Thursday, October 22, 2020

Ma waxaa soo socda warkii ugu weynaa ee ku saabsan Carabta iyo Israa'iil?

6 Daqiiqadood ka hor

Ma dhici kartaa mise ma dhici karto? Waa su’aal uu isweydiinayo qof walba oo hadda ku sugan Bariga Dhexe.

Madaxda Sacuudiga, oo taariikh ahaan lagu yaqaanno inay dhaliilaan Israa’iil iyo sida ay ula dhaqanto Falastiiniyiinta, ma waxay ugu dambeyn kusii dhawaanayaan inay hagaajiyaan xiriirka ay la leeyihiin waddanka ay Warbaahinta Carabta ku tilmaamaan “Maamulka difaaca Yuhuudda”?

Hadal heyn qabsatay baraha bulshada oo ku saabsan arrintaas ayaa waxaa sii xoojiyay wareysi uu telefishinka Al-Carabiya siiyay madixii hore ee sirdoonka Sacuudiga, ahaaha danjirihii Sacuudiga ee mudadada dheer joogay Washington, Amiir Bandar Bin Sultan al-Saud.

Wuxuu Amiir Bandar si adag u cambaareeyay dhaliilaha ay hoggaamiyeyaasha Falastiiniyiinta u jeedinayaan heshiiskii nabadeed ee dhawaan dhex maray Israa’iil iyo qaar ka mid ah dowladaha Khaliijka Carabta.

“Dooddan heerka hoose ah ma aha mid aan ka fileynay in looga falceliyo tallaabada ay qaadeen mas’uuliyiinta dadaalka ugu jira sidii loo heli lahaa taageerada caalamiga ah ee ku aaddan danahooda,” ayuu yiri Amiir Bandar.

“Lama aqbali karo carada ay hoggaamiyeyaasha Falastiiniyiinta ka muujiyeen go’aanka madaxda Khaliijka.”

Prince Bandar Bin Sultan Al-Saud (file photo)

Hoggaamiyeyaasha Falastiiniyiinta ayaa go’aankii ay Imaaraadka Carabta iyo Baxreyn kusoo celiyeen xiriirkooda Israa’iil waxay ku tilmaameen “khiyaano” iyo “mindi dhabarka laga galiyay Falastiiniyiinta”.

Amiir Bandar, oo muddo 22 sano ah soo ahaa Safiirka Sacuudiga ee Mareykanka, aadna ugu soo dhawaa Madaxweynihii Mareykanka, George W Bush – oo xitaa lagu naaneysi jiray Bandar Bin Bush – ayaa sheegay in nidaamka hoggaamineed ee Falastiiniyiinta uu guul darreystay.

“Waxay taageerada Sacuudiga u qaateen sidii wax ay xaq u leeyihiin,” ayuu yiri.

Wareysigiisa ayuu aad uga hadlay wax uu ku sheegay mowqif la’aan ka dhex jirta Falastiiniyiinta dhexdooda.

Erayada noocaas ah, oo kasoo yeeray sarkaal sare oo Sacuudi ah oo ku dhow qoyska talada haya, lagama sii deyn lahayn telefishin uu Sacudiga leeyahay haddii aysan soo ansixinin Boqor Salmaan iyo wiilkiisa dhaxalka sugaya ee Maxamed Bin Salmaan.

Bulshada Sacuudiga isbaddallo waaweyn ayey sameeyeen sannadihii lasoo dhaafay

In hadalkan loo soo dhiibo qof sida Amiir Bandar oo kale ah, oo ah diblomaasi rugcaddaa ah oo ka mid ah tiirarka ay ku dhisan tahay boqortooyada Sacuudiga, waxay astaan cad u tahay in hoggaanka Sacuudiga ay suuragal tahay inay isku diyaarinayaan sidii ay iyaga iyo shacabkooduba ugu dambeyn heshiis ula gaadhi lahaayeen Israa’iil.

Shaki taariikhi ah

Waxay u muuqataa in marka la eego hadalka Amiir Bandar iyo ka raalli ahaanshihii aamusnaanta ahaa ee Sacuudiga uu ugu riyaaqsanaa heshiiskii ay Imaaraadka Carabta iyo Baxreyn la galeen Israa’iil ay soo dadajin karto go’aan ay boqortooyadu ku caddeyso mowqifkeeda.

Boqortooyada ayaa la arkayaa in ay Israa’iil isugu soo dhawaanayaan si ka dhakhso badan sida ay isugu sii dhawaanayaan shacabka Sacuudiga iyo kuwa Israa’iil.

Muddo sannado badan, gaar ahaan deegaannada miyiga ah, ee magaalooyinka geesaha jira ee Sacuudiga, dadka u dhashay waddankaas waxay la qabsadeen in Israa’iil aysan u arkin oo kaliya cadow balse ay sidoo kale u arkaan dad Yuhuud ah.

Dadka reer miyiga ah ee aan isticmaalin tiknoolojiyadda casriga ah iyo internet-ka ayaa qaarkood xitaa waxay aaminsan yihiin in Yuhuudda ay xilli ka mid ah sanadka cabaan dhiigga carruurta.

Sacuudiga shacabkiisa waxay ka mid yihiin kuwa ugu badan ee isticmaala baraha bulshada

Hadda oo ay sii bateen dadka isticmaala baraha bulshada, way sii baaba’ayaan sheekooyinkaas la sameeyay ee aan sal iyo raadka lahayn.

Dadka reer Sacuudi Carabiya hadda in badan oo ka mid ah waqtigooda waxay ku bixiyaan internet-ka iyo helitaanka wararka caalamka.

In si tartiib tartiib ah loo cirib tiro arrimahan waxay sabab u tahay in Sacuudiga uu ku dagdagi waayo heshiiska taariikhiga ah ee dalalka saaxiibbadiisa ay la saxiixdeen Israa’iil.

Dhibaatadii ka timid Saadaam

Sacuudiga iyo dalalka kale ee Khaliijka waxay muddo tobannaan sano ah ka mideysnaayeen taageeridda Falastiiniyiinta, siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba.

Laakiin markii uu hoggaamiyihii Falastiiniyiinta, Yaasir Carafaad, xulafeystay madaxweynihii Ciraaq Saadaam Xuseen xilligii uu qabsaday Kuwait sanadkii 1990-kii, dalalka Khaliijka waxay dareemeen in la khiyaanay.

Falastiiniyiinta waxaa Kuwait laga soo eryay markii uu Yaasir Carafaad la saaxiibay Saadaam Xuseen

Kaddib markii uu Mareykanka xoreeyay Kuwait 1991-kii, waddankaas waxaa laga soo eryay dhammaan bulshadii reer Falastiin ee halkaas ku nooleyd, waxaana lagu baddalay kumannaan Masaari ah.

Muddodheer ayey hoggaamiyeyaasha kale ee gobolka xukumayay ku qaadatay inay kasoo kabsadaan “khiyaanadii” Carafaad.

Qofka dadaalka ugu badnaa ku bixiyay in Carabta laga daaweeyo dhaawacaas wuxuu ahaa boqorkii Kuwait ee dhawaan geeriyooday, Sheikh Sabah al-Ahmad al-Sabah, oo bishii lasoo dhaafay dhintay, isagoo 91 jir ah.

Waddamada Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar – oo xulafo la ah Sacuudiga – waxay dhammaantood heshiis nabadeed kula jiraan Israa’iil, dib ayeyna usoo celiyeen xiriirkooda diblomaasiyadeed.

Laakiin Sacuudiga wuxuu si tartiib tartiib ah ugu tallaabsanayaa inuu baddalo siyaasaddiisa ku aaddan Israa’iil.

Sidaas daraadeed, heshiis nabadeed oo dhex mara boqortooyada Sacuudiga iyo Israa’iil hadda waa suuragal.

