Monday, November 23, 2020

Liverpool Oo Nus-Darsin Goolal Ah Ku Xasuuqday Lincoln City, Arsenal-na Balansatay Wareega Xiga & Man City Oo Garaacday Bournemouth

Kooxaha kubadda cagta Liverpool iyo Manchester City ayaa iska xaadiriyey wareegga afraad ee tartanka Carabao Cup kaddib markii ay guulo waaweyn ka gaadheen kooxaha Lincoln City iyo Bournemouth oo ay foodda isku dareen wareeggii saddexaad.

Liverpool ayaa xasuuq weyn u geysatay naadiga heerka hoose ee Lincoln oo ay marti u ahayd, waxaanay ku karbaashtay 7-2, iyadoo uu wacdaro dhigay laacibka da’da yar ee Curtis Jones oo shabaqa saaxiib la noqday.

Tababare Jurgen Klopp ayaa isbeddello waaweyn ku sameeyey safkiisa, waxaana xiddigihiisa rigliga ah uu kaliya kusoo bilaabay difaaca reer Netherlands ee Virgil van Dijk oo kubadda u dejinayay, sidoo kalena kalsooni siinayay saddex laacib oo difaac da’yar ah iyo goolhayaha oo kasii dambeeyey oo isaguna aan hore fursad ugu helin fagaareyaashan.

Daqiiqaddii 9aad ayay Liverpool hoggaanka ciyaarta qabatay markii uu laacibka reer Switzerland ee Xherdan Shaqiri uu u dhaliyey laag xor ah oo goolhayuhu tiigsan kari waayey kubadda, waxaana u labeeyey Takumi Minamino ka hor intii aanu da’yarka Curtis Jones ku darin laba gool oo degdeg ah.

Bilowga qaybta dambe ayay Liverpool hoggaanka sii dheeraysatay, waxaana gool shanaad u dhaliyey Takumi Minamino oo ka mid noqday ciyaartoyda ku goolal tirsanayay Lincoln, oo xilli dambe heshay gool ay iskaga maydhay natiijada 0ka, waxaase mar kale ciyaarta ka dhigay 6-1 laacibka khadka dhexe ee Marko Grujic iyo Origi oo mid 7aad ku garay, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 7-2 ay guushu ku raacday Liverpool.

Dhinaca kale, Manchester City ayaa guul ka gaadhay kooxda heerka labaad u degtay ee Bournemouth, oo ay kaga adkaatay 2-1.

Tababare Pep Guardiola oo fursad siiyey ciyaartooyo da’yar ah, isla markaana kuysoo lifaaqay dhawr laacib oo khibrad iyo tayo ku kordhaya ayaa waxa goolka  koowaad u dhaliyey Liam Delap qaybtii hore ee ciyaarta, laakiin Bournemouth ayaa iska soo beddelay goolkaas oo barbaraysay daqiiqaddii 2aad, waxaanay qaybta hore kusoo dhamaatay 1-1.

Qaybtii labaad ayay Manchester City la timid gool labaad oo uu u dhaliyey Phil Foden xilli ay ciyaarta ka dhinayd 25 daqiiqadood, waxaanay ugu dambayntii kusoo dhamaatay 2-1 ay Manchester City ugu gudubtay wareegga afraad ee tartanka Carabao Cup.

Kooxda Liverpool ayaa wareega la kulmi doonta kooxda Arsenal xilli ay Man City la ciyaari doonto kooxda Burnley.

Laacib.net

Related Articles

Hordhac: Man United Vs Istanbul Basaksehir: Red Devils Maka Aar Gudan Doontaa Kooxda Reer Turkey.

Kooxda Man United ayaa garoonkeeda Old Trafford ku marti galin doonta kooxda istanbul basaksehir kulankii 4-aad ee wareega Group-yada champions League. Man United ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay ku soo laabtaan wadada guulaha champions League kadib markii ay guuldaro lama filaan ah kala kulmeen kooxda istanbul basaksehir kulankii hore. Dhanka kale kooxda istanbul basaksehir oo kaliya hal kulan badisay ayaa doonaysa in ay gaadhaan guul kale oo kor u qaada rajadooda tartanka. Kulanka: Man United Vs Istanbul Basaksehir Tartanka: Champions League Wakhtiga: 11:00 Garoonka: Old Trafford XAQIIQOOYINKA KULANKA: Man United ayaa laga badiyay 3 ka mid ah 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay kooxaha reer Turkey Tartamada yurub iyaga oo waliba labadii kulan ee ugu dambeeyay guuldaro la kulmay. Istanbul Basaksehir ayaa kaliya hal mar soo booqatay England markaas oo ay marti u noqdeen kooxda Burnley kulan ka tirsanaa is reeb-reebka tartanka Europa League waxana ay la kulmeen guuldro 1/0 ah. Man United ayaa badisay 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay kooxaha reer Turkey ku marti galiyeen Old Trafford tartamada yurub, markii ugu dambaysay ee ay guuldaro kala kulantay garoonkeeda iyaga oo la ciyaaraya koox reer Turkey ah ayaa ahayd November 2009 markaas oo ay guuldaro 1/0 ah kala kulmeen Besiktas champions League. Kooxda Man United ayaa badisay 6-dii kulan ee ugu dambeeyay ee tartamada yurub ay ku ciyaartay Old Trafford iyaga oo dhaliyyay 20 gool lagana dhaliyay kaliya hal gool. Let’s block ads! (Why?)

Abiy Ahmed oo la-taliyihiisa Amniga u soo diray Madaxweyne Farmaajo iyo kulan ka dhacay Villa Somalia

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ergay gaara u soo diray magaalada Muqdisho, si uu ula kulmo, isla markaana farriin u soo gaarsiiyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llahi Farmaajo. La-taliyaha Amniga Qaranka ee Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Gedu Andargacho ayaa maanta soo gaaray Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha kuso dhoweeyay La-taliyaha Amniga ee Madaxweyaha Cabdi Siciid Maxamed Cali iyo Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Jamaaduliin Mustafa. Ad La-taliyaha Amniga Qaranka Itoobiya iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa ka wadahadlay howlgalka ee dowladda Itoobiya Gobolka Tigray, wuxuuna Madaxweyne Farmaajo taageero u muujiyay howlgalka, sia uu sheegay safiirka Itoobiya. Madaxtooyada Soomaaliya ayaan weli ka hadlin kulanka, iyadoo Itoobiya ay hore ergooyin ugu dirtay dalalka Bariga Afrika si ay uga sharxaan mowqifka Itoobiya ee dagaalka ka socda Gobolka Tigray. Warar Xul ah

Stay Connected

21,076FansLike
2,449FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Xog: Deni oo diiday Codsi uga yimid Musharrixiinta ku shirsan Muqdisho

Madaxweyne Deni, ayaa si cad u diiday codsi uga yimid musharrixiin ku shirsan Muqdisho, kuwaas oo ka dalbaday  in uu beddelo laba xubnood oo ka tirsan Xafiiskiisa, oo uu ku daray Guddiga Doorashooyinka heer Federaal iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka. Musharrixiinta ku shirsan Muqdisho, waxay madaxweyne Deni ka dalbadeen, in uu beddelo labada xubnood oo kala ah; Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada Puntland Cabdiweli Cali Cabdulle Tima-cadde iyo Yaasmiin Maxamuud Xaamud (Nayn) oo kamid ah Guddiga sare ee La-Talinta Madaxweynaha. Musharrixiintu waxay Mr. Deni xasuusiyeen, in haddii uu beddelo labadaas xubnood ee ka tirsan Madaxtooyada Puntland, taasi ay cadaadis ku saari doonto Madaxweyne Farmaajo, in uu beddelo xubno ka tirsan Xafiiskiisa, oo uu ku daray Guddiga Doorashooyinka heer Federaal. Balse, Madaxweyne Deni ayaa gebi ahaanba diiday codsiga uga yimid Musharrixiinta Doorashada 2020/2021,  kaas oo ku saabsan in uu beddelo labada xubnood oo kala ah Cabdiweli Tima-cadde iyo Yaasmiin Nayn. PUNTLAND POST Let’s block ads! (Why?)

Muuse Suudi ” Mahdi Guuleed iyo Fahad Yaasiin Beelahooda waa naga ceshan Waayeen” !!

Senator Muuse Suudi Yalaxow oo katirsan Xildhibaanada aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa eedeymo kulul u jeediyay Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed iyo taliyaha NISA Fahad Yaasiin. Muuse Suudi ayaa sheegay in mudo dheer uu dhoorayay kana xishoonayay Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahadi Guuleed iyo Taliyaha Hay’adda Nabad sugida Soomaaliya Fahad Yaasiin. Waxa uu sheegay Senator Muuse Suudi in Mahdi Guuleed iyo Fahad Yaasiin ceshan waayeen beelaha ay kasoo jeedaan, waxa uuna tilmaamay in dalka ku ciyaarayaan iyaga oo u shaqeenaya Farmaajo oo masuul ka ah ciyaarta. “Mahdi Guuleed reer waqooyi waa naga celi waayeen, hadii Amxaaro leedahana waa naga celi weysay, anagu inaan sii dhowranana af-maaha,Fahad Yaasiin reer Ow-Xasan waa naga cesha waayeen, waxa dalkeenna ku cayaarayana waa isagaa la leeyahay, anigoo og in labaduba aysan eeda laheyn ee uu Farmaajo yahay ninka dalka ku cayaaraya, balse jecel in eeda hoostiisa laga qaado,” ayuu yiri Muuse Suudi. Muuse Suudi ayaana sheegay in colaadin iyo dhibaato badan lagu hayo dadka degan caasimada Muqdisho, waxa uuna sheegay in dhaqaalahooda la cunayo sidoo kale ciidankooda lagu dhameeyay dagaalo iyo qaraxyo si loo dhimo tiradooda. Muuse Suudi ayaa sidoo kale sheegay in Musharaxiinta ku shiraya magaalada Muqdisho uga xanuun badan yihiin waxa dhacaya, waxa uuna xusay in ay matalaan kana dhasheen dadka ugu badan ee degan Muqdisho uu sheegay in dhaqaalahooda la cunayo. Hadalkan kasoo yeeray Muuse Suudi Yalaxow ayaa kusoo aadaya xili magaalada Muqdisho ka socdaan shirar xasaasi ah oo looga soo horjeedo sida dowlada Madaxweyne Farmaajo u maareeneyso dooarshada Soomaaliya. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.comMuqdisho [email protected] - Advertisement -