Tuesday, November 24, 2020

Itoobiya oo dacwad argagixisanimo kusoo oogeysa Jawar Mohammed

Itoobiya ayaa Sabtidii ku dhawaaqday in ay ku soo oogeyso siyaasiyiin mucaarad ah oo ay ku jiraan Jawar Mohammed iyo Bekele Gerba dambiyo ay ka mid yihiin argagixisanimo iyo hurinta rabshado, tallaabadaas oo sii hurineysa xiisadaha ka taagan gobolka Oromada ee xasaradaha ka jiraan.

Eedeymaha – oo keeni kara xabsi daa’in – ayaa la xiriira rabshadihii ka dhashay dil toogasho ahaa oo bishii June lagu dilay Hachalu Hundessa, oo ahaa heesaa caan ah oo ka soo jeeda qowmiyadda Oromada, kaasi oo fankiisa kusoo bandhigi jiray faquuqida siyaasadeed iyo dhaqaale ee Oromada.

Jawar iyo Bekele ayaa ka mid ah in ka badan 9,000 oo qof oo lagu xiray qabqabasho wadareedyo xigay dilkii fannaanka, tallaabadan oo kicisay dhaleecayn ah in Abiy uu u adeegsanayo rabshadaha si uu u aamusiyo kuwa ay siyaasadda isku diidan yihiin iyo dadka isaga dhaleeceeya.

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ayaa qoraal uu Sabtidii ku daabacay Facebook ku shaaciyay dacwadaha ka dhan ah 24 eedeysane.

Eedaha ayaa waxaa ka mid ah “isku day ah in la kiciyo rabshado salka ku haya qowmiyad iyo diin si la isaga horkeeno muwaadiniinta.”

Eedeysanayaasha kale waxaa ka mid ah dhowr qof oo caan ah oo dhaliila Abiy oo ku nool dalka dibaddiisa sida dhaq-dhaqaaqaha caanka ah ee reer Oromo, Tesgaye Regassa, iyo nin olog la ahaan jiray Abiy oo isku bedelay mucaarad, Berhanemeskel Abebe.

Related Articles

Xog La Yaab Leh: Waa Kuwee 14-ka Xiddig Ee Liverpool U Ciyaara Ee Aan Wax Guuldaro Ah Kala Kulmin Anfield.

Kooxda Liverpool ayaa shaki la’aan ka mid ah kooxaha ugu fiican yurub labadii sano ee ugu dambeeyay. Kadib 4 sano oo uu soo dhisayay kooxda Jurgen Klopp ayaa mar kale Liverpool ka dhigay koox laga cabsado yurub. Tababaraha reer Germany ayaa Reds ku hogaamiyay horyaalka kadib 30 sano waxna ay xilli ciyaareedkan u dagaalamayaan in ay difaacdaan horyaalka. Klopp iyo Liverpool ayaa dhawaan u dabaal dagay rikoodh cajiib ah kadib markii aan Reds laga badin 64 kulan oo ay ku ciyaareen Anfield Horyaalka premier League. Labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay garoonka Anfield ayaa ahaa garoon ay adagtahay in guul lagala yimaado gaar ahaan horyaalka premier League. Xaqiiqad ayaana ah in aan Liverpool looga badin garoonkeeda 3 sano iyo iyada oo guuldaradii ugu dambaysay ee Anfield ka soo gaadha premier League ahayd April 2017 markaas oo ay guuldaro kala kulmeen Crystal palace. Tan ilaa wakhtigaas Reds ayaa guul gaadhay 53 kulan oo ka mid ah 64 kulan oo ay ku ciyaartay garoonkeeda Anfield. Waxa intaas sii dheer in ay jiraan 14 xiddig oo kooxda Liverpool ah kuwaas oo aan wax guuldaro ah kala kulmin Anfield ilaa haatan intii ay joogeen kooxda Liverpool horyaalka premier League. Xiddigahaas ayaa kala ah: Alisson Becker, Adrian, Virgil van Dijk, Andy Robertson, Fabinho, Alex Oxlade-Chamberlain, Naby Keita , Xherdan Shaqiri, Sadio Mane, Mohamed Salah, Taki Minamino, Neco Williams, Curtis Jones & Diogo Jota

Saraakiil ka tirsan Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida oo gaaray Doolow “SAWIRRO”

Sarakiil ka tirsan Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta garay Degmada Doolow ee Gobalka Gedo. Sarakiisha maxkamadda waxa hogaminayay Guddomiyaha Maxkamadda Qeybta 27aad Gaashaanle Maxamed Amiin Cabdule Aadan, waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Maamulk Degmada, Saraakiil ka tirsan ciidamada iyo xubno kale. Wafdiga ka socda Maxkamadda Darajada 1aad ee ciidamada Qalabka sida ayaa ujeedka socdaalkooda la xiriirtaa qaadidda dawaclo ku saabsan dilal dhawaan ka dhacay Degmoyin ka tirsan  Gobalka Gedo.

Aabaha Dhalay Isco Oo Kashifay Meesha Uu Xiddigu Doonayo In Uu Ka Ciyaaro Marka Uu Ka Tago Real Madrid.

Abaha dhalay xiddiga Isco ayaa xaqiijiyay xiddigu isaga tagi doono kooxda Real Madrid waliba doonayo in uu ka ciyaaro meel ka baxsan horyaalka La Liga. Xiddiga 28 jirka ah ayaa ka baxay qorshaha tababare Zinedine Zidane isaga oo ay ku adkaatay in uu daqiiqado u ciyaaro kooxda waxana uu doonayaa in uu isaga tago kooxda. Aabah dhalay Isco ayaa Real Madrid u sheegay in uuna jirin wax dalab ah oo u imid xiddiga laakiin uu doonayo in uu ka tago kooxda. “Haatan ma jiro wax dalab ah oo u yiid, Laakiin Isco waxa uu doonaya in uu ka ciyaaro horyaal kale”ayuu yidhi. “Sii joogistiisa Real Madrid waa dhibaato”ayuu sii raaciyay. Real Madrid ayaa haatanba ogsoon rabitaanka Isco waxana ay si weyn ula yaabeen go’aanka xiddiga waxana ay diyaar u yihiin in ay ogolaadaan bixitaanka hadii uu dalab fiican u yimaado.

Stay Connected

21,078FansLike
2,452FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Najma Makena: “Dadka waxay la tahay in shaqo shaydaan aan hayo”

Najma Makena waa gabar Soomaali ah oo ku nool Nairobi, waxayna tan iyo 2018-kii sameyneysay qurxin weji oo cajiib ah.Dadka qaar waxay aaminsan yihiin in waxa ay sameyso ay yihiin arrimo shaydaannimo, taas oo la xiriirta aaminaadda.Si kastaba, Najma arrintaas kuma aysan qasbin in ay shaqadeeda joojiso, waxayna ku hammineysaa in shirkadda aflaanta ee Hollywood ka shaqeyso.

Halyeey Liverpool Ah Oo Saamaynta Diogo Jota Bar-Bar Dhigay Saamayntii Mohamed Salah.

Halyeeyga kooxda Liverpool ee John Aldridge ayaa amaanay qaab ciyaareedka xiddiga kooxda Liverpool ee Diogo Jota kadib markii uu si cajiib ah ku bilowday xirfadiisa Reds. Jota ayaa si deg-deg ah ula qabsaday qaab ciyaareedka Liverpool kadib markii uu 41 milyan oo euro ugaga soo wareegay kooxda Wolves suuqii xagaaga. Diogo ayaa ilaa haatan ciyaaray 12 kulan waxana uuna dhaliyay 8 gool taas oo muujisay awoodiisa weerar ee fiican. John Aldridge oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Klopp waxa ku adkaan doonta doorashada 4-ta xiddig ee weerarka wakhtiga soo socda”. Jota waxa uu Liverpool ku yeeshay saamayn weyn lana mid ah midii uu Mohamed Salah ku yeeshay Liverpool markii uu ku soo biiray kooxda”. “Jota waxa uu u gaajaysan yahay ciyaarista kulamada waxana uu ogyahay in ay adagtahay la tartamista 3-dia xiddig ee weerarka waxana uu doonayaa in uu ka fiicnaado”. “Jota waxa uu samaynayaa wax uuna horay ugu samayn Wolves sababta oo ah waxa uu dareensanyahay in uu ku soo biiray koox weyn waxana uu ka faa’iidaysanayaa fursad walba oo uu helo”.