Monday, November 23, 2020

Joe Biden oo xil sare u magacaabay nin Soomaali ah

Xafiiska ololaha doorashada ee musharraxa xisbiga dimuqraadiga, Joe Biden, ayaa Maxamed Salaad Maxamuud (Maxamed Boosaaso) u magacaabay isku duwaha xafiiska ee ololaha doorashada u qaabilsan Dadka ka soo jeeda Bariga Afrika.

Waxay shaqadiisu tahay sidii dadka ka soo jeedo dalalka Bariga Afrika ee ku nool Mareykanka uu uga dhaadhicin lahaa in ay u codeeyaan xisbiga Dimuqraadiga iyo musharrixiintooda.

Maxamed wuxuu BBC-da u sheegay in jagadan uu u magaacabay musharraxa xisbiga Dimuqraadiga, Joe Biden, si uu xisbiga ugu soo xiro bulshada ka soo jeeda Bariga Afrika ee degan Mareykanka.

“(Waxaa la ii magacaabay) in aan isku duwe u noqdo dadka Bariga Afrika ee ku nool Mareykanka, maadama ay doorasho socoto, si codkooda hal meel uu u wado aado; haddey yihiin Soomaali, haddey yihiin Itoobiyaan, haddey Jibuutiyaan, Kenyan, Ugandans, qof kasta oo Bariga Afrika ka yimid”.

Maxaa lagu xushay?

Maxamed wuxuu muddo ku soo dhex jiray siyaasadda xisbiga Dimuqraadiga wuxuuna ka mid noqday ergada xisbiga illaa heer gobol.

“Runtii muddo toban sano ah ayaan xisbiga ku jiray, waxaan ka soo bilaabay doorashooyinka hoose, waxaan ka mid noqday ergooyinka degmada, illaa heer gobol ayaan ka noqday”.

Wuxuu rumeysan yahay in khibraddiisa ku aadan siyaasadda ay u horseeday in jagadan loo magaacabo iyadoo ay joogaan dad badan oo kale oo ka soo jeedo Bariga Afrika.

“Waxaan ka qeyb galay ergooyinkii qaranka oo lagu soo dooranayay madaxweynaha dimuqraadiga matali doono khibraddii aan lahaa darteed aniga oo lasoo shaqeeyay dad badan oo isugu jira Soomaali iyo ajaaniib” ayuu yiri Maxamed.

Galaangalka bulshada Bariga Afrika

Horeyuma dhicin in musharrax madaxweyne oo Mareykan ah uu qof ka soo jeedo Bariga Afrika u magacaabo si uu matalo ololahiisa doorashada, sida uu sheegayo Maxamed.

“Tani waxay tusineysaa dadka ka soo jeedo Bariga Afrika oo Soomaalida ugu horreyso in iyagoo isku duuban ay xubin muhiim ah ka yihiin doorashooyinka”, ayuu u sheegay BBC News Somali.

“Tan waxay muujineysaa in aan nahay dad awood leh isla markaana wax qabsan kara codkoodana meel lagu gaari karo, waana sababta aan ilaa madaxweynaha ugu socono oo ay dhahaan dadka kuwo lagama maarmi karo ma ahan, waa dad isku duuban”.

Maxamed wuxuu ka dhawaajiyay in dad badan oo Soomaali ah oo horey aan u codeyn jirin in ay hadda ku rajo weyn yihiin in ay codkooda dhiibtaan si ay u soo bandhigaan awooddooda siyaasadeed.

This post first appeared on Caasimada Online. Read the https://www.caasimada.net/joe-biden-oo-xil-sare-u-magacaabay-nin-soomaali-ah/original article

Related Articles

Muuse Suudi ” Mahdi Guuleed iyo Fahad Yaasiin Beelahooda waa naga ceshan Waayeen” !!

Senator Muuse Suudi Yalaxow oo katirsan Xildhibaanada aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa eedeymo kulul u jeediyay Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed iyo taliyaha NISA Fahad Yaasiin. Muuse Suudi ayaa sheegay in mudo dheer uu dhoorayay kana xishoonayay Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahadi Guuleed iyo Taliyaha Hay’adda Nabad sugida Soomaaliya Fahad Yaasiin. Waxa uu sheegay Senator Muuse Suudi in Mahdi Guuleed iyo Fahad Yaasiin ceshan waayeen beelaha ay kasoo jeedaan, waxa uuna tilmaamay in dalka ku ciyaarayaan iyaga oo u shaqeenaya Farmaajo oo masuul ka ah ciyaarta. “Mahdi Guuleed reer waqooyi waa naga celi waayeen, hadii Amxaaro leedahana waa naga celi weysay, anagu inaan sii dhowranana af-maaha,Fahad Yaasiin reer Ow-Xasan waa naga cesha waayeen, waxa dalkeenna ku cayaarayana waa isagaa la leeyahay, anigoo og in labaduba aysan eeda laheyn ee uu Farmaajo yahay ninka dalka ku cayaaraya, balse jecel in eeda hoostiisa laga qaado,” ayuu yiri Muuse Suudi. Muuse Suudi ayaana sheegay in colaadin iyo dhibaato badan lagu hayo dadka degan caasimada Muqdisho, waxa uuna sheegay in dhaqaalahooda la cunayo sidoo kale ciidankooda lagu dhameeyay dagaalo iyo qaraxyo si loo dhimo tiradooda. Muuse Suudi ayaa sidoo kale sheegay in Musharaxiinta ku shiraya magaalada Muqdisho uga xanuun badan yihiin waxa dhacaya, waxa uuna xusay in ay matalaan kana dhasheen dadka ugu badan ee degan Muqdisho uu sheegay in dhaqaalahooda la cunayo. Hadalkan kasoo yeeray Muuse Suudi Yalaxow ayaa kusoo aadaya xili magaalada Muqdisho ka socdaan shirar xasaasi ah oo looga soo horjeedo sida dowlada Madaxweyne Farmaajo u maareeneyso dooarshada Soomaaliya. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.comMuqdisho [email protected] - Advertisement -

Imaaraadka oo dhaqaalaha ka jaraya Mucaaradka iyo Shirka Musharaxiinta oo Waji cusub yeeshay !!

https://www.youtube.com/watch?v=iAc6imLEVVI&feature=youtu.be&fbclid=IwAR0qwroL9HKgQ1OxtB-x_Am-TI1yN-HmWz6KWhTLDU4kvMFMjQkevSy2h90

Stay Connected

21,076FansLike
2,449FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Muuse Suudi ” Mahdi Guuleed iyo Fahad Yaasiin Beelahooda waa naga ceshan Waayeen” !!

Senator Muuse Suudi Yalaxow oo katirsan Xildhibaanada aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa eedeymo kulul u jeediyay Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed iyo taliyaha NISA Fahad Yaasiin. Muuse Suudi ayaa sheegay in mudo dheer uu dhoorayay kana xishoonayay Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahadi Guuleed iyo Taliyaha Hay’adda Nabad sugida Soomaaliya Fahad Yaasiin. Waxa uu sheegay Senator Muuse Suudi in Mahdi Guuleed iyo Fahad Yaasiin ceshan waayeen beelaha ay kasoo jeedaan, waxa uuna tilmaamay in dalka ku ciyaarayaan iyaga oo u shaqeenaya Farmaajo oo masuul ka ah ciyaarta. “Mahdi Guuleed reer waqooyi waa naga celi waayeen, hadii Amxaaro leedahana waa naga celi weysay, anagu inaan sii dhowranana af-maaha,Fahad Yaasiin reer Ow-Xasan waa naga cesha waayeen, waxa dalkeenna ku cayaarayana waa isagaa la leeyahay, anigoo og in labaduba aysan eeda laheyn ee uu Farmaajo yahay ninka dalka ku cayaaraya, balse jecel in eeda hoostiisa laga qaado,” ayuu yiri Muuse Suudi. Muuse Suudi ayaana sheegay in colaadin iyo dhibaato badan lagu hayo dadka degan caasimada Muqdisho, waxa uuna sheegay in dhaqaalahooda la cunayo sidoo kale ciidankooda lagu dhameeyay dagaalo iyo qaraxyo si loo dhimo tiradooda. Muuse Suudi ayaa sidoo kale sheegay in Musharaxiinta ku shiraya magaalada Muqdisho uga xanuun badan yihiin waxa dhacaya, waxa uuna xusay in ay matalaan kana dhasheen dadka ugu badan ee degan Muqdisho uu sheegay in dhaqaalahooda la cunayo. Hadalkan kasoo yeeray Muuse Suudi Yalaxow ayaa kusoo aadaya xili magaalada Muqdisho ka socdaan shirar xasaasi ah oo looga soo horjeedo sida dowlada Madaxweyne Farmaajo u maareeneyso dooarshada Soomaaliya. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.comMuqdisho SomaliaAllb[email protected] - Advertisement -

Imaaraadka oo dhaqaalaha ka jaraya Mucaaradka iyo Shirka Musharaxiinta oo Waji cusub yeeshay !!

https://www.youtube.com/watch?v=iAc6imLEVVI&feature=youtu.be&fbclid=IwAR0qwroL9HKgQ1OxtB-x_Am-TI1yN-HmWz6KWhTLDU4kvMFMjQkevSy2h90

This post first appeared on Caasimada Online. Read the https://www.caasimada.net/joe-biden-oo-xil-sare-u-magacaabay-nin-soomaali-ah/original article