Wednesday, October 28, 2020

Garowe: Xukun lagu ku riday dhallinyaro lagu eedeeyay Al-shabaab

Maxkamadda darajada kowaad ee ciidamada qalabka sida iyo denbiyada culus ee gobollada Nugaal iyo Sool ayaa maanta oo Axad ahayd xukun ku riday lix dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay A-shabaab.

Ismaaciil Cabdullaahi Ibraahim iyo Xasan Kuulow Ibraahim oo la sheegay in lagu soo qabtay dagaal Puntland iyo -Al-shabaab ku dhexmaray degaanka Bali-khadar buuraleyda Galgala ee gobolka Bari ayaa lagu xukumay xasbi daa’in, sida uu ku dhawaaqay Cabdiraxmaan Ciise Xuseen oo ah guddoomiyaha maxkamadda darajada kowaad ee ciidamada qalabka sida iyo denbiyada culus ee Nugaal iyo Sool.

Sidoo kale maxkmadda ciidamada ayaa Maxamed Ibraahim Isaaq oo 16 sanno jir ah la sheegayna inuu la socday ragga kale, ku wareejisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Dhaqancinta Puntland, iyadoo sheegtay inay u cuskatay qaangaar la’aan.

Dhanka kale maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo denbiyada culus ee gobolada Nugaal iyo Sool ayaa Mustafe Aadan Keerow, Bashiir Macallin Nuur iyo Cabdifitaax Macallin Nuur ku riday mid 20 sanno oo xasbi ah, kadib markii lagu eedeeyay in la qabtay iyagoo u socda buuraleyda Galgala.

Xeer Ilaalinta ayaa dhammaan raggan ku eedeysay inay tababaro A-shabaab ku soo qaateen Koonfurta Soomaaliya, kadibna u soo safreen buuraleyda gobolka Bari ee Puntland.

Maxkamadda ayaa tilmaantay in xukunada lixda eedeysane uu ka furanyahay racfaan 30 cisho ah.

PUNTLAND POST

Let’s block ads! (Why?)

Related Articles

Banaanbaxyo looga soo horjeedo Madaxweynaha Faransiiska oo ka bilowday Muqdisho iyo Gobolada Dalka.

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya iyo Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Maanta ka bilaawday banaanbaxyo waaweyn oo looga soo horjeedo Aflagaadadii Nebiga (NNKH) uu u geystay Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron. Boqolaal Ruux oo isugu jira, Haween rag iyo qaar ka mid ah Ardayda wax ka barata Iskuulada magaalada Gaalkacyo ayaa waxay Maanta halkaasi ka dhigayaan banaanbax ay uga soo horjeedaan Aflagaadadii Nebiga (NNKH) uu u geystay Madaxweynaha Faransiiska. Banaanbaxayaasha ayaa qaarkood waxay gubeen sawirka Madaxweynaha Faransiiska , iyaga oo ku dhawaaqayay Erayo ka dhan ah Madaxweynaha Faransiiska iyo wadamada Reer Galbeed. Boqolaal ruux oo ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxay banaanbax ka wadaan wadooyinka waaweyn ee Magaalada Muqdisho, iyaga oo si adag uga soo horjeeda hadalkii Madaxweynaha Faransiiska. Dhanka kale inta badan dalalka Islaamka ayaa waxaa ka dhacaya banaanbaxyo xoogan, iyada oo dhamaan banaanbaxyada lagu gubay sawirka Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron. Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Previous articleAl-Shabaab oo dagaal xooggan ku qaaday Waajid iyo Saacado kooban oo ay maamulaysay Degmadaasi.

Wargeys Faransiiska oo Sawir Ceebeyn ah ka sameeyay Madaxweynaha Turkiga & Xiisad cusub oo…

Wargeys kasoo baxa dalka Faransiiska ayaa sawir-gacmeedo ceebeyn iyo jeesjees ah ka sameeyay muuqaalka Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan. Wargeyska ‘Charlie Hebdo‘ oo ah isla wargeyskii sawir-gacmedyada aflagaadada ah ka sameeyay Rasuulka SCW ayaa daabacay Arbcadii sawir-gacmeed lagu bedelay muuqaalka Madaxweynaha Turkiga oo si xun loo ekeysiiyey. Ad Arrintan ayaa uga sii dartay xiisadda ka dhex taagan dalalka Faransiiska iyo Turkiga, waxaana falkan cambaareeyay Afhayeenka Madaxtooyada Turkiga Ibrahim Kalin oo sheegay in weerarka madaxda aanu ahayn xoriyad, balse ay tahay damiir xumo iyo dadnimo xumo meeshii ugu liidatay. “Waxaan si adag u cambaareyneynaa wargeyska Faransiiska ee daabacay muuqaallada madaxweynaheena.. ma jirto cid uu xushmad u hayo.. waxay na tusiyeen akhlaaq xumidooda iyo sida ay niyada uga dhigteen..” ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Turkiga. Sawir-gacmeedka wargeyska Charlie Hebdo ayaa oo wejiga hore kusoo baxay ayaa muujinayey Erdogan oo fadhiya isagoo xiran funaanad yar iyo Nigis, gacantana ku haya cabitaan ayna dhinac fadhido haweeney xijaab xiran. Dunida muslimka ayaa waxaa ku sii xoogaysanaya bannanabaxyada iyo qaadicidda alaabta lagu sameeyo Faransiska oo caado ka dhigtay afladaadada diinta islaamka iyo Nebi Muxamed NNHK. Warar Xul ah

Somaliland oo maxkamad soo taagtay fanaanka Qamar Suugaani + Sawirro

Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber Haregsa (Caasimada Online) – Waxaa maanta maxkamadda magaalada Berbera ka soo muuqday fanaanka caanka ah ee Qamar Suugaani oo dhowaan lagu xiray halkaasi. Fanaanka oo ka baxay magaalada Muqdisho ayaa 26-kii bishan lagu qabtay magaalada Berbera, iyada oo ay xabsiga dhigeen ciidamada Booliiska ee Somaliland. Wararka ayaa sheegaya in maxkamaddu ay amartay in fanaanka la sii haayo muddo todobaad ah, waxaana dib loogu celiyey Qamar Suugaani xabsigii uu ku xirnaa oo ku yaalla gudaha magaallo xeebeedka Berbera. Sidoo kale xeer ilaaliyaha maxkamadda ayaa warbaahinta u sheegay in fanaanka loo heysto arrimo la xiriira safarkii uu yimid magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Xariga fanaankan ayaa waxaa aad u cambaareeyey qaar ka mid ah fanaaniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa sugan Haregysa iyo ehelladiisa. Inta badan Somaliland ayaa xarig kula dhaqaaqda fanaaniinteeda yimaada magaalada Muqdisho ee ku qabta bandhig faneedyada ama booqasho u yimaada, taas oo si weyn loogu dhaliilo xukuumadda ka jirta Hargeysa ee uu hoggaamiyo Muuse Biixi Cabdi. Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber

Stay Connected

20,932FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

TANZANIA: Doorashada Madaxweynaha iyo cabsi laga qabo banaanbaxyo rabshado wata

ShacabkaTansaaniya ayaa maanta u codeenaya Madaxweynaha shanta sano ee soo socota, waxaana la filayaa inay guusha raacdo Madaxweynaha xilka haya oo markii labaad tartamaya John Magufuli.Madaxweyne Magufuli ayaa hogaaminaya xisbi Xaakimka Chama Cha Mapinduzi party, oo dalkaasi kasoo talinayey tan iyo markii ay xoriyada qaateen 1961dii. Xisbiyada Mucaaridka ayaa ku eedeeyey Xisbiga talada haya iyo Madaxweyne Magufuli inay cadaadis iyo cago-jugleyn ku hayaan hogaamiyayaasha mucaaridka. Codbixinta ayaa lagu wadaa inay socota illaa galabta 4ta saacada dalkaasi. In ka badan 29 milyan oo qof ayaa u diiwaangashan inay codkooda dhiibtaan doorashadan. Mid kamid ah hogaamiyayaasha mucaaridka Freeman Mbowe oo ka tirsan xisbiga  CHADEMA, ayaa sheegay in xalay saqdii dhexe Hotelkii uu degenaa isla markaana afduubteen qaar kamid ah illaaladiisa. Tonite @ 2.30 am & in the eve of an election day in Tz, heavily armed gangsters believed to be the notorious operators of Hai DC Ole Sabaya & protected by Hai Police OCD have raided our hotel, kidnapped & disappeared with two of our armed security guards. My life is in danger. — Freeman Mbowe (@freemanmbowetz) October 28, 2020 Hase yeeshee Madaxweyne Magufuli ayaa cabsida ugu weyn ka qaba hogaamiyaha mucaaridka ee lagu magacaabo Tundu Lissu oo dhawaan dalka dib ugu soo noqday. Tundu Lissu ayaa sanadkii 2017 ka badbaaday iskuday dil, wuxuuna hogaamiyahan oo leh taageero badan sheegay inay dhigi doonaan banaanbaxyo hadii la musuq maasuqo codbixinta maanta. Maxamed CismaanHorseed Media  

Muxuu Yuhuud naceybka iyo Islam naceybka isugu xiray Ra'iisul Wasaaraha Pakistan?

7 Daqiiqadood ka horXigashada Sawirka, AFPRa'iisul Wasaaraha Pakistaan Cimraan Khaan ayaa dhawaan ugu baaqay shirkadda Facebook inay mamnuucdo qoraallada ama hadallada horseedi kara Islaam naceybka.Khaan wuxuu soo hadal qaaday go'aan dhawaan ka soo baxay Facebook kaas oo uu ku mamnuucay in la beeniyo ama wax laga sheego dhacdadii lagu gubay dadkii Yuhuud ee xilliggii dagaalkii labaad ee dunida."Iyadoo ay baraha bulshada ka socdaan tacaddiyada baahsan ee lagu dhalleeceynayo muslimiinta, waxaan ka codsanayaa Facebook in uu mamnuuco waxyaabaha horseedayo Islaam naceybka ee lagu soo qoro Facebook, si la mid ah markii uu Facebook mamnuucay qoraallada wax ka sheegayay dhacdadii lagu gubay dadkii Yuhuudda ahaa." "Farriimaha naceybka abuurayo waa in gebi ahaanba la mamnuucaa - farriimaha naceybka dhalin kara ayaanan loo ogoleyn dadka qaar halka isla arrintan, dadka kale loo ogolyahay," ayuu yiri Cimraan Khaan.Facebook iyo xeerarka ka hortagga falalka naceybka ahDhawaan ayay aheyd markii ugu horreysay ee shirkadda Facebook ay mamnuucdo qoraallada ama hadallada wax ka sheegayo ama beeninaya dhacdadii lagu gubay dadkii yuhuudda ahaa ee dagaalkii labaad ee dunida.Milkiilaha Facebook Mark Zuckerberg ayaa sheegay in "dadaal badan la geliyay galay sidii loo kala saari lahaa qoraallada qeexaya xoriyatul qowlka iyo in la mamnuuco arrintaas, isla markaana ay gaareen go'aanka ugu waanagsan ee isu dheelitiran".Labo sano ka hor, Mr Zuckerberg wuxuu sheegay in meesha aanan laga saari doonin qoraallada ka hadlaya "dhacdadii lagu gubay dadkii Yuhuudda ahaa".Milkiilaha shirkadda Facebook qoraal uu horraantii bishan soo dhigay boggiisa, wuxuu sharaxay sababta loo mamnuucay arrintaas in ay tahay in ay soo bateen weerarrada ku saabsan Yuhuud naceybka."Waxaan meesha ka saareynaa qoraallada bogaadinaya dambiga naceybka ah ama xasuuq oo ay ka mid tahay dhacdadii lagu guday dad Yuhuud ahaa, iyadoo ay soo badanayaan weerarrada ku saleysan Yuhuud naceybka, waxaan ballaarinay xeerarkeena si aan u mamnuucno wax kasta oo diidaya ama wax ka sheegaya dhacdadii Holocaust", ayuu yiri."Waxaan arkay macluumaad muujinayaa inay soo bateen qalalaasaha ku saabsan Yuhuud naceybka maadam aanu leeyahay xeerar qoto dheer oo ka dhan ah jeedinta naceybka" ayuu yiri Mr Zuckerberg.Xigashada Sawirka, ReutersShirkadda Facebook waxay horey u dhaqan gelisay tallaaboloyiin ay boggeeda uga saareyso qorallaada ama hadallada naceybka abuuri karaa ee ku saleysan in weerar toos ah oo dhanka afka ah lagu qaado jinsiyadda qofka, qabiilka ama diinta iyo hadallada ka dhanka ah dhaqamada qaar.Xeerarka u yaalla Facebook ee kaga hortagga haddallada ama qoraallada naceybka abuuri kara waxaa ka mid ah in aanan la beegsan karin ama aan wax laga sheegi karin Muslimiinta.Warqadda uu Mr Khaan u diray milkiikaha Facebooka wuxuu ku sheegay "in ay soo kordhayaan wararka la xiriira islaam naceybka", tallaabadaasina ay horseedi karto "Naceyb, xagjirnimo iyo qalalaase" iyadoo dhammaan ficiladaas la isu soo marinayo baraha bulshada.Axaddii, Ra'iisul Wasaaraha Pakistaan wuxuu ku eedeeyay madaxweynaha Faransiiska in uu wado weerar afka ah oo ka dhan Islaamka.Xigashada Sawirka, EPAHadalka Macron ayaa imaanaya ka dib markii uu ka qeyb galay munaasabad baroor diiq ahayd oo loo sameeyay macalinkii u dhashay dalkaas ee la dilay kaddib markii ardey uu tusay sawir gacmeed laga sameeyay Nebi Maxamed N.N.K.H.H.Macron wuxuu sheegay: "Macalinka waxaa dilay islaamiyiinta doonaya in ay la wareegaan mustaqbalkeena", wuxuuna intaa klu daray: "Faransiiska uusan weligiis is dhiibi doonin".Ra'iisul Wasaaraha Pakistan, Imran Khan ayaa Twitter-ka ugu jawaabay Macron, wuxuuna ku yiri: "Waxaa nasiib darro ah in Macron uu billaabay falal ku saabsan Islaam naceyb, oo uu weerarayo Islaamka, intii uu weerari lahaa argagixisada dhibka geysatay".