Monday, November 23, 2020

Jamie Carragher Oo Sheegay Sababta Magacyada Waaweyn Khadka Dhexe Ee Man United Dhibaato Ugu Yihiin Koxxda

Halyeeyga Kooxda Liverpool ee Jamie Carragher ayaa aaminsan in qadka dhexe ee kooxda Manchester United ee ay ka buuxaaan xiddigaha heerka caalami ah tahay mid aad u fudud in laga faa’iideysto.

United ayaa xagaagan ku soo dartay xiddiga khadka dhexe ee Donny van de Beek xiddigihii khadka dhexe ee horay u sii joogay ee ay ka mid yihiin Paul Pogba iyo Bruno Fernandes.

Laakiin kadib markii ay ciyaareen kulankoodii ugu horeeyay ee horyaalka Premier League waxa la tusay xaqiiqada iyaga oo guuldaro 3/1 ah kala kulmay kooxda Crystal palace.

Inkasta oo uu Halyeeyga Liverpool ee Carragher Aaminsanyahay in aanay ahayn in laga wal-walo maadama ay United dhanka kale u rogi karto xaalka hadana waxa uu sheegay in ay United u baahantahay in ay isku dheeli tirnaan ku samayso khadkeeda dhexe.

Khabiirka Sky Sports ka hawl gala ee Jamie Carragher ayaa aaminsan in nidaamkooda haatan ee khadka dhexe u Nugulyahay weerarka rogaal celiska ah.

“Dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore, United si fiican ayay u ciyaaraysay, dib ayeyna ugu laaban doonaan taas,” ayuu yiri Carragher.

“Laakiin kuma qanacsani kooxdan, oo haatan noqoneeysa koox kubad heysasho badan tan ilaa markii uu kooxda yimid Fernandes xilli uu Pogba sii jooggay kooxda”.

“Mar walba oo aad kubada haysato waa mar walba oo aad halis ugu jirto weerarka rogaal celiska ah”.

“Khadka dhexe ee aniga ahaan, sax maahan, xitaa magacyada waaweyn”.

Laacib.net

Related Articles

Mucaaradka Madaxweyne Farmaajo oo Guranaya Mirihii ay Beerteen! (Maxaa Xigi Doona)

