Thursday, October 29, 2020

Kenya: Iney Ciidamadeenna Kasoo Baxaan Soomaaliya Waxaa Xadidaya Heshiisyada UNka

Dalka Kenya ayaa sheegay in ka bixitaanka ciidamadooda ee Soomaaliya aaney shaqo ku laheyn rabitaanka Nairobi ama Muqdisho balse ay xadideyso heshiisyada caalamiga ah ee ay Kenya saxiixday.

Guud ahaan ka bixitaanka AMISOM ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu xadiday heshiis ay saxiixeen guddiga hawlgallada ee loo soo gaabiyo MOCC kaas oo qalinka lagu duugay 2018-kii. 

Guddiga ayaa ka koobnaa mas’uuliyiinka ka socotay militariga iyo booliiska dalalka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya, dowladda federaalka ah, UN, beesha caalamka iyo guddiga nabadda iyo amniga midowga Afrika, ujeedka ayaa in heshiiiska lagu dhaqan geliyo 3 weji.

Arrimaha heshiiska ku jiray ee la xiriiray ladagaalanka Al-shabaab iyo isu furidda waddooyinka waaweyn ee dalka oo ahmiyad la siiyey waxaa la sheegayaa iney ka hartay qabashada magaalad Jilib.

Inkasta oo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo shacabkiisa u sheegay in dalkiisa ay sii joogayaan Soomaaliya inta nabad buuxda laga helayo hadana wararka ayaa sheegaya in Kenya aaney ka tilaabi Karin heshiiska qaramada midoobey ee ay xubinta ka tahay.

Waxaan la ogeyn in golaha ammaanka, midka midowga Afrika iyo hey’adaha ku shaqada leh ay wax ka badali doonaan heshiiska ay AMISOM ku baxeyso 2021-ka iyo in kale.

Goobjoog News

Related Articles

Ciidanka Haramcad oo la geeyay Cabud-waaq & dur howlgal ay bilaabeen

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska gaarka ah ee Haramcad oo shalay gelinkii dambe ay dowladda Soomaaliya geysay degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay baadi goobayaan maleeshiyaad dad ku dilay degmadaas. Rag hubeysan ayaa shalay gelinkii hore rasaas ku furay Maqaaxi dad farabadan ay fadhiyeen oo ku taalla degmada Cabudwaaq, waxaana rasaastaas ku geeriyooday laba ruux oo aad looga yaqaanay degmada, iyada oo raggii falkaasi geystay ay baxsadeen. Wararka laga helayo degmada Cabudwaaq ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Booliska Haramcad oo kaashanaya Ciidamada booliska ku sugan degmada Cabudwaaq ay Xaafadaha degmadaas iyo degaannada ku dhow dhow ay ka wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay dilkaas. Taliyaha Booliska Qeybta Gobolka Galgaduud  Korneyl Dhagahoor ayaa  sheegay in Ciidamada aysan joojin doonin howlgalka ilaa iyo inta ay gacanta uga soo dhigayaan dadkii ka dambeeyay dilka loo geystay labada Ruux ee Shacabka ahaa. Dilalka la xiriira aanooyinka qabiil ayaa horay waxaa ay uga dhaceen tuulooyin hoostaga degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud, waxaana jirtay heshiis la dhex-dhigay beelaha dagaalamay, wallow dagaalkooda uu yahay mid soo laab laabtay. Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp

Soomaalida Australia oo dib u furay goobihoodii ganacsiga

MELBOURNE — Magaalada Melbourne ayaa guud ahaan dib loo furay ganacsiyada kadib markii uu madaxa gobolka Victoria Daniel Andrews uu ku dhawaaqay, Soomaali badan oo ganacsiiyo ku heysta halkaasi ayaa markiiba dib u furay dib u furay xarumahooda ganacsi oo in ka badan saddax bilood u xirnaa xayiraad lagu soo rogay wariyaha VOA ee Qaarada Australia Ibrahim Cumar Baafo ayaa warbxintan Melbourne kasoo diray.

