Tuesday, November 24, 2020

Ethiopia Huge Supporter of the UN

ADDIS ABABA (HAN) September 22. 2020. Public Diplomacy and Regional Stability Initiatives News. Monitoring Regional Issues. Prime Minister Dr Abiy Ahmed said Ethiopia will remain committed to the ideals of the United Nations (UN). He made the remark at the High-level meeting to commemorate the 75th anniversary of the UN held under the theme, ‘The […]

Related Articles

Dawladda Maraykanka oo Ka hadashay Khilaafka Gudida Doorashada ee Somalia

November 24, 2020 | Published by: yaska New York (OWN)  Ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Qaramada Midoobay, Kelly Craft ayaa ka hadashay xaaladda Soomaaliya & arrimaha doorashada soo socota, gaar ahaan dooda ka taagan guddiyada doorashooyinka. Kelly Craft oo hadal ka jeedisay kulan ay golaha ammaanka ee QM ka yeesheen xaaladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay muhiim tahay in ay wada-hadallo yeeshaan hoggaanka dowladda federaalka iyo xubnaha mucaaradka, si xal wadajir ah loo gaadho. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in loo baahan yahay in doorashadu ay noqoto mid wada-ogol ah oo ay u dhan yihiin dhinacyada oo dhan. Ergeyga gaarka ah ee dowladda Mareykanka u qaabilsan Qaramada Midoobay oo hadalkeeda sii wadata ayaa tusaale u soo qaadatay muranka ka taagan guddiyada maamulaya kuraasta Somaliland ee baarlamaanka oo haatan si weyn la’isugu hayo. “Waxa aan u jeedinayaa DFS & Dowladaha xubnaha ka ah in ay sii wadaan wada-xaajoodyadda lagu saldhigayo Geedi socodka Doorashada 20/21, wax waliba waa in ay noqdaan mid wada ogol & is faham ku dhamaada, sida gudiyada maamulaya kuraasta Somaliland ee baarlamaanka,” eye fishingKelly Craft. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo Soomaaliya laga dareemayo xaalad siyaasadeed oo ku aadan doorashooyinka dalka, waxaana haatan gudaha magaalada Muqdisho ka socdo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo shirar ay leeyihiin Hoggaamiyeyaasha mucaaradku

Muxuu kusoo Arkay Maanta Ra’iisal wasaare Rooble Xarunta Taliska ciidanka 60-aad?

Ra”iisul wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Eng Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa si wadajir ah Ukormeerey Xarunta Taliska Qeybta 60aad Ciidanka Xooga Dalka iyo Dugsiga Taabbarka Ciidanka Dowlada UK ee Magaalada Baydhabo. Waxay dhageysteen warbixin saraakiisha ciidanka islamarkaana lagu bogaadiyey howsha adag ay Qaranka uhayaan. Weli Ra’iisal wasaare Rooble ayaa kusugan Baydhabo Janaay uu Kulamo gaar gaar ah kawado.

Stay Connected

21,078FansLike
2,452FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Dowladda UK oo war kasoo saartay muranka doorashada Soomaaliya, farriinna u dirtay madaxda DF

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda UK ayaa si adag uga hadashay khilaafka weyn ee ka taagan guddiyada doorashada Soomaaliya ee la filayo inay dhawaan dalka ka dhacdo, kuwaasi oo ay kasoo horseejteen musharaxiinta madaxweynaha ee mucaaradka Dowladda UK ayaa madaxda iyo hoggaanka dalka ugu baaqday inay furaan saaxadda siyaasadda, islamarkaasna ay ogoladaan aragtiyada kala duwan ka hor inta aan la gaarin doorashada 2020-21. Diblumaasi ka tirsan howlgalka UK ee Jamciyadda Qurumaha ka dhaxeysa laguna magacaabo James Roscoe oo Shalay hadal ka jeediyey shirkii arrimaha Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ayaa ku baaqay in codeynta doorashada Soomaaliya ay noqoto mid xalaal ah, islamarkaasna ay raali ka wada yihiin dhammaan dhinacyada siyaasadda isku haya. “Iyaddoo Soomaaliya isku diyaarineyso in ay guda gasho geedi u socod doorashooyin, hogaamiyeyaasha Soomaaliya waxaa waajib ku ah in ay furaan saxaada siyaasadda ayna ogolaadaan in la cabiro fekrado kala duwan,” ayuu yiri Roscoe. Sidoo kale Roscoe ayaa ku baaqay in laga wada shaqeeyo in ammaanka uusan faraha ka bixin inta ay socoto doorashada, si aysan taas fursad ugu noqon kooxda Al-Shabaab oo ka dagaalanto gudaha Soomaaliya. Ugu dambeyntii Roscoe oo ka hadlayey weerarada laga beegsado kooxaha samafalka ee ku sugan gudaha Soomaaliya iyo waxyeelada loo geysto dadka shacabka ah ayaa sheegay inay arrintaas walaac weyn ku heyso isla markaasna ay mudan tahay in si adag wax looga qabto. “Isku-duubni caalami ah waxay muhiim u tahay in Soomaaliya looga taageero wax ka qabashada dhibaatooyinka bini’aadanimada,” ayuu ku daray. Shirka Qaramada Midoobay oo u dhacay qaab Online ah, waxaa ka hadlay labada ergay ee Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika James Swan iyo Francisco Madeira oo labaduba ka hadlay doorka ay kaga jiraan taageerista geeddi-socodka xasilinta iyo dawladnimada Soomaaliya. Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ugu dambeyntii shirkaas hadal ka jeediyey ayaa ka hadlay heshiiskii ay gaareen madaxda dalwadda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ee ku saabsan doorashada Soomaaliya. Waxa uu sheegay inay Soomaaliya ka go’antahay qabashada doorashada baarlamaanka dabayaqaada sannadkan, iyo doorashada hoggaanka horraanta sannadka soo socda.

Dowladda Biden: Haweeneyda la kulantay Xasan Sheekh ee hadda xilka sare loo magacaabayo

19 Daqiiqadood ka horXigashada Sawirka, .Madaxwaynaha la doortay ee Mareykanka, Jeo Biden, wuxuu billaabay in uu soo dhiso xukuummaddiisa, si ay shaqada u bilowday isla marka uu xilka la wareego, waxaana ka soo muuqanaya wajiyo horey ula soo shaqeeyay maamulkii madaxwayne Obama.Ilo wareedyo ku dhaw Biden ayaa sheegaya in Linda Thomas-Greenfield, oo horey u ahaan jirtay Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha dibadda ee Afrika, ayaa loo magacaabayo safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay.Haweeneydan ayaa Soomaaliya booqatay bishii December ee sannadkii 2013-kii, xilligaas oo ay la kulamtay wasiirkii Arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo madaxweynihii xilligaas, Xasan Sheekh maxamuud. Sidoo kale, waxay ka mid ahayd wafdi uu hoggaaminayay Xoghayihii arrimaha dibadda ee Mareykanka John Kerry oo Muqdisho tagay bartamihii sannadkii 2015-kii. Waxay xilligaa la kulmeen Madaxweynihii hore, Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxdii maamul goboleedyada. Waxaa kullankaas ku wehliyay Ra'iisul Wasaarihii xilligaa Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo ururada bulshada rayidka ah.Waa tumaa Linda Thomas-Greenfield?Linda Thomas-Greenfield waa dublamaasi Mareykan ah oo ka soo jeeda gobolka Louisiana.Xigashada Sawirka, U.S State Department Waxay dhalatay 1952, waxayna wax ka baratay Jaamacadda Louisiana State, halkaasi oo shahaadada kobaad iyo tan labaad-ba ay ka qaadatay.Sanaddii 1975, waxay shahaadada Mastarka ka diyaarisay maadada Maamulka iyo Maareynta Jaamacadda Wisconsin, halkaasi oo sidoo kale markii dambe ay ka qaadatay shahaadada PhD.Linda Thomas-Greenfield waxay muddo 35 sano ka soo shaqeynaysay siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka.2013 illaa 2017, waxay ahayd qofkii Arrimaha Afrika u qaabilsanaa Xoghayaha Arrimaha dibadda ee Mareykanka, waxayna xilka ka degtay markii Trump la doortay. Sidoo kale, 2012-kii illaa 2013, waxay ahayd Agaasimihii Guud ee xafiiska howlaha dibadda ee Mareykanka.. Waxay soo qabatay xilal kale oo safiirnimo ay ka mid tahay. Wadamada ay sida gaarka ah uga shaqeysay waxaa ka mid ah Liberia.Xilligii maamulkii madaxwayne Obama Greenfield waxay ahayd ku xigeenka xoghayaha arrimaha Afrika u qabilsan dowoladda Mareykanka.Waxay sidoo kale mar soo qabaty xilka agaasimaha guud ee wasaarada arrimaha dibadda.Thomas-Greenfield ayaa dhanka kale waxay mar ahayd safiirkii Mareykanka ee dalka Liberia.Waalidinteeda ayaa la sheegay in dhanka waxbarshada aysan heer sare ka gaarin.