Wednesday, October 21, 2020

Itoobiya oo siyaasi caan ah iyo xubno kale ku oogtay dambiyo agagixisonimo

Shakhsiyaad magac leh oo mucaarad ah ayaa ka mid ah 24 qof oo ay Itoobiya ku soo oogtay dacwad ah argagixisonimo.

Eedahaas ayaa waxay la xidhiidhaan qalalaase isir ku salaysnaa oo dhawaan ka dhacay dalkaas ka dib markii la dilay heesaa caan ah oo Oromo ahaa, Hachalu Hundessa, waxaana ku dhintay rabshadahaas dhacay dabayaaqadii bishii Juune 150 qof.

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka ayaa sheegay in dadkaa maxkamad la horgeyn doono maalinta Isniinta.

Dadka dhaliila Ra’isal Wasaare Abiy Ahmed ayaa ku eedeeyey in uu xidhxidhayo dadka mucaarida xukuumaddiisa.

Jawaar Maxamed oo ah nin awood badan ku leh warbaahinta hase yeeshee markii dambe noqday siyaasi mucaarad ah oo ay dad badani taageeraan una badan dhalinyarada Oromoda, ayaa ka mid ah dadkaa dacwadda lagu soo oogayo.

Waxa la xidhay bishii Juulaay markii ay ciidamada nabadgelyadu qabqabashada bilaabeen. Qareenkiiisa ayaa se Sabtidii ganafka ku dhuftay dacwaddaa lagu oo oogay waxaanu ku tilmaamay mid aan sal lahayn.

Jawaar oo ay hore jaal u ahaayeen Abiy ayaa ku dhaliilay ninkaa ku guulaystay abaal marinta Nobel ee nabaddda in aanu wax la taaban karo ka qaban tabashooyinkii mudada dheer soo jiitamayey ee ay qabaan dadka Oromadu, oo ah qoomiyadda ay labadooduba ka dhasheen.

Maqaal uu ku qoray cadadadkii todobaadkan ee wargeyska Economist ee ka soo baxa dalka Ingiriiska, ayaa Abiy wuxuu ku sheegay in dadka ka soo horjeeda isbedelka uu wadaa ay doonayaan in ay abuuraan nacayb ay ku kala qaybiyaan dadka oo ku salaysan isir iyo diin.

Dad badan oo dhaliila, oo qaarkood aanay dalka ba joogin, ayaa sidoo kale magacyadooda lagu daray dadka eedaysanayaasha ah.

Sida lagu sheegay warbxin uu xeer ilaaliyaha guud ee dalku ku baahiyey bogagga baraha bulshadu ku xidhiidho ee internet-ka, waxa kale oo eedaysanayaashaa lagu soo oogi doonaa dacwado ay ka mid yihiin ku xad gudub sharciyada isgaadhsiinta iyo haysasho hub sharci darro ah.

Ururada u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ku dhaleeceeyey dawladda in ay todobaadyo ku qaadatay in ay dadkaa dacwado ku soo oogaan maxkamad lagu soo taago.

Ugu yaraan 166 qof ayaa dhintay bishii Juun maalmihii ay socdeen shaqaaqooyinkii ka kacay dilkii Hachalu oo 34 jir ahaa.

Ninkaas oo ahaa aabe laba caruur ah dhalay, ayaa gobolka Oromiya ka ahaa halyey. Heesihiisuna waxay ka hadli jireen xuquuqda dadka Oromada ah ee dalka oo ah qoomiyadda ugu badan dalka Itoobiya, waxaanay sidoo kale u noqdeen hal ku dhegyo mudaharaadadii daafadda lahaa ee horseeday inuu dhaco ra’isal wasaarihii hore 2018.

Sababta dilkiisa ilaa haatan lama oga, hase yeeshee dhawr goor ayuu Hachalu sheegay in ay soo gaadheen fariimo dil loogu hanjabayey.

Related Articles

Maxaa Cusub Maanta?

21st October 2020  admin  Category : WARAR: AF SOOMAALI Jigjiga: Seddex xubnood oo ka mid ah ururka ONLF ayaa lagu xiray magaalada Qabridahare.  Afhayeenka ONLF ,Cadaani Ciilmooge, ayaa sheegay in aysan garaneen illaa iyo hada sababta loo xiray xubnahaas. Si kastaba ha ahaatee, dalka Itoobiya ayaa ah meel la is caburiyo. Kismaayo: Booliiska Jubaland ayaa gacanta ku soo dhigay labba haween ah oo ku eedeeysan ineey xaddeen wiil. Haweenkan ayaa waxaa adeegsanayey shabakad ka ganacsata carruurta, waxaana loo ballan qaaday in la siinayo shan kun oo doolar hadii ay hawsha sida ay tahay u soo fulliyaan. Hadaba, sideey ayeey wax u dhaceeyn? [embedded content] Muqdisho: Haweeneey sheegatay ineey tahay madaxweeynaha Jubaland ayaa sheegtay in laga celiyey Garoonka Aadan Cadde, iyada oo ku sii jeeda magaalada Garbahaareey. Hadaba, haweeneeydan yaa u doortay madaxweeynaha Jubaland? [embedded content] Post navigation ← Kala Dirista Rugta Ganacsiga Waan Diidnay

