Tuesday, October 20, 2020

Kenya oo shaacisay saddex shuruud oo ciidamadeeda ay uga baxayaan Soomaaliya

Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirka gaashaandhigga dalka Kenya, Monica Juma ayaa markii ugu horreysay si faah faahsan uga hadashay wararka sheegaya in dowladeeda ay qorsheyneyo in ciidamada milatariga ay kala baxdo gudaha Soomaaliya.

Monica oo wareysi gaar ah siisay wargeyska caanka Nation ee ka soo baxa magaalada Nairobi ayaa meesha ka saartay in Kenya ay qorsheyneyso sidii ay ciidankeeda uga soo saari laheyd Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee koonfurta dalka.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in Kenya ay qeyb ka tahay wadamada ay ciidamadooda ku jiraan AMISOM, islamarkaana ay ku yimaadeen qaraarka QM.

“Runtii maba jiraan waxyaabo u baahan in la kala caddeeyo. Kenya waxay qeyb ka tahay waddamada ay ciidamadooda ku jiraan Amisom. Waxaan halkaas ku tagnay qaraar kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Laakiin waa la ogyahay in howlaha aan Soomaaliya ka wadno ay goor horeba sii socdeen laga soo billaabo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-1992-kii,” ayey tiri Monica Juma.

Dhanka kale wasiirka gaashaandhigga dalka Kenya oo hadalkeeda sii wadata ayaa shaacisay shuruudaha ay ciidamadooda uga saarayaan gudaha Soomaaliya, iyada oo soo bandhigay saddex shuruud oo kala ah:- 1-In nabad laga hirgaliyo Soomaaliya, 2-in laga adkaado Al-Shabaab iyo 3- in laamaha gudaha ay awood u yeeshaan sugidda amniga.”

“Sabab ayaan Soomaaliya u tagnay, dabcanna way jiraan shuruudo ku xiran in annagoo Amisom la mideysan aan ka soo baxno halkaas. Shuruudahaas waxay kala yihiin; In nabad laga hirgaliyo Soomaaliya, in laga adkaado Al-Shabaab iyo in laamaha gudaha ay awood u yeeshaan sugidda amniga.” ayey markale tiri wasiirka gaashaandhigga kenya.

Ugu dambeyn waxa ay hoosta ka xariiqday in uu jiro qorshe u gaar ah Kenya oo ku aadan sidii ay ciidamadeeda uga saari laheyd Soomaaliya, balse waxay caddeysay inay qeyb ka yihiin go’aanada ciidamada howl-galka nabad ilaalinta Ururka Midowga Afrika.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii dambe la hadal hayey warar sheegaya in Kenya ay la baxayso ciidamadeeda, kadib markii ay sii kordheyn tacadiyada iyo dhibaatooyinka ay ka geysanayaan koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Gedo.

This post first appeared on Caasimada Online. Read the https://www.caasimada.net/kenya-oo-shaacisay-saddex-shuruud-oo-ciidamadeeda-ay-uga-baxayaan-soomaaliya/original article

Related Articles

Musharraxa Mucaaradka Guinea oo Guul Ka Sheegtay Natiijada Doorashada Madaxtinnimada

CONAKRY(HALBEEG)-Musharrax mucaaradka dalka Guinea, Cellou Dalein Diallo ayaa sheegtay in uu ku guulaystay wareeggii kowaad ee natiijada doorashadii madaxtinnimo ee dalkaas ka dacday Axaddii hore. Diallo ayaa warfidiyeenka iyo taageerayaashiisa u sheegay in u uku guulaystay doorashada walow ay jirtay wax isdabamarin lagu sameeyay tirinta codadka. Dhallinyarada dalkaas ayaa isugu soo baxay fagaarayaasha dalkaas xoogaa kaddib markii la soo xiray goobaha codbixinta iyaga oo ku dgawaaqayay erayo muujinaya in Diallo u uku guuleystay tartan madaxtinnimada dalkaas. Docda kale xukuumadda Guinea ayaa Isniintii sheegtay sida ay ula fajacsantahay dibadbaxyada lagu muujinayo guusha musharraxa mucaaradka oo loollan adag kula jiray madaxweynaha xilkiisu dhamaaday ee Alpha Conde. Xukuumadda ayaa dibadbaxyadan ku tilmaantay kuwo doc-wareemaya heshiiskii axsaabta siyaasadda sidoo kalena baalmarsan tilmaamaha ay bixiyeen guddiga madaxa bannaan ee doorashada qaran. Post Views:20 Related Let’s block ads! (Why?)

PM Roble retains key Khaire ministers in new line-up

Prime Minister Mohamed Roble has announced a new cabinet which is a cocktail of the old and the new retaining eight ministers from the previous government. Eleven ministers from Hassan Khaire’s cabinet among them security minister Abukar Islow, his colleague at Interior Ahmed Sabriye, Mohamed Mareeye (information) and their education counterpart Goddah Barre were shown the door. The cabinet unveiled Monday night also features a total of seven new faces in trade, religious affairs, Women and Human Rights Development, Interior, Education, and Information among others. Heavyweights in Khaire’s cabinet were retained in the same portfolios. This included Abdirahman Beileh (Finance), Gamal Hassan (Planning), Mahdi Guled (Deputy PM), Ahmed Awad (Foreign Affairs), and Abdirashid Ahmed (Petroleum). Health Minister Fawzia Abikar, Maryam  Aweys  (Ports) and Salah Ahmed Jamah (constitutional affairs) also survived the purge and were retained in their previous posts. The new cabinet has only three women occupying Women and Human Rights, Ports, and Health. The new cabinet line-up is made up of 27 ministers, 17 state ministers, and 26 deputies. With barely four months before they officially leave office, the new ministers will be tasked mainly with preparing the country for elections set to kick off from next month and subsequently oversee a transition. The Ministers require parliamentary approval before taking office.

Arsenal Oo Koox Italy Ah Ka Ogalaatay In Ay Ka Iibiyaan Sead Kolasinac.

Kooxda Roma ayaa lagu waramayaa in ay hor mar ka sameeyeen in bisha Janauary ay la hishiiyaan daafaca Arsenal ee Sead Kolasinac. Wiilka reer Bosnoia ayaan aheyn dooqa koowaad ee dafaac bidix kooxdaas Arsenal waxaana daaqadda kala baxay Kieran Tierney. Intiii suuqa xagaaga uu furnaa waxaa soo baxay xogo ah in Kolasinac uu dib ugu laaban doono kooxdiisa hore Schalke balse taasi ma dhicin waxa uuna hishiiskiisa haatan uu dhacayaa xagaaga 2022-ka Haatan sida wargeyska Corriere dello Sport uu soo xiganayo , Arsenal ayaa ogalaatay in kooxda Roma ka iibiyaan 27 sano jirkaas xilli kooxda reer Italy ay dareemeyso baahi dhanka daafaca ah . Lama helin qiimaha uu Kolasinac ku bixi doono kaasi oo kooxda Arsenal u yimid 2017-dii waxa uuna tan iyo mudadaas uu saftay 108 kulan halka uu shabaqa uu soo taabtay 5 jeer

Stay Connected

20,879FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Ethiopia: Police Arrest 14 Foreign Drug Traffickers

Addis Ababa, October 20, 2020 –The Federal Police Commission yesterday arrested 14 suspected drug traffickers at the Addis Ababa Bole International Airport. Of the total,...

Chelsea, Juventus, Barcelona iyo Man United – Ka bogo guud ahaan kulamada lagu daah furayo caawa tartanka Champions League & saacadaha ay soo galayaan

(Yurub) 20 Okt 2020. Waxaa caawa la daah furi doonaa kulamada heerka Group-yada ee tartanka xiisaha badan ee UEFA Champions League, kal ciyaareedkan 2020/21. Kooxaha waa weyn ee nasiibka u yeeshay inay ciyaaraan kulamada caawa lagu daah furayo tartanka UEFA Champions League, waxaa ka mid ah, Chelsea, Juventus, Barcelona, Man United iyo PSG. Hadaba halkaan hoose ka eeg Guud ahaan kulamada lagu daah furayo caawa tartanka Champions League kal ciyaareedkan 2020/21:- CHAMPIONS LEAGUE – GROUP E 10:00 Habeenimo: Chelsea vs Sevilla 10:00 Habeenimo: Rennes vs FC Krasnodar CHAMPIONS LEAGUE – GROUP F 07:55 Fiidnimo: Zenit St. Petersburg vs Club Brugge 10:00 Habeenimo: Lazio vs Borussia Dortmund CHAMPIONS LEAGUE – GROUP G 07:55 Fiidnimo: Dynamo Kyiv vs Juventus 10:00 Habeenimo: Barcelona vs Ferencvaros CHAMPIONS LEAGUE – GROUP H 10:00 Habeenimo: Paris Saint-Germain vs Manchester United 10:00 Habeenimo: RasenBallsport Leipzig vs Istanbul Basaksehir. Gool FM.