Saturday, October 24, 2020

Houssem Aouar Oo Kashifay Qofkii Sababta U Ahaa In Uu Iska Diido Arsenal Iskana Sii Joogo Lyon.

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Lyon ee Houssem Aouar ayaa sheegay inuu doortay inuu sii joogo Lyon iskana diiday Arsenal xilli ciyaareedkan sababo la xiriira agaasimaha isboortiga Juninho.

Inkasta oo ay Arsenal dalab ka gudbisay saxiixa xiddiga Aouar hadana xiddiga ayaan kooxdiisa ku qasbin in ay ka iibiso kooxda Arsenal suuqii xagaaga.

Houssem Aouar oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”In badan ayaan la hadlay Juninho”.

“Waxa uu ii muujiyay kalsoonidiisa maalin walba, waxana farxad ii ah in aan la shaqeeyo maalin walba”.

“Isaga ayaa sabab u ahaa in aan hal xilli ciyaareed oo kale la sii joogo kooxda Lyon”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sii Akhriso: Ra’iisal Wasaaraha Somaliya Maxamed Xuseen Rooble Oo Kulan La Qaatay Safiirka Somaliya Ee Midowga Yurub & Waxyaabihii Uu Kala Hadlay.

Laacib.net

Related Articles

Marco Asensio Oo Kashifay In Uu Ku Dhawaaday Ku Biirista Barcelona.

Xiddiga Real Madrid Marco Asensio ayaa shaaca ka qaaday inuu ku dhawaaday inuu u saxiixo Barcelona ka hor kulanka El Clasico ee ugu horeeya xilli ciyaareedkaan. Xiddiga reer Spain ayaa Madrid ugu soo biiray isagoo 18-sano jir ah oo wacdarro dhiga 2014 kadib markii uu qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay kooxda Mallorca. Laakiin xiddiga ayaa haatan qirtay inuu si fudud ugu biiri karay kooxda ay sida weyn u xafiiltamaan Madrid ee Barcelona waliba maanta ka hor iman lahaa Madrid. Wareysiga uu siiyay AS, waxaa la weydiyay hadii ay run tahay inuu u saxiixi karay Barca, Asensio ayaa yiri: ‘Haa, waan kari lahaa, sidoo kale kooxo kale. “Waxa mar walba jiray kooxo waaweyn oo xaaladaada wax kaa waydiinaya, markii aan ku biiray Real Madrid wax walba waxa ay u dheceen si deg-deg ah”. “Marka ay fursadaasi is muujiso waa wax aan macquul aheyn in la yiraahdo maya”. Sii Akhriso: DEG-DEG: Baarlamaanka Somaliya Oo Ansixiyay Xukuumadii Uu Soo Dhisay Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble

Baarlamaanka Soomaaliya Oo Ansixiyey Xukuumada Rooble

Kulan ay maanta xaruntooda KMG ee Villa Hargeysa ay ku yeesheen mudanayaasha golaha shacabka, uuna shir gudoominayey gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan ayaa raysal wasaaraha xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble waxaa uu golaha horkeenay xukuumadiisa, isagoo waydiistay in ay kalsoonida siiyaan.Raysal Wasaare Rooble ayaa xusay in xukuumaddiisu ay diiradda saari doonto dardargalinta hawlaha doorashada, amniga goobaha doorashadu ka dhacayso, la dagaalanka cudurka Covid-19, adeegga bulshada, cadaaladda iyo dawlad wanaagga. Sidoo kale Xukuumadda ayuu xusay inay mudnaan gaar ah siindoonto ilaalinta xuquuqul insaanka, gaar ahaan difaaca Haweenka iyo carruurta, iyadoo la xoojinayo wada-shaqaynta hay’adaha u xilsaaran difaaca dhibanayaasha. “Xukuumadda oo kaashaneysa Dowladaha Xubnaha ka Ah DF, waxay dardar-gelinaysaa dadaallada dhammaystirka dib-u-eegista Qorshaha Amniga ee xilligan muhiimka ah. Waxa aan shaki ku jirin in fulinta qorshahan uu siin-doono shacabka, hay’adaha dowladda iyo ciidamada amnigu fursad ay si wadajir ah u sugayaan xasilloonida iyo nabadda dalka”. RW Rooble Mudanaayasha golaha shacabka ayaa codka kalsoonida u qaaday xukuumadda cusub, waxaana ogolaaday 188-mudane, mana jirin cid ka aamustay ama diiday, sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan. Golaha wasiirada oo ka kooban 27-wasiir, 17-wasiir dawle iyo 26-wasiir ku xigeen oo uu Ra’iisal wasaaraha dalka magacaabay 19-kii bishan ayaa lagu hor dhaariyey golaha shacabka, waxaana ay dhawaan xubnaha ku cusub xukuumaddu ay la wareegi doonaan xilal kooda. Ugu dambayn Raysalwasaare Rooble ayaa uga mahadceliyey golaha shacabka ansixinta xukuumadda iyo barnaamijkeeda, si ay u gutaan shaqooyinka adag ee laga sugayo, isagoo tilmaamay in Xukuumaddiisu ay mudnaan gaar ah siin doonto wax ka qabashada xadgudubyada ka dhanka ah qeybaha bulshada ee nugul. Horseed Media

Stay Connected

20,901FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Guddoomiye Maxamed Mursal “Xukuumadaan Cusub Waxaa Looga Fadhiyaa Qabsoomidda Doorasho Waqtigeeda Ku Dhacda”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh oo ka hadlay ansixitan xubnaha cusub iyo Qorshaha Golaha Xukuumadda ayaa sheegay in kukuumadaan cusub looga fadhiyaa qabsoomidda doorasho waqtigeeda ku dhacda. Daawo Hadal Jeedintii Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Goobjoog News

Ra’iisul Wasaare Rooble oo uga mahadceliyey Xildhibaanada ansixinta Golaha iyo Qorshaha Xukuumadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo Golaha Shacabka horgeeyey xubnaha cusub iyo Qorshaha Golaha Xukuumadda ayaa xusay in barnaamijka Xukuumaddu ay saldhig u yihiin arrimaha hortabinta u leh dalka oo ay ugu horreyso qabsoomidda doorashooyinka, adkeynta amniga, horumarinta caddaaaladda, dowlad-wanaagga, kordhinta adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay wadajir ugala shaqeynayso Dowladaha Xubnaha ka ah DF iyo shacabka Soomaaliyeed suggida aminga xilliga Doorashadda, Iyadoo laga amba-qaadayo go’aanadii ka soo baxay shirarkii Samareeb iyo midkii ka danbeeyey ee Golaha Wadatashiga Qaranku ay ku heshiiyeen Muqdisho, 17kii Sebtember 2020, laguna qeexayay qaabka doorashooyinka, ergooyinka, deegaan doorashada, qoondada haweenka iyo in ay doorashooyinku ay ku dhacaan waqtigooda. “Xukuumadda oo kaashaneysa Dowladaha Xubnaha ka Ah DF, waxay dardar-gelinaysaa dadaallada dhammaystirka dib-u-eegista Qorshaha Amniga ee xilligan muhiimka ah. Waxa aan shaki ku jirin in fulinta qorshahan uu siin-doono shacabka, hay’adaha dowladda iyo ciidamada amnigu fursad ay si wadajir ah u sugayaan xasilloonida iyo nabadda dalka”. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa uga mahadceliyey Golaha Shacabka ansixinta Xukuumadda iyo barnaamijkeeda, si ay u gutaan shaqooyinka adag ee laga sugayo, isagoo tilmaamay in Xukuumaddiisu ay mudnaan gaar ah siin doonto wax ka qabashada xadgudubyada ka dhanka ah qeybaha bulshada ee nugul. Daawo Hadal Jeedintii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya  Goobjoog News