Thursday, October 22, 2020

Ku-Simaha Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya Oo Tababar U Furay Wakiilada Ganacsiga Soomaaliya “SAWIRRO”

Ku simaha Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Washadaha Soomaaliya Inj. Cabdullaahi Cali Xasan ayaa maanta furay tababar aqoon kororsi ah oo kor looggu qaadayey awoodda shaqo ee Wakiilada Ganacsiga Soomaaliya u qaabilsan dalalka caalamka. Waxaana tobabarkan oo ka qabsoomay habka Muuqaal-Arag ah ee Internet-ka ka soo qeyb-galay mas’uuliyiinta Wasaaradda, Wakiilada Ganacsiga iyo Bangiga Adduunka.

Tababarkan oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya iyo hay’adda IFC oo ka tirsan Bangiga Adduunka, ayaa ujeedkiisu ahaa sidii Wakiilada Ganacsiga kor looggu qaadi lahaa heerkooda aqooneed ee la xiriirta horumarinta dhinacyada dhaqaalaha, diblomaasiyadda, shuruucda ganacsiga iyo maal-gashiga. waxaana si gaara looggu tobabaray waxyaabaha muhiimka u ah sidii Wakiiladdaasi ay dalka ugu soo jiidi lahaayeen xiriiro ganacsi iyo sidoo kale inay maal-gashadeyaasha caalamiga ah iyo qurba-joogta Soomaaliyeed ay ugu soo dhiiri-gelin lahaayeen inay dalka Maal-gashadaan.

Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Inj. Cabdullaahi Cali Xasan oo halkaas hadalo ka jeediyey, ayaa sheegay in tobabarkani uu ahmiyad weyn u lee yahay wadanka, waxaana uu Wakiilada ganacsiga uu kula dardaarmay inay mas’uuliyad iska saaraan sidii ay wadanka ugu soo jiidi lahaayeen xiriiro ganacsi iyo weli sidoo kale maal-gashiyo caalami ah maadaama ay yihiin Wakiilada rasmiga ah ee wadanka u qaabilsan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga.

Tababarkan, ayaa wax weyn ka beddeli doona xiriirka Ganacsi ee Soomaaliya ay la leedahay dalalka caalamka sidoo kale kor uqaadidda fahamka ay Wakiilada Ganacsigu ka haystaan dhinacyada Maal-gashiga iyo Ganacsiga iyada oo sidoo kale uu tobabarkani kor-uqaadaayo sidii ay Soomaaliya ay wax-soo-saarkeeda ugu dhoofin lahayd wadamada caalamka.

This post first appeared on Radio Moqdisho. Read the https://www.radiomuqdisho.net/ku-simaha-wasiirka-ganacsiga-soomaaliya-oo-tababar-u-furay-wakiilada-ganacsiga-soomaaliya-sawirro/original article

Related Articles

Bangiga Dhexe oo beeniyay warar lagu faafiyay Baraha Bulshada

Qoraal ka soo baxay Bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa lagu beeniyay warar dhowaan lagu baahiyay baraha bulshada kuwaasoo la xiriiray bangiyada dalka qaarkood. Warkan ka soo baxay bangiga dhexe ayaa lagu sheegay in aysan jirin wax dacwad ama eedayn ah oo laga soo gudbiyay bangi ka mid ah Bankiyada dalka. Waxana uu Bangiga dhexe ugu baaqay warbaahinta dalka iyo kuwa dibeddaba (gaar ahaan Baraha Bulshada), in ay ka fogaadaan faafinta xog aan xaqiiqaada ku salaysnayn. Halkan hoose ka aqriso qoraalka ka soo baxay Bangiga Dhexe; Wargelin (Press statement) Bankiga Dhexe ee Soomaaliya isaga oo ka duulaya warar been-abuur ah oo maalmihii u dambeeyay lagu baahiyay Baraha Bushada ee Soomaalida (social media), kuwaas oo looga beensheegayo Bankiyada dalka qaarkood, haddaba Bankiga Dhexe wuxuu guud ahaan dadweynaha iyo gaar ahaan macaamiisha bankiyada Soomaaliyeed u caddeynayaa: 1. In Bankiga Dhexe yahay hay’adda u xilsaaran shati-siinta iyo korjoogteynta bankiyada dalka ka shaqeeya oo dhan. 2. In aysan jirin wax dacwad ama eedayn ah oo laga soo gudbiyay bangi ka mid ah Bankiyada dalka. 3. Bankiga Dhexe ee Soomaaliya wuxuu ku boorrinayaa warbaahinta dalka iyo kuwa dibeddaba (gaar ahaan Baraha Bulshada), in ay ka fogaadaan faafinta xog aan xaqiiqaada ku salaysnayn. Wararka ku saabsan bankiyada iyo shirkadaha maaliyadda ee dalka waxaa laga soo xigan karaa ilaha rasmiga ah, sida Bankiga Dhexe.

Maamulka Puntland oo gudbiyay Xubnaha Guddiyada Doorashada iyo Xalinta Khilaafaadka

Facebook Twitter WhatsApp Linkedin LINE Maamulka Puntland ayaa soo gudbiyay xubnaha Puntland ku metelaya guddiyada doorashooyinka iyo kan Xalinta khilafaadka doorashada ee heer federal. Xubnaha la gudbiyay ayaa mid ka mid ah waxa ay tahay dumar iyagoo magacyadoda lagu kala sheegay Cabdiweli Tima-Cadde, Muuse Geelle Faroole, Burhaan Cilmi Filig iyo gabar magaceeda lagu sheegay Yaasmiin. Xubnaha Puntland ku metelaya guddiyada doorashooyinka iyo kan xalinta khilafaadka doorashada ee heer federal ayaa waxaa Dowladda dhexe usoo Gudbiyay Madaxweynaha Puntland Siiciid Cabdulalahi deni. Maamulada Hirshabbeelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Galmudug ayaa horay u gudbiyay xubnaha ku metelaya guddiyada doorashooyinka iyo kan xalinta khilafaadka doorashada ee heer federal. Facebook Twitter WhatsApp Linkedin LINE Previous articleBangiga Dhexe oo beeniyay warar lagu faafiyay Baraha Bulshada

R/Wasaare ku xigeenka XFS iyo Marwada 1-aad oo la kulmay Madaxweynaha Uganda.

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Muqdisho:-Ra’iisul Wasaare ku xigeenka magacaaban, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo Marwada kowaad ee Dalka Marwo Seynab Cabdi Macalin ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Dalka Yuganda Yuweri Museveni, kulankaas oo ka dhacay Madaxtooyada Qaranka Uganda ayaa ahaa mid soo dhaweyn ah oo lagu soo dhaweynayay wafdigan ka socoda Dowladda federaalka Soomaaliya, kaas oo lagu wado inuu ka qeyb galo Munaasabada lagu fura shirkad balaaran oo soo saarta sokorta. Shirkadan oo ay leedahay Marwo Aamina Xirsi Mooge oo ah Haweeney Soomaliyeed oo ganacsi balaaran ku leh dalalka Barigga Afrika ayaa lagu wadaa in Maalmaha soo aadan laga furo dalkan Uganda. Wafdigan uu horkacaya Ra’iisul Wasaare ku xigeenka jamhuuriyada Faderalka Soomaliya Mahad Maxamed Guuleed (Khadar) iyo Marwada kowaad ee dalka Marwo Seynab ayaa qeyb ka ah wafuud ka kala timid caalamka oo lagu martiqaaday munaasabadda furitaanka Warshadda sokorta ee Dalkaasi. Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Previous articleQarax khasaaro geystay oo xalay ka dhacay Magaalada Baydhabo Next articleBangiga Dhexe ee Soomaaliya oo beeniyay warar been abuur ah oo laga faafiyay Bankiyada dalka.

Stay Connected

20,891FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Salaad Cali Jeelle oo loo magacaabay Safiirka Cusub ee Soomaaliya uga wakiilka ah Dalka Jabuuti.

Siyaasiga Salaad Cali Jeelle, oo ka mid ah shaqs iyaadka aadka u taageera Madaxweynaha Soomaal iya Maxamed C/hi Farmaajo, ayaa si hoose loogu magacaabay safiirka DFSu fadhin doona dalka Jab uuti. Siyaasiga Salaad Cali Jeelle, ayaa rajo weyn ka qabay inuu kamid noqdo G/Wasii rada Soomaaliya ee uu dhawaan soo magacaabay R/Wasaare Ro oble, balse waxaa loo sheegay in la siin doono Safiir taas oo markii dambe looga dhabeeyay. “Madaxweynaha ayaa ii gartay inaa noqdo Saf iirka Soomaaliya u fadhin doono dalka aan walaala ha nahay ee Jabuuti, waxaana ku muteystay dowlad jaceelkayga iyo shaqadii aan dalka usoo qabtay 4tii sano ee Madaxweyne Farmaajo,” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle. “Intii aan ahaa la-taliyaha Madaxweynaha iyo ka horba, si hagar la’aan ah ayaa ula shaqeeyay waxa ana laygu abaal guday in dalka ugu dhow Soomaal iya oo waligiis na garab taagnaa aan u matalo dowla dda,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Ambassador Sala ad Cali Jeelle. Md.Salaad,waxa uu si indho la’aan ah u taage eray Madaxweynaha Soomaaliya Md. Farmaajo mudda uu xafiiska joogo, waxa uuna dagaalka ugu badan ku qaaday siyaasiinta ka soo jeeda beeshiisa iyo sidoo kale danaha beesha uu ka dhashay. Dad badan ayaa taageerada Salaad ee Farmaajo iyo inuu kasoo horjeestay madaxweynayaashii hore oo ku qabiil ah ku macneeyey in Soomaaliya ay ka gudbeyso qabyaaladda, una gud beyso siyaasad ku dhisan dan iyo is xulufeysi. Balse dadka qaar ayaa u arka in Salaad Cali Jeelle taageerada Madaxweynaha Soomaaliya ku waayay sumacadiisa, dadkiisa iyo in badan oo k amid ah dadkii taagee rsanaa kadib markii si indho la’aan ah Farmaajo ugu taageeray qaladaad badan.

Ciidamada amniga oo joojiyey dibad-bax ka socday Beledweyne + sababta

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee magaalada Beledweyne ayaa lagu soo warramayaa inay saaka joojiyeen dibad-bax ballaaran oo ka socday gudaha magaaladaasi, kaas oo ay dhigayeen boqolaal dadweyne ah oo isku soo baxay. Dibad-baxayaasha oo watay boorar ay ku muujinayaan dareenkooda ayaa waxa ay banaan-baxan uga soo horjeedeen, sida loo wahayo dhismaha maamulka HirShabelle. Wararka ayaa sheegaya in saraakiisha laamaha amniga, gaar ahaan kuwa Booliiska ay kala dareeriyeen dadkii shacabka ahaa ee isugu soo baxay halkaasi. Labo Xidigle Maxamed Qorsheel taliyaha ciidanka Booliiska magaalada Beledweyne ayaa warbaahinta u sheegay inuu dibad-baxaasi ahaa mid sharci darro ah, kana hortageen. Taliyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in ka hor dibad-baxaasi aan lagu soo war-gelin, islmarkaana uu qatar ku ahaa maniga magaalada, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in aysan aqbali doonin in Beledweyne lagu qabto banaan-bax aysan ogeyn hay’adaha ammaanka ee degmadaasi. Si kastaba dhismaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle ayaa waxaa ka taagan is jiid-jiid siyaasadeed iyo khilaafaad u dhexeeya madaxda sare ee  maamulkaasi, taas oo caqabad ku ah qabsoomida doorashooyinka maamulkaasi. Let’s block ads! (Why?)