Wednesday, October 21, 2020

Kooxaha Manchester United & Manchester City oo wada doonaya Macallin Mauricio Pochettino

(Manchester) 11 Okt 2020.  Kooxaha Manchester United iyo Manchester City ayaa la soo warinayaa inay labaduba isha ku hayaan dhaqdhaqaaqa macallin Mauricio Pochettino, iyadoo hoggaamiyaha reer Argentine uu weli yahay mid la heli karo kaddib markii uu ka tagay Tottenham Hotspur ku dhowaad 12 bilood ka hor.

Pochettino ayaa la la xiriirinayay dhowr boos tan iyo markii uu ka tagay Spurs bishii November sanadkii 2019, laakiin 48-sano jirkaan ayaan weli ku biirin koox cusub.

Man United ayaa la sheegayaa inay xiiseyneyso ninkaan ka soo jeeda Koonfurta Ameerika, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in guddoomiye ku xigeenka fulinta kooxdaas ee Ed Woodward uu ka fiirsanayo inuu shaqada ceyriyo Ole Gunnar Solskjaer haddii natiijooyinka kooxda aysan soo hagaagin.

Si kastaba ha noqotee, Jariiradda The Mirror ayaa warinaysa Man City ay Tababarihii hore ee Kooxda Espanyol u aqoonsatay bedelka ugu macquulsan ee Macallin Pep Guardiola xagaaga soo socda.

Qandaraaska Guardiola ee garoonka Etihad ayaa dhacaya dhammaadka xilli ciyaareedka soo socda, waxaana jiray soo jeedinno ku saabsan in hoggaamiyaha reer Spain uu ka tagi karo Citizens dhammaadka heshiiskiisa haatan.

Pochettino ayaa guuleystay 159 kulan oo ka mid ah 293 kulan oo uu kooxda Tottenham hoggaaminayay, isagoo kooxda reer London ku hoggaamiyay final-kii Champions League 2018-19, laakiin bilow xun oo xilli ciyaareedkii hore ah ayaa ka dhigay inuu arkay isaga oo laga qaaday xilkiisii.

Gool FM.

Related Articles

The French Schoolteacher Terrorist Attack Raises Questions About Self-Censorship

By Andrew Korybko. American political analyst. The terrorist attack that was committed by a religious extremist against a French schoolteacher who showed his students cartoons...

Somalia: Galmudug Parliament passes establishment of regional police unit

DHUSAMAREB – The Galmudug regional parliament has on Wednesday approved the establishment of the regional police force. The meeting chaired by the speaker Mohamed Nur Ga’al,...

Eritrea: Beni-Amer Boy would be over 70 today

Beni-Amer Boy: the most iconic Eritrean image  – Photo credit: James P. Blair/National Geographic, 1965 Growing up as kid, it seemed like every Eritrean household...

Stay Connected

20,886FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

The French Schoolteacher Terrorist Attack Raises Questions About Self-Censorship

By Andrew Korybko. American political analyst. The terrorist attack that was committed by a religious extremist against a French schoolteacher who showed his students cartoons...

Somalia: Galmudug Parliament passes establishment of regional police unit

DHUSAMAREB – The Galmudug regional parliament has on Wednesday approved the establishment of the regional police force. The meeting chaired by the speaker Mohamed Nur Ga’al,...

Eritrea: Beni-Amer Boy would be over 70 today

Beni-Amer Boy: the most iconic Eritrean image  – Photo credit: James P. Blair/National Geographic, 1965 Growing up as kid, it seemed like every Eritrean household...

Ethiopia: First Ethiopian Female Captain

Ethiopia, Addis Ababa. October 21, 2020 -Captain Kalkidan Girma has become the first Ethiopian female Captain of Airbus A350. Ethiopian Airlines (Ethiopian) congratulated Captain Kalkidan...

Eritrea: The Peace Dividend From the End of War Not Realized

ADDIS ABABA (HAN) October 21. 2020. Public Diplomacy and Regional Stability Initiatives News. Monitoring Regional Issues. BY: Saba Makeda. President Isaias Afworki was on...