Friday, October 23, 2020

Heshiiska doorashada oo wadajir loo horgeyn doono Labada Aqal ee Baarlamaanka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada wadajir ula kulmay Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka oo muddooyinkii u dambeeyay khilaaf u dhaxeeyay.

Kulankan ayaa looga hadlayay sidii labada aqal ay wadashaqeyntooda dib u soo celin lahaayeen, isla markaana meesha looga saari lahaa mad-madowga u dhaxeeyay.

Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ayaa la sheegay inay ka shaqeeyeen sidii labada Guddoon khilaafkooda loo xalin lahaa, waxaana ay qeyb ka aheyd waxyaabihii looga hadlay shirarkii Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda dowlad Goboleedyada ku dhex maray Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ay wadajir ugu ansixin lahaayeen Heshiiska hannaanka doorashada ee ay Muqdisho ku gaareen Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada.

Wararka ayaa intaa in maalinta Sabtida la horgeyn doono labada Aqal, ayna u ansixin doonaan wadajir ah, si heshiiska doorashada u dhaqan galo.

Madaxda dowlad goboleedyada ayaa dadaal badan ugu jiray sidii loo ansixin lahaa heshiiska doorashada, iyagoo go’aansaday in aanay Muqdisho ka tagin illaa Baarlamaanka labada Aqal ka ansixiyo heshiiskaas.

The post Heshiiska doorashada oo wadajir loo horgeyn doono Labada Aqal ee Baarlamaanka appeared first on Jowhar Somali news Leader.

Related Articles

Ronald Koeman Oo War Fiican Ka Helay Tababarka Ka Hor Kulanka El Clasico.

Tababaraha Kooxda Barcelona ee Ronaldo Koeman ayaa war fiican ka helay Tababarka Kooxdiisa Ka Hor Kulanka Real Madrid ee Sabtida. Kooxda Barcelona ayaa Marti Galin...

Galmudug oo magacawday Guddiyada Doorashooyinka iyo Hirshabeelle oo weli gudbin (Akhriso)

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa gudbiyay xubnaha Galmudug ku matalaya guddiga doorashooyinka iyo guddiga xallinta Khilaafaadka ee heer Federaal. C/casiis Cabdiraxmaan Yuusuf iyo Liibaan Axmed Xasan, ayuu madaxweyne Qoor Qoor u xushay labada xubnood ee guddiga doorashooyinka Soomaaliya ku matalaya Galmudug. Ad Dhinaca kale Garaad Yuusuf Maxamuud iyo Mustaf Macallin Cali Salaad, ayuu ku qoray xubnaha Galmudug ku matalaya  guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka ee heer Federaal. Galmudug, Koonfur Galbeed, Jubaland iyo Puntland, ayaa gudbiyay xubnaha ku matalaya guddiyada doorashooyinka iyo xallinta khilaafaadka heer Federaal, waxaana harsan Hirshabeelle oo keliya. Warar Xul ah

Xiliga codka kalsoonida loo qaadayo Golaha Wasiirada cusub oo la shaaciyey

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp - Advertisement - Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maalinta beri oo Sabti ah taariikhduna ku beegan tahay 24/10/2020 waxaa lagu wadaa iney Xarunta Villa Hargeysa ku yeeshaan kulan aan caadi aheyn. Ajandaha Kulanka Beri ayaa waxaa uu yahay u codeynta Xukuumadda Cusub ee uu dhawaan soo Magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Barnaamijka Xukuumadda sida lagu sheegay qoraal kooban oo ay baahisay qeybta warfaafinta ee golaha shacabka. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya 19-kii bishan Magacaabay golihiisa Wasiirada, kuwaasoo hadii la ansixiyo aan waqti badan u heysan inay Shaqada laga sugayo qabtaan, maadaama waqtiga xil heynta Hay’adaha dowladda uu yahay geba-gabo lana gelayo doorashooyin. Madaxweyne Farmaajo ayaa horey uga codsaday golaha shacabka iney ansixiyaan xubnaha cusub ee golaha wasiirada, si ay u dhameystiraan mudada xil heynta dowlada oo dhowr bilood ayka hartay, una taaba geliyaan hanaanka doorashooyinka dalka. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.comMuqdisho [email protected] - Advertisement - Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Previous articleTrump iyo Biden oo yeeshay dood kulul oo aan waxba la iskula harin (Sawirro)

Stay Connected

20,896FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Xubnaha golaha deegaanka Galkacyo oo tababar ku saabsan doorashada loo soo xiray+Sawirro

Tababarkaan oo ay soo agaasintay hay’adda dimuquraadiyada iyo doorashooyinka Afrika ee Eisa ayaa maanta jimco waxa ay tababar ku saabsan qaabka doorashada usoo xirta xubnaha cusub ee golaha deegaanka dagmada galkacyo kuwaasi lagu barayay qaabka ay wax u dooranayaan. Tababarkaan ayaa inta uu socday qaab tijaaba ah loo sameynay qaabka wax loo doorato si kor loogu qaado nidaamka doorashada iyo sharuudaha looga baahanayahay. Xubahahaan ayaa markii ay soo gabagabowday ay la hadleen warbaahinta waxaana ay sheegeen inay waxbadan ka faa’ideen kana heleen qibrad ay wax ku dooran karaa. Xubnahaan oo ka koobnaa 27 ayaa shalay lagu dhaariyaya magaalada galkacyo kuwaasi oo ka kooban rag iyo haweenka waxaana wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug ay xoogga saareysaa si nidaam hufan oo cadaalad ah looga dhisi laha golaha deegaanka Galkacyo.

Golaha Wasiirada Cusub oo loo waysan yahay Kooramka Baarlamaanka si Cod ka kalsoonida loogu qaado, maxay tahay sababtu

Raysal wasaare Rooble wuxuu soo magacaabay Golihiisa Wasiirada oo ka kooban todobaataneeye Xubnood, kuwasoo haysta ilaa bisha Feberaayo 2021 inay adeegaan.Inay xafiisyadooda la wareegaan waxaa ka horeeya in ay helaan codka kalsoonida ee Xildhibaanada, Raysal wasaaruhu wuxuu maalmihii lasoo dhaafay ku mashquulsanaa inuu wakhti ka helo Baarlamaanka si uu u horkeeno Xukuumadiisa. Caqabadaha hortaagan in Wasiirada cusub la Ansixiyo ayaa sida ay Warbaahinta Puntlandi.con ay xogta ku hayso waxay tahay Xildhibaanadii oo ay adkaatay in la isu keeno. Maadaama ay soo dhowdahay Doorashadii Baarlamaanka isla markaasna kursi walba ay u tartamayaan Shaqsiyaad badan ayaa keeneentay in Xildhibaanadii ay u ordaan Deegaanadii lagasoo doortay si ay kursigooda u xagsadaan. Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal ayaa maalmahaan wuxuu waayay kooram u codeeya Wasiirada cusub( Tirada Xildhibaanada ee u codeyn karta). Sida aan xogta ku hayno ugu banaan 50 Xildhibaan ayaa hada Muqdisho ku sugan. Puntlandi.com Muqdisho