Tuesday, November 24, 2020

Erdogan iyo Boqor Salman oo is-faham gaaray

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa kala hadlay boqor Salmaan-ka Sacuudiga sidii lagu xoojin lagaa xiriirka labada dal, oo aad u xumaaday wixii ka dambeeyey dilkii weriye Jamaal Khaashuqji, sida uu sheegay xafiiskiisa.

Wada-hadalka labada hoggaamiye oo ku dhacay qadka taleefonka ayaa yimid ka hor shirka dalalka G20 ee Riyadh oo qaab online ah u furmay shalay.

“Madaxweyne Erdogan iyo boqor Salmaan waxay isku raaceen inay sii furnaadaan marinada wada-hadallada, si sare loogu qaado xiriirka labada dhinac, islamarkaana xal loogu helo arrimaha taagan,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada Turkiga.

Turkiga iyo Sacuudiga ayaa muddo ku loolamayey hoggaanka dunida Muslimka, hase yeeshee xiisadda ka dhex oogan ayaa cirka gashay markii qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul lagu dhex dilay weriye Jamaal Khaashuqji, bishii October 201.

Kiiskan ayaa dhaliyey dhalleeceyn caalami ah, wuxuuna si weyn u dhaawacay sumcadda dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohamed Bin Salman, kaasi oo lagu eedeeyey inuu ka dambeeyey dilka, eedyentaas oo Bin Salman uu beeniyey.

Erdogan ayaa sheegay in amarka lagu dilay Khaashuqji, oo ahaa weriye Sacuudiyaan ah, uu ka yimid mas’uuliyiinta sare ee Sacuudiga, hase yeeshee si toos ah uguma eedeyn Mohamed Bin Salman.

REUTERS

Related Articles

Sacuudiga oo si cad u inkiray kulankii dhexmaray Netanyahu & Bin Salman

Wasiirka Arrimaha Dibedda Sacuudiga ayaa si kulul u beeniyey warar ay baahiyeen warbaahinta qaar oo sheegayey in ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu uu Axaddii socdaal qarsoodi ah ku tegay dalkaas, lana kulmay dhaxal-suge Maxamed Bin Salman. “Waxaan arkay wararka warbaahinta ee ku saabsan kulan la sheegay inuu dhex-maray dhaxal-suge Maxamed Bin Salman iyo saraakiil Israa’iiliyiin […]

Sidee Ayay Xiddigaha Arsenal Uga Fal eliyeen Kaadhkii Casaa ee Nicolas Pepe

Xiddiga Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay si weyn ugu xanaaqeen xiddiga Nicolas Pepe kaas oo kaadhka cas ee tooska ah qaatay kulankii Leeds United. Xiddiga ugu qaalisan kooxda Arsenal ee Pepe ayaa seegaya 3-da kulan ee soo socota kadib markii uu madax ku dhuftay xiddiga kooxda Leeds United ee Ezgjan Alioski kulankii ay Arsenal bar-baraha 0/0 la gashay Leeds United. Xiddigaha Arsenal ayaa la sheegayaa in ay si weyn uga xanaaqeen xiddiga kadib markii qaatay kaadhka cas taas oo sabab u noqotay in ay Arsenal guul ka gaadhi waydo Leeds United. Nicolas Pepe ayaa raali galin ka bixiyay dhacdada laakiin waxa la sheegayaa in ay xiddigaha kooxdu si weyn uga xanaaqeen markii ay aadeen qolka Labiska ciyaarta kadib.

Wararkii ugu dambeeyey askari qoyskiisa ku qarxiyey Muqdisho iyo khasaaraha ka dhashay

Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa faahfaahin dheeraad ah laga helayaa weerar uu xalay askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya u geystay qoyskiisa kadib markii uu bam gacmeed ku qarxiyey xilli ay ku sugnaayeen gurigooda oo ku yaalla degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir. Falka uu askarigaan geystay ayaa yimid kadib markii isaga oo soo cabay waxyaabaha maanka dooriya uu xalay gurigiisa tagay kadibna uu muran soo kala dhex galay isaga iyo qoyskiisa, taasoo ugu dambeyn keentay inuu ku qarxiyo Bam Gacmeed, waxayna goob joogayaal sheegeen in dhammaan qoyska ay ku sugnaayeen hal qol oo guriga ka tirsan. Weerarka uu askarigaan u geystay qoyskiisa ayaa wuxuu ka dhacay Xaafadda Cali Kariim, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac . Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaan ku dhintay 4 qof oo ay ku jirtay hooyada dhashay askariga lagu eedeeyey inuu falka geystay, sidoo kalana dadka dhintay waxaa ku jiro wiil uu dhalay askariga. Sidoo kale qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay 9 qof oo uu ku jiro askarigii falka geystay, walaalihiis, adeerkiis iyo xubno kale oo ka tirsan qoyskiisa, waxaana lasoo sheegayaa in dhaawaca askariga uu yahay mid aad u daran. Askariga falka geystay oo lagu magacaabo Nuuraaye ayaa waxaa lasoo sheegayaa inay gacanta ku dhigeen ciidamada Dowladda isagoo dhaawac ah. Dhacdadaan ayaa waxay la yaab ku noqotay dadka dariska ah iyo dhammaan kuwa Muqdisho dagan, mana ahan markii ugu horeysay oo askari ka tirsan ciidamada Dowladda uu geysto fal noocaan oo kale ah, waxaana ugu dambeysay falkii uu askari ka tirsan Ciidamada Dowladda rasaas xoogan ugu furay qoys uu Gabar ka qabay. Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber

Stay Connected

21,080FansLike
2,452FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Joe Biden oo magacaabay xilal muhiim ah

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa waxa uu magacaabay xilal muhiim ah oo uu ka mid yahay Xoghayaha Arrimaha Dibadda. Xilka Xoghayaha Arrimaha Dibbada ayaa loo magacaabay Antony Blinken oo hore u soo noqday ku xigeenka Xoghayaha Arrimaha ee Mareykanka iyo ku xigeenka la taliyaha ammaanka qaranka ee maamulkii madaxweyne Barack Obama. Blinken ayaa sidoo kale waxa uu hore u soo qabtay xilal sarsare oo arrimaha dibadda la xiriira oo uu ka soo kala qabtay Capitol Hill, Aqalka Cad iyo Wasaaradda Arrimaha Dibaddaba. Waxaa la filayaa inuu maamulo ajandaha siyaasadda arrimaha dibadda ee Joe Biden taas oo markale diiradda lagu saari doono sidii wadashaqeyn dhow uu dalkaas ula yeelan lahaa xulafada reer Galbeedka. Xilalka kale ee muhiimka ah ee uu magacaabay Joe Biden oo weli loo dhaarin xilka madaxtinimada dalka Maraykanka ayaa waxaa ka mid ah Madaxa Sirdoonka Qaranka CIA oo uu u magacaabay Avril Haines waana haweenaydii ugu horraysay ee agaasime ka noqota sirdoonka qaranka. Ms Haines waxa ay hore ku xigeen ugu soo noqotay agaasimaha CIA-da iyo lataliye ku xigeenka ammaanka qaranka. Alejandro Mayorkas ayaa loo magacaabay xoghayaha ammaanka gudaha waana qofkii ugu horreeyay ee Latino ah oo loo magacaabo inuu noqdo Xoghayaha Ammaanka Gudaha. Waxa uu hore u soo noqday ku xigeenka xoghayaha ammaanka gudaha ee maamulkii madaxweyne Obama. Jake Sullivan waxaa loo magacaabay lataliyaha ammaanka qaranka ee Aqalka Cad. Mr Sullivan waxa uu muddo xileedkii labaad ee Mr Obama, Biden u soo noqday lataliyaha ammaanka qaranka. Linda Thomas-Greenfield waxaa loo magacaabay danjiraha Mareykanka u fariinsan doonta Qaramada Midoobay.

Shariif Xasan;”Doorasho Hal Wareeg waa diidanahay xalna kuma imanayo.”

Facebook Twitter WhatsApp Linkedin LINE Madaxweynihii hore ee Koofurgalbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka mid ah musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka sheegay shirka musharaxiinta ugaga socdo magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay war uu dhowaan ka soo yeeray ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed. Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa aad u dhaliilay hadal uu dhowaan sheegay Ra’iisul Wasaare ku xigeen Khadar ayaa sheegay in doorashooyinkii Baydhabo,Dhuusamareeb iyo Jowhar ay ahaayeen kuwo aan si sax ah loo maamulin. “Saddex wareeg ayaan arki jirney iyadoo la baahdo loo oomo,hal wareeg waa diidanahay,xalna kuma imanayo hal wareeg intaa waa la xishoonayay waxaana l adiidanaa in siyaalihii hore la soo maray la aado.”ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan. Sidoo kale Shariif Xasan ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uusan diyaar u ahayn in lala tartamo oo uu doonayo in kaligiis uu tartamo. “Waxaan aaminsanahay in saaxibkey in doorasho lala glao ma rabo isagaa jaakad toshay isaga kaligii la eg in jaakad dadka oo dhan la eg la tolaan rabaa dalkana sidaa ayaa u dan ah.”ayuu sii raaciyay Shariif Xasan Sheekh Aadan. Shariif Xasan waxa kale oo uu ka hadlay guddiyada doorashada waxana uu ku taliyay in guddiyo sidii la arki jirey la sameeyo isagoo xusay in arrinta guddiyadana ay tahay mid Madaxweynaha u gaar ah. Kulan ay ka qeybgalayaan inkabadan toban musharax madaxweyne ayaa maalintii afaraad waxa uu ka socdaa hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho iyadoo lagu wado in kulankaa maanta la soo gabagabeeyo lagana soo saaro warmurtiyeed ka hadlaya arrimaha doorashooyinka dalka. Facebook Twitter WhatsApp Linkedin LINE Previous articleJoe Biden oo magacaabay xilal muhiim ah