Wednesday, October 28, 2020

Farmaajo, Guddoonka Labada Aqal Ee BF, Madaxda 5 Maamul Goboleed oo Villa Somalia Ku Shiray

Waxaa hadda soo dhamaaday shir ka dhacay Villa Somalia kaas oo uu madaxweyne Farmaajo la lahaa guddoonka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah iyo madaxda maamul goboleedyada.

Shirakan ayaa la sheegay in lagu dhameeyey khilaaf muddo sanad iyo bar ka dhex jiray labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah.

Labada aqal ayaa la filayaa iney ka wada shaqeeyaan arrimaha doorashada iyo sharciyo kale oo muhiim u ah xilliga kala guurka.

Goobjoog News

Related Articles

Qaadacaadda Faransiiska: Waa kee dalka afaraad ee ugu Muslimiinta badan oo sida xooggan usoo baxay?

Tobanaan kun oo dad ah ayaa socod ku maray caasimada Bangladesh ee Dhaka, iyagoo dalbanaya in la qaadaco badeecadaha Faransiiska xilli khilaaf ka taagan yahay mowqifka adag ee Faransiiska ka taagan yahay Islaamka xagjirka ah. Waxay gubeen sawirada madaxweyne Emmanuel Macron, oo difaacay kartoonadii Nabi Muxamed NNKH. Booliska ayaa dibadbaxayaasha ka horjoogsaday inay gaaraan safaaradda Faransiiska. Waxay hadda u muuqataa in madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, uu wajahayo wejiyada careysan iyo aragtido adag oo kaga imaanaya Dunida Islaamka. Macron wuxuu hadalkaa jeediyay xilligii aaska loo sameynayay macallimkii la bireeyay ka dib markii ardeydiisa uu tusay sawir lagu sheegay Nabi Maxamed N.N.K.H. Samuel Patty waxaa lagu gowracay wado ka tirsan caasimadda Faransiiska ee Paris. Macron hadalkii uu jeediyay 21-kii bishan October, wuxuu ka careysiiyay qaar ka mid ah siyaasiyiin iyo shacabka dalal ka mid ah dunida Islaamka. Isniintii, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan wuxuu sidoo kale ku baaqay in la qaadaco alaabada Faransiiska. Khudbad uu teleefishinka ka jeediyay, Erdogan wuxuu ugu baaqay hogaamiyeyaasha caalamka inay difaacaan muslimiinta waa haddii ‘Farasniiska ay ka dhacaan tacaddiyo ka dhan ah islaamka’ Erdogan wuxuu si caro leh u dhaleeceeyay hadalka kasoo baxay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ee ku aadan difaacidda fikradaha cilmaaniga. Laakiin dowladaha Yurub oo dhan waxay u soo baxeen taageerida Mr Macron waxayna cambaareeyeen hadalada Mr Erdogan ee ku saabsan hogaamiyaha Faransiiska. Maxaa ka dhacay magaalada Dhaka? Booliisku waxay ku qiyaaseen in ilaa 40,000 oo qof ay ka qeybgaleen socodkan, oo ay soo qabanqaabiyeen xisbiga Islami Andolan ee Bangladesh, oo ka mid ah xisbiyada Islaamiga ah ee ugu waaweyn Bangladesh. Dibadbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayay “Qaadac alaabooyinka Faransiiska” waxayna ku baaqayeen in madaxweyne Macron la ciqaabo. “Macron waa mid kamid ah hogaamiyaasha kooban ee caabuda Shaydaanka,” hogaamiyaha sare ee Islami Andolan Ataur Rahman ayaa u sheegay dibad baxayaasha. Wuxuu ku booriyay dowladda Bangaladhesh inay dalkeeda ka saarto safiirka Faransiiska. “Faransiisku waa cadowga Muslimiinta, kuwa iyaga matalaana sidoo kale waa cadawgeenna,” ayuu yidhi Nesar Uddin oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha xisbiga. Booliska ayaa adeegsaday silig adag si ay u xiraan waddo qiyaastii seddex mayl (5km) u jirta safaaradda Faransiiska, iyaga oo ka fogeeyay socodka. Wasaaradda arrimaha dibedda ee Faransiiska ayaa soo saartay digniin ku socota muwaadiniinteeda ku sugan Indonesia, Bangladesh, Iraq iyo Mauritania – oo ah waddamada mudaharaadyada ay ka dhaceen – waxayna kula talisay inay taxaddar muujiyaan. Wasaaradda arrimaha dibedda ee Faransiiska ayaa soo saartay digniin ku socota muwaadiniinteeda ku sugan Indonesia, Bangladesh, Iraq iyo Mauritania – oo ah waddamada mudaharaadyada ay ka dhaceen – waxayna kula talisay inay taxaddar muujiyaan. Maxay arrintani salka ku haysaa? Waxay arrintani imaaneysaa kaddib markii 16-kii bishan Oktoobar gudaha Faransiiska lagu dilay macalin la oran jiray Samuel Paty. Ka hor dilka macalinkaas, Madaxweyne Macron wuxuu islaamka ku tilmaamay diin qalalaase ku jirta isla markaana wuxuu ku dhawaaqay qorshe uu ku sheegay in uu kaga hortagayo ‘Islaamiyiinta doonaya gooni u goosadka” Faransiiska waxaa ku nool muslimiinta ugu badan ee ku sugan galbeedka Yurub, dadka qaar waxay ku eedeynayaan in uu adeegsanayaan tallaabooyin uu ku bartilmaameedsanayo islaamka. Falcelinada kale ee hadalka Macron Sacuudi Carabiya ayaa soo saartay bayaan rasmi ah oo ay ku cambaareyneyso kartoonadii nebi Muxamed NNKH, laakiin ma aysan xusin Faransiiska magacooda. Bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ayaa lagu sheegay in waddanku “uu ka soo horjeedo isku day kasta oo lagu doonayo in la isla xiriiriyo Islaamka iyo argagixisada” iyada oo intaas ku dartay in sidoo kale “ay cambaareyneyso dhammaan falalka argagixisanimo, iyada oo aan loo eegin dambiilaha”. Hogaamiyaha Chechnya Ramzan Kadyrov ayaa ku eedeeyay Mr Macron inuu kicinayo muslimiinta, asaga oo sheegay in madaxweynaha faransiiska asaga laftiisu uu umuuqdo argagixiso. Ra’iisul wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka Axadii ku eedeeyay madaxweynaha Faransiiska inuu “weerarayo diinta Islaamka”, halka wax soo saarka Faransiiska laga saaray dukaamada qaar ee Kuwait, Urdun iyo Qadar. Waxa kale oo mudaharaadyo ka dhaceen dhawr wadan oo kale oo ay ka mid yihiin Ciraaq, Libya iyo Syria. Si kastaba ha noqotee, hoggaamiyeyaasha Yurub ayaa muujiyay taageerada ay u hayaan Faransiiska. Jarmalka wuxuu ka hadlay in “midnimo” loo muujiyo Mr Macron kadib hadaladii Mr Erdogan, iyadoo afhayeenka dowlada Steffen Seibert uu ku tilmaamay hadaladaas kuwo sumcad dil ah sidoo kalana aan “gabi ahaanba aan la aqbali karin”. Dhanka kale Raiisel wasaaraha Holland Mark Rutte ayaa sheegay in Netherlands ay “si adag u garab taagan tahay Faransiiska iyo qiyamka wadajirka ah ee Midowga Yurub”, halka Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte uu isna “midnimo buuxda” u muujiyay Mr Macron. Xigasho:BBCSomali

List of new 90 HirShabelle state MPs unveiled in Jowhar

Wednesday October 28, 2020 JOWHAR (HOL) - The state electoral committee in HirShabelle has announced the newly selected members of parliament. The 90 MPs were selected by clan elders who have meeting in the temporary state capital Jowhar. Out of the 90 MPs, only six are female. Former speaker Sheikh Osman Mohamed and his deputy Hussein Gedi did not make a comeback in the selection which is based on clan and sub-clan distribution. Ads By Google The new lawmakers will now be sworn in before they settle to elect a new president. The state elections come barely a month before the country proceeds to elect a new Federal Parliament and subsequently a president advertisements   Nativists in St. Cloud have told refugees they’re not welcome. One refugee wants to teach them a better greeting: ‘See tahay?’—‘How are you?,’ in Somali. - Sahan Journal Moving to My Parents’ Homeland Helped Me Find Belonging - Conde NastTraveler Culture of impunity in Somalia continues to grow - AFEX Naima Ibrahim wins 2020 Heyman Mentorship Award - Books&Pub 8th Circuit rules that TPS holders eligible for green card - HOL UN issues alert on new wave of desert locusts in Somalia - Xinhua Finland’s Somali community uses soap opera and TV talk show in coronavirus awareness push - News Now Finland Somali peace activist Ilwad Elman receives German Africa Prize 2020 - Dw

Sawir: Mohamed Salah Oo Wal-Wal Ku Abuuray Taageerayaasha Kooxdiisa Ka Hor Kulanka West Ham, Dhaawac Ayaa Soo Gaadhay.

Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa wal-wal ku riday kooxdiisa kadib kulankii champions League ee ay ka badiyeen kooxda Midtjylland. Mohamed Salah ayaa ka...

Stay Connected

20,932FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Banaanbaxyo looga soo horjeedo Madaxweynaha Faransiiska oo ka bilowday Muqdisho iyo Gobolada Dalka.

Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya iyo Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Maanta ka bilaawday banaanbaxyo waaweyn oo looga soo horjeedo Aflagaadadii Nebiga (NNKH) uu u geystay Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron. Boqolaal Ruux oo isugu jira, Haween rag iyo qaar ka mid ah Ardayda wax ka barata Iskuulada magaalada Gaalkacyo ayaa waxay Maanta halkaasi ka dhigayaan banaanbax ay uga soo horjeedaan Aflagaadadii Nebiga (NNKH) uu u geystay Madaxweynaha Faransiiska. Banaanbaxayaasha ayaa qaarkood waxay gubeen sawirka Madaxweynaha Faransiiska , iyaga oo ku dhawaaqayay Erayo ka dhan ah Madaxweynaha Faransiiska iyo wadamada Reer Galbeed. Boqolaal ruux oo ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxay banaanbax ka wadaan wadooyinka waaweyn ee Magaalada Muqdisho, iyaga oo si adag uga soo horjeeda hadalkii Madaxweynaha Faransiiska. Dhanka kale inta badan dalalka Islaamka ayaa waxaa ka dhacaya banaanbaxyo xoogan, iyada oo dhamaan banaanbaxyada lagu gubay sawirka Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron. Facebook Twitter Google+ Pinterest WhatsApp Previous articleAl-Shabaab oo dagaal xooggan ku qaaday Waajid iyo Saacado kooban oo ay maamulaysay Degmadaasi.

Wargeys Faransiiska oo Sawir Ceebeyn ah ka sameeyay Madaxweynaha Turkiga & Xiisad cusub oo…

Wargeys kasoo baxa dalka Faransiiska ayaa sawir-gacmeedo ceebeyn iyo jeesjees ah ka sameeyay muuqaalka Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan. Wargeyska ‘Charlie Hebdo‘ oo ah isla wargeyskii sawir-gacmedyada aflagaadada ah ka sameeyay Rasuulka SCW ayaa daabacay Arbcadii sawir-gacmeed lagu bedelay muuqaalka Madaxweynaha Turkiga oo si xun loo ekeysiiyey. Ad Arrintan ayaa uga sii dartay xiisadda ka dhex taagan dalalka Faransiiska iyo Turkiga, waxaana falkan cambaareeyay Afhayeenka Madaxtooyada Turkiga Ibrahim Kalin oo sheegay in weerarka madaxda aanu ahayn xoriyad, balse ay tahay damiir xumo iyo dadnimo xumo meeshii ugu liidatay. “Waxaan si adag u cambaareyneynaa wargeyska Faransiiska ee daabacay muuqaallada madaxweynaheena.. ma jirto cid uu xushmad u hayo.. waxay na tusiyeen akhlaaq xumidooda iyo sida ay niyada uga dhigteen..” ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Turkiga. Sawir-gacmeedka wargeyska Charlie Hebdo ayaa oo wejiga hore kusoo baxay ayaa muujinayey Erdogan oo fadhiya isagoo xiran funaanad yar iyo Nigis, gacantana ku haya cabitaan ayna dhinac fadhido haweeney xijaab xiran. Dunida muslimka ayaa waxaa ku sii xoogaysanaya bannanabaxyada iyo qaadicidda alaabta lagu sameeyo Faransiska oo caado ka dhigtay afladaadada diinta islaamka iyo Nebi Muxamed NNHK. Warar Xul ah