Real Madrid Vs Shakhtar Donetsk: Zidane Oo Is Badal Weyn Ku Sameeyay Shaxdiisa

Tababare Zinedine Zidane ayaa soo saaray shaxda uu kaga hor tagi doono kooxda Shakhtar Donetsk kulankii ugu horeeyay ee Tartanka champions League. Real Madrid ayay ka maqanyihiin xiddigaha dhaawacan ee Sergio Ramos, Dani Carvajal, Alvaro Odriozola, Martin Odegaard, Eden Hazard & Mariano. Halka uu Zidane kulanka El Clasico u dhigay xiddigo uu ka mid yahay Karim Benzema, Isco iyo xiddigo kale. Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka: Real Madrid: Courtois; Mendy, Militao, Varane, Marcelo; Casemiro, Valverde, Modric; Asensio, Jovic, Rodrygo. Kaydka: Lunin, Altube, Nacho, Kroos, Benzema, Lucas Vasquez, Vinícius Júnior, Isco. Shakhtar Donetsk: Andriy Pyatov; Dodo, Valeriy Bondar, Jocholava, Viktor Korniyenko; Marcos Antonio, Maycon; Marlos, Solomon, Tete; Dentinho.

IOM oo sheegtay in dumarka ku nool xeryaha barakacayaasha Baydhabo ay sameeyeen agabka af xirashada+Sawirro

Muqdisho:-Hay’adda IOM ee Qaramada Midoobay waxay ay sheegtay in dumarka barakacayaasha ah ee ku sugan magaalada Beydhabo xeryaha ku yaala ay soo saareen agab badan oo ah maaski ama af xir si looga gaashaanto karoonaha/ IOM waxay tilmaamtay in dumarkan oo hay’addu ka taageertay dhanka tababarka iyo dharka laga sameeyo maaska ay ku guuleysteen in ay soo saaraan in ka badan 5,000 oo af xir . Agabkan ayaa qaar ka mid ah loogu deeqay dadka u baahan, halka kuwo kalana suuqa iib ahaan loo geeyay. Talaabadan ayaa ah mid lagu dhiiri gelinayo farsamada gacanta ee dumarka si ay noloshooda u maareeyaan.   

Stay Connected

20,886FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Galmudug oo ka warbixiyay qorshaha golaha Deegaanka ee laga hirgelinayo Galmudug.

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Muqdisho:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowlad Gobleedka Galmudug oo waraysi gaar ah siyey Radio Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyey qeybta labaad ee Golaha Deegaanka ee la soo gababayeeyay, isagoo sheegay in si fiican howlshaasi ay ugu  guuleysteen. Cabdi Maxmed Jaamac (Waayeel) Wasirka Arrimaha Gudaha Galmdug ayaa sheegay in magaalada Gaalkacyo ay tahay markii ugu horeysey oo loo sameeyo gole deegaan, taasina ay keentay in waqti badan qaadato, isagoo xusay in tababaro loo furi doono xubnaha golaha Deegaanka Gaalkacyo.. Wasiir Waayeel ayaa sidoo kale sheegay in wacyi gelin ay ka wadaan deegaanno badan oo ka mid ah Galmudug kuwaasi oo bulshada lagu fahamsiinayo nidaamka golaha deegaanka, si bulshada fahankooda uu uga sareeyo sida hada uu yahay, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay iney dadka fahmi doonaan ahmiyadda ay leedahay in degmo kasta oo ka tirsan Galmudug ay yeelato Gole deegaan. Ugu dambeyn Wasirka Arrimaha Gudaha Galmdug ayaa tilmaamay in socdaalo ku saabsan  dib u heshiisiinta dadka ay ku soo mareen  deegaanno ka tirsan Galmudug, waxaana socdaalkooda qeyb ka ahaa sidii ay u ogaan lahaayeen xaaladda dhabta ah ee ka jirta deegaannada ay safarka shaqo ku tegeen. Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Previous articleIOM oo sheegtay in dumarka ku nool xeryaha barakacayaasha Baydhabo ay sameeyeen agabka af xirashada+Sawirro Next articleDuubabka dhaqanka Hirshabeelle oo si diirran loogu soo dhaweeyay Jowhar.

Duubabka dhaqanka Hirshabeelle oo si diirran loogu soo dhaweeyay Jowhar.

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Muqdisho:-Magaalada Jowhar ee Gobalka Sheekh Dhexe waxaa gaaray qaar ka mid ah duubabka dhaqanka Hirshabeelle kuwaaso ka qeyb qaadanaya soo xulista Baarlamnka labaad ee Maamulka Hirshabeelle, waxaana hogaaminayay Wabar Maxamed Wabar Axmed Wabar Cabdi, iyadoo garoonka Jowhar ay ku soo dhaweeyeen Xilibaanno, Wasiiro iyo guddiga farsamo soo xulista Baarlamaanka labaad ee Hirshabeelle. Guddoomiyaha guddiga Cismaan Maxamed Muqtaar Baarey ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay inay soo dhameestirmaan duubabka dhaqanka Hirshabeelle. Wabar Maxamed Wabar Axmed Wabar Cabdi oo dhankiisa hadalka qaatay ayaa been abuur ku tilmaamay warar lagu baahiyay baraha bulshada, kaaso lagu sheegay inuu ka soo horjeedo dhismaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo markale doorashadiisa ka dhaceyso magaalada Jowhar. Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Previous articleWasiirka Arrimaha Gudaha ee Galmudug oo ka warbixiyay qorshaha golaha Deegaanka ee laga hirgelinayo Galmudug.