Qoraal ku taariikhaysan November 5, 2020 oo ka soo baxay xafiiska Ra’iisul ​wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu magacaabay Guddiyada Doorashooyinka, iyo Xallinta Khilaafaadka, balse durbadiiba waxaa duray guddiyadaas mucaaradka xukuumadda, kaddib markii ay ka dhex arki waayeen danahooda siyaasadeed! Haddaba diidmada mucaaradka maxay daaran tahay? Waxay ahayd Sebtembar 17dii, markii Muqdisho laga soo saaray heshiis ka kooban 15 qodob, kaas oo ay wada-gaareen madaxda shanta Maamul Goboleed, Guddoomiyaha Banaadir, iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Heshiiska waxaa si rayn-rayn leh u soo dhoweeyey dhammaan mucaaradka Villa Soomaaliya oo uu ku jiro Xasan Cali kheyre! Heshiiska waxay mucaaradka xukuumadda u arkayeen inuu ka dhigan yahay “Darbi” is hortaagay damacii muddo kororsiga Madaxweyne Farmaajo. Maalmo damaashaad, tamashlayn iyo kulammo ay mucaaraka ku qabsadeen Abu Dabi, Ankara, Jabuuti, Nairobi iyo Muqdisho waxaa xigtay in ay qaar ka mid ah madaxda mucaaradka soo saaraan bayaan ay ku cilladaynayaan Guddiga Doorashada iyo hannaanka loo marayo soo xulista xildhibaannadda Waqooyi. ​Haddaba xukuumadda dhabadee u martay magacaabista Gudigga Doorashada? Qodobka koowaad ee heshiiska ​ay wada-gaareen madaxda Golaha Fulinta Maamul Goboleedyadda iyo Federaalka ayaa u qornaa sidan “In dowladda Federaalka ay magacawdo Guddi Doorasho oo heer Federaal ah, kaas oo kaashanaya Guddi Doorasho heer Dowlad Goboleed ah”. Sida ka muuqata qodobkan ma jirto shuruud ku xiran cidda ka mid noqonaysa Guddiga Doorashada Federaalka! Mucaaradka ayaa ku doodaya in Guddiga Doorashada ay ku jiraan xubno shaqaale dowladeed iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan NISA. Haddaba su’aasha mudan ​isweydiinta ayaa ah: Waa sidee taariikhda Gudiyadda Doorshada Dadban ee dalka? Guddiyaddii Doorashada Dadban ee 2012, iyo 2016, waxaa ka mid ahaa xubno jaal la ahaa madaxddii xilligaas dalka ka talinaysay, kuwaas oo damacsanaa in ay ka faa’iidaystaan masuuliyadda qaranka ay hayeen si ay galaangal ugu yeeshaan xulista xildhibaannadda si ay dhib yaraan ugu xaluushaan “Villa Soomaaliya.” Balse dhagartii ay maleegayn uma aysan shaqayn! Haatanna cidina ma hubto inay u shaqayn doonto shaxda ay dhigteen kooxda “Nabad iyo Nolol” si ay awoodda ugu waaraan. Ku-xigeenka Ra’iisulwasaaraha Mahdi Maxamed Guleed Khadar oo warbaahinta la hadlayay ayaa yiri, “Gudoomiyihii Guddiga Doorashooyinka 2016-kii Garyaqaan Cumar Maxamed Cabdulle Dhegay, waxuu ahaa la-tilyaha dhanka sharciga Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, waxaa xubno ka ahaa guddigaas Mudane Maxamed Keynaan iyo Nafisa Geeddi oo Xafiiska Madaxweynaha ka wada tirsanaa, Cabdiraxmaan Sheikh Mucaawiye (xabashow) ku-xigeenka Xafiiska Ra’iisulwasaaraha, iyo Mustaqiim Wayd La-taliye siyaasadda iyo doorshada Wasiirka Arimaha Gudaha.” Waxaa xaqiiqo ah, in marka lagu tunto qodabbada Dastuurka, lana sharaysto hay’adaha dastuuriga ah, iyadoo laga duulayo dano siyaasadeed ama masaalix gaar ah qoomamada iyo catowga daawo ma keeno! Malaha waxay maanta mucaaradka doorbidi lahaayeen in guddoonka doorashada gacanta loo geliyo Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ay shalay ka ​dudeen ​“cararayeen​!” Dhanka kale, mucaaradka waxay dhaliileen hanaanka loo marayo xulista xildhibaannadda Goboladda Waqooyi. Haddaba maxay dareensadeen? Maxayse tahay doodda xukuumadda? Kaddib markii ay labada Aqal si wadajir ah u ansixiyeen heshiis siyaasadeedkii madaxda fulinta heer gobol iyo heer federaal, waxaa xigay shir lagu go’aamiyey jadwalka Doorashada Dadban 2020-2021. Madaxda Maamul Gobolleedyada, Duqa Caasimada iyo Madaxweyne Farmaajo. Waxay si wadajir ah qalinka ugu duugeen qodobbo muhiim u ah hannaanka doorashada, sida dhismaha guddiyada, deegaan doorashada xildhibaannada, tirada xildhibaannada laga soo dooran doono maamul goboleed kasta, iyo weliba jifada (reeraha) ay kala matali doonaan. Dhinacyada ku shiray Muqdisho waxay isku raaceen in guddiga maamuli doona xildhibaannada Somaliland ay soo magacawdo Xukuumadda Federaalka, kaddib markii ay la-tashi la samayso siyaasiyiinta ka soo jeedda Somaliland! Sida ka muuqata qodobka laguma qeexin mudnaan la kala siinayo siyaasiyinta lala tashanayo – mansabkooda iyo sifooyinkooda intaba. Xukuumadda oo ka faa’iidaysanaysa dul-duleellada ka muuqda qodobka iyo in labada Aqal ay gardaadinta howlaha doorshada u sharciyeeyeen Golaha Fulinta ayaa xukuumadda u gacanbanaysay  magacaabista guddiga xulista xildhibaanadda Somaliland. Balse, arrinka xiisaha gaarka ah u yeeshay dooda metalaadda xildhibaanada Somaliland ayaa ah in Madaxda Somaliland isku dayayaan inay galaangal ku yeeshaan hannaanka loo xulayo xildhibaannada ka soo jeedda Somaliland! Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa ka soo dhex muuqday shir ka dhacay magaalada Nairobi – Kenya, shirkaas oo looga hadlayey arrimaha doorashooyinka heer federaal ee 2020-2021. Waxaa sidoo kale ka qayb galay shirkaas Wasiirkii hore ee Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo xubno kale oo jagooyin heer federaal ah soo qabtay. Waxgarad badan oo rog-roga siyaasadda Soomaaliya ayaa isweydiinaya halka uu Gudoomiyaha Xisbiga UCID ka helay awoodda uu shirka uu kaga qaybgalay. Ciqaab la’aanta Gudoomiye Faysal iyo xabsiga la dhigay Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa muujineysa in masuuliyiinta Somaliland qaar xasaanadooda aysan laheyn xuduud! Waxaa xaqiiqo ah, in Maamulka Somaliland saamayn “taban” ku yeelatay ka maqnaanshaha fagaarayaasha lagu go’aaminayo jiheeynta siyaasadda Soomaaliya. Haddaba waa in Gudoomiye Cabdi Xaashi iyo xildhibaanada Somaliland ay wajahaan xaqiiqda dhulka taalla! “dudun in la dareensado lana duggaalsado la iskuma helo” Inkastoo xukuumadda ay qorshaysatay in doorashadda waqtigeeda ku dhacdo, iyadoo doonaysa inaysan lumin fursadaha u muuqda, misna waxaa suurtaggal ah in cagajiidka mucaaradka waqtiga dib u riixi doono. Taasoo waxgarad badan ku dhaliilayaan mucaaradka inay dagaal siyaasadeed galeen iyagoo kala daadsan, misna mabda’ ku midaysnayn. Arrinkaas waxaa caddayn u ah maxsuulka “natiijadda” ka soo baxay doorashada Hirshabeelle. W/Q Saciid Cabdisalaam Xafiiska Shabakada Allbanaadir.comMuqdisho [email protected] - Advertisement -

Arsenal oo ballan qaadday inay Booliska kala shaqeyn doonto weerarkii loo geystay Nicolas Pepe iyo Ezgjan Alioski

(London) 23 Nof 2020. Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa Booliska London ku war gelisay inay diyaar u yihiin la shaqeyntooda ku aaddan baarista aflaggaadaddii jinsi faquuqa ahayd ee loo geystay xiddigeeda Nicolas Pepe iyo laacibka kooxda Leeds United ee Ezgjan Alioski. Labada xiddig ayaa isku dhacay intii ay socotay kulankii labada koox ay xalay wada ciyaareen, waxaana ay taasi sababtay in casaan loo taago 25-sano jirka garabka kaga ciyaara Gunners kaddib markii uu madaxa la dhacay ama herti ku dhuftay Alioski. Dhacdadaas kaddib, taageereyaal aan dhaqan wanaagsaneyn ayaa aflagaaddo jinsi faquuq ah kula kacay labada xiddigba. Balse Arsenal ayaa soo saartay war qoraal ah oo dhignaa: “Waxaan si buuxda u cambaareyneynaa aflagaaddada baraha bulshada loogu geystay Nicolas Pepe iyo Ezgjan Alioski kaddib ciyaartii aan la qaadannay Leeds United” “Tani waa mid aan la aqbali karin, waxaanna Booliska iyo dambi baarayaasha kala shaqeyneynaa sidii loo soo qaban lahaa dambiilayaasha.” ayay Gunners ku qortay bogaggeeda baraha bulshada ee dhinaca Internet-ka. Gool FM.

Ganacsatada Muqdisho oo lagu bilaabay diiwaan-gelin iyo sababta ka dambeysa

Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adaha ammaanka ee magaalada Muqdisho ayaa billaabay qorshe lagu diiwaan gelinayo ganacsatada, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online. Qaar kamid ah ganacsatada ayaa Caasimada Online u sheegay in diiwaan gelintu lagu billaabay ganacsatada yar yar waxaana la siinayaa aqoonsi iyadoo laga qaadayo lacag dhan $12. “Ganacsade kasta waxaa laga rabaa lacag diiwan gelin ah oo dhan $12, sawir 2 xabo ah, iyo damiin kadibna waxaa la siinayaa aqoonsi iyadoo aad loola socon doono shaqooyinka ay qabtaan,” ayuu yiri ganacsade la hadlay Caasimada Online oo codsaday inaan la magacaabin. Arrintaan ayaa loo arkaa ta;laabo wanaagsan oo wax looga qaban ammaanka magaalada Muqdisho, hase yeeshee waxaa barbar socda caqabado badan oo diidmo ah. Dadka ayaa inta ugu badan diidan lacagta oo ay sheegeen in aysan awoodin, halka qaar kalane ay sheegeen in aysan heli karin damiin buuxa, balse si guud dhib kuma qabaan diiwaan-gelinta. Dowladda Soomaaliya ayaa hore u diiwaan gelisay shaqaalaha dowladda iyo ciidanka qaranka, waxaana la aaminsan yahay in arrintaas ay waxbadan ka badashay ammaanka Muqdisho. Qorshaha lagu diiwaan-gelinayo ganacsatada ayaa imanaya ayada qaar la tuhunsan yahay inay ku xiran yihiin Al-Shabaab, halka qaar kalena ay horey dowladda ugu xirtay inay la macaamileen kooxdaas. Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber

Stay Connected

21,073FansLike
2,446FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Xog Xaasaasi ah: Guddomiyaha Golaha Shacabka oo ka qeyb galaya shirka musharaxiinta

Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Wali waxaa is hor fadhiya oo Muqdisho ku shiraya musharaxiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan bulshada Soomaaliyeed oo lagu daray siyaasiyiin iyo madax xilal ka haayo Dowladda seegtay tubta toosan ee siyaasada ee ay majaraha u hayaan Farmaajo iyo Rooble. Marba marka ka dambeysa shirka ayaa sii noqonaya mid xasaasi ah oo waxaa sii cuslaanaya miisaanka iyo muhiimada uu u leeyahay shacabka iyo siyaasiyiinta u turaya dalka ee doonaya in ay badbaadiyaan Dowladnimada umada Soomaaliyeed ee xilligan kala guurka ah gudcurka uu ku wado Madaxweyne Farmaajo. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa ka mid ah xubnaha codsaday in ay shirka ku biiraan si musharaxiinta uu ugu biiriyo taladiisa wax ku oolka ah si dalka ay u bad baadiyaan. Shirkan ka socda magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa kusoo biiray Gudoomiyaha aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka Cabdi Xaashi Cabdulaahi iyo siyaasiyiin kale oo kasoo jeeda gobolada Waqooyi ee Somaliland. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.comMuqdisho [email protected] - Advertisement - Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Previous articleWeerar lagu qaaday Masaajid oo dad badan lagu dilay kuwana lagu afduubtay