Tuesday, November 24, 2020

Ilhaan Cumar oo weerarkii ugu cuslaa ku qaaday Trump

Minneapolis (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaali ah oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa weerar culus ku qaaday madaxweyne Donald Trump oo ay ugu yeertay “cunsuri” kadib markii uu habeen hore weerar ku qaaday.

“Madaxweynaha wuxuu si cad u jecel yahay inuu ka faa’iideysto cabsida dadka. Wuxuu faafinayaa cudur naceyb ah meel kasta oo uu tago, waxaana isu soo baxyada uu qabanayo dhiiri-geliya cabsi,” ayey tiri Ilhaan oo la hadashay CNN.

“Waa cunsuri, sababtoo ah kama soo horjeedo soo-galootiga ee wuxuu kasoo horjeeda dadka aniga ii eg,” ayey tiri Ilhaan Cumar.

“Waxay noo sheegeysaa sida loo maamulo dalkeena. Maxaad ka sameysay dalkii aad ka timid. Waa side dalkaaga iminka. Waxay noo sheegeysa sida loo maamulo dalkeena,” ayuu Trump yiri habeenkii Talaadada isaga oo weeraraya Ilhaan.

Ilhaan ayaa sheegtay in weerarada Trump ay noqdeen kuwa qaabeynaya muuqaalka dadka Mareykanka, taasina ay tahay ceeb weyn.

Waxay sheegtay in doorashada madaxweynaha ee dhaceysa November ay noqon doonto mid dadka fursad u siisa inay jawaabaan. “Tani ma ahan wax aan nahay, tani ma ahan mabaadi’ida dadkii aas-aasay dalkan, tanina ma ahan sida aan dooneyno inuu dalkeena noqdo,” ayey tiri.

Ilhaan Cumar oo sidoo kale isla habeenkii Talaadada ka jawaabtay weerarka cusub ee uga yimid Trump, ayaa tiri “Marka koowaad, kani waa dalkeyga, waxaana ka mid ah Aqalka Wakiilada ee adiga kugu qaaday dacwaddii xil ka xayuubinta,” ayey tiri Ilhaan Cumar oo qoraal soo dhigtay barta twitter-ka.

“Marka labaad, waxaan kasoo qaxay dagaal sokeeye, aniga oo 8 sano jir ah. 8 sano jir ma maamulo waddan inkasta oo adiga aad dalkeena u maamusho sidaas oo kale.”

This post first appeared on Caasimada Online. Read the https://www.caasimada.net/ilhaan-cumar-oo-weerarkii-ugu-cuslaa-ku-qaaday-trump/original article

Related Articles

R/wasaaraha XFS oo ka tacsiyeeyay geeridii ku timid taliyhihii hore ee ciidamada Cirka Soomaaliya

Ra’iisulwasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xussen Rooble ayaa tacsi udiray dhammaan dadka Soomaaliyeed geeridii ki timid taliyhihii hore ee ciidamada cirka Soomaaliya Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, asxaabtii iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Gen.Khaliif Ciise Mudan. Marxuumku waxa uu ahaa muwaadin qiime badan oo qarankiisa ugu soo adeegay si daacad ah oo hagar la’aan ah. Waxaan Eebbe uga baryayaa in uu jannadii Firdows ka waraabiyo annagana uu samir iyo iimaan naga siiyo.

Askari Saqraansan oo Hooyadii iyo Dad badan oo Qoyskiisa ah ku laayey Magaalada Muqdisho (Warbixin)

Faahfaahin dheeraad aha ayaa kasoo baxeysa fal naxdin leh oo askari ka tirsan ciidamada dowladda ku laayey qoyskiisa, kadib markii uu Bam gacmeed ku qarxiyey. Askarigan oo lagu magacaabi jiray Nuuraaye ayaa la sheegay isagoo saqraansan inuu muran dhex maray qoyskiisa, kadibna uu Bam ku qarxiyey, markii Qorigii uu watay laga qaaday; waxaana qaraxa ku dhintay afar qof oo ay ka mid yihiin hooyadii Xaawo Gaabo, walaashiis iyo wiil uu dhalay, waxaana ku dhaawacmay 11 qof oo uu isagu ka mid yahay. Ad Falkan ayaa xalay fiidkii ka dhacay xaafadda Cali Kamiin ee magaalada Muqdisho, waxaana dhaawacyada iyo meydadka qoyskan la geeyay isbitaalka Jazeera, iyadoo laba ka mida la sheegay inay xaaladoodu liidato loo qaaday isbitaallo kale. Waa falkii ugu qasaaraha ugu badnaa ee hal qoys kasoo gaara askari ka mida ciidamada dowladda oo hadda la sheegay isagoo dhaawac ah inay gacanta ku hayaan ciidamada. Warar Xul ah

Stay Connected

21,078FansLike
2,452FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Madaxwayne Joe bidden oo Magacaabay Golihiisii Wasiiradda ee ugu Horreeyay

November 24, 2020 | Published by: yaska Madaxweynaha la doortey ee Mareykanka Joe Biden ayaa Antony Blinken u magacaabay in uu noqdo xog-hayaha arrimaha Debedda ee maamulkiisa cusub, Iyadoo uu isku dayayo in uu boorka ka jafo xidhiidhkii isbaheysigii Debadda ee Mareykanka, kaas oo uu dhabarka jeediyay madaxweyne Trump. Anthony Blinken ayaa ka mid ahaa saaxiibbada Joe Biden aad ugu dhow ee kala talin jirey arrimaha siyaasadda Debadda. Blinken oo ah 58 sano jir rug caddaa arrimaha siyaasadda dibadda ka soo shaqeynayay muddo labaatan sano ah, ayaa ku raacay Biden baahida loo qabo in mar kale Mareykanku uu hoggaamiyo doorka siyaasadda arrimaha dibadda, Taas oo is baddal ku keeneysa hab dhaqankii siyaasadda madaxweyne Trump ee ku dhisneyd Mareykanka ayaa koowaad ah, iyadoo gallaafatay isbaheysigii muddadaa dheeraa Mareykanka ee Galbeedka. Waxa magacaabista Blinken oo ay tahay inay senate-ka meel mariyaan sii dheer, in Biden uu magacaabay, sida ay warbaahinta u sheegeen kooxdiisa ka shaqeyneysa waqtiga kala guurka, laba sarkaal oo kale. Jake Sullivan, ayaa loo magacaabay in uu noqdo taliyaha ammaanka qaranka, halka Linda Thomas-Greenfield loo xushey inay noqoto danjiraha Mareykanka ee Q.M.

This post first appeared on Caasimada Online. Read the https://www.caasimada.net/ilhaan-cumar-oo-weerarkii-ugu-cuslaa-ku-qaaday-trump/original article