Thursday, October 22, 2020

Hooyo kufsi iyo dil loogu geystay Burco walaalkeed oo sharraxay waxa dhacay

13 Daqiiqadood ka hor

Hooyo saddex carruur ah lahayd ayaa kufsi iyo dil loogu geystay magaalada Burco ee ka tirsan Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland. Haweeneydaas walaalkeed ayaa BBC-da uga warramay sida ay wax u dhaceen iyo tallaabada ay qaadeen.

Cabdinaasir Cali Cabdullaahi ayaa sheegay in meydka walaashiis – oo lagu magacaabi jiray Ugbaad Cali Cabdullaahi – uu yaallo isbitaalka weyn ee magaalada Burco.

“Waxa kaliya ee aan codsaneyno waa in xukuumadda Somaliland, oo uu madaxweynuhu ugu horreeyo, ay caddaalad na siiyaan. Arrintaas caddaalad ayaan ka rabnaa, ninkaa dilka geystay ee eedesanaha ah waxaannu dooneynaa in sharciga naloo mariyo sida ugu dhakhsiyaha badan leh oo aan xabsiga loogu heynin sida dadka hore ee dilalka u xidhan.” Ayuu yidhi.

Isagoo ka warramaya dhibaatadii loo geystay haweeneydaas ayuu yidhi: “Gabadha madaxa ayaa laga dilay, gidaarka ayaa madaxa loola dhacay, kaddib maskaxdii ayaa duntay, dhaawacaas madaxa ka gaadhay ayeyna u dhimatay.”

Booliska Soomaaliland ayaa baadhitaan ku wada dhacdadan oo argagax galisay shacabka.

Ninka falkan lagu eedeeyay, oo aan magaciisa la shaacinin, ayaa lagu soo warramayaa inuu isagu isgeeyay saldhigga dhexe ee booliska magaalada Burco kaddib markii ay musiibadan dhacday.

Graphic depicting violence

Lama oga sababta keentay kufsiga iyo dilka loo geystay hooyadaas iyo xidhiidhka ka dhaxeeyay labada qof.

Cabdinaasir ayaa beeniyay warar sheegayay in uu socdo dadaal kiiskan loogu dhameynayo qaab xeer hoosaad ah.

“Arrin ku saabsan xeer Soomaali waxba kama jiro, cid aan is aragnayna ma jirto oo aan ka ahayn ciidanka nabadgalyada ee kiiskan gacanta ku haya, waxaana mar labaad codsaneynaa in gabadhaas ay caddaalad hesho.” Ayuu sii raaciyay.

Muddooyinkii lasoo dhaafayba waxaa soo badanayay falalka kufsiga iyo dilka isla socda ee ka dhacayay deegaanno ka tirsan dhulka Soomaalida.

Dhacdadii ugu dambeysay ee wali aan kasii bixin dhagaha shacabka Soomaaliyeed waxay ahayd tii dilka loogu geystay gabar ka mid ahayd ardayda Muqdisho.

11-kii bishii September ayaa lasoo tabiyay in gabadhaas la kufsaday islamarkiina dabaq laga tuuray, halkaasoo ay ku geeriyootay.

Marxuumadda oo lagu magacaabi jiray Xamdi Maxamed Faarax ayaa ahayd 20 jir.

.

Baadhitaanka la xidhiidha falkaas ayaa ka socday Muqdisho, boolsiaka ayaana gacanta ku dhigay nin lagu sheegay inuu ahaa eedeysanaha ugu muhiimsan kiiskaas kufsiga iyo dilka ah.

Dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee qabsaday baraha bulshada Soomaalida waxay u badnaayeen kufsi wadareed iyo dil ku lammaansan.

Mid ka mid ah falalkii kufsiga ee ugu hadal-heynta badnaa Soomaaliya wuxuu ka dhacay Puntland, inkastoo dil toogasho ah lagu fuliyay eedeysaneyaashii tacaddigaas loo heystay qaarkood.

RADIO BANAADIR

11-kii biihii Februry, waxaa Puntland lagu toogtay labo nin oo ka mid ahaa rag lagu helay dambi ah inay kufsi iyo dil u geysteen gabar yar oo lagu magacaabi jiray Caa’isha Ilyaas Aadan.

Raggan ayaa falka kufsiga iyo dilka ah magaalada Gaalkacyo ka geystay horaantii sanadkii hore ee 2019-kii.

Caaisha oo 12 jir ahayd ayaa meydkeeda laga helay afaaka hore ee gurigooda, waxaana falkaas uu dhaliyay caro aad u ballaaran.

Nin saddexaad oo ka mid ahaa eedeysaneyaasha, horayna dil loogu xukumay ayaa markii dambe lasii daayau.

This post first appeared on BBC Somali - Somali. Read the http://www.bbc.com/somali/war-54505152original article

Related Articles

Wasiir Kedis Maanta Kormeer ugu sameeyey Dekada Muqdisho & Wuxuu soo arkay

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Wasiirka Maaliyada Xukuumada Federaalka Soomaaliya C/Raxmaan Ducaale Beyle Iyo Xubno Katirsan Guddiga Maaliyada Gobolka Banaadir ayaa Maanta Gormeeray Dekada Weyn ee Caasimada Dalka ee Muqdisho. Wasiirka Iyo Xubnaha kuweheliyey Kormeerka ayaa Indho indheyn kutagay Bakhaarada Keydka iyo Goobaha Baakinada Dekada iyagoo Mid Mid U Kormeeray Xafiisyada Dekada Xamar. Shirkada Turkida ee Albeyrak ayaa maamusha Dekada Muqdisho iyadoo dhaqaale badan kasoo xaroodaan dekadaasi. Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp

Jarmalka oo ogolaadey dhaqaalihii lagu dhisi lahaa wada Garowe Gaalkacyo

Dowlada Jarmalka ayaa dib u fasaxdey dhaqaalihii lagu dhisi lahaa wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Garowe.Dhaqaalahaan ayaa la joojiyay kadib markii ay Musiqmaasuq ku sameeyeen Xubno ka tirsanaa Xukuumadii Madaxweyne Gaas, waxaana bilihii u dambeeyay socdey wadahadal u dhexeeyey Puntland iyo Jarmalka. Dowlada Puntland ayaa hada buuxisay sharuudihii ay Dowlada ajarmalku ku xirtay Xukuumada Madaxweyne Deni. Jarmalku waxay kaloo hada balan qaadeen Dhaqaale gaaraya 30 Milyan oo Puntland looga caawinayo dhanka Caafimaadka. Puntlandi.com Garowe

Stay Connected

20,891FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Wasiir Kedis Maanta Kormeer ugu sameeyey Dekada Muqdisho & Wuxuu soo arkay

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Wasiirka Maaliyada Xukuumada Federaalka Soomaaliya C/Raxmaan Ducaale Beyle Iyo Xubno Katirsan Guddiga Maaliyada Gobolka Banaadir ayaa Maanta Gormeeray Dekada Weyn ee Caasimada Dalka ee Muqdisho. Wasiirka Iyo Xubnaha kuweheliyey Kormeerka ayaa Indho indheyn kutagay Bakhaarada Keydka iyo Goobaha Baakinada Dekada iyagoo Mid Mid U Kormeeray Xafiisyada Dekada Xamar. Shirkada Turkida ee Albeyrak ayaa maamusha Dekada Muqdisho iyadoo dhaqaale badan kasoo xaroodaan dekadaasi. Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp

Jarmalka oo ogolaadey dhaqaalihii lagu dhisi lahaa wada Garowe Gaalkacyo

Dowlada Jarmalka ayaa dib u fasaxdey dhaqaalihii lagu dhisi lahaa wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Garowe.Dhaqaalahaan ayaa la joojiyay kadib markii ay Musiqmaasuq ku sameeyeen Xubno ka tirsanaa Xukuumadii Madaxweyne Gaas, waxaana bilihii u dambeeyay socdey wadahadal u dhexeeyey Puntland iyo Jarmalka. Dowlada Puntland ayaa hada buuxisay sharuudihii ay Dowlada ajarmalku ku xirtay Xukuumada Madaxweyne Deni. Jarmalku waxay kaloo hada balan qaadeen Dhaqaale gaaraya 30 Milyan oo Puntland looga caawinayo dhanka Caafimaadka. Puntlandi.com Garowe

