xirtaan dumarka ayaa gudaha magaaladaasi aad uga qiimo badan dharka kale.

“Diraca baatiga ama shiidka ah waxaan ku gadnaa 120 bir oo lacagta Itoobiya ah, balse marka lagu xardho calanka Soomaaliya waxaan ku gadnaa 300 oo bir,” ayay tiri Salma Yuusuf Ismaaciil oo goor sii horreysay la hadashay BBC-da.

Inta badan munaasabadaha ka dhaca maamul goboleedyada ayaa loo soo qaataa calnka maamul goboleedkaas oo barbar socda kan Qaranka Soomaaliya, sida kan sawirkan hadda ka muuqda ee Galmudug

Itoobiya waxaa ka bilowday isbedel iyo furfurnaan wixii ka dambeeyay markii uu Ra’iisul Wasaaraha ka noqday Abye Axmed, oo heersare gaarsiiyay xorriyadda hadalka iyo dookha dadweynaha.

Magaalada Nairobi iyo magaalooyinka gobolka Waqoyi Bari ee Kenya sida Gaarisa ayaa caadi looga xirtaa calanka Soomaaliya, iyadoo dadka aysan wax cabsi ah qabin, sababtuna waa in aysan dawladdu mamnuucin, dadkuna ay xor u yihiin wixii ay cawrada ku asturanayaan.

Xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay ee Islii, oo ka tirsan magaalada Nairobi, waxaa ku yaalla meherado badan oo lagu sameeyo qalabka lagu xardho calanka, kuwaas oo laga heli karo dhammaan noocyada calamada ka jira Soomaaliya.

Calanka Puntland

Waxaa xitaa calamadaas hadda kala garanaya farsamayaqaannada aan Soomaalida ahayn ee ka ganacsada meheradaha lagu iibiyo ee Kenya.

Soomaali badan oo ku nool dalalka kale ee Qurbaha ayaa sidoo kale isticmaala astaamaha calanka, gaar ahaan xilliyada ay jiraan munaasabadaha. Halka ay qaarkoodna dalalkaas ku adeegsadaan calamada maamul goboleedyadana.

Qaababka kale ee ay Soomaalida ku muujiyaan jacaylka calanka waxaa ka mid ah in qaarkood ay midabkiisa wajiga marsadaan, xilliyada ay xusayaan maalmaha xorriyadda.

This post first appeared on BBC Somali - Somali. Read the http://www.bbc.com/somali/war-53233077original article

Related Articles

Xog Muujinaysa In Ayna Real Madrid Guul Ka Gaadhi Doonin Barcelona Oo La Helay.

Todobaadkii hore horyaalka La Liga waxa dhacday arin aan inta badan dhicin taas oo ah in ay guuldaro la kulmeen kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ka hor kulankooda El Clasico. Xaqiiqada ayaa ah in 90 kulan ee El Clasico ee horyaalka La Liga arintan ayaa dhacday arin aad u yar. Wakhtiyadaas Real Madrid iyo Barcelona ayaa badiyay 3 jeer mid walba iyaga oo hal kulan bar-baro galay arinta la yaabka leh ayaa ah in kooxda martida ah ay ku fashilantay in ay guul gaadho 7-daas jeer. Markii ugu dambeeyay ee ay Barcelona iyo Real Madrid guuldaro la kulmeen ka hor kulankooda El Clasico ayaa ahayd xilli ciyaareedkii 2002/2003 iyaa oo Barcelona guuldaro 4/2 ah kala kulantay Deportivo halka ay Real Madrid isla guuldaro sidaas oo kale ah kala kulantay Real Sociedad. Kulankii xigay ee ay isaga hor yimaadeen labada kooxood waxa min hal gool kala dhaliyay xiddigaha Ronaldo Nazario & Luis Enrique iyada oo ciyaarto ku dhimaatay 1/1. Xilli ciyaareedyadii kale ee ay dheceen kuwas kale ayaa kala ah 1990/91, 1987/88, 1976/77, 1950/51, 1941/42 & 1935/36.

Ganaax lagu riday Haweeney ah Xeer ilaaliye ku-xigeen oo khilaaf ka dhaliyay Hay’adaha Garsoorka (Akhriso)

Waxaa soo shaac baxay khilaaf u dhaxeeya Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo xafiiska Xeer ilaalinta Guud kadib markii ganaax lagu riday haweeney ah ku-xigeenka xeer ilaaliye ku xigeenka guud. Garsoore ka tirsan Maxkamadda Gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud ayaa ku eedeeyay ku xigeenka Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Safiya Maxamed Maxamuud inay muddo laba jeer ah ka maqnaatay cudurdaar la’aan iyadoo lagu wargeliyay qaadista Dacwad Ciqaab ah oo tirsigeedu ahaa 242/2020, taasoo uu eedeysane ka ahaa Axmed Xasan Maxamuud. Ad Garsoor Saalax Cali ayaa ganaax dhan $500 ku xukumay haweeneyda ah ku-xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Safiyo Maxamed, kadibna waxaa jawaab dheer soo qortay haweeneyda la ganaaxay, iyadoo gaashaanka u daruurtay sharci ahaan xukunkaasi. Qoraallada ay is weydaarsadeen labada dhinac waxaa ka muuqda xaaladda ay uu ku sugan yahay garsoorka dalka oo gaartay inaysan wada shaqeyn karin xeer ilaalinta iyo Maxkamadaha, iyadoo dib u habeyntii la sugayey in lagu sameeyo Hay’adaha Garsoorka intii ay dowladani jiray ay socon weyday. HOOS KA AKHRISO QORAALLADA Qoraalkii xukunka ganaaxa ee xeer ilaaliye ku xigeenka Qoraalka jawaabta ah ee xeer ilaaliye ku xigeenka la ganaaxay Warar Xul ah

Mareykanka oo Meelmariyay Dawo Lagu Dabiibi Karo Bukaannada Qaba COVID-19

WASHINGTON(HALBEEG)-Hay’adda dawooyinka u qaabilsan Mareykanka (FDA) ayaa meel marisay in bukaannada isbitaallada u jiifa cudurka Covid-19 lagu dabiibi karo dawada Remdesivir. Hay’adda ayaa sheegtay in dawadan ay celcelis ahaan shan maalmood ka yareyneyso waqtiga ka soo kabsashada cudurka, taas oo la ogaaday intii ay socotay tijaabada daweynta. Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa Iyana sheegtay in waxtarka daawadan uu aad u yaryahay taas oo ay ku ogaatay daraasad ay samaysay hase yeeshee shirkadda Gilead ee dawadaas samaysay ayaa gaashaanka u daruurtay xogta WHO. Adeegsiga Remdesivir ayaa la oggolaaday bishii May, waxaana loo adeegsanayay xaaladaha degdegga ah oo kaliya ee gudaha Mareykanka waxaana dadkii lagu dabiibay kamid ahaa madaxweyne Donald Trump kaddib markii laga helay cudurka Covid-19 isaga oo kasoo kabsaday xanuunka. Mid ka mid ah daraasaadka ayaa muujinaysa in xilliga dhexdhexaadka ah ee loogaga soo kabsan karo COVID-19 uu ahaa 10 maalmood, waa marka la isticmaalo dawooyinka Remedsiver, markii la barbardhigo 15-ka maalmood ee ay ku soo kabsadeen dadka la siiyay dawooyinka placebo. WHO, waxa ay baartay saameynta afar dawo oo ay suuragal tahay in la isticmaalo – Remdesivir ayaa ka mid aheyd – waxaa sidoo kale la eegay dawada malaariyada ee hydroxychloroquine. Dawooyinka loo isticmaalo in lagu xoojiyo difaaca jirka, iyo dawooyinka HIV-ga loo isticmaalo ee lopinavir iyo ritonavir.Dexamethasone, oo haatan aad loo siiyo bukaannada COVID ee xaaladdooda ay culus yihiin ee UK, ayaanan lagu darin daraasadda. Afarta dawo waxaa lagu tijaabiyay 11,266 bukaan oo ku jiray 500 oo isbitaal oo ku yaal in ka badan 30 dal oo kala duwan. Natiijooyinka oo aanan weli dib loo eegin, waxa ay muujinayaan in daweyntaas ay saameyn wanaagsan oo dhinaca niyadda ay horseedeen ama mudada dheer ee isbitaalka lagu jiri lahaa oo soo yaraatay, sida ay sheegtay WHO. Post Views:15 Related Let’s block ads! (Why?)

Stay Connected

20,899FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Macallin Conte oo tusaale wanaagsan u soo qaatay naadiga Liverpool

MILANO (HALBEEG) –  Antonio Conte ayaa kalsooni ku qaba in Inter Milan haddii ay hesho waqti kufilan ay gaari karto wax walba, maadaama buu yiri Horyaalka uu hadda yahay mid billow ah, wuxuuna carrabka ku adkeeyay shaqada tababaraha Liverpool Jurgen Klopp oo ah tusaale wanaagsan sida muddada kooban ee uu joogo u gaarsiiyay hormar la taaban karo kooxdiisa. Inter ayaa ciyaartay seddex kulan oo aysan wax guul ah gaarin iyagoo u safraya Genoa sabtida maanta ah. Nerazzurri ayaa hal dhibic ka danbeysay kooxda heysata horyaalka Serie A ee Juventus xilli-ciyaareedkii la soo dhaafay, islamaraakana aheyd xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee Conte. Laakiin Conte wuxuu ku faraxsan yahay horumarka ay sameeyeen kooxdiisa wuxuuna muujiyay inuu wax ku qaadanayo guulaha “dagaal yahanka” Liverpool, kuwaas oo lagu abaalmariyay koobab waaweyn intii uu hoggaaminayay Klopp, iyaga oo gacanta ku dhigay Champions League 2019 iyo Horyaalka Premier League 2020. “Waa inaan marwalba siinno awood boqolkiiba boqol 100% si aan isugu dayno inaan helno natiijo wanaagsan, marka lagu daro waxqabadka,” Conte ayaa sidaa ka yiri shirkii jaraa’id ee ciyaarta ka hor. “Waxaan u baahannahay inaan si adag u shaqeyno,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey. Post Views:21 Related Let’s block ads! (Why?)

Man United, Man City, Chelsea, Liverpool, Barcelona, Real Madrid, Inter, Bayern Munich & Guud ahaan kulammada maanta iyo caawa laga ciyaarayo shanta horyaallada ee...

(Yurub) 24 Okt 2020. Kulamo ka tirsan horyaallada waa weyn qaaradda Yurub ayaa maanta iyo caawa la ciyaari doonaa, waxaana ka mid ah Premier League, La Liga, Serie A, Ligue 1 iyo Bundesliga dalka Jarmalka. Kooxaha Man United, Man City, Chelsea, Liverpool, Barcelona, Real Madrid, Inter, Bayern Munich ayaa ka mid ah kooxaha waa weyn ee maanta illaa caawa ciyaari doona horyaalladooda. Horyaalka Premier League kulanka ugu weyn ee la sugayo waa midka garoonka Old Trafford ku dhex mari doona kooxaha Man United iyo Chelsea, sidoo kale horyaalka kooxaha waa weyn ee ciyaarta waxaa ka mid ah Manchester City iyo Liverpool oo la kala dheeli doona West Ham United iyo Sheffield United. Dhinaca kale horyaalka La Liga isaga waxaa maanta la sugayaa kulanka El Clasico ee garoonka Camp Nou ku dhex mari doona kooxaha Barcelona iyo Real Madrid, halka Atletico Madrid ay soo dhoweynayso Real Betis. Horyaalka Serie A kulammada ugu madaxa fiiqan waxaa ka mid ah midka ay Inter Milan ay u safreyso Genoa iyo kan kooxaha Lazio ay soo dhoweynayso Bologna. Geesta kale horyaalka Bundesliga Jarmalka ayaa la ciyaarayaa isagana, Iyadoo Bayern Munich ay soo dhoweynayso Eintracht Frankfurt iyo midka ay Borussia Dortmund qaabilayso Schalke 04, halka horyaalka Ligue 1 ee Faransiiska isagana kulamo ka tirsan la ciyaari doono, waxaana ka mid ah midka ay caawa kooxaha Paris Saint-Germain marti-gelinayso Dijon. Haddaba Halkaan hoose ka eeg guud ahaan kulammada maanta iyo caawa laga ciyaari doono guud ahaan horyaallada waa weyn ee qaaradda Yurub & Saacadaha ay soo geli doonaan:- ENGLAND – PREMIER LEAGUE 02:30 Duhurnimo West Ham United vs Manchester City 05:00 Galabnimo Fulham vs Crystal Palace 07:30 Habeennimo Manchester United vs Chelsea 10:00 Habeennimo Liverpool vs Sheffield United SPAIN – LALIGA SANTANDER 05:00 Galabnimo Barcelona vs Real Madrid 07:30 Habeennimo Osasuna vs Athletic Bilbao 07:30 Habeennimo Sevilla vs Eibar 10:00 Habeennimo Atletico Madrid vs Real Betis GERMANY – BUNDESLIGA 04:30 Galabnimo Bayern Munich vs Eintracht Frankfurt 04:30 Galabnimo Mainz 05 vs Borussia Moenchengladbach 04:30 Galabnimo RasenBallsport Leipzig vs Hertha Berlin 04:30 Galabnimo Union Berlin vs Freiburg 07:30 Habeennimo Borussia Dortmund vs Schalke 04 ITALY – SERIE A 04:00 Galabnimo Atalanta vs Sampdoria 07:00 Fiidnimo Genoa vs Inter Milan 09:45 Habeennimo Lazio vs Bologna FRANCE – LIGUE 1 06:00 Maqribnimo Lorient vs Marseille 10:00 Habeennimo Paris Saint-Germain vs Dijon FG: Dhammaan saacadaha aan kor ku soo sheegnay waa xilliga geeska Afrika ama saacadda Soomaaliya. Gool FM. Let’s block ads! (Why?)

This post first appeared on BBC Somali - Somali. Read the http://www.bbc.com/somali/war-53233077original article