This post first appeared on BBC Somali - Somali. Read the http://www.bbc.com/somali/war-54500370original article

Related Articles

Kulan looga hadlayay arrimaha Doorashooyinka ayaa lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb

Kulan looga hadlayay arrimaha Doorashooyinka ayaa lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb waxaana ka qeyb galay mas’uuliyeen ka socotay Galmudug Urarada bulshada rayidka iyo Daawo Warbixin Ku Saabsan Kulankii Doorashooyinka  Goobjoog News

Dood Cilmiyeed Looga Hadlayay Dhibaaooyinka Jinsiga Loo Geysto Dumarka Ayaa Lagu Qabtay Muqdisho

Dood Cilmiyeed looga hadlayay dhibaaooyinka jinsiga loo geysto dumarka ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho,waxaan doodan ka qeyb galay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya,culumo,aqoonyahano,haween iyo dhalinyaro Daawo Warbixin Ku Saabsan Dood Cilmiyeedka Oo Muqdisho ka dhacday Goobjoog News

Stay Connected

20,893FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Kulan looga hadlayay arrimaha Doorashooyinka ayaa lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb

Kulan looga hadlayay arrimaha Doorashooyinka ayaa lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb waxaana ka qeyb galay mas’uuliyeen ka socotay Galmudug Urarada bulshada rayidka iyo Daawo Warbixin Ku Saabsan Kulankii Doorashooyinka  Goobjoog News

Dood Cilmiyeed Looga Hadlayay Dhibaaooyinka Jinsiga Loo Geysto Dumarka Ayaa Lagu Qabtay Muqdisho

Dood Cilmiyeed looga hadlayay dhibaaooyinka jinsiga loo geysto dumarka ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho,waxaan doodan ka qeyb galay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya,culumo,aqoonyahano,haween iyo dhalinyaro Daawo Warbixin Ku Saabsan Dood Cilmiyeedka Oo Muqdisho ka dhacday Goobjoog News

Sheekh Shariif Oo Ka degay Nairobi & Mar keliya Uu doonayo siriq siyaasadeed

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Shariif oo labadii bil ee la soo dhaafay ku sugnaa dalka isu tagga Imaaraadka Carabta. Shariifka halkaas waxa ku noon qoyskiisa degan isagoo saaxada siyaasadda laga waayay, tan iyo markii Muqdisho ka bilowdeen shirarkii siyaasadeed ee lagu gaarayay go’aamada doorashada ee u dhaxeeyay DFS iyo DG. Waxaana dad badan is weydiinayeen sababta Shariifka xilligaas oo ahaa waqtigii xasaasiga ahaa uga maqnaa saaxada siyaasadda. Hase ahaatee dadka ku dhow dhow waxay ku tilmaameen maqnaashihiisa xeelad siyaasadeed oo uu doonayo inuu si dardar ah ku soo galo Ololaha doorashada, waxaana la filayaa inuu dhowaan safarro ku tago Gobolada dalka, si uu culeys ugu yeelo ololihiisa doorashada Madaxweynaha 2021. Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp

Raisul Wasaare Justin Trudeau oo markii Saddexaad dirqi kaga badbaaday..

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp - Advertisement - Raiisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau iyo xisbigiisa liberal-ka ee laga tirada badan yahay ayaa ka badbaaday doorasho ku celis ah oo la qaban lahaa. Codkan oo Arbacadii la qaaday ayaa ku saabsanaa mooshin ay soo gudbiyeen xisbiga Conservative-ka oo dalbanayay in guddi gaar ah loo saaro qaabkii loo kharash gareeyay lacagaha Coronavirus. Waxyaabaha lagu heystay dowladda Trudeau waxaa ka mid ahaa qandaraas la siiyay hay`adda WE Charity, taasoo la sheegay inay ku lug leeyihiin qaar ka mid ah qoyska ra`iisul wasaaraha. Arrintaas waxay kalliftay in Mr. Trudeau uu waayo wasiirkii dhaqaalaha dalkaas oo muddo dheer xilka hayay, isagoo raalligelin ka bixiyay inuu ka qeyb qaatay go`aan uu golaha wasiirrada ku oggolaaday in qandaraas lagu siiyo hay`addaas. Arrintan ayaa ku soo aadeysa sanad kaddib markii Mr Trudeau uu si dirqi ah ugu guuleystay doorashada, isagoo markii 3aad ka badbaaday inuu shaqadiisa waayo. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.comMuqdisho [email protected] - Advertisement - Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Previous articleWararkii ugu danbeeyay dagaal mar kale dhex-maray ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya & Doorashada Maraykanka oo …

This post first appeared on BBC Somali - Somali. Read the http://www.bbc.com/somali/war-54500370original article