Saturday, October 24, 2020

Gaari ciidan oo Caruur Dugsiley ah dhimasho & dhaawac ugu geystay Muqdisho

– Advertisement –

Gaari ay leeyihiin ciidamada dowlada ayaa goor dhow magaalada Muqdisho ku jiiray caruur wax ka barata mid ka mid ah dugsiyada Quraanka magaalada.

Shilkan ayaa ka dhacay meel ku dhow degmada Shingaani ee magaalada Muqdisho gaar ahaan wadada gasha xarunta Maamulka G/Banaadir ka dib markii gaari noociisu ahaa kuwa Cabdi Bilaha Soomaalidu u taqaano oo xawaare sare ku socday uu jiiray caruurta wadada socotay.

Mid ka mid ah caruurtaas ayaa la sheegay inuu ku dhintay shilkan, halka mid kale gabar aheyd ay dhaawacantay waxaana loola cararay goobaha Caafimaadka sida dad goob joogayaal ay warbaahinta u sheegeen.

Dadweyne ku sugnaa goobta ayaa gurmad deg deg ah u fidiyey cariurta waxyeeladu soo gaartay oo xiligaas ka yimid dugsi quraan ay wax ka bartaan kuna socday guryahooda.

Ciidamada Booliska DF oo iyana goobtaas gaaray daqiiqado ka dib ayaa halkaas xiray.

Gaadiidka ay wataan ciidamada DF ayaa marka ay marayaan jidadka magaalada Muqdisho ku socda Xawaare aad u sareeya oo mararka qaarkood sababa shilal noocan oo kale, iyagoo aan u aabe yeelin gaadiidka iyo dadka kale ee wadada la isticmaalaya

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

[email protected]

– Advertisement –

Related Articles

Ra’iisul Wasaare Rooble “Waa In Xilalka Aad La Wareegtaan Si Looga Faa’iideysto Waqtiga Haray”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir guddoomiyay kulankii ugu horeeyey ee ay yeeshaan xubnaha golaha Wasiirada ee maanta la dhaariyay. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa shaqooyinka horyaala Golaha Wasiirrada iyo xoojinta wada shaqaynta dhexdooda ah, si loogu guuleysto ka miro dhalinta qorshaha xukumadda ee ku salaysan ku u adeeggidda bulshadda iyo sareysta sharciga . Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay Golaha Xukuumadda in si dhaqso ah ay shaqooyinkooda u guda galaan, xilalkana ula wareegaan, si looga faa’iideysto waqtiga haray, loona fuliyo qodobadii ku jiray barnaamijka Xukuumadda ee baarlamaanku ansixiyey. “Waxaa Alle mahadii ah inaan yeelanay kulankii ugu horeeyey kadib markii maanta la dhaariyay golaha cusub, waxaana idinka rajeynayaa inaad xilalka si deg deg ah ula wareegtaan, si looga faa’iideysto waqtiga haray”.ayuu yiri Raysal Wasare Maxamed Xuseen. Daawo Wasiirka Ku Xigeenka Warfaafinta Soomaaliya oo faah faahiyay kulankii Golaha Goobjoog News

Ethiopia blasts Trump remark that Egypt will 'blow up' dam

Ethiopia on Saturday denounced “belligerent threats” over the huge dam it has nearly completed on the Blue Nile River, a day after U.S. President Donald Trump said downstream Egypt will “blow up” the project it has called an existential threat.

Stay Connected

20,901FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Eedo musuq-maasuq iyo caddaalad darro oo hareeyey kursiga beesha Awbakar Gaabane

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaya eedeo la xiriira caddaalad darro lagu sameeyey kursiga ay beesha Awbakar Gaabane ee Harti-Abgaal ku leedahay baarlamanka maamulka HirShabeelle, oo dhismihiisa uu hadda socdo. Kursiga ayaa waxaa hadda ku fadhiya xildhibaan kasoo jeeda jufada Cali Yacquub oo ka mid ah afarta jufo ee beesha Awbakar Gaabane, ayada oo saddexda kale ay yihiin; Xasan Yacquub, Axmed Yacquub iyo Khajafweyn. Sida ay tahay nidaamka wax qeybsiga jufooyinka, ee ah in la wareejiyo kuraasta, waxaa qorshuhu ahaa in kursigan aysan kusoo laaban beesha Cali Yacquub maadaama ay ku fadhiyeen afar sano, sidaas darteedna la siiyo saddexda beel ee kale midkood. Jufada Xasan Yacquub, waxay ku fadhisaa kursiga xildhibaanka federaalka oo uu haysto wasiirkii hore ee amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale. Waxay sidoo kale Jufadan haysataa agaasimaha guud ee wasaaradda dekedaha oo uu kasoo jeedo Dhagaxtuur. Sidaas darteed, waxay ahayd in Imaamka Mudulood, Imaam Maxamed Yuusuf oo isna kasoo jeeda jufada Xasan Yacquub, uu kursigan siiyo Axmed Yacquub ama Khajafweyn midood, hase yeeshee waxaa lagu warramay inuu go’aamiyey in lagu celiyo beesha Cali Yacquub. Odayaal ka tirsan Axmed Yacquub iyo Khajafweyn, oo lasoo xiriiray Caasimada Online, ayaa sababta sidan loo sameeyey ku sheegay inay tahay in jufada Cali Yacquub aysan Xasan Yacquub ku qabsan kursiga xildhibaanka federaalka, oo loo tartamayo dhowaan. Waxay sidoo kale sheegeen in arrintan uu ku lug leeyahay wasiir Ducaale. Odayaasha ayaa nasiib-darro ku tilmaamay in Imaamka uu caddaalad fali waayo beeshii uu kasoo jeeday, waxayna is-weydiiyeen sida uu ugu caddaalad fali karo Mudulood, haddiiba uu sidan ku dhex sameeyey beeshiisa. Caasimada Online oo isku dayday inay la xiriirto Imaamka iyo Ducaale, si ay wax uga weydiiso arritan uma suurta-gelin.

Golaha Wasiirada cusub oo kulankoodii ugu horeeyey iskugu yimid (Sawirro)

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp - Advertisement - a’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir guddoomiyay kulankii ugu horeeyey ee ay yeeshaan xubnaha golaha Wasiirada ee maanta la dhaariyay. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa shaqooyinka horyaala Golaha Wasiirrada iyo xoojinta wada shaqaynta dhexdooda ah, si loogu guuleysto ka miro dhalinta qorshaha xukumadda ee ku salaysan ku u adeeggidda bulshadda iyo sareysta sharciga . Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay Golaha Xukuumadda in si dhaqso ah ay shaqooyinkooda u guda galaan, xilalkana ula wareegaan, si looga faa’iideysto waqtiga haray, loona fuliyo qodobadii ku jiray barnaamijka Xukuumadda ee baarlamaanku ansixiyey. “Waxaa Alle mahadii ah inaan yeelanay kulankii ugu horeeyey kadib markii maanta la dhaariyay golaha cusub, waxaana idinka rajeynayaa inaad xilalka si deg deg ah ula wareegtaan, si looga faa’iideysto waqtiga haray”.ayuu yiri R/W Maxamed Xuseen. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.comMuqdisho [email protected] - Advertisement - Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Previous articleMadaxweyne Farmaajo oo Isbadal ku sameeyay taliyaal katirsan Ciidanka Milatariga