Stay Connected

20,936FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Qarixii ka dhacay Degmada Kaxda iyo Casharrada ay tahay in laga barto (Akhriso Qormo muhiim ah)

Habeen hore, gaari qaraxyo ka buuxaan ayaa ku baryay waaxda 5-aad ee degmada Kaxda, waxaa la ii sheegay iney la socdeen 5 qof oo hubeysan kuwaasoo watay dharka ciidanka dowladda. Waxey joojiyeen dhismo jiingad ah oo halkaasi ka socday, waxaa loo sheegay in dhismahan ay ka warqabaan maamulka, si gaar ah gudoomiyaha waaxda 5-aad. Ad Raggii hubeysnaa ayaa amray iney u yeeraan guddoomiyaha u amray in dhismaha la fuliyo, dadkii guriga dhisanayay ayaa durba u yeeray gudoomiyaha, daqiiqado yar gudaheedna waaba uu u yimid. Guddoomiye waaxeedka oo lagu magacaabo Ibraahim Coloow oo wata gaari Surf ah ayaa durba goobta yimid, waxaa la socotay Faaduma Mattaan oo ololaha talaalka caafimaadka waday.Raggii hubeysnaa iyo gudoomiyaha Waaxda ayaa is helay, gudoomiyaha waxa uu ku yiri ” Maxaad dhismaha u joojineysaan maadaama aan amray anigan gudoomiyaha waaxda ka ah?” Wuxuu islahaa waa askar dowladeed. Waxey u sheegeen inuu soo dagto oo ay dhulka ku wada hadlaan. Sidaasuu u soo dagayna, iyagoo magaciisa sheegaya oo leh waxaa tahay qofkii aynu dooneynay ayey rasaas la dhaceen, halkaas ayuuna ku dhintay wll Ibraahim Coloow. Faaduma Mataan oo la socotay gudoomiyaha la dilay ayaa iyadoo argagaxsan goobta ka carartay, iyadoo qeybaha danbe ee jirkeeda rasaasta ay kala dhaceen, taasoo keentay iney iyana walaasheen goobta ku naf baxday. Raggii hubeysnaa waxey hore u sii qaateen gaarigii gudoomiyaha ay dileen oo ay ku baxsadeen, iyagoo isaga tagay gaarigii qaraxyada ay ka buuxeen. Dadkii xaafada oo durba helay xogta labada qof ee la dilay ayaa degdeg u gaaray goobta, qiyaastii waxaa loo soconayaa mudo saacad ah, waxeyna shacabka birmaday ay wateen ku dhawaaad 7 gaari, lama socon marka hore wax askar ah, walow meeshaas khatarteeda laga warqabay. Marka ay meesha tageen waxaa uga daba tagay Gudoomiyaha degmada oo ay la socdaan Taliyayaasha Nabad Sugida iyo Booliska degmada, iyo howlwadeeno badan oo maamulka kamida. Dadkii goobta buux dhaafiyay waxaa si kore iyo hoosaba loogu sheegay ineysan u dhawaan gaariga oo qaraxyo looga shakisanyahay, balse dadka weyba ka maahsanaayeen fariimahaa digniinta ahaa. In ka badan 40 daqiiiqo ayaa la iska dul taagnaa gaariga qaraxyada ay ka buuxeen, maamulka, Saraakiil iyo Shacabba cid aagiisa ka maqneyd ma aaney jirin. Waxaa la ii sheegay in laba kamida dhalinyaradii goobta tagtay uu mid kamida gaariga hoostiisa galay, halka kan kalena uu gargaraacay turuska hore ee gaariga, labadooduba wey ka badbaadeen xasuuqa dhacay. Qof kamida asxaabta ayaa u tagay dhalinyaradii gaariga ka agdhaweyd oo qaarna soo jiiday kuwana ugu qeyliyay in gaariga qaraxyo ka buuxaan ee laga soo cararro, balse wali dadka wey dhooban yihiin halkii gaariga. Waxaa la isku raacay in meydadka labada qof ee hore ee la dilay la saaro gaari Ambalaas ahaa oo loo qaaday dhanka C.I.D. afar dhalinyarro ah ayaa la raaciyay, sidaaduu gaarigaa u baxay ayaa mar kaliya la maqlay qarax aad u xooggan oo mar kaliya bedelay jawigii goobta. Meeshii camirneyd waxa ay isu bedeshay lama degaan, dadkii waxaa kala qariyay qiiq iyo Uuro, waxaa la maqlayay oo kaliya dhalinyaradii qaar oo leh war i qaada dhaawac baan ahayee.Dadkii qaraxa ka badbaaday ayaa wada argagaxay, mid kasta oo gaari watay ayaa marba gaariga dhinac ula cararra, haddana wuxuu ku soo laaban isla goobtii uu ka tagay, gawaaridii waxey noqdeen kuwo muraayadihii ah ka wada daataan. Gaarigii Ambalaaska ayaa labadii meyd ee hore laga dajiyay oo lagu daad gureeyay dhaawacyadii qaraxa ee naftu ku jirtay. Waxaa meesha ku geeriyooday gudoomiyihii waaxda LiiqLiiqato ee degmada Kaxda Nuur Geedoow, xiliga qaraxa uu qabsanayay waxa uu ku hadlayay telefoon Gaarigana waxa uu kamid ahaa dadkii ugu dhawaa. Waxaa meesha dhaawac ahaan looga soo qaaday dad 10 ruux ah oo wada Ilma Adeera ah, taasoo keentay iney nagu adkaato cida aan Isbitaalka ku heyneyno, maadaama ehel la wada yahay. Ma Koot Libaax baan heynaa, mise Xuseen Daahir oo ka daran, mayee Armuu labadoodaba Bashiir Garab ka sii daran yahay, Axmed Bashiir horta hala aado isagaa dhiig u baahanee, Maxamed Cabdi Cali hadda ma hadli karaa, Cabdi Khadar iyo Yaasiin Yuusuf horta qeybta ICU-da malaga soo saaray. W/Q: Abdulshakur Mohamed Warar Xul ah

Dalka Faransiiska oo bandaw degdeg ah galay

17 Daqiiqadood ka horXigashada Sawirka, ReutersMadaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku dhawaaqay bandaw labaad kaas oo soconaya ilaa iyo ugu yaraan dhammaadka bisha Nofeembar.Mr Macron wuxuu sheegay in talaabooyinka cusub, laga bilaabo jimcaha, dadka kaliya loo ogolaan doono inay guryahooda uga baxaan sababo shaqo ama caafimaad dartiis uun.Ganacsiyada aan muhiimka ahayn, sida makhaayadaha iyo baararka, way xidhmi doonaan, laakiin iskuulada iyo warshaduhu way sii furnaan doonaan.Dhimashada maalinlaha ah ee faransiiska waxay mareysaa heerkii ugu sarreeyey tan iyo bishii Abriil. Talaadadii, 33,000 kiis oo cusub ayaa la xaqiijiyay in laga helay dalkaas.Mr Macron wuxuu sheegay in wadanku uu qatar u galay in "saamaynta darab ee mowjad labaad oo aan shaki ku jirin inay ka darnaan doonto tii hore".Dhanka kale, Jarmalka wuxuu soo rogi doonaa bandaw deg deg ah oo aan sidaa u sii cuslayn laakiin ay ka mid tahay xidhitaanka makhaayadaha, goobaha jimicsiga iyo tiyaatarada, ayay tidhi haweeneyda hogaamiyaha ka ah dalkaasi Angela Merkel Arbacadii.Fiditaanka ayaa si aad ah ugu sii kordhaya Yurub oo dhan, oo ay ku jiraan Boqortooyada Ingiriiska oo Arbacadii shaacisay 310 dhimasho cusub iyo 24,701 xaaladood oo cusub.Bandow habeenkii ah ayaa ka dhaqan gala dalal dhowr ah, oo ay ku jiraan 46 milyan oo qof oo ku nool Faransiiska.Warka ku saabsan xayiraadaha cusub ee lagu soo rogay waddamada ugu dhaqaalaha badan Yurub ayaa horseeday hoos u dhac weyn suuqyada maaliyadeed Arbacadii. Khudbad uu ka jeediyay telefishanka Arbacadii, Mr Macron wuxuu ku sheegay in Faransiisku ay tahay inay hada "si adag u dhaqan geliyaan amarradda dawladda" si looga fogaado in "dib uu u saameeyo cudurka"."Feyrasku wuxuu ku wareegayaa xawaare aan xitaa saadaasha ugu xun ee saadaashu aysan fileynin," ayuu yiri, isagoo intaa ku daray in kalabar dhamaan sariiraha daryeelka degdega ah ee isbitaalada Faransiiska ay degan yihiin bukaanada Covid.Madaxweynaha ayaa sheegay in sharciyada cusub, dadku ay u baahan doonaan inay soo buuxiyaan foom si ay ugu sababeeyaan ka bixitaanka guryahooda, sidii looga baahnaa bandawgii ugu horeysay ee bishii Maarso. Kulamada bulshada ayaa iyana la mamnuucay."Sida guga oo kale, waxaad awoodi doontaa inaad ka tagto gurigaaga kaliya marka aad shaqeynayso, iyo ballamaha caafimaadka, iyo inaad gargaar siiso qof ehelkaaga ah, inaad wax ka soo iibsato alaabada daruuriga ah ama aad socod ku tagto gurigaaga agtiisa," ayuu yidhi Mr Macron.Laakiin wuxuu caddeeyay in adeegyada bulshada iyo warshadaha ay sii furnaan doonaan, isagoo intaas ku daray in dhaqaaluhu "uusan ahayn inuu istaago ama burburo".