Tuhun ka dhashay Guddi soo jeediyay in Kenya Ra’isul Wasaare yeelato iyo Ruto oo kahor yimid

- Advertisement - Guddi-hawleed Kenyan ah ayaa Arbacadii shaaca ka qaaday talooyin la xiriira isbeddelo lagu sameeyo dastuurka dalka, taasi oo ay qeyb ka tahay in la abuuro jagada ra’iisul wasaraaha, si loo yareeyo rabshdaha siyaasadeed. Warbixin muddo la sugayey, oo loo gudbiyey madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo ninkii ay loolami jireen ee ay hadda xulufada noqdeen ee Raila Odinga, ayaa guddi-hawleedka waxay ku shaaciyeen natiijada wada-tashiyo ay wadeen laba sano, oo la xiriiray sidii loo xoojin lahaa midnimada dalka, loogana baaqsan lahaa rabashadaha hareeyey doorashooyinkii hore. Talooyinka kama dambeysta ah ee hindisahan loogu magac daray BBI, ayaa ka dhashay heshiis lama filaan oo dhex-maray Kenyatta iyo Raila Odinga, balse uu kasoo horjeestay madaxweyne ku-xigeenka William Ruto, oo hadda u muuqda mid gees loo riixay. Hindisaha BBI ayaa dhaliyey tuhuno ku saabsan in Kenyatta iyo Odinga ay dhidibada u taagayaan isbaheysi cusub oo ay ku galaan doorashada xigta. Ka sokow hindisooyinka ay soo jeediyeen guddiga ee la xiriira horumarinta hanaan doorasho oo dhex-dhexaad ah, waxay sidoo kale ku taliyeen in la abuuro jagada ra’iisul wasaaraha iyo laba ku-xigeen. Waxay sidoo kale ku baaqeen in musharaxa kaalinta labaad ka gala doorashada madaxweynaha loo aqoonsado hoggaamiyaha mucaaradka. Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa xildhibaanada xisbiga haysta aqlabiyadda Golaha Qaranka kasoo xulaya madaxweynaha, wuxuuna kala shaqeynayaa dhismaha xukuumadda, sida lagu yiri warbixinta. Kenyatta uma tartami karo xilka madaxweynaha markii saddexaad 2022, waxaana isku daygiisa la xiriira isbedello la sameeyo, oo uu kala shaqeynayo Odinga, ay abuureeen tuhuno ku saabsan in labada nin ay raadinayaan inay wadaagaan awoodda. Kenyatta ayaa ku gacan seeray tuhunadan, sidoo kalena Odinga ayaa ku qeexay “dacaayad. Xigasho VOA Xafiiska Shabakada Allbanaadir.comMuqdisho [email protected] - Advertisement -

Xakamaynta Shilalka Xawliga Xawaaraha gaadiidka Wadada Macalin Haaruun.

October 22, 2020 | Published by: yaska KU: WASIIRKA H. GAADIIDKA IYO WADOOYINKAKU: TALIYAHA CIIDANKA BOOLIISKA JSLKU: MAAYARKA MAGAALADA HARGEYSAKU: TALIYAHA CIIDANA NABADGELYADA WADOOYINKA.KU: GUDDOOMIYAHA XAAFADA MACALIN HAARUUNOG: GUDOOMIYAHA GUDDIDA A. BULSHADA EE G. WAKIILADDA.OG: WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA JSL. UJEEDDO: CODSI IN DEGDEG WAX LOOGA QABTO KHATARTAHALISTA GADIIDKA XAWAARAHA DHEER KUMA XAAFADAMACALIN HAARUUN. OO AAN KA FOGEYN TALISKA C.NWADOOYINKA. Waxaan Masuuliyiinta Kor Ku Xusan, Ee Sharaf, Qiimaha Iyo Milgaha leh Xusuusunayaa, Kana Codsanaynaa, In Wax Laga Qabto, Xal deg-dega ahna loo helo Shilalka Dhimashada, Dhaawaca, iyo Halista joogtada ahku ah bulshadeena , waxay sida badan ka dhacaan, Waddada Bariga Hargeysa Xaafada Macalin Haaruun (Waddad Berbera) Waxaa shilalal kaas aafada ah Geysta Baabuurta noocyadooda kal duwan oo ay uban yihiin Booyadaha , Iska Rogooyinka, Iyo Qaadka Oo Ku Socda Xawaare 100 kmpka badan, inta u dhexeysa k a bilow Kaalinta Faraska Ilaa Iskuulka Kuweytiga. Waa deegsiimo ay ku noo shahay Bulsho 40,000 Kun gaadheysa. Culimada odayaasha iyo waxgaradka xaafadu muddo sanado ah ayay ka hadlayeen halistaas taagan ee u baahan in lagufeeyo taaso cidkasta oo waxka qabata if iyo aakhiroba liibanayso. Jiidaas Xawaraaha xad dhaafka ah gaadiidku ku maro waxa Ku Yaal Iskuulo, Cusbitaalo, Hoteelo Hurdo iyo Cunto, Masaajido Waaweyn, Kaalmo Shidaal, Makhaayado, Malcaamado Iyo Goobo kumanaan Caruurta Yaryari Ku Ciyaaraan. Badbaadadeeuna Dhamaanteen way ina saran tahay haba u horeeyaan Masuuliyiinta Hayadaha Kor Ku Xusani IWaajibaad iyo Xaqa ina fuulay waxaa Kow Ka ah Sidii Loo yarayn lahaa halista khatartaas. Iyo in Laga Hortago Shilalka Gaadiidka Ee Dhimashada ku keeni kara nolosha Dadweynaha ee uu sababa xawaaraha daralku ogaan ugu ka xeeyo baabuurka. Waxaa kale oo xusid muddan in Arintani Sigaara U Khusaysaa Taliska Booliiska Gaar Ahaan Laanta Nabadgelyada Wadooyinka Iyo Maayarka Caasimada Xoghayihiisa Iyo Gudoomiyaha Macalin Haaruun Ee Aagaas.Waxaa Soo Raaca Wasaaradda Gaadiidka. Waxaanu xal u araganaa oo codsnaynaa1. In Degdeg loo dhigo Tuuro/Askari jiifa oo Lagu XakamaynayoXawaaraha Gaadiidka (Speed hump reduce speed 15-20kph) IntaU Dhexaysa Kaalinta Shidaalka Faraska, Masaajidka Tabliiqiga,Kaalinta Najax, Saraar Hotel, Kaah Hotel Ilaa Iskuulka Kuweyt.Waxaa ugu haboon in la sameeyo Tuuro waaweyn oo la mid ahkuwa xawaaraha dhima ee laga sameeyey Abaarso, Carro yaambo,iyo Arabsiyo. Waa hubaal inay shilka hoos u dhoigayso 90%.(Speed humps are used for reduce speed in 15-20kmp speedzones such as residential, hospitals schools and public area). 2. Waa in Wadaha Baabuurka ee Xawaaraha dheer ku socda KuMutaysto Xadhig Aan Iib Lahayn haduu 15-30mph ka batomagaalada gudaheeda (Criminal Speed face Jail/extreme-speedoffence,” Reckless Driving” Dangerous driving). 3. In Ciidanka Ilaalinta Nabad Gelayada Wadooyinku In Ay GacanAdag Ku Qabtaan Wadayaasha Xawaaraha Badbaadada HalistaKu Ah In La Xidho. Iyo Kuwa Wadooyinka Sida Khaldan Umaraya. 4. In Wadayaasha Baabuurta dadweynaha Basaska iyo TagaasidaCaasimada loo sameeyo qoshe cilmi ku dhisan oo khubaro sidagaadiidka loo maamulo aqoon u leh loo raadiyo lana joojiyo 2000Bus ee suuqa baakinka ka dhigtay. 5. In la helo muhindisyo takhasusus u leh habka socodka gaadiidka(Transportation Engineers) oo ah khibrad iyo aqoon u gaarabaahidaas, yaraynta sumxada gadiidka iyo hanaanka dariiqyadaloo maro (way to reduce traffic jams, ). 6. In Magaalooyinka gudahooda loo sameeyo Calaamadahabaabuura kala haga oo Hargeysa 1 ka tahay. Arrinkan lama xidhiidho siyaasad. Waa badbaado shacab inaynu waxqabanayno aan rajaynayo. shaib mohamed [email protected]

This post first appeared on BBC Somali - Somali. Read the http://www.bbc.com/somali/war-54505152original article