Saturday, October 24, 2020

LIBYA: Madaxa dowladda ay taageerto Qaramada Midoobay oo is casilaya

Madaxa dowladda uu caalamku aqoonsan yahay ee saldhiggeedu yahay magaalada Tripoli ee dalka Libya, Ra`iisul Wasaare Fayez al-Serraj, ayaa ku dhawaaqay inuu doonayo inuu is casilo dhammaadka bisha October.

Hadalkan oo uu kaga dhawaaqay khudbad muuqaal ahayd, ayuu ku sheegay inuu doonayo inuu xilka ku wareejiyo gole cusub oo lagu dooran doono wada hadallo u dhaxeeya dhinacyada Libya oo bisha soo socota ka dhici doona Geneva.

Al-Serraj waxaa cadaadis uga yimid dhinacyo ka tirsan dowladda Tripoli iyo dibadbaxyadii dhowaan looga soo horjeeday xaaladaha nolosha dalkaas ee ka sii daraya iyo musuqmaasuqa dowladda.

Heshiis ay Qaramada Midoobay garwadeen ka ahayd oo ka dhacay magaalada Skhirat ee dalka Morocco bishii December sanadkii 2015 ayaa loogu doortay inuu noqdo ra`iisul wasaare iyo madaxa golaha madaxtinnimada ee Libya.

Dhanka kale wasiirka arrimaha dibadda Turkiga, Mevlut Cavusoglu, ayaa sheegay in Turkiga iyo Ruushka ay ka wada xaajoodeen xabbadjoojin ka dhacda Libya.

Turkiga iyo Ruushka ayaa kala taageera dhinacyada isaga soo horjeeda dalkaas.

Related Articles

Musharrax Joe Biden oo Soomaaliya ka Saarayo liiska Madow

Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber Muqdisho (Caasimada Online) – Musharraxa xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden ayaa qorsheynaya in uu dalka Soomaaliya ka saaro liiska madow ee uu horay ugu daray madaxweynaha wadanka Mareykanka ee hadda haya talada dalkaasi, Donald Trump. Machadka Heritage Foundation oo warbixin cusub soo saaray ayaa tilmaamay in marka loo doorto xilka madaxweynaha kadib uu Biden doonayo in dalal badan oo ay ugu horreyso Soomaaliya uu ka qaado xayiraada socdaalka Mareynkanka ee lagu soo rogay. Heritage ayaa warbixintiisa ku sheegay in musharrax Joe Biden qorshihiisa ugu ballaaran uu yahay sidii meesha looga saari lahaa xayiraada dhanka socdaalka Mareykanka ka wadamada kala ah Soomaaliya, Ciraaq, Iiraan, Liibiya iyo Yemen. Lixdaasi dal ayaa waxaa horey culeys u saaray madaxweyne Donald Trump, isaga oo Mareykanka ka mamnuucay muwaadiniintaasi dalkaasi, isaga oo shaaciyey inay ku badan yihiin waxa loogu yeero argagixisada. Warbixinta ka soo baxday Machadka Heritage Foundation ayaa waxaa lagu shaaciyey haddii Biden la doorto uu sidoo kale gudbin doono soo jeedin ku aadan qorshe muwaadinimada Mareykanka ku helayaan 11 milyan oo muhaajiriinta aan sharciga heysan. Musharraxa xisbiga Dimuqraadiga ayaa sidoo kale doonaya inuu gabi ahaan meesha ka saaro qorshaha uu Trump ku doonayo inuu ku baabi’iyo barnaamijka waalidiinta ay caruurtooda ku heysanyaan, markii ay galaan gudaha wadanka Mareykanka. Si kastaba Mareykanka ayaa isku diyaarinaya doorashada madaxtinimo ee dalkaasi oo hal todobaad kadib loo dareeri doono, taas oo ay ku loolami doonaan Musharrax Joe Biden iyo madaxweynaha hadda talada haya Donald Trump oo yeeshay doodo adag oo foolka fool ah. Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber

Daadir Amiin Cali Oo Loo Magacaabay Macallinka Gobolka Banaadir

Maamul Gobolka Banaadir ayaa tababaraha kooxda Gobolka Banaadir ee ka qeyb galaysa tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir u magacaabay ciyaaryahankii hore Xulka Qaranka Soomaaliya Daadir Amiin Cali oo iminka ah Guddoomiyaha isboortiga degmada Xamar Jajab,sidoo kalane ah tababaraha naadiga Geeska Afrika. Xasuusin:-Aqriso Macallin Daadir oo Muqdisho kula guulaystay Horyaalka  Daadir Amiin “Taariikh Wanaagsan Ayay Ii Tahay Hanashada Horyaalka ” Daadir Amiin ayaa sameeyay taariikh wanaagsan,isagoo kooxda Geeska Afrika u soo saaray horyaalka Soomaaliya,sidoo kale naadiga Muqdisho City Club kula guulaystay horyaalka Soomaaliya. Sidoo kale Daadir oo Geeska U Qaaday horyaalka 2aad ee Soomaaliya Daadir Amiin “Waan Ku Faraxsanahay Hanashada Horyaalka Heerka Koowaad Ee Soomaaliya ” “Waan ku faraxsanahay xilkan waa shaqo adag oo u baahan in laga gaaro guul,waxaan u mahad celinaynaa maamulka isboortiga Gobolka oo xilka igu aaminay,waxaana rajayn doonaa in aan gaarno guulo waaweyn waqtiga dhaw” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Macallin Daadir Amiin Cali. Maxamed Xuseen Qalinle

Ciidanka DF oo Howlgal qorsheysan ku Khaarijiyay Madaxii Maaliyadda Al-Shabaab ee..

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Ciidanka Kumaandooska Danab ee xoogga dalka ayaa howlgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen deegaanno hoostaga dagmooyinka Balcad iyo Afgooye oo ka kala tirsan gobollada Shabeellada dhexe iyo Shabeellada hoose, waxay ku dileen 6 ka tirsan  Al-shabaab oo uu ku jiro Madaxihii maaliyadda Shabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose. War kasoo baxay taliska Ciidanka xoogga ayaa lagu sheegay in shaqsiga la dilay lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Cabadalla (Abuu Ayman). Waxaa warka lagu sheegay in uu qaabilsanaa aruurinta Canshuuraha Al-Shabaab gobolka Shabeellaha, islamarkaana lala dilay qaar ka mid ah ilaaladiisa. Ciidanka ayaa intii ay howlgalka ku jireen waxey burburiyeen saldhigyo ay la haayeen Al-shabaab. Ciidanka ayaa tilamaamay in ay soo saareen Miinooyin Al-Shabaab ay galiyeen wadooyinka oo ay doonayee in ay la beegsadaan taliska Ciidanka xoogga. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan warka Ciidanka dowladda ee ah in ay dileen Mas’uul ka tirsanaa Shabaab. Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp

Stay Connected

20,899FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Wasiir Xamse Oo Daah Furay Tartanka Kubbadda Cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir

Waxaa Maanta Garoonka Kubada Cagta ee Eng. Yariisow Stadium ka furmay Tartanka Kubada Cagta ee Degmooyinka Gobolka Banaadir 2020, kaasi oo sanadkaan markii ugu horeysay ay ka qeyb-galayaan Naadi ka socda Degmada Balcad. Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Axmed Xasan Iimaan iyo Wasiirka Magacaaban ee Dhalinyarada iyo Isboortiga Xamsa Maxamed Xamsa ayaa si wadajir ah u furay, iyadoona ay ku wehliyeen Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Basma Caamir Axmed iyo Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud Eng. Cumar Cali Cabdi. Guddoomiyaha Isboortiga Gobolka Banaadir, Guddoomiye Kuxigeenka Xiriirka Kubada Cagta, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, Agaasimeyaal kantirsan Dowlada Hoose ee Xamar Cayaartoy hore, Marti Sharaf iyo Qeybaha kala gedisan ee Bulshada ayaa Garoonka ku sugnaa, Waxaana Halkaasi Astaanka Calanka ku tumay Ciidanka Daambeeda Booliska Soomaaliyeed. Wasiirka Ciyaaraha iyo dhalinyarada Dowladda mudane Xamse Saciid Xamse iyo madaxda Gobolka Banaadir ayaa kooxaha ka qeyb-galaya Tartanka u rajeeyay in ay Cayaar wanaag soo bandhigaan inta uu socdo Tartanka Kubada Cagta ee Degmooyinka Gobolka Banaadir 2020.

Ciidanka Danab oo weerar qorsheysan ku dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobollada Shabeelooyinka ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ay howl-gal qorsheysan ka fuliyeen deegaano ku yaalla inta u dhexeysa degmooyinka Balcad iyo Afgooye oo ka kala tirsan gobollada Shabeeleha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose. Weerarka ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu khaariyey 6 xubnood oo ka tirsanaa dagaalyahanada Al-Shabaab, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan milatariga. Sidoo kale sarakaashiisha ciidamada Xoogga dalka ayaa shaaciyey in xubnaha la dilay uu ku jiro horjooge ka tirsan Al-Shabaab, kaas oo ay magaciisa ku sheegeen, Cabdiraxmaan Cabadalla (Abuu Ayman). Saraakiisha u hadashay ciidamada Danab ayaa sidoo kale sheegay in sarkaalkaasi uu Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka maaliyadda ee gobollada Shabeelooyinka. Ugu dambeyn taliska ciidamada milatariga ayaa xusay inay burburiyeen goobo ay sheegeen inay Al-Shabaab ku qaadi jireen lacago baad ah iyo xarumo kale. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howl-galladaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed. Dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa maalmihii u dambeeyey ay kordhisay dowladda Soomaaliya, kuwaas oo ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber