Tuesday, November 24, 2020

GAAS oo farriin culus u diray Ra’iisul wasaaraha cusub

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Linkedin

Email

Print

Viber

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, marna Ra’iisul wasaare ka soo noqday dalka, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay xaaladda siyaaasadda dalka, siiba ansixinta Ra’iisul wasaaraha cusub.

Gaas oo wareysi gaar ah siiyey VOA ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaare Rooble ay u taallo shaqo adag, islamarkaana uu heysto muddo aad u kooban.

Sidoo kale wuxuu kula taliyey inuu daacad u ahaado Madaxweynihiisa iyo dalka, si looga wada shaqeeyo arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021-ka.

“Doorashadu waa shaqo adag oo siyaasadeed laakin ra’iisul wasaaraha waxaa u taalla shaqadii xukuumadda, sida arrimaha amniga, dhaqaalaha, doorashooyinka, waxaana ugu baaqayaa in uusan noqon nin damac kale leh ee waa in uu Madaxweynihiisa iyo dalkaba daacad u noqdaa.” ayuu yiri siyaasiga caanka ah ee Cabduweli Maxamed Gaas.

Waxa kale oo uu ku booriyey in wasiiro cusub aanu soo magacaabin ee uu sii haysto wasiiradii horey u joogay oo uu tilmaamay inay qaban karaan shaqada hortaalla.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo haatan Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen oo shalay codka kalsoonida ka helay Golaha Shacabkain isaga oo soo dhiso xukuumad ka shaqeyso fulinta heshiiska laga gaaray doorashooyinka Soomaaliya.

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Linkedin

Email

Print

Viber

This post first appeared on Caasimada Online. Read the https://www.caasimada.net/cabdiweli-gaas-oo-farriin-culus-u-diray-raiisul-wasaaraha-cusub-ee-soomaaliya/original article

Related Articles

Madaxwayne Joe bidden oo Magacaabay Golihiisii Wasiiradda ee ugu Horreeyay

November 24, 2020 | Published by: yaska Madaxweynaha la doortey ee Mareykanka Joe Biden ayaa Antony Blinken u magacaabay in uu noqdo xog-hayaha arrimaha Debedda ee maamulkiisa cusub, Iyadoo uu isku dayayo in uu boorka ka jafo xidhiidhkii isbaheysigii Debadda ee Mareykanka, kaas oo uu dhabarka jeediyay madaxweyne Trump. Anthony Blinken ayaa ka mid ahaa saaxiibbada Joe Biden aad ugu dhow ee kala talin jirey arrimaha siyaasadda Debadda. Blinken oo ah 58 sano jir rug caddaa arrimaha siyaasadda dibadda ka soo shaqeynayay muddo labaatan sano ah, ayaa ku raacay Biden baahida loo qabo in mar kale Mareykanku uu hoggaamiyo doorka siyaasadda arrimaha dibadda, Taas oo is baddal ku keeneysa hab dhaqankii siyaasadda madaxweyne Trump ee ku dhisneyd Mareykanka ayaa koowaad ah, iyadoo gallaafatay isbaheysigii muddadaa dheeraa Mareykanka ee Galbeedka. Waxa magacaabista Blinken oo ay tahay inay senate-ka meel mariyaan sii dheer, in Biden uu magacaabay, sida ay warbaahinta u sheegeen kooxdiisa ka shaqeyneysa waqtiga kala guurka, laba sarkaal oo kale. Jake Sullivan, ayaa loo magacaabay in uu noqdo taliyaha ammaanka qaranka, halka Linda Thomas-Greenfield loo xushey inay noqoto danjiraha Mareykanka ee Q.M.

Askari Hooyadiis iyo xubno kale oo Qoyskiisa kamid ah ku laayay Muqdisho

Waxaa xalay xaafada Cali Kamiin ee degmada Warta Nabada ka dhacday arin murugo iyo uur kutaalo ku beertay dad badan oo halkaasi kunool , kadib markii askari katirsanaa ciidanka dowlada ku laayay xubno badan oo kamid ah qoyskiisa. Askarigan oo la sheegay in uu cabsanaa ayaa xalay bambaano ku weeraray qoyskiisa oo la sheegay in uu khilaaf kala dhaxeeyay, waxa uuna goobtaasi ku laayay xubno badan oo qoyskiisa kamid ahaa oo guriga ku sugnaa. Inta la xaqiijiyay waxaa bambada askarigan ku tuuray guriga qoyskiisa ku geeriyooday lix qof oo isugu jiray Hooyadiis, walaalihiis iyo wiil uu dhalay, waxaa sidoo kale weerarkaasi ku dhaawacmay dhoor qof oo kale oo qoyskiisa kamid ahaa. Dhacdadan ayaana murugo iyo uurkutaalo ku beertay ehelada qoyska mashaqadan ku dhamaaday , waxaana saakay guriga falkan ka dhacay isugu tagay dad badan oo ka naxsanaa falkan argagaxa leh ee xalay dhacay. Isbitaalka Jaziira ee magaalada Muqdisho ayaa lagu daweenayaa qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay weerarkan bambaano uu xalay askariga ku laayay xubno badan oo kamid ahaa qoyskiisa. Askariga falkan argagaxa leh geestay ayaa isaga naftiisa ku dhaawacmay weerarka oo qoyskiisa ku qaaday, waxaana askariga isaga oo dhaawac ah gacanta ku haya ciidamada amaanka Soomaaliya. Dhacdadan ayaan anoqoneysa tii ugu xumeyd ee ka dhacda magaalada Muqdisho uu ruux ku laayo qoyskiisa, waxaana arintan sabab looga dhigayaa dadka aan asluubta laheyn oo maandooriyaha cuna oo hadana lagu daro askarta dowlada. - Advertisement -

Muslim Pro oo lagu eedeeyey inuu xogta dadka ka iibiyey ciidanka Mareykanka

PARIS —  Dadka Faransiiska ah ee isticmaala app-ka salaadda ee Muslim Pro, ayaa maxkamad la koraya shirkadda maamusha, oo lagu eedeeyey inay iibisay xog u gacan gashay ciidamada Mareykanka, waxaa sidaas sheegay qareenadooda. Muslim Pro ayaa sheegta inay ku ixran yihiin 95 milyan oo qof oo kala jooga dunida dacalladeeda. Dad horey u isticmaalay app-kan, ayaa dacwaddan furay kadib markii warbaahinta qaar ay sheegeen inay xogta dadka la wadaagtay shirkado ku xiran ciidamada Mareykanka. Kiiskan dacwadeed, oo uu shaaca ka qaaday raadiyaha Faransiiska ee RTL, ayaa shirkadda ku eedeeyey gef ka dhan ah ilaalinta xogta, ku xadgudubka aaminaadda, halis gelinta nolosha dadka, iyo shirqoolista dil. Kiiskan ayaa la filayaa in maxkamad laga diiwaan geliyo maanta oo Talaado ah. Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii warbaahinta Mareykanka ee Vice ay toddobaadkii tegay sheegtay in ciidamada Mareykanka ay xogta halka ay joogaan dadka ku xiran ka iibsatay dhowr app oo ka jira meelo kala duwan oo caalamka ah. Vice ayaa sheegtay in app-yada xogta laga iibsaday uu ku jiro Muslim Pro, oo hela xogta halka uu joogo qofka isticmaalaya, si loogu wargeliyo xilliga Salaadda iyo jihada ay ka jirto Makka. Shirkaddan ayaa xogta ka iibisay shirkad lagu magacaabo X-Mode, oo kadibna ka iibisaya ciidamada Mareykanka oo ay qanadaraas kula jirto, sida ay sheegtay Vice. Ciidamada Mareykanka ayaa kadib xogta u adeegsan kara howlgalladooda dibedda, sida ay sheegtay Vice, ayada oo la tuhmayo in loo adeegsan karo dilal ka baxsan sharciga sida duqeymaha drone-ka. Kadib markii ay warbixintan soo baxday, Muslim Pro ayaa sheegtay inay gebi ahaan joojin doonto inay xogta dadka la wadaago dhammaan shirkadaha. Shirkaddan oo uu aasay qof Faransiis ah oo fadhigiisu yahay dalka Singapore ayaa sidoo kale sheegtay inay billaabeyso baaritaan gudaheeda ah. AFP

Stay Connected

21,078FansLike
2,452FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

RASMI: Frank Lampard Oo Soo Saaray Liiska 23-ka Xiddig Ee Uu Kaga Hor Tagi Doono Rennes

Frank Lampard ayaa soo saaray Liiska 23-ka xiddig ee uu kaga hor tagi doono kooxda Rennes kulan ka tirsan Champions League. Xiddigaha Kai Havertz & Thiago Silva ayaa ka mid ah Xiddigaha u safray France ee ka qayb qaadan doona kulanka caawa ee horyaalka premier League. Blues ayaa u baahan guul si ay ugu soo baxdo wareega 16 dhamaadka tartanka champions League xilli ciyaareedkan. Xiddiga garabka uga ciyaara Blues ee Christian Pulisic ayaa ka maqan Liiska isaga oo aan wali ka soo kabsan dhaawacii uu qabay. Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska 23-ka xiddig ee uu Lampard u xushay kulanka Rennes: Kepa Arrizabalaga Toni Rudiger Marcos Alonso Andreas Christensen Jorginho Thiago Silva N’Golo Kante Tammy Abraham Timo Werner Willy Caballero Fikayo Tomori Kurt Zouma Edouard Mendy Mateo Kovacic Olivier Giroud Mason Mount Callum Hudson-Odoi Ben Chilwell Hakim Ziyech Reece James Cesar Azpilicueta Kai Havertz Emerson Palmieri Let’s block ads! (Why?)

Al Shabaab Oo Sargaal Katirsanaa Nabad sugida Ku Dilay Muqdisho (Magaciisa)

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Dableey Hubeysan ayaa waxay dil ka geysteen Degmada Heliwaa Ee Magaalada Muqdisho,iyadoo warar dheeraad ah iminka soo baxayaan. Dilka waxa uu yimid markii koox hubeysan oo bistoolado watay ay rasaas ku shanaqeen Sargaal katirsanaa Nabad sugida Qaranka. Al Shabaab oo sheegtay Mas’uuliyada weerarka ka dhacay Degmada Heliwaa,magaciisana waxa lagu sheegay sargaalka la toogtay Maxamed Aadan. Ma ahanmarkii ugu horeysay oo Al Shabaab sheegaan in Muqdisho ku dileen Sargaal ama Xubin katirsan Sirdoonka Soomaaliya. Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp