Wednesday, November 25, 2020

Is-afgaradka wadashaqaynta W/Caddaaladda KGS iyo Barnaamijka Balaarinta Adeega Marin U Helida Cadaaladda

Xafladda daahfurka is-afgarad wadashaqaynta Wasaaradda Caddaaladda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya iyo Barnaamijka Balaadhinta Adeega Marin U Helida Cadaaladda.
Maanta waxaa is-afgarad wadashaqayneed gaaray Wasaaradda Caddaaladda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya iyo Barnaamijka Balaadhinta Adeega Marin U Helida Cadaaladda. Iyadoo la tixraacayo is-afgaradka la kala saxeexday, Barnaamijka balaadhinta adeega Marin u helida Cadaaladda ee Soomaliya wuxuu wadda shaqayn dhaw la yeelan doonaa Wasaaradda Caddaaladda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya si kor loogu qaado loona balaadhiyo adeegyada cadaalada ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Iyadoo loo marayo isfahankan, Barnaamijka Balaadhinta Adeega Marin U Helida Cadaaladda wuxuu wadda shaqeyn la yeelanayaa Wasaaradda Caddaaladda si kor loogu qaado tayada iyo helista kaalmada caddaaladda ee dadka Soomaaliyeed. Gaar ahaan, Barnaamijka Balaadhinta Adeega Marin U Helida Cadaaladda wuxu ka taageeri doonaa tayaynta Caddaaladda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

is-afgaradkan waxaa lagu saxeexay, xaflad uu goobjoog ka ahaa Wasiirka Cadaaladda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Xassan, iyo Madaxa Barnaamijka Balaadhinta Helitaanka Cadaaladda, Mudane Anton Pestana.

“Wasaaradda Caddaaladda waxay mas’uul ka tahay adeegyada cadaaladda ee Dowlad Koonfur Galbeed ee Soomaaliya. Waxaan u aragnaa iskaashiga aan la leenahay Barnaamijka Balaadhinta Adeega Marin U Helida Cadaaladda inuu yahay xidhiidh istiraatiiji ah oo muhiim u ah Wasaaradda si ay u gaarto waajibaadkeeda ah hagaajinta adeegyada caddaaladda. Waxaan ku faraxsanahay inaan saxeexnay is-afgaradkan waddashaqyaneed oo aan iskaashi la yeelanno Barnaamijka Balaadhinta Adeega Marin U Helida Cadaaladda, isla markaana aan xaqiijino sida ay nooga go’an tahay inaan sii wadno tayaynta caddaaladda ee Soomaaliya. Waxaan sidoo kale fursaddan uga faaidaysanayaa in aan u mahad celiyo USAID, oo ah deeq bixiyaha Barnaamijka balaadhinta adeega Marin u helida Cadaaladda, sida hagar la’aanta ah ee ay uga go’an tahay inay taageeraan caddaaladda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya” ayuu yidhi Mudane Maxamed Xuseen Xasan, Wasiirka Caddaaladda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

“Barnaamijka Balaadhinta Adeega Marin U Helida Cadaaladda wuxuu taageerayaa abuurista jawi ku haboon kor u qaadista kaalmada caddaaladda ee ilaalineysa isla markaana dhiirrigelineysa xuquuqda aadanaha ee aasaasiga ah, waxaanu taageerayaa daneeyeyaasha caddaaladda – oo ay ku jiraan hay’adaha caddaaladda iyo bulshada rayidka. “Barnaamijka Balaadhinta Adeega Marin U Helida Cadaaladda wuxuu rajeyneyaa inuu taageero Wasaaradda Cadaaladda ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya si ay u gudato kaalinteeda hoggaamineed ee helitaanka caddaaladda, si loo siiyo adeegyo wax ku ool ah dhammaan muwaadiniinta. Barnaamijku waxaa kaloo uu taageeri doonaa daneeyeyaasha cadaaladda ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya,” ayuu yidhi Madaxa Barnaamijka balaadhinta adeega Marin u helida Cadaaladda, Anton Pestana.

Dhammaad

Ogaysiin Tifatirayaasha

Faahfaahinta sooyaalka Barnaamijka balaadhinta adeega Marin u helida Cadaaladda raadraaciisa ayaa ku lifaaqan warsaxaafadeedkan.

Macluumaad dheeri ah oo ku saabsan Hawlaha Barnaamijka balaadhinta adeega Marin u helida Cadaaladda iyo waxqabadkiisa waxaa kala socon kartaa baraha bulshada sida:

Twitter: @EAJProgram

Website: https://www.eajprogram.org/

Email: [email protected]

Waydiimaha warbaahinta fadlan la xidhiidh:

Barnaamijka balaadhinta adeega Marin u helida Cadaaladda Soomaaliya

Mudane Christopher Mwangi

[email protected]

Moobayl: + 254720376376

Email: [email protected]

The post Is-afgaradka wadashaqaynta W/Caddaaladda KGS iyo Barnaamijka Balaarinta Adeega Marin U Helida Cadaaladda appeared first on Jowhar Somali news Leader.

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyey Shirka Maalintii 5aad u socda Musharaxiinta Mucaaradka

Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Musharixiinta  xilka Madaxweynaha ee Muqdisho shirka uga socdo maalintii 5aad ayaa wali wada kulamo ay uga hadlayaan doorashooyinka iyo cabasho ay ka qabaan guddiyada doorashada loo xilsaaray ee ay Magacwaday dowladda federaalka. Xubnaha musharixiinta ayaa maanta si gaar ah uga hadlay maqaamka Muqdisho, arrimaha dastuurka iyo amniga iyagoo sheegay in dowladda ku fashilantay  arimahan iyo in dalka ay dhacdo doorasho qof iyo cod ah. Xilli hore ee maanta musharixiinta ayaa kulan gaar ah la qaatay warbaahinta madaxa banaan iyagoo kala hadlay xaalada dalka marayo iyo doorka Warbaahinta kaga aadan. Shirkan ayaa lagu wadaa in la soo gebogabeeyo gelinka hore ee maalinta berri ah iyadoo la filayo in laga soo saaro War-murtiyeed. Musharixiinta mucaaradka ee u tagaan qabashada xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa si weyn u diidan guddiyada doorashada iyo kan xalinta khilaafaadka heer federaal iyo heer maamul goboleed oo ay ku tilmaamen inay ku jiraan shaqaale ka tirsan dowladda iyo xubno ka tirsan Nabad sugida. Shirka ayaa inta uu socday waxaa ka qeyb galay dhinacyada kala duwan ee bulshada sida odayaasha dhaqanka, culimada, urrurada bulshada rayidka, siyaasiyiinta iyo xubnaha beesha caalamka. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.comMuqdisho [email protected] - Advertisement - Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Previous articleDaawo: Laftagareen oo weerar culus ku qaaday musharraxiinta Ku Shirsan Muqdisho

Shaxda rasmiga ah kulanka adag Kooxaha Inter Milan iyo Real Madrid ee Champions League oo la shaaciyey

(Madrid) 25 Nof 2020. Shaxda rasmiga ah kulanka Kooxaha Inter Milan iyo Real Madrid ee tartanka UEFA Champions League ayaa la shaaciyey. Kooxda Inter Milan ayaa soo dhaweyn doonta naadiga Real Madrid si ay u wada ciyaaraan kulan ka tirsan kulamada Afaraad wareega group-yada ee tartanka UEFA Champions League xilli ciyaareedkan 2020/21. Waxaa la shaaciyey safafka rasmiga ee ay garoonka ku soo geli doonaan kooxaha Inter Milan iyo Real Madrid ee tartanka UEFA Champions League. SAFAFKA RASMIGA EE LABADA KOOXOOD HALKAAN HOOSE KA EEG:- Inter Milan XI: Real Madrid XI: Gool FM.

Shaxda Rasmiga Ah Ee Liverpool Vs Atalanta & Inter Milan VS Real Madrid: Ayaa Ku Bilowday Shaxda Kulamadan Adag.

Kooxda Liverpool ayaa marti galinaysa kooxda Atalanta kulan adag oo ka dhici doona Anfield kana tirsan wareega Group-yada tartana champions League. Tababare Jurgen Klopp ayaa is badal weyn ku sameeyay shaxdiisa isaga oo kaydka dhigay xiddiga Fabinho, Firmino. Sidoo kale Klopp ayaa garbaha daafaca ku bilaabay xiddigaha Neco Williams & Tsimikas halka uu Mohamed Salah weerarka la hogaaminayo Mane iyo Origi. Dhanka kale Inter Milan ayaa marti galinaysa kulanka ugu adag ee champions League kooxda Real Madrid kulan labada kooxoodba isha ku hayaan guul. Shaxda Rasmiga Ah Ee Liverpool Vs Atalanta: Liverpool: Alisson; N Williams, R Williams, Matip, Tsimikas; Milner, Wijnaldum, Jones; Salah, Origi, Mane. Kaydka: Adrian, Kelleher, Fabinho, Firmino, Minamino, Jota, Robertson, Cain, Clarkson, Koumetio. Atalanta: Gollini; Toloi, Romero, Djimsiti; Hateboer, De Roon, Freuler, Gosens; Ilicic, Pessina; Gomez Shaxda Rasmiga Ah Ee Inter Milan Vs Real Madrid: Inter: Handanovic; Skriniar, De Vrij, Bastoni; Hakimi, Barella, Gagliardini, Young; Vidal; Lukaku, Lautaro Martinez Real Madrid: Courtois; Carvajal, Varane, Nacho, Mendy; Modric, Odegaard, Lucas Vazquez, Mariano, Hazard

Stay Connected

21,097FansLike
2,452FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada oo ka qeyb galay shir muhiim ah

Share on Facebook Tweet on Twitter Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Duraan Axmed Faarax ayaa maanta ka qeybgalay madasha Wasaaradaha oo ku aaddan iswaafajinta socdaalka Shaqaalaha Bariga iyo Geeska Afrika. Kulanka oo ku qabsoomay habka fogaan aragga ee aaladda internet-ka ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirrada Bariga iyo Geeska Afrika ee arrimaha Shaqada iyo shaqaalaha qaabilsan. “Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya waxay saxiixday khariidad-nabadeed si loo ilaaliyo xuquuqda muhaajiriinta Shaqaalaha Soomaaliyeed ee doonaya shaqo dibedda ah”.ayuu yiri Wasiir Duraan oo hadalkiisa ku daray in shirka uu ku soo idlaaday jawi guul ah. SHARE Facebook Twitter Previous articleMaradona oo u geeriyooday wadno xanuun

Daawo: Laftagareen oo weerar culus ku qaaday musharraxiinta Ku Shirsan Muqdisho

https://www.youtube.com/watch?v=wixsohD0-O4&feature=youtu.be&fbclid=IwAR3k-ZilOaDoC8j-B_FmJbmjc1qYrkyGrKcRg6g_RGoQ31JYJ4kYKOs-NNw