Tuesday, October 20, 2020

Ed Woodward oo diyaar u ah inuu shaqada ceyriyo Macallinka Man United ee Ole Gunnar Solskjaer

(Manchester) 11 Okt 2020.  Guddoomiye ku xigeenka fulinta Man United ee Ed Woodward ayaa lagu soo warramayaa inuu diyaar u yahay inuu shaqada ka ceyriyo tababaraha kooxda ee Ole Gunnar Solskjaer haddii qaab ciyaareedka xun ee kooxda uu sii socdo.

Red Devils ayaa labo guuldarro la kulantay saddexdeedii kulan ee ugu horreysay horyaalka Premier League fasal ciyaareedkan 2020-21, waxaana guuldarrooyinkaas qeyb ka ahayd xasuuqii 6-1 oo ay kala kulmeen Tottenham Hotspur.

Sida ay warinayso Jariiradda The Mirror, Woodward ayaan ka labalabeyn doonin ceyrinta weeraryahankii hore ee kooxda haddii uusan macallinkan awoodin inuu la yimaado isbedel toddobaadyada yar ee soo socda.

Warbixinta ayaa dhanka kale sheegeysa in Mauricio Pochettino ay weli diiradda ku hayso kooxda 20-ka jeer ku guuleysatay horyaalka Ingariiska, iyadoo ninka reer Argentina uu diyaar u yahay inuu yimaado haddii loogu yeero inuu bedelo booska Solskjaer.

Man United ayaa isha ku haysa inay ku soo laabato waddada guusha markii ay u safrayaan Kooxda Newcastle United 17-ka bishan October, ka hor inta aysan saddex maalmood kaddib la ciyaarin Naadiga Paris Saint-Germain tartanka Champions League.

Natiijooyin adag ayay kooxdu arki doontaa dhammaadka bishaan, waxaana ay sidoo kale wajahaysaa Chelsea iyo RB Leipzig kulamada horyaalka iyo Champions League sida ay u kala horreeyaan, halka Novermber ay ku furanayso kulan gurigooda ah oo ay la ciyaarayaan Arsenal oo dib loo soo nooleeyay.

Gool FM.

Related Articles

Shaxda Laga Yaabo In Ay Man United Caawa Kaga Hor Tagto PSG.

Kooxda Man United ayaa caawa la ciyaari doonat kooxda PSG kulan adag oo ka tirsan wareega Group-yada tartanka champions League. Man United ayaa booqanaysa garoon ay xasuus fiican ku leedahay kadib markii ay soo laabashadii cajiibka ahayd samaysay sanadkii ugu dambaysay champions Leageu. Laakiin Man United ayaa kulanka gali doonta iyada oo ay ka maqan yihiin xiddigo muhiim ah kuwaas oo sababo kala duwan ku seegi doona kulanka. Kabtanka ahna daafaca kooxda ee Harry Maguire ayaa kulanka ku seegi doona dhaawac ka soo gaadhay kulankii uu xulka qaranka England u ciyaaray. Dhanka kale waxa wali kulankiisii ugu horeeyay sugi doona xiddiga Edinson Cavani kaas oo aan dhankiisa la safrin xiddigaha kooxda Man United. Hadaba Halkan Kaga Bogo Shaxda Laga Yaabo In Ay Man United kaga hor tagto PSG caawa.

United Oo Ka Taqaluseysa Mid Ka Mid Ah Daafacyadeeda , Horyaalkee ayuu Aadayaa ?

LONDON, ENGLAND - JANUARY 13: Phil Jones of Manchester United hugs teammate Luke Shaw after the Premier League match between Tottenham Hotspur and Manchester United at Wembley Stadium on January 13, 2019 in London, United Kingdom. (Photo by Chris Brunskill/Fantasista/Getty Images) Man United ayaa la xaqiijiyay in ay go`aansatay in January ay iska iibiyaan mid ka mid ah daafacayada kooxdaasThe Sun ayaa qoreysa in macalin Ole Gunner uu siiyay maamulka sare ee kooxda in laga taqaluso Phil Jones oo isla gudaha Ingiriiska laga doonayo Sida wargeyskaas uu qorayo United ayaa ku qiimeystay Jones aduun dhan 20 milyan oo gini waxa uuna qanadaraaskiisa dhacayaa xagaaga 2023-ka Kooxda Fulham ayaa haatan ugu cad kooxaha doonaya laacibkaas , kaliya waxa welka ku abuuraya ayaa ah dhanka mushaarka uu ka qaato United Laacibkaas ayaa u muuqda mid qorshayaasha macalin Ole Guner ka baxay mana jirto illaa iyo haatan wax kulan oo uu u saftay kooxda xilli ciyaareedkaan Jones oo 28 sano jir ah ayaa xilli ciyaareedyadii la so dhaafay ka sheeganayay dhaawac soo noq-noqday oo jilibka ah taasi oo saameysay heer ciyaareedkiisa

Stay Connected

20,879FansLike
2,388FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

Latest Articles

Ciidamada AMISOM oo toogtay haweeney ay horey u dileen Sayigeeda

Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber Jowhar (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Sh/ Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii ciidamada AMISOM ay dil ka geysteen duleedka degmada Mahadaay ee gobolkaasi. Dilka oo loo geystay haweeney ka mid aheyd dadka deegaanka ayaa yimid, kadib markii ciidamada AMISOM qarax miino lagula eegtay deegaanka Buurane ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo la sheegay inuu khasaare kala duwan ka soo gaaray. Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM ay geysteen falkaasi, kadibna ay goobta isaga dhaqaaqeen. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamadii ka dambeeyey dhacdadaasi ay haweeneyda geeriyootay ugu tageen gurigeeda, kadibna ay toogteen. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in marxuumadda la dilay ay korineysay caruur Agoon ah oo ay Aabahood horey u dileen ciidamada AMISOM, kadib markii ay haleeshay rasaas habow aheyd, kadib markii sidan oo kale qarax loola eegtay ciidamadaasi. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka HirShabelle iyo saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan dhacdadaasi xanuunka badan. Ciidamada AMISOM oo ka howl-galka meelo kala duwan oo dalka ka mid ah ayaa had iyo jeed dilal iyo tacadiyada kale u geystay dadka rayidka ah ee aan waxba galabsanid. Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Linkedin Email Print Viber