Sunday, October 25, 2020

Kenya oo shaacisay shuruudaha ay ciidamadeeda uga saareyso Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga Kenya, Monica Juma, oo wareysi siisay Wargeyska Nation ee saldhiggiisu yahay magaalada Nairobi, ayaa faahfaahin ka bixisay sababaha ku xiran in milatariga Kenya ee ku sugan Soomaaliya laga soo saaro.

Juma ayaa meesha ka saartay warar dhawaanahanba la isla dhex marayay oo ku saabsanaa in Kenya ay qorsheyneyso sidii ay ciidankeeda uga soo saari lahayd Soomaaliya, waxayna sharraxaad ka bixisay shuruudaha ku xidhan tallaabo noocaas ah.

“Runtii maba jiraan waxyaabo u baahan in la kala caddeeyo. Kenya waxay qeyb ka tahay waddamada ay ciidamadooda ku jiraan Amisom. Waxaan halkaas ku tagnay qaraar kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Laakiin waa la ogyahay in howlaha aan Soomaaliya ka wadno ay goor horeba sii socdeen laga soo billaabo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-1992-kii,” ayey tidhi Juma.

Iyadoo hadalkeeda sii wadata ayey sheegtay in dhowr arrimood uun ay keeni karaan in ciidamada Kenya laga soo saaro Soomaaliya, waxayna tidhi: “Sabab ayaan Soomaaliya u tagnay, dabcanna way jiraan shuruudo ku xiran in annagoo Amisom la mideysan aan ka soo baxno halkaas. Shuruudahaas waxay kala yihiin; In nabad laga hirgaliyo Soomaaliya, in laga adkaado Al-Shabaab iyo in laamaha gudaha ay awood u yeeshaan sugidda amniga.”

Hadalka Juma wuxuu gabi ahaanba meesha ka saarayaa in Kenya ay si gaar ah u tixgalineyso tallaabo ku aaddan sidii ay ciidankeeda uga saari lahayd Soomaaliya, waxayna caddeysay “in mar walba ay qeyb ka yihiin go’aannada guud ee Amisom, oo hoos tagta Midowga Afrika.

Bishii March ayey soo baxeen warar ku saabsan in Kenya ay isu diyaarineyso wadahadal ku aaddan in ay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya.

Amisom ayaa Soomaaliya u joogta howlgal nabad ilaalin ah

tan iyo horaantii sanadkii lasoo dhaafay, markii uu soo ifbaxay muran dhinaca xadka badda ah oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Ciidamada Kenya ayaa bishii October ee sanadkii 2011-kii gudaha u galay Soomaaliya si ay halkaas ugula dagaallamaan xooggaga Al-Shabaab oo khatar ku hayay amniga gudaha Kenya.

Fariisimaha milatariga Kenya ee Soomaaliya ayaa ku yaalla deegaannada hoos taga maamulka Jubbaland. Dhawaanahan waxaa soo noqnoqonayay cabasho ku aaddan dad rayid ah oo waxyeello kala kulmay ciidamada qeybta ka ah Amisom ee ku sugan aagaggaas – gaar ahaan kuwa Kenya – inkastoo ay socdeen baaritaanno ay sameynayeen mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland.

Dabayaaqadii bishii lasoo dhaafay, milatariga dowladda Kenya iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ayey israsaaseyn daqiiqado socotay dhex martay maalintii Sabtida, xilli ay ku wada sugnaayeen xadka u dhaxeeya labada waddan.

Milatariga Kenya waxay Soomaaliya gudaha u galeen 2011-kii

Saraakiil maxalli ah iyo dad goob joogeyaal ah ayaa sheegay in isku dhaca labada ciidan uu yimid kaddib markii ciidanka Kenya ay rasaas ku fureen mudaharaadeyaal Soomaali ah oo xaggooda u sii dhawaanayay.

Arrintan ayaa ka dhacday furinta ay ciidamada kala joogaan ee u dhaxeysa magaalooyinka Beledxaawo iyo Mandheera, gaar ahaan meel u dhow xadka dhinaca Waqooyi ee ay labada dal la wadaagaan waddanka Itoobiya.

Guddoomiyaha gobolka Gedo Nuur Xaaji Macalimow ayaa israsaaseynta dhex martay labada ciidan u xaqiijiyay BBC-da.

“Ciidammada Kenya ayaa rasaas ku furay dad mudaaharadayay kuna sugnaa agoob u dhaw xadka beledxaawa iyo Mandera. Ciidammada xoogga dalka Soomaaliya ayaa iyagana ka jawaabay oo rasaas ku furay ciidammada Kenya”, ayuu yiri Nuur Xaaji Macalimow.

Ma jiro wax khasaare ah oo ay sababta israsaaseynta dhex martay labada ciidan iyo rasaasta ka horreysay ee lagu furay dadka rayidka ah, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee AFP.

Shacabka mudaharaadayay ayaa ka cadheysnaa dhacdo laga soo tabiyay deegaanka Yado ee u dhow degmada Ceelwaaq, halkaasoo la sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ay ku dileen hal wiil oo Soomaali ah sidoo kalena ku kaxeysteen saddex nin oo ay ku jiraan wiilka dhintay aabihiis iyo walaalkiis.

Xigasho:BBCSomali

Related Articles

Shaxda Rasmiga Ah Ee Arsenal Vs Leicester: Partey Oo Ku Bilowday Shaxda Gunners & Willian Oo Seegay Kulanka

Tababaraha Mikel Arteta ayaa soo saaray shaxda uu kaga hor imana doono kooxda Leicester City kulan ka tirsan horyaalka premier League. Tababare Mikel Arteta ayaa markii ugu horaysay prmeier League ku bilaabay shaxdiisa xiddigiisa cusub ee Thomas Partey. Laakiin waxa kulanka gabi ahaan seegay xiddiga Willian waxana booskiisa ka ciyaaraya xiddiga Saka isaga oo weerarka la hogaaminaya xiddigaha Lacazette & Aubameyang. Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka: Arsenal: Leno, Luiz, Gabriel, Tierney, Bellerin, Xhaka, Partey, Ceballos, Saka, Lacazette, Aubameyang. Kaydka: Runarsson, Mustafi, Maitland-Niles, Elneny, Willock, Pepe, Nketiah. Leicester City: Schmeichel, Fofana, Evans, Fuchs, Castagne, Mendy, Praet, Justin, Tielemans, Barnes, Maddison. Kaydka: Ward, Morgan, Under, Choudhury, Albrighton, Iheanacho, Vardy.

Eritrea: Israel Expected to deport 20,000 Eritrean asylums

Establishment of ties is expected to change policy, despite international refugee convention mandating that asylum applications be examined on case-by-case basis The planned normalization of...

C. Hantiwadaag iyo M.Maclow oo aad uga xumaaday in aan loo sameynin aas qaran Marxuumada Saynab Xaaji Cali Baxsan

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp C. Hantiwadaag iyo M.Maclow oo aad uga xumaaday in aan loo sameynin aas qaran Marxuumada Saynab Xaaji Cali Baxsan oo dhawaan ku geeriyootay magaaladda Mogadishu. Waxaan wax ka weydiinay Cabdullahi Sheekh Xuseen Hantiwadaag oo ah suxufi Rugcadaa ah iyo Al-fanaan Maxamed Maclow oo ka tirsanaa hoboladii qaranka Waabari. [embedded content] Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Previous articleGabyaa Cabdirashiid Cawsgurow oo aan ka wareysanay siduu ku bilaabay gabayada iyo suugaanta uu tiriyo Next articleWasaaradda Beeraha XFS Oo Tababar ufurtay qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda+Sawirro

Stay Connected

20,915FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Wadamada Islaamka oo ka falceliyay Hadaladii gefka ahaa ee kasoo yeeray Emmanuel Macron

- Advertisement - Dunida Islaamka ayaa waxaa sare uga sii kacaya baaqyo ku aadan in la qaadaco badeecadaha Faransiiska kadib markii madaxweyne Emmanuel Macron uu cambaareeyey “islaamiyiinta”, wacadna ku maray “inaanu ka tanaasuli doonin” sawir gacmeedyada loola jeedo Nebi Muxamed NNKH. Hadallada uu Macron jeediyey Arbacadii ayaa jawaab u ahaa gowraca macallin Faransiis ah Samuel Paty, oo lagu dilay iskuul ku yaalla duleedka Paris kadib markii uu ardaydiisa tusay sawir gacmeed loola jeedo Nebiga NNKH. Diinta Islaamka ma ogola in wax sawir ah lagu muujiyo Nebiga NNKH. Sabtidii, Wasaaradda Arrimaha Dibedda Jordan ayaa cambaareysay “sii socoshada daabacaadda sawir gacmeedyada loola jeedo Nebi Muxamed NNKH ayada oo lagu marmarsiyoonayo xoriadda hadalka,” iyo isku day kasta “oo faquuq iyo marin habaabin ah oo Islaamka la xiriirinaya argagixisada.” Wasaaradda si toos ah uma cambaareyn Macron, hase yeeshee xisbiga Dhaqaaq Islaamiga ah ee Jordan ayaa ugu baaqay madaxweynaha Faransiiska inuu cudurdaar ka bixiyo hadalladiisa, waxaana uu ku booriyey shacabka Jordan inay qaadacaan badeecadaha Faransiiska. Qaadacaadda noocaas ah ayaa goor horeba ka socotay dalalka Kuwait iyo Qatar. Dukaamada ku yaalla Kuwait ayaa la arkay ayaga laga saarayo dhammaan badeecadaha lagu soo sameeyey Faransiiska. Sidoo kale magaalada Doha, shaqaalaha dukaamada ayaa tuurayey dhammaan alaabaha ka yimid dalka Faransiiska. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Sabtidii cambaareeyey Macron, isaga oo sheegay inuu u baahan in “maskaxdiida la baaro.” “Muxuu qof ka dhihi karaa madaxweyne dal oo malaayiin qof oo ka kala tirsan kooxo diimeedyo kala duwan sidan ula dhaqmaya. Marka hore, maskaxdaada soo baar,” ayuu yiri Erdogan. Macron ayaa sidoo kale ka carreysiiyey dunida Islaamka horaantii bishan kadib markii uu yiri “Islaamka waa diin xasarad ay ka taagan tahay dunida oo idil.” Nayef Falah Mubarak Al-Hajraf, oo ah xoghayaha guud ee Golaha Iskaashiga Khaliijlka ayaa hadallada Macron ku qeexay “kuwa mas’uuliyad darro ah, oo sare u qaadi doona isnaceyb dhaqan.” Sidoo kale Jaamacadda Qatar ayaa sheegtay “in kadib xadgudub ula kac ah oo lagu sameeyey diinta Islaamka iyo astaamahaeeda” ay hakin doonto Toddobaadka Dhaqanka Faransiiska ee lagu qaban lahaa Jaamacadda. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.comMuqdisho [email protected] - Advertisement -

Tababaraha Shakhtar Donetsk ee Luis Castro oo magacaabay kooxda ku guuleysan karta Champions League xilli ciyaareedkan 2020/21

(Yurub) 25 Okt 2020. Tababaraha kooxda Shakhtar Donetsk ee Luis Castro ayaa magacaabay kooxda ku guuleysan karta tartanka UEFA Champions League xilli ciyaareedkan 2020/21. Luis Castro ayaa u sharaxay kooxda reer Spain ee Real Madrid inay ku guuleysan doonto tartanka UEFA Champions League, inkastoo ay guuldarro kaga daahfuratay kulankeeda ugu horeeyay heerka group-yada ee xilli ciyaareedkan. Real ayaa ku bilaabatay ololaheeda Champions League guuldarro garoonkeeda Alfredo Di Stéfano, kaddib markii ay guuldarro 2-3 ah ay kala kulantay kooxda Shakhtar Donetsk. Inkastoo ay kooxda Shakhtar Donetsk guul ka gaartay Real Madrid, haddana tababare Luis Castro wuxuu aaminsan yahay in Los Blancos ay ku guuleysan karto tartanka UEFA Champions League xilli ciyaareedkan 2020/21 Wargyska “AS” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay tababare Luis Castro, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa: “Real Madrid waxay ahaan doontaa Real Madrid wax walba oo dhaco, waa mid ka mid ah kooxaha ugu fiican adduunka, waaba haddii aysan ahayn kooxda ugu fiican”. “Waxaan arkaa in Real Madrid ay weli tahay musharax si ay ugu guuleysanto tartanka UEFA Champions League, fiiri waxa ay ku sameysay Barcelona kulankii El Clasico”. Si kastaba ha ahaatee, Real Madrid ayaa guul ay u qalantay ka soo heshay Barcelona kulankii la wada sugayay ee El Clásico, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-3, kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga ee dalka Spain. Gool FM.