Tuesday, October 20, 2020

Go’aano culus oo laga soo saaray shir dhexmaray DF iyo Beesha caalamka

Siihayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa guddoomiyay shir u dhexeeyay DFS iyo wakiillada beesha Caalamka oo maanta ka dhacay Muqdisho.

Shirkan oo ay sidoo kale goobjoog ahaayeen wasiirro ka tirsan xukuumadda xil gaarsiinta ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray arrimaha Amniga, Dhaqaalaha,Bulshada iyo siyaasadda

Kulankaan oo u dhaxeyey dowladda Soomaaliya iyo wakiiladda dowladda Saaxiibka la ah Soomaaliya ayaa  looga hadlayey Amniga, Dhaqalaha,  Arrimaha bulshadda  siyaadda iyo horumarrada laga gaaray.

Siihayaha Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ka hadlay  shirkaas ayaa waxaa uu sheegay in Beesha Caalamka uu warbixin ka siiyay dadaalka iyo guulaha ay ka gaartay Dowladda Soomaaliya Isbadalka dhinaca Maaliyadda.

“Wakiillada Beesha Caalamka waxa aan warbixin ka siiyay dadaalka iyo guulaha ay ka gaartay Dowladda Federal Soomaaliya isbadalka Maaliyadda. Waxaan ku faraxsanahay sida Safiirada Caalamka ee Soomaaliya jooga ay noogu garab taagan yihiin geedi socodka Horumarinta Dhaqaalaha Dalka” ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Beyle.

The post Go’aano culus oo laga soo saaray shir dhexmaray DF iyo Beesha caalamka appeared first on Somali News Leader.

Related Articles

Khasaaro Dhimasho oo ka dhashay qaraxii ka dhacay Muqdisho iyo Masuul ka bad baaday

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp - Advertisement - Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax nuuca miinada wadada dhinaceeda la dhigo oo caawa fiidkii lala eegtay gaari uu lahaa Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Korneel Maxamed Aadan Koofi. Qaraxan ayaa ka dhacay isgooska KM4-ee magaalada Muqdisho gaar ahaan afaafka hore masjid halkaasi kuyaala, waxaana la sheegay in qaraxa oo bac lagu qariyay in lasii dhigay laamiga dhinaciisa. Goobjoogayaal ayaa ku waramay in qaraxa uu dhacay xili uu goobtaasi marayay gaari la sheegay in uu lahaa Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Koofi, waxaana la sheegay in agaasimaha uu nabad qabo kana bad baaday qaraxaasi. Inta la xaqiijiyay hal askari oo kamid ahaa ilaalada agaasimaha ayaa ku dhintay qaraxa, warar kale oo soo baxaya ayaa sidoo kale sheegaya in qof kale oo shacab ah oo goobta marayay in isna qaraxa ku dhintay. Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa qaraxa kadib goobta xiray, waxa ayna ciidamada halkaasi u diidayeen in cabaar ah in ay maraan dadka iyo gaadiidka iyagoona baaritaano ku sameeyay qaraxaasi. Laamaha amaanka ayaan wali ka hadlin qaraxan caawa ka dhacay isgooska KM-4 ee magaalada Muqdisho, waxaana goobta qaraxa ka dhacay meel u muuqata koontarool ku leh ciidamada booliiska Soomaaliya oo ku fashilmay in ay kahortagaan qaraxaasi.  Xafiiska Shabakada Allbanaadir.comMuqdisho [email protected] - Advertisement - Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Previous articleQarax goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo faah faahino kasoo baxaya

Liverpool Oo Qaaday Talaabo Muujinaysa In Uuna Virgil Van Dijk Mar Kale U Ciyaari Doonin Liverpool Xilli Ciyaareedkan

Kooxda Liverpool ayaa qaaaday talaabo muujinaysa in uuna Virgil Van Dijk mar dambe u ciyaari doonin kooxda xilli ciyaareedkan kadib dhaawacii soo gaadhay sabtidii. Liverpool ayaa maanta Premier League u gudbisay Liiska kama dambayta ah ee xilli ciyaareedkan waxana ay gabi ahaan ka reebtay daafaca Virgil Van Dijk. Van Dijk ayaa mari doona qaliin jilibka ah waxana la filayaa in uu muddo dheer ka maqnaado kooxdiisa xilli ciyaareedkan go’aanka ay kooxdu kaga saartay 25-ka xiddig ee premer Leageu ayaana cadayn u noqon kara in uuna xiddiga 29 jirka ah mar kale u ciyaari doonin kooxda. Warkan ayaa dhirbaaxo ku ah kooxda Liverpool kuwaas oo si weyn ugu tiirsanaa daafaca reer Holland tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda.

Shirka wadatashiga  mashruuca ka soo kabashada xasaradaha Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho+Sawirro

Shirkaan  wadatshiga oo ay soo qaban qaabiyeen wasaaraddaha  qorsheynta Qaranka iyo maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya  oo  xoogga lagu saarayo  sidii wax looga qaban lahaa abaaraha, fatahaadaha, ayaxa iyo cudurka covid-19, ayaa waxaa dowladda Soomaaliya ka taageeraya bankiga adduunka. Mas’uuliyiin ka socday wasaaradda qorsheynta dowlad goboleedka Hirshabeele, Agaasimiha guud, agaasime  waaxeedyada iyo shaqaalaha ayaa goob joog ka ahaa, waxaana shirkaan wadatashiga uu socondoonaa muddo saddex maalmood. Agaasimaha wasaaradda qorsheynta maamulka Hirshbeele  Cabdulaahi Maxamed Xasan  (Dhagacade) oo furitaanka shirka hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in shirkan dib loogu eegayo dhibaatooyinkii la soo maray oo ay ka mid ahaayeen daadadka, Abaaraha, Ayaxa iyo cudurka covid-19 oo halakeeyay dunida intiisa kale,maamul ahaana diyaar u yahiin hanaanka wax looga qabanayo in ay xoogga saaran. Cali Xaaji Aadan maareeyaha mashruuca ka soo kabashada xasaradaha Soomaaliya ee wasaaradda maaliyadda dowladda federaalka soomaaliya  ayaa sheegay in mashrucuan ahmiyadd weyn u leeyahay bulshada nugal ee uu saameeyeen  daadadka, abaaraha iyo ayaxa. “ mashruucan waxa garwadeen ka ah dowladda federaalka soomaaliya gaar ahaan, wasaaradaha qorsheynta iyo maaliyadda isla markaana waxaa naga taageeraayo banka aduunka, waxa uu xoogga saarayaa afar  qeyb oo mudnaanta u leh  maamulka Hirshabeele si wax looga qabto, fatahada, Abaaraha, ayaxa iyo covid- 19  oo dhibaata weyn bulshada nugal ee u baahan in wax lala qabto, waa mahadsan yahiin madaxda maanta halkan nala joogta ee si aan isla fiirno muhiimada dhaxal reebka ah ee wax laga qaban karo.” ayuu yari cali xaaji aadan. Asad yuusuf Qanyare oo ah madaxa xiriiraha qaran  ee  deeqa caalamiga ah  ee wasaaradda qorsheynta xukuumadda federaalka ayaa sheegay inuu shirka ujeedkiisu uu yahay sidii looga hortegi lahaa xasaradaha soo noq noqday ee abaaraha, dadaadka, ayaxa iyo cudurka covid-19. “ waxaan ku faraxsanahay in wasaaradaha ay quseeso arrintaan inay goob-joog ka yahiin wadatashigaan, waxaan isla eegaynaa mudnaansiinta baahiyaha hortabinta u leh maamulka Hirshabeele  ee ka soo kabashada u adkeysiga xasaradaha maamulka” ayuu yari asad yusuf. diyaarinta mashruucan waxaa lagala tashaday wasaaradaha ay quseeyso heer fedaraal iyo heer dawlad goboleed. wasaaradaha maaliyadda iyo qorsheynta heer federaal waxa ay in muddo ah ka shaqeeynayeen qaabdhismeedka lagu hirgelinayo mashruuca iyo shaqaaleynsiinta howl-wadeenada mashruucan; waxaa jiray shuruudo adag oo uu bankiga aduunku ku xiran maalgelinta mashruucan oo ay lagama maarmaan tahay in lafuliyo si loo soo daayo lacagaha. waxaa ka mid ah diyaarinta dokumeentiga mashruuca, sharciga, heshiiska maalgelinta iyo diyaarinta howlwadeenada laf dhabarka u ah mashruuca. qaab dhismeedka maamulka mashruucu waxa uu ka kooban yahay saddex heer oo kala ah; – guddiga hoggaaminta mashruuca (psc) – unugga fulinta mashruuca (piu) – hawl-wadeenada maamulka mashruuca ee heer dowlad goboleedka. (spt).

Stay Connected

20,882FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Alvaro Morata Oo Guul Ku Hogaamiyay Juventus Kulankoodii Ugu Horeeyay Ee Champions League.

Kooxda Juventus ayaa guul ku bilaabatay xilli ciyaareedkeeda champions League kulan ay la ciyaareen kooxda Dynamo Kyiv kana dhacay garoonka Stadion NSK Olimpiyskiy. Kulanka ayaa ahaa mid ku adag kooxda Juventus marka loo eego in ay kooxda Dynamo Kyiv iska caabisay inta badan ee ciyaartu socotay. Kooxda Dynamo Kyiv ayaa Juventus ku qasabtay in ay bar-baro gool la’aan ah kala baxdo kulanka qaybtii hore ee ciyaarta inkasta oo ay ahaayeen kooxda ku gacan saraysa kulanka. Qaybtii dambe ayay Juventus qaab dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo raadinayay in ay furaan goolasha ciyaartana wax ka badalaan. Daqiiqadii 46-aad ayay kooxda Juventus dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Alvaro Morata kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0 ay kooxdiisu ku hogaaminayso ciyaarta. Kooxda Dynamo Kyiv ayaa isku dayday in ay ku soo laabato ciyaarta iyaga oo cadaadis xoogan saaray kooxda Juventus waliba sameeyay fursado fiican. Laakiin daqiiqadii 84-aad ayay Kooxda Juventus gabi ahaan dishay ciyaarta kadib markii uu Alvaro Morata u dhaliyay goolka 2-aad ee ciyaarta. Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Juventus guul muhiim ah ku bilaabatay tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

FAAH FAAHIN: Qaraxii Caawa ka dhacay Muqdisho Oo Lagu beegsaday Agaasime Koofi

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Warar hordhac ayaa sheegaya in qarax Xoogan lagu  beegsaday Agaasimaha Laanta socdaalka iyo jinsiga Soomaaliya Maxamed Aadan Koofi. Qaraxa ayaa ahaa mid ka dhacay isgoyska lambar afar wadada aada garoonka diyaaradaha Muqdisho. Khasaaraha weli lama oga balse ciidamada amniga oo meesha tegay waxay sheegeen in baaritaan wadaan. Warar ayaa sheegaya in labo qof ku dhinteen qaraxaasi oo mid askari ilaalada koofi ahaa. Agaasime koofi waan nabad qabaa sida ay sheegeen saraakiisha Booliska qaarkood. Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp