Thursday, November 26, 2020

Ian Wright Oo Sheegay In Uu Jeclaa Xiddig Man United U Ciyaara In Uu Ku Biiro Arsenal.

Halyeeyga Arsenal Ian Wright ayaa su’aal ka keenay go’aankii Manchester United ay kula soo saxiixatay Donny van de Beek isaga oo sheegay in uu xiddiga reer Holland ku soo bixi lahaa Kooxda Arsenal.

United ayaa soo qaadatay suuq adag xagaagan iyaga oo ku guulaystay in ay la soo saxiixdaan xiddigihii bartilmaameedka 1-aad u ahaa oo uu ugu horeeyo xiddiga Borussia Dortmund ee Jadon Sancho iyaga oo ugu dmabayn 40 milyan kula soo wareegay xiddigii hore ee Ajax ee Van de Beek.

Saxiixa Van de Beek ayaa ka farxiyay taageerayaasha United laakiin marka loo eego in uu xiddigu ka ciyaaro boosaska Paul Pogba iyo Bruno Fernandes waxa su’aal laga sababta ay United ula soo saxiixatay xiddig.

Wright ayaa sheegay in United lahayd boosas kale oo ay tahay in ay ka wal-walto waliba xoojiso halkii ay u dhaqaaqday Van de Beek oo ayna u baahnayn wakhti xaadirkan.

“Donny Van de Beek waa xiddig aan rajaynayay in uu u ciyaaro Arsenal”ayuu yidhi xiddigii hore ee Arsenal.

“Marka aad eegto Paul Pogba iyo waxa uu qabanayo, Bruno Fernandes iyo waxa uu qabto waa waxa uu qabtao Donny Van de Beek”

“Dadku waxa ay aaminsanyihiin in ay wada arki doonaan Van de Beek, Paul Pogba iyo Fernanades oo hal shax ka wada ciyaaraya laakiin uma malaynayo in ay dhacayso”.

Sii Akhriso: Somaliland & Puntland Oo Isku Hub Uruursanaya & Xiisad Dagaal Oo Ka Jirta Gobolka Sool.

Laacib.net

Related Articles

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed Oo Sheegay In Wajigii Ugu Dambeeyay Ee Ka Dhan Ah Waqooyiga Gobolka Tigreega Ay Qaadi Doonaan, Kadib Markii Uu...

November 26, 2020 | Published by: yaska Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed Ayaa Sheegay In Wajigii Ugu Dambeeyay Ee Ka Dhan Ah  Waqooyiga Gobolka Tigreega Ay Qaadi Doonaan, Kadib Markii Uu Dhammaaday Muddo 72 Sacadood Oo Loo Qabtay. Milatariga Itoobiya ayaa bilaabi doona wajigii ugu dambeeyay ee duullaanka ay ku qaadayaan waqooyiga gobolka Tigreega ee kacdoonka wada, ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ayaa ku sheegay bayaan uu soo saaray khamiistii saacado kadib markii uu dhamaaday waqtigii loogu talagalay in ciidamada Tigreega ay isku soo dhiibaan uu dhacay. “Muddadii 72-ka saac ahayd ee loo qabtay kooxdii dambiilayaasha ahayd ee TPLF inay si nabad galyo ah isu dhiibaan hada way dhamaatay, ololaheena sharci fulinta ayaa gaadhay heerkiisii ​​ugu dambeeyay,” ayuu ku soo qoray bartiisa Twitter-ka isaga oo raaciyay in shacabka la badbaadin doono isla markaana kumanaan dagaalyahanno ah ay mar hore is dhiibeen. Kumanaan kun oo qof ayaa durba la rumeysan yahay inay dhinteen waxaana jira burbur baahsan oo ka imanaya duqeymaha cirka iyo dagaalka dhulka tan iyo markii uu dagaalku billowday Noovember 4-teedi Qiyaastii 42,000 oo qaxooti ah ayaa u qaxay xadka dalka Suudaan.

Madaxweyne Geelle oo ka cabsi qaba in lasoo doorto Xildhibaano Al Shabaab maamulaan

Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in cabsi badan ka qabaan in doorashada la filayo in ay ka dhacdo Soomaaliya kusoo baxaan Xildhibaano si dadban u maamulaan kooxda Al Shabaab. Wareysi uu bixiyay Madaxweynaha Jabuuti ayuu ku sheegay in doorashada Xildhibaanada Soomaaliya kusoo bixi karaan Xildhibaano Al Shabaab si dadban u maamumaan maadaama uu xusay in ay iibsan karaan taageerada Xildhibaanada. ”Doorashada baarlamaanka Soomaaliya waxaa la filayaa inay qabsoonto sanadka 2021-ka, waxaan ka cabsi qabaa inay kusoo afjaranto doorashada xildhibaano si dadban ay u maamulaan Al Shabaab maadama ay gadan karaan taageerada qaar kamid ah xildhibaanada” ayuu yiri Madaxweyne Geelle. Walaaca Madaxwenaha Jabuuti ka qabo in doorashada Soomaaliya ayaa kusoo aadeysa xili Musharaxiinta u tartamaya kursiga Xildhibaan kaliya ay ka xigto inta badan in dhaqaalo ku bixiyaan ergada wax dooraneysa. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.comMuqdisho [email protected] - Advertisement - Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Previous articleWajigii ugu dambeeyay Howlgalka ka socda gobolka Tigrey oo bilowday iyo Taangiyo …

Stay Connected

21,102FansLike
2,454FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Sheekh Shariif oo si adag ula hadlay Madaxweyne Farmaajo una diray Fariin culus

https://www.youtube.com/watch?v=vM9Mfv6c-1Q

Paul Scholes: Anthony Martial Ma Ahan Weeraryahan Fiican Arintan Ayaana Cadayn U Ah.

Xiddigii hore ee khadka dhexe ee Manchester United Paul Scholes ayaa ku adkeysanaya in Anthony Martial uusan aheyn weeraryahan fiican xilli uu xiddiga reer...