Tuesday, November 24, 2020

Khilaafka Kala dhaxeeya Farmaajo Mursal & Cabdi Xaashi Oo Banaanka Yimid

Facebook

Twitter

Google+

Pinterest

WhatsApp

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Khilaafka ka dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Labada Gudoomiye Baarlamaanka Dalka leeyahay ay culeys gelin karto Ololahiisa dib udoorashada.

Sida la leeyahay Dawlada hadda Talada Heysa waxay wajaheysaa Cadaadisyo dhowr ah oo kaga imaanaya dhinaca Murashaxiinta Mucaaradka.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ah Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa cadeeyey Mowqifkiisa ah sida Villa Soomaaliya ugu tumaneyso Dastuurka Dalka u yaalla.

Waxa uu sheegay in Guddiga Doorashada Xubnaha Gobollada Wuqooyi ka imaanaya uu isaga xaq ulahaa inuu magacaabo balse lagu tix gelin waayey.

Waayeelka Labaatanka sano ka badan Soomaaliya siyaasadeeda kusoo jiray ayaa iska diiday Damaca Farmaajo ee dib udoorashadiisa iyadoo ismari waaga ka dhex jira uu daaha kasoo hormaray.

Sidoo kale Afhayeenka Golaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa lasoo sheegayaa inuusan ku qancin Qorshaha Farmaajo ayna waxyaabo la isku ogaa wax ka duwan uu bilaabay.

Kulankii Jimcihii Guuleed iyo Mursal dhexmaray ayaa Madaxweyne Farmaajo uu ka dhigay mid khilaafka sii cusleeyey,waxaana dhawaan Gudoomiye Mursal uu la kulmi doonaa Labo Shariif,Labo Xasan iyo Qawaamuurta Kale oo C/raxmaan C/shakuur ka mid yahay.

Facebook

Twitter

Google+

Pinterest

WhatsApp

Related Articles

Dhageyso : – Cabdi Farax Juxa oo ka waramaaya Taariikh nololeedkii General Khaliif Ciise Mudan

Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha Dawlada Fedearaalka Somaaliyeed Halgame Cabdi Farax Juxa ayaa warbaahinta uga waramay maanta Taariikh nololeedkii Allaah ha u naxariistee Generaal Khaliif Ciise Mudan oo maanta ku geeriyooday Dalka Turkey.Halkan ka dhageyso Juxa iyo Taariikh nololeedka marxuumka :

Xog: Qoor Qoor oo aqbalay dalabkii musharaxiinta balse ku xiray hal shardi

Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, ayaa kulan uu habeen hore la qaatay qaar ka mid ah musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya, ku ballan qaaday fulinta qodob ay cabasho ka qabeen oo ku aadan guddiyada doorashada. Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweyne Qoor Qoor ayaa musharaxiinta ka aqbalay inuu badalo guddiga doorashada xubnaha ku jira qaarkood, balse waxa uu sharuud kaga dhigay in marka hore ay beddalaan maamullada kale ee dalka. “Waa naga aqbalay inuu beddalo dadka qaar ee guddiga ku jira balse waxa uu diiday inuu bilaabo isagoo naga codsaday in marka aan ka keeno maamulada kale,” ayuu yiri mid kamid ah musharaxiintii la kulmay Madaxweyne Qoor Qoor, oo la hadlay Caasimada Online. Kulankaan ayaa daba socday kulan kale oo laba habeen ka hor ka dhacay guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaana la aaminsan yahay in Qoor Qoor dhab ka aheyn balanqaadkii uu xalay sameeyay. Shuruuddan ayaa xubnaha qaar ay ku macneeyeen mid adag, oo Qoor Qoor uga gol leeyahay inuu isaga aamuso, oo aysan daacad ka ahayn. Qoor Qoor ayaa markii la doortay, inkasta la xajinayey Villa Somalia, la rumeysnaa inuu mararka qaar yeelan doono dhiiranaan uu kaligiis go’aan ku qaato, hase yeeshee taas waxay noqotay mid lagu hungoobay. Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber

Miyuu Mohamed Salah Ku Bilaaban Doonaa Kulanka Atalanta? Jurgen Klopp Ayaa Ka Jawaabay.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay diyaar ahaanshaha xiddiga Mohamed Salah kadib markii uu ka soo kabsaday xanuunka Korona. Xiddiga Mohamed Salah ayaa...

Stay Connected

21,080FansLike
2,452FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kormeeray qeybta lixdamaad iyo Dugsiga tababarka Ciidanka ee Baydhabo

Facebook Twitter WhatsApp Linkedin LINE  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray qeybta lixdamaad ee Ciidanka Xoogga dalka iyo Dugsiga tababarka Ciidanka Xoogga Dalka ee ay maamusho dowladda Ingiriiska. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa warbixinno ku saabsan qaabka iyo noocyada tababarrada ay bixiyaan ka dhageystay saraakiisha maamusha xerada. waxuuna uga mahadceliyey taageerada ay la garab taagan yihiin dowladda, gaar ahaan dhismaha ciidamadda qaranka. Mudane Rooble ayaa kormeeray xarunta qeybta lixdamaad ee Ciidanka Xoogga dalka, isagoo warbixin ka dhageystay Taliyaha qeybta. “Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed waa naftood hurayaal u taagan difaaca dalkooda, qof walba oo Soomaaliyeed waxuu ku jiifo waa dhiigiina aad huraysaan, waaan idin leeyahay hambalyo, anaguna waan idinku garab taagannahay mar walba sidii aad dalkaan uga saari lahaydeen argagixisada”. Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee xarunta Ciidanka Xoogga dalka ee qeybta lixdanaad oo dhowaan dib-u-dhis iyo qalabayn lagu sameeyey, waxuna ku boggaadiyey saraakiishii uu kula kulmay howlaha muhiimka ah ee ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday dhaawacyada ciidanka ee ku wax yeeloobay dagaallada ay kula jiraan kooxaha argagixisada ah, isagoo Alle uga baryey inuu siiyo caafimaad. raiisul wasaraha oo kormeeray saldhig ciidan Facebook Twitter WhatsApp Linkedin LINE Previous articleShariif Xasan;”Doorasho Hal Wareeg waa diidanahay xalna kuma imanayo.”

Wasiirka Waxbarashada Koonfur Galbeed oo ka hadlay qorshaha uga degsan waxbarashada carruurta aan waxba heysan “SAWIRRO”

Share on Facebook Tweet on Twitter Wasiirka Waxbarshada Koonfur Galbeed Soomaaliya mudane Maxamed Yuusuf Xasan Waliid ayaa sheegay in mashaariic horumarineed laga hirgeliyay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay. Mudane Maxamed Yuusuf Xasan oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in mashaariicda uu shalay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble xariga ka jaray ay qeyb ka ahayd iskuul loogu talagalay inay wax ku bartaan carruurta agoonta ah iyo kuwa waalidiintooda aysan awoodin inay geeyaan iskulaadka sida gaarka ah loo leeyahay. “Koonfur Galbeed waxa ay ka koobantahay 18 degmo, saddex ka mid ah Nabadiidka Al-Shabaab ayaa heysta, laakiin dadkii deganaa ayaa u soo guuray degmooyinka dowladdu gacanta ku heyso, waxaana noo qorsheysan in dadka soo barakacay aan u diryaarino xarumo waxbarasho oo u gaar ah”.ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada Koonfur Galbeed. Wasiirka Waxbarashada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waalidiinta ku boooriyay inya dhiiri geliyaan waxbarashada carruurtooda oo ay siiyaan fursado ay wax ku bartaan. SHARE Facebook Twitter Previous articleMadaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka warbixiyay socdaalka Madxaweynaha Hirshabeelle