Thursday, October 22, 2020

Kenya oo shaacisay shuruudaha ay ciidamadeeda uga saareyso Soomaaliya

6 Daqiiqadood ka hor

Wasiirka Gaashaandhigga Kenya, Monica Juma, oo wareysi siisay Wargeyska Nation ee saldhiggiisu yahay magaalada Nairobi, ayaa faahfaahin ka bixisay sababaha ku xiran in milatariga Kenya ee ku sugan Soomaaliya laga soo saaro.

Juma ayaa meesha ka saartay warar dhawaanahanba la isla dhex marayay oo ku saabsanaa in Kenya ay qorsheyneyso sidii ay ciidankeeda uga soo saari lahayd Soomaaliya, waxayna sharraxaad ka bixisay shuruudaha ku xidhan tallaabo noocaas ah.

“Runtrii maba jiraan waxyaabo u baahan in la kala caddeeyo. Kenya waxay qeyb ka tahay waddamada ay ciidamadooda ku jiraan Amisom. Waxaan halkaas ku tagnay qaraar kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Laakiin waa la ogyahay in howlaha aan Soomaaliya ka wadno ay goor horeba sii socdeen laga soo billaabo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-1992-kii,” ayey tidhi Juma.

Iyadoo hadalkeeda sii wadata ayey sheegtay in dhowr arrimood uun ay keeni karaan in ciidamada Kenya laga soo saaro Soomaaliya, waxayna tidhi: “Sabab ayaan Soomaaliya u tagnay, dabcanna way jiraan shuruudo ku xiran in annagoo Amisom la mideysan aan ka soo baxno halkaas. Shuruudahaas waxay kala yihiin; In nabad laga hirgaliyo Soomaaliya, in laga adkaado Al-Shabaab iyo in laamaha gudaha ay awood u yeeshaan sugidda amniga.”

Hadalka Juma wuxuu gabi ahaanba meesha ka saarayaa in Kenya ay si gaar ah u tixgalineyso tallaabo ku aaddan sidii ay ciidankeeda uga saari lahayd Soomaaliya, waxayna caddeysay “in mar walba ay qeyb ka yihiin go’aannada guud ee Amisom, oo hoos tagta Midowga Afrika.

Bishii March ayey soo baxeen warar ku saabsan in Kenya ay isu diyaarineyso wadahadal ku aaddan in ay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya.

Amisom ayaa Soomaaliya u joogta howlgal nabad ilaalin ah

Xilligaas waxaa la sheegay in Wasiirka Gaashaandhigga Kenya, Monica Juma, ay hormuud ka noqon doonto wadaxaajoodka ka bixitaanka Soomaaliya, kaasoo qeyb ka ah qorshaha ciidamada AMISOM Soomaaliya looga saarayo sanadka 2021-ka.

Hadal-heynta ku saabsan bixitaanka ciidamada Kenya waxay socotay tan iyo horaantii sanadkii lasoo dhaafay, markii uu soo ifbaxay muran dhinaca xadka badda ah oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Ciidamada Kenya ayaa bishii October 2011 gudaha u galay Soomaaliya si ay halkaa ugula dagaallamaan xooggaga Al-Shabaab oo khatar ammaan ku hayay amniga gudaha Kenya.

Fariisimaha milatariga Kenya ee Soomaaliya ayaa ku yaalla deegaannada hoos taga maamulka Jubbaland. Dhawaanahan waxaa soo noqnoqonayay cabasho ku aaddan dad rayid ah oo waxyeello kala kulmay ciidamada qeybta ka ah Amisom ee ku sugan aagaggaas – gaar ahaan kuwa Kenya – inkastoo ay socdeen baaritaanno ay sameynayeen mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland.

Dabayaaqadii bishii lasoo dhaafay, milatariga dowladda Kenya iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ayey israsaaseyn daqiiqado socotay dhex martay maalintii Sabtida, xilli ay ku wada sugnaayeen xadka u dhaxeeya labada waddan.

Milatariga Kenya waxay Soomaaliya gudaha u galeen 2011-kii

Saraakiil maxalli ah iyo dad goob joogeyaal ah ayaa sheegay in isku dhaca labada ciidan uu yimid kaddib markii ciidanka Kenya ay rasaas ku fureen mudaharaadeyaal Soomaali ah oo xaggooda u sii dhawaanayay.

Arrintan ayaa ka dhacday furinta ay ciidamada kala joogaan ee u dhaxeysa magaalooyinka Beledxaawo iyo Mandheera, gaar ahaan meel u dhow xadka dhinaca Waqooyi ee ay labada dal la wadaagaan waddanka Itoobiya.

Guddoomiyaha gobolka Gedo Nuur Xaaji Macalimow ayaa israsaaseynta dhex martay labada ciidan u xaqiijiyay BBC-da.

“Ciidammada Kenya ayaa rasaas ku furay dad mudaaharadayay kuna sugnaa agoob u dhaw xadka beledxaawa iyo Mandera. Ciidammada xoogga dalka Soomaaliya ayaa iyagana ka jawaabay oo rasaas ku furay ciidammada Kenya”, ayuu yiri Nuur Xaaji Macalimow.

Ma jiro wax khasaare ah oo ay sababta israsaaseynta dhex martay labada ciidan iyo rasaasta ka horreysay ee lagu furay dadka rayidka ah, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee AFP.

Shacabka mudaharaadayay ayaa ka cadheysnaa dhacdo laga soo tabiyay deegaanka Yado ee u dhow degmada Ceelwaaq, halkaasoo la sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ay ku dileen hal wiil oo Soomaali ah sidoo kalena ku kaxeysteen saddex nin oo ay ku jiraan wiilka dhintay aabihiis iyo walaalkiis.

This post first appeared on BBC Somali - Somali. Read the http://www.bbc.com/somali/war-54504555original article

Related Articles

Hirdankii ugu Adkaa oo ka Dhex Socda Brack Obama iyo Donald Trump

October 22, 2020 | Published by: yaska Madacwaynaha Mareykanka Mr Donald Trump, iyo ninkii  uu xilka kala wareegay, Ee Barack Obama, ayaa Isku Weeraray Dhaliilo iyo cambaarayn kulul intii ay socdeen isu soo baxyo iska soo horjeeda oo ay qabteen. Isagoo si kulul ugala hadlayay gobolka Pennsylvania taageerayayna musharaxa madaxtinimada ee Xisbiga Dimuqraadiga, ayuu Mr Obama waxa uu Trump ku tilmaamay “adeer wareersan”, isagoo intaas ku daray inuu dhiirigalinayo cunsuriyiinta. Madaxweynaha Jamhuuriga oo ku sugan North Carolina, ayaa isna ku jeesjeesay Mr Obama inuu khalad ka aaminay wixii ka soo baxay doorashadii 2016-kii. Iyadoo 13 maalmood uun ay ka harsan tahay doorashadan, ayaa Mr Biden waxa uu aad ugu horreeyaa aaraa’da guud ahaan dalkaas laga uruuriyay. Hasayeeshee qiyaasta gobiollada qaar ayay musharrixiintan aad isaga ag dhaw yihiin kuwaas oo hadba dhinac u ridi kara natiijada doorashada 3-da Nofeembar. Tiradii ugu badneyd ayaa sanadkan codkooda xilli hore dhiibatay, oo 42 milyan oo qof ayaa codkooda ku dhiibtay boostada iyo si caadi ahba. Muxuu Trump sheegay? Mr Trump ayaa inta badan hubkiisa waxa uu Arbacadii ku aadiyay ninka Aqalka Cad kula tartamaya ee matalaya Xisbiga Dimuqraadiga. Waxa uu sheegay in codbixiyayaasha ay tahay inay kala doortaan “soo kabshada la yaabka leh ee uu wado Trump” ama “qulubka ama welwelka ballaaran ee Biden”. Mr Biden ayaa todobaadkan oo dhan ka maqnaa saaxadda ololaha oo waxa uu isu diyaarinayay doodda madaxtinimada ee habeenka Khamiista ka dhici doonta Nashville, Tennessee, halka Mr Trump uu ku wareegayay gobollada aadka la isugu hayo. Madaxweynaha ayaa weerrar kulul waxa uu ku qaaday Mr Obama, kaas oo saacad ka hor markii ugu horraysay tan iyo shirweynihii bishii Agoosto ay Dimuqraadiyiinta qabsadeen wax ka sheegay ololaha Trump. “Cid si adag ugu ololaysay Hillary Clinton oo aan Obama ahayn ma aanay jirin, sax?” Mr Trump ayaa dadkii isu soo baxa ka qeybgalay u sheegay, kuwaas oo buuqayay markii ay maqleen magaca Hillary. “Aad buu isugu dhexyaacsanaa,” ayuu sii raaciyay Trump. Madaxweynaha ayaa ku daray: “Waxay ila tahay in qofka kaliya ee Hillary habeenkaas ka muruagada badnaa uu ahaa Barack Xuseen Obama”. Mr Trump, oo ah Jamhuuri, ayaa sidoo kale ayaa waxa uu ku jeesjeesay xamaasad la’aanta uu sheegay in Obama uu u hayo ololaha Mr Biden ee Aqalka Cad, kaas oo ku xigeenkiisa ahaa 2009-kii illaa 2017. 2016-kii, Mr Obama ayaa la sheegay inuu cadaadis ku saaray Mr Biden inuu tartanka ka haro si Hillary Clinton ay u tartanto, isagoo rumaysnaa inay haysatay fursad wanaagsan oo ay kaga guulaysan kartay Mr Trump. Sanadkii tegay Mr Obama ayaa sheegay in loo baahan yahay “dhiig cusub” oo horkaca Dimuqraadiga, taas oo si wayn loogu fasiray inuu ula jeeday Mr Biden. Muxuu yidhi Obama? Kaddib weerraro adag uu ku qaaday Mr Trump weliba sida uu ula tacaalay fayraska korona iyo dhaqaalaha, ayuu markan Obama isu soo baxa ka dhacay Philadelphia waxa uu Trump ku dhaleeceeyay farriimaha uu soo dhigo bartiisa Twitterka. Waxa uu sheegay in haddii Mr Biden uu guulaysto, “uusan noqon doonin madaxweyne sida uu rabo u dhaqmo oo qofkii aanan taageerin caaya, ama ku handado inuu xabsiga dhigi doono. Taasna ma ahan hab dhaqan caadi ah oo madaxweyne.” Mr Obama – oo weli ka mid ah xubnaha ugu caansan Xisbiga Dimuqraadiga – ayaa sheegay in codbixiyayaasha aanay u dulqaadanayn hab dhaqan noocaas ah hadduu la yimaado qof qoyska ka tirsan, “malahayga adeer wareersan oo meel uun jooga mooyee”. “Maxay dadku arrintaas ugu cudur daaraan?” ayuu yidh. Waxa uu intaas ku daray: “Habdhaqanka waa muhiim. Dabeecaddu waa muhiim.” Mr Obama ayaa madaxweynaha waxa uu ku weerraray habka uu ula tacaaalay cudurka safmarka ah ee Covid-19: “Donald Trump annagoo dhan cudurka nagama ilaalin karo. Xitaa ma qaadi karo tallaabooyinka asaasiga ah ee uu nafsadiisa ku ilaashan karo.” Ku dhawaad 280 gaari oo taallay meesha la dhigo gawaarida ayaa hoonkooda la yeerinayay, arrintaas oo ay ugu riyaaqayeen habka Mr Obama uu u weerrarayay Trump. Mr Obama ayaa ololaha xiga ee doorashada waxa uu ka gali doonaa gobolka muhiimka u ah doorashada ee Florida, isagoo Sabtida tegi doona Miami halka todobaadka xigana uu ku wajahan yahay Orlando.

Stay Connected

20,893FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Madaxweyne Mustafa Cagjar Oo Xaniinyo Qabanayaa ONLF & Amarkuu soo saaray

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Madaxweynaha Dawlad deegaanka Soomaalida Mustafa Cagjar ayaa qoraal saameyn siyaasadeed abuuray maanta soo bandhigay kaas uu ku dhego hadlay ONLF. “Xabbada oo aad joojiso kaliya maaha micnaha halgan siyaasadeed oo nabad ah. Isku dhufashada qabiilada, iska horkeenka shacabka iyo maamulada, u hoggansanaan la’aanta shuruucda iyo nidaamka dawliga ah ee jira waxay baalmarsan tahay micnaha halganka siyaasada. Cid walba oo sifo sharci ah ku halgamaysa way u banaan tahay saaxada siyaasadu. Cid se ka sarraysa sharciga ma jirayso. Cabudhin iyo xadgudub xal maaha; sidoo kale fawdo iyo shacabka oo been loo sheego siyaasad maaha. Madaxweyne Mustafa Cagjar ayaa sidoo kale galabta qoraal soo dhigay bartiisa Facebook uu Amar ku gudbinayo. “Xukuumadu iyadoo tixgalinaysa afkaarta siyaasiga ah ee ururda iyo axsaabta kajirta deeganka, haddana waxay xukuumadu faraysaa in laga maarmaan tahay, in Aan bulshada deeganka ladhax keenin qadiyad Ka hoosaysa Somalinimo. Bulshada Somaliyed waxay u ooman tahay Horumar aqooneed, mid dhaqaale Lama joogo 1991 xilligaas oo qabiil kasta calan samaysa- nayay, Waa inaan si wada jir ah uga soo horjeedsana afkaarta qabaliga ah ee guracan! Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp