Tuesday, November 24, 2020

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka oo la kulantay safiirka dalka Sweden

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaciil (Xaliimo yareey) ayaa maanta xafiiskeeda kula kulantay safiirka Dawladda Sweden ee Soomaaliya Amb. Staffan Tillander.

Kulankan ayaa Safiirka iyo Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka waxa ay ugaga hadleen xaaladihii u dambeeyay ee arrimaha doorashooyinka Soomaaliya iyo isbadelladii dhacay maalmihii la soo dhaafay maadaama dalka uu galayo waqti doorasho.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in sidoo kulankan loogaga hadlay geedi socodka dimoqaraadiyadeynta Dalka iyo tageerada Sweden ay ka gaysanayso dhismaha iyo tayeynta Guddiga Madaxabannan ee Doorashooyinka Qaranka oo aasaas u ah geedi-socodka hanaan doorasho oo dimoqoraadi ah oo ka qabsooma Soomaaliya mustaqbalka.

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Related Articles

Hees Baroordiiq ah geerida naxdinta leh ee Jeneral Khaliif Ciise Mudan

ALLAAH HA U NAXARIISTE GEESI SOMAALI KA BAXAY BUU AHAA.Halkan ka dhagayso Heestii : Waa DUNI AAKHIR SAMAAN. [embedded content]

Xog: Muudey oo cafis ka dalbaday Xasan Cali Kheyre kadib qirasho uu sameeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Cabdiweli Ibraahim Muudey oo shalay ka qeyb galay shirkii musharaxiinta xilka madaxweynaha uga socday magaalada Muqdisho, ayaa ka garaabay xil ka tuuristii Xasan Cali Kheyre. Muudey ayaa cafis ka dalbaday Xasan Cali Kheyre, isaga oo qirtay inuu isagu ka dambeeyay fulinta qorshihii lagu riday xukuumaddii uu hogaaminayey, sida ay xubno goob joog ah u sheegen Caasimada Online. Waxa uu shirkaasi oo albaabadu u xirnaayen uga waramay qaabkii uu u dhacay abaabulkii uu baarlamaanku kalsoonida ugala laabtay xukuumaddii Kheyre, isagoona xusay in qorshahaasi uu intiisa badan lahaa. Xasan Cali Kheyre ayaa cafiska uu ka dalbay Cabdiweli Muudey ku aqbalay shirkii shalay oo uu goob joog ka ahaa Guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Mursal Sheekh. Muudeya ayaa ugu dambeyntiina ka dhawaajiyey in Kheyre ay u wanaagsaneyd in xilka laga qaado marka loo fiiriyo xaalka uu xiligan taagan yahay dalka, maadama uu wajahayo doorasho ay ku xeeran yihiin dareeno badan. Dhawaan ayey aheyd markii sidan oo kale uu Xasan Cali Kheyre ka garaabay weerarkii 17-kii December 2017 ay ciidamo ka tirsan dowladda ku qaadeen guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, isagoona raali-gelin buuxda ka siiyey arrinkaasi. Cafiska Muudey ayaa sidoo kale u muuqda mid qeyb ka ah is-laab-xaadhashada siyaasiyiinta, maadama xiligan la isku diyaarinayo doorasho, midaasi oo ay ku kala aragti duwan yihiin mucaaridka iyo madaxda u sareysa dalka.

R/W Rooble oo kormeer ku tagay xero Milatari oo ay maamusho dowlada Ingiriiska (Sawirro)

Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray qeybta lixdamaad ee Ciidanka Xoogga dalka iyo Dugsiga tababarka Ciidanka Xoogga Dalka ee ay maamusho dowladda Ingiriiska. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa warbixinno ku saabsan qaabka iyo noocyada tababarrada ay bixiyaan ka dhageystay saraakiisha maamusha xerada. waxuuna uga mahadceliyey taageerada ay la garab taagan yihiin dowladda, gaar ahaan dhismaha ciidamadda qaranka. Mudane Rooble ayaa kormeeray xarunta qeybta lixdamaad ee Ciidanka Xoogga dalka, isagoo warbixin ka dhageystay Taliyaha qeybta. “Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed waa naftood hurayaal u taagan difaaca dalkooda, qof walba oo Soomaaliyeed waxuu ku jiifo waa dhiigiina aad huraysaan, waaan idin leeyahay hambalyo, anaguna waan idinku garab taagannahay mar walba sidii aad dalkaan uga saari lahaydeen argagixisada”. Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee xarunta Ciidanka Xoogga dalka ee qeybta lixdanaad oo dhowaan dib-u-dhis iyo qalabayn lagu sameeyey, waxuna ku boggaadiyey saraakiishii uu kula kulmay howlaha muhiimka ah ee ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday dhaawacyada ciidanka ee ku wax yeeloobay dagaallada ay kula jiraan kooxaha argagixisada ah, isagoo Alle uga baryey inuu siiyo caafimaad. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.comMuqdisho [email protected] - Advertisement - Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Previous articleAskari Hooyadiis iyo xubno kale oo Qoyskiisa kamid ah ku laayay Muqdisho

Stay Connected

21,078FansLike
2,452FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Xog La Yaab Leh: Waa Kuwee 14-ka Xiddig Ee Liverpool U Ciyaara Ee Aan Wax Guuldaro Ah Kala Kulmin Anfield.

Kooxda Liverpool ayaa shaki la’aan ka mid ah kooxaha ugu fiican yurub labadii sano ee ugu dambeeyay. Kadib 4 sano oo uu soo dhisayay kooxda Jurgen Klopp ayaa mar kale Liverpool ka dhigay koox laga cabsado yurub. Tababaraha reer Germany ayaa Reds ku hogaamiyay horyaalka kadib 30 sano waxna ay xilli ciyaareedkan u dagaalamayaan in ay difaacdaan horyaalka. Klopp iyo Liverpool ayaa dhawaan u dabaal dagay rikoodh cajiib ah kadib markii aan Reds laga badin 64 kulan oo ay ku ciyaareen Anfield Horyaalka premier League. Labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay garoonka Anfield ayaa ahaa garoon ay adagtahay in guul lagala yimaado gaar ahaan horyaalka premier League. Xaqiiqad ayaana ah in aan Liverpool looga badin garoonkeeda 3 sano iyo iyada oo guuldaradii ugu dambaysay ee Anfield ka soo gaadha premier League ahayd April 2017 markaas oo ay guuldaro kala kulmeen Crystal palace. Tan ilaa wakhtigaas Reds ayaa guul gaadhay 53 kulan oo ka mid ah 64 kulan oo ay ku ciyaartay garoonkeeda Anfield. Waxa intaas sii dheer in ay jiraan 14 xiddig oo kooxda Liverpool ah kuwaas oo aan wax guuldaro ah kala kulmin Anfield ilaa haatan intii ay joogeen kooxda Liverpool horyaalka premier League. Xiddigahaas ayaa kala ah: Alisson Becker, Adrian, Virgil van Dijk, Andy Robertson, Fabinho, Alex Oxlade-Chamberlain, Naby Keita , Xherdan Shaqiri, Sadio Mane, Mohamed Salah, Taki Minamino, Neco Williams, Curtis Jones & Diogo Jota

Saraakiil ka tirsan Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida oo gaaray Doolow “SAWIRRO”

Sarakiil ka tirsan Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta garay Degmada Doolow ee Gobalka Gedo. Sarakiisha maxkamadda waxa hogaminayay Guddomiyaha Maxkamadda Qeybta 27aad Gaashaanle Maxamed Amiin Cabdule Aadan, waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Maamulk Degmada, Saraakiil ka tirsan ciidamada iyo xubno kale. Wafdiga ka socda Maxkamadda Darajada 1aad ee ciidamada Qalabka sida ayaa ujeedka socdaalkooda la xiriirtaa qaadidda dawaclo ku saabsan dilal dhawaan ka dhacay Degmoyin ka tirsan  Gobalka